Cadde media

Cadde media cadde media

06/05/2024

GABAYO SARBEEB AH , OO CAJIIB AH QAMAAN BULXAN,FAYTE IYO RAG KALE. WAXA SOO JEEDINAYA AHMED FARAH ALI IDAAJAA.

Walaalaha muslimiinta ah waxaa laga codsanayaa  in Zakaatul Fitriga ay ugu deeqaan Xarunta Agoonta Qaran ee Gaalkacyo.Ug...
16/04/2023

Walaalaha muslimiinta ah waxaa laga codsanayaa in Zakaatul Fitriga ay ugu deeqaan Xarunta Agoonta Qaran ee Gaalkacyo.

Ugu dir wixi aad awoodo

Amal bank. 1011764271
Dahabshiil bank. GLKD003803
Taaj/Sahal. 0025906079141.

Khasaare lixaad leh oo malaayiin doolar gaaraya ayaa ka dhashay dab saacado badan socday oo xalay baabi'iyay Shirkada Al...
06/04/2023

Khasaare lixaad leh oo malaayiin doolar gaaraya ayaa ka dhashay dab saacado badan socday oo xalay baabi'iyay Shirkada Almacruuf Bosaaso.

Faah Faahin: Dabley Hubeysan ayaa xalay werar toos ah ku qaaday xarunta al-Macruuf Supermarkets ee magaalada Bosaaso,Kooxda Weerarka soo qaaday ayaa goobta ka baxsatay markii ay toogasho ku dileen waardiyihii, iyaga oo markaas ka dib bambooyin ku tuuray gudaha meheradda Koxda weeraka soo qaaday ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan oo ku aadan Tirada ay ahayeen balse ma jirto cid sheegi karta marka laga yimaado dadka qaar oo sheegaya in ay ahayeen 4 ruux oo ku hubeysaa Bastoolado.

Intaas ka dib, waxaa dab xooggani ka dhashay bambooyinkii lagu tuuray meheradda, kaas oo khasaare hantiyeed oo xooggan u geystay meheradda. Sidoo kale waxaa waxyeello kala duwani soo gaaray qaar ka mida shaqaalaha meheradda, oo qaarkood ay ku neef qabatoobeen dabkii xoogganaa ee ka bilaabmay meheradda.

Dabka aya baabi'iyay guud ahaan alaabtii taalay xarunta mana jirto Gurmad xoogleh oo xalay ay heshay shirkada almacruuf madama aan laga soo saarin ganacsigii yiilay xarunta.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka AsluubtaMuqdisho, Abril 06 2023---Shirka todobaadlaha ah e...
06/04/2023

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta

Muqdisho, Abril 06 2023---Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta, heshiisyo iyo siyaasado qaran oo muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aaden,oo ay soo jeedisey Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan ayaa aqoon iyo khibrad u leh arrimaha la xiriira waajibaadka Ciidanka Asluubta, kaas oo horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Dugsiga Labaatan -Jirow iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Gobolka Baay.

Golaha ayaa kulankoodii maanta ku meel-mariyey Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, Siyaasadda Habraaca Diyaarinta Hindise-sharciyeedyada iyo Gelidda Heshiisyada iyo Siyaasadda Qaran ee Qurba-Joogta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Golaha ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad oo la xiriira arrimaha maalgashiga iyo horumarinta dhallinyarada oo ay xukuumaddu gashay, kuwaas oo kala ah; Heshiis Is-Af-garad iyo iskaashi ee dhinacyada Maalgashiga, Aqoonta & Horumainta Xirfadaha oo ay gaareen (Soomaaliya & Suudaan) iyo Heshiis Is-Af-garad ee Arrimaha Dhallinyarada oo ay galeen ( Soomaaliya & Qatar).

Address

Streat 30

Opening Hours

Thursday 04:05 - 04:00
Friday 09:00 - 17:00

Telephone

+252905314550

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cadde media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Cadde media:

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Opening Hours
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share