Abdullaahi Yuusuf Caawiye

  • Home
  • Abdullaahi Yuusuf Caawiye

Abdullaahi Yuusuf Caawiye Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abdullaahi Yuusuf Caawiye, Social Media Agency, .

18/03/2022

Igula raaxeyso kalaam ka "alle subxaana watacalaa"

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Arsenal Thomas Partey ayaa maanta Islaamay Hambalyo Thomaspartey22!Xigasho astaan sp...
18/03/2022

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Arsenal Thomas Partey ayaa maanta Islaamay

Hambalyo Thomaspartey22!

Xigasho astaan sports!

Plz follow hala soo dhaho share yaan laga ilaawin.
23/02/2022

Plz follow hala soo dhaho share yaan laga ilaawin.

12/02/2022

Sharma'arke Abdinor ''Kiiskayga waxaa daboolay Sarkaal ka tirsan C.I.D-da ''

06/02/2022

scholarships

01/02/2022

Hogaamiyihi Guusha Iyo Farxada Nebi Muxammed Salalahu Calayhi Wasalam. ❤💯

Jumca wanagsan
28/01/2022

Jumca wanagsan

🇸🇴

Cumar Ibraahim Xaashi ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop #114 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maan...
23/01/2022

Cumar Ibraahim Xaashi ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop #114 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Kismaayo.

03/01/2022

M 182 z

Odayasha badbaado qaran
30/12/2021

Odayasha badbaado qaran

30/12/2021

Waa tallaabo kale oo mudan hambalyo iyo bogaadin hadalka ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed ( Xijaar ) ee ku saabsan in ciidanka Booliiska ka fogaadaan ku milanka khilaafaadka siyaasiga ah, ayna xoogga saaraan waajibkooda shaqo ee ay u dhaarteen oo ah ilaalinta nabadda iyo kala dambaynta.

Tani waxa ay muujinaysaa biseyl, waxa ayna xoojinaysaa dhismaha nabadda iyo wadajirka ciidanka.

Waxaan bogaadinayaa aadna u soo dhoweynayaa hadalka ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeeye Guuto Odawaa Yu...
29/12/2021

Waxaan bogaadinayaa aadna u soo dhoweynayaa hadalka ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ee ku aaddan in Ciidanka Qaranka ka fogaadaan ku milanka khilaafaadka siyaasadda, diiraddana saaraan la dagaalanka argagixisada, waa hadal sharciga waafaqsan kana mid ah baaqyadii aan jeedinay, Ciidanka waa in ay marwalba ka dhabeeyaan waxa ay u dhaarteen kana fogaadaan qaadasha amarrada qaldan.

28/12/2021
Dhufeyska Madaxtooyada!Ma rumeysan kartid, laakin December 2021-ka, xafiiska ra'isul wasaare Rooble oo ku dhexyaalla Vil...
28/12/2021

Dhufeyska Madaxtooyada!

Ma rumeysan kartid, laakin December 2021-ka, xafiiska ra'isul wasaare Rooble oo ku dhexyaalla Villada Somalia waxaa korkiisa saaran ciidamo ku hubeysan gartaallo iyo qalabka shubka lagu jabiyo, oo hubkooda waxuu ku fooraraa guriga Farmaajo oo100 mitir u jirta!

Farmaajo maanta k**a taliyo wax ka baxsan xafiiskiisa, mana heysto dad, waxaa saacadihii tagay dalka ka baxsaday gacanyarihiisa Fahad Yaasiin, iyada oo taliyeyaasha uu ku tashanayo ay noqon doonaan kuwa ugu h**eeya ee toogta haddii ay xabad bilaabato!

Waxaa intaas dheer, Farmaajo ma aha in ku xiran dhaqanka beesha uu ka dhashay oo la qabsan karo, luqada uu fahmayo waa in la kala adkaado, waa midda uu ku bixi doono isaga oo duleysan!

Gurbiye

Halkee Caawa Joogaan Ciidamada Bad-baado Qaran?! Waxaan goordhow la hadlay ciidamada Bad-baado ee difaaca qaranka iyo ce...
27/12/2021

Halkee Caawa Joogaan Ciidamada Bad-baado Qaran?!

Waxaan goordhow la hadlay ciidamada Bad-baado ee difaaca qaranka iyo ceyrinta keligii taliye Farmaajo, waxaa ka muuqatay farxad, dhiiranaan iyo iney arkaan Soomaaliya oo xor ah!

Meelaha ay joogaan:

Dhanka Koonfur Muqdisho waxaa xor ah oo ay gacanta ku hayaan sida ay sheegeen Hodan, Deyniile, Hawlwadaag, Madiino ilaa Waaberi, waxayna ciidanku caawa ku hoyanayaan xaafadaha 5-ta caleemood, Siigaale ilaa Sayid-ka, waxay 1.5 KM u jiraan hoyga Farmaajo!

Dhanka Bariga waxaa xor ah Huriwaa, Yaakhshiid, Kaaraan, Cabdicasis, Shibis, Shangani, halka ciidanka xaq-u-dirirka ay caawa joogaan Ceel-gaabta nus KM u jirta Villa Somalia!

Wararka ayaa intaa ku daraya in ra’isul wasaare loo magacaabay taliyaha guud ee ciidamada Bad-baado, waxaana latiyeyaal u ah, oo isku wareejiyey oo xalay ilaa iminka ay la joogaan rag uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo odeyaal isbadal-doon ah.

Ganacsatada iyo odeyaasha gobolka Banaadir ayaa Rooble ka dalbaday in aanu wax gorgortan ah la gelin keligii taliye Farmaajo, iyaguna ay diyaar u yihiin garab istaag.

Gurbiye

"Doorasho Haa, Afgambi Maya" Rooble
27/12/2021

"Doorasho Haa, Afgambi Maya" Rooble

"Madaxweynaha mudadhaafka ee xamar xukuma waynu aragnaa wuxuu sameynayo hadda Raysal wasaarihii ayay is khilaafeen, Dabk...
27/12/2021

"Madaxweynaha mudadhaafka ee xamar xukuma waynu aragnaa wuxuu sameynayo hadda Raysal wasaarihii ayay is khilaafeen, Dabkii uu ka shiday Boosaasana wuxuu soo gaadhay Hargeysa oo dhaawacii lagu dabiibaayo, Waxa ka soo socdana waynu garan karnaa, colaaddii uu nagu bilaabay iyo Soomaali halkuu kala geeyayna waan aragnaa".

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi.

27/12/2021

Ciidamo uu wato Wasiirka Amniga ayaa xirtay wadada Ceelgaabta oo ah wadada kaliya ee Madaxweynuhu isticmaalo marka uu Madaxtooyada ka baxayo.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii saaka Wasiirka Amniga laga hor-istaagay gelitaanka Madaxtooyada, laguna celiyay koontaroolka Taalada Xaawa Taako.

Waxaan cambaareynayaa afgambiga milatari ee uu isku dayay madaxweynihii h**e. Ummadda Soomaaliyeed waa ay soo jeeddaa wa...
27/12/2021

Waxaan cambaareynayaa afgambiga milatari ee uu isku dayay madaxweynihii h**e. Ummadda Soomaaliyeed waa ay soo jeeddaa waana feejigan tahay. Waxaan ku baaqayaa ilaalinta sharciyadda dimuqaraadiga ah ee uu dalka ku dhisan yahay & garab istaagga Ra'iisul Wasaaraha si dalka looga hirgeliyo doorasho

Warka ka soo baxay madaxweynihii h**e Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha  iyo isku dayg...
27/12/2021

Warka ka soo baxay madaxweynihii h**e Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah.

27/12/2021
27/12/2021
27/12/2021

Aan Kusoo Koobo Waxa Socda:

1. Farmaajo oo shaqada ka hakiyey ra'isul Rooble, kuna eedeeyey musuq iyo kutakrifal hanti dadweyne.

2. Farmaajo shaqo ka hakinta kadib, la wareegay xafiiska Rooble, una diiday isaga iyo shaqaalaha iney galaan.

3. Ciidamo taageersan Farmaajo oo laga saaray xeryaha lana geynayo hareeraha caasimadda, gaar ahaan labo Ex-control si looga hortago gurmad.

4. Ciidamada Farmaajo oo amar lagu siiyey iney la wareegaan xarunta Idaacadda iyo TV-ga, si uu shacabka ugala hadlo.

5. Cabdiraxmaan Al-cadaala oo ka warhelay damaca Farmaajo ayaa sheegay arrinka lagu heysto Rooble inuu yahay sharaci darro.

6. Maanta waxay aheyd inuu furmo shirkii wadatashiga, ee ra’isul wasaaraha ku baaqay, laakin isaga ayaaba xiran.

Gurbiye

26/12/2021

Degdeg: Mowliid Maxamed Mataan oo ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada dadban ee FEIT ayaa goordhow loo doortay inuu si KMG ah usii wado shaqada guddoomiyaha.

DEG DEGWasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur ayaa ku amray Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya in aanu safri ka...
26/12/2021

DEG DEG

Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur ayaa ku amray Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya in aanu safri karin Sarkaalka lagu magacaabo Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ah Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya.

Maareeye kuxigeenka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in la xiray illaa amar dambe Terminalka Movcon ee ay i...
25/12/2021

Maareeye kuxigeenka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in la xiray illaa amar dambe Terminalka Movcon ee ay isticmaali jireen Qaramada Midoobey, AMISOM iyo Safaaradaha reer Galbeedka, kaddib warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale waxaa lagu amray inay wixii hadda ka dambeeyay dhammaan duulimaadyada imaanaya iyo kuwa baxaya inay isticmaalaan Terminaalada qeybaha gudaha, caalamiga iyo qeybta VIP-da.

Qaadka: Maan-dooriye Ka Ganacsigiisa uu Keeno Eex iyo Musuq Gudaha iyo Qalalaaso Dibadda ah!Inkasta oo Mareykanka, Yurub...
24/12/2021

Qaadka: Maan-dooriye Ka Ganacsigiisa uu Keeno Eex iyo Musuq Gudaha iyo Qalalaaso Dibadda ah!

Inkasta oo Mareykanka, Yurub iyo dunida inta badan qaadka loo arko maandooriye halis ku ah nafta iyo nidaamka dowliga ah hadana Soomaaliya waa u cunto, laga ganacsado, sidaa ay tahayna si la mid ah nolosha kale ee dowladnimada, suuqa qaadka ma ah mid cid weliba geli karto, iyada oo la naas-nuujiyo shakhsiyaad iyo shirkado gaar, xataa kuwaas musuqa iyo eexda ku hela, marka laga reebo canshuurta ay bixiyaanna, waxaa lacag baad ah oo bille ah ama sanadkii ah ka qaada shakhsiyaad ka tirsan dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Xilli dowladda federaalka ah gaar ahaan wasaaradda maaliyadda ay sheegtay inuu suuqa furanyahay, loona tartami karo, hadana ma jirto meel lagu soo bandhigay shuruudaha, shirkado tartamay iyo kuwa la qaato intaba. Iyada oo suuqa qaadka oo ah mid madow, loolan xunna ka jiro dartii u adagtay in xogo madaxbannaan ama sax ah aad hesho, hadana sidaa ay tahay baaris aan sameynay waxaan ku ogaanay in labo shir keliya ay soo dejiyaan qaadka Hareeriga ee Itoobiya, iyaga oo qandaraaska ay heleen kadib markii la joojiyey qaadka ee Miraaga ee ka iman jiray dalka Kenya.

Qaar ka tirsan ganacsatada qaadka oo aan aragnay ayaa dood ka qaba sida loo maareeyey qandaraasyada qaadka Hareeriga iyaga oo nala wadaagay xogo muujinaya magacyada labo shirkad iyo shakhsiyaad ay leeyihiin waa loo xiray suuqa Hareeriga, marka canshuurta laga soo tago lacagta waxaa jira malaayiin doolar, oo ay kooxda Hareeriga ku bixiyaan si (1). Suuqa ugu xirnaado (2). In ay marriin ah u helaan ilaa maamul goboleedyada, waxaa arrintan ka faa’ida siyaasiyiin iyo hey’ado amni.

Dhankiisa, wasiir maaliyadda xukuumadda federaalka ah Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo horraantii sanadkan ka hadlay in kooxo gaar ah u xiran yahay ganacsiga Hareeriga waxaa uu yiri“Jaadkaa Hareeriga ah cidna uma xirna, cid kasta oo doontaa waa ay soo degsan kartaa, waxaa looga baahan yahay qofkii arrinkaas galo inuu sharaciga qaato, rukhsadda qaato, canshuurta bixiyo”.

5-tii sano ee ugu dambeysay oo uu maamulka Farmaajo aad ugu dhowaanayey dalka Itoobiya, ologna la noqday ra’isul wasaarahooda Abiy Axmed halka shey ee la arko waa in qaadka Hareeriga Itoobiya la siiyey suuq ganacsi, malaayiin doolarna ay ka heshao Adis Aababa halka taa badalkeeda aaney Soomaaliya ku badalan wax ganacsi ah.

Mashruuca qaadka Hareeriga lagu keenayo Soomaaliya waxaa hormuud ka ah shirkado gacansaar la leh maamulka hadda jira, shakhsiyaadka la siiyey qandaraaska ayaa qeyb ka mid ah waxaa ay horay u geyn jireen Itoobiya kalluunka Soomaaliya.

Inta aan warbixintan ku jirnay waxaan ogaannay, qaad kale oo ka yimaada Kenya in la keenaa Soomaaliya, waxaana lagu keenaa Doomo, iyada oo ay canshuuraan hey’adaha dowladda ah, laakin qeybyo kale oo hey’daha amniga ah ayaa ku ceyrsada jidadka Muqdisho, iyada oo loo arko sharci-darro, waxaana mararka qaar ka dhasha khasaaro leh naf iyo maal.

Inkasta oo aan ka hadalnay qaadka iyo loolankiisa gudaha dalka ah, hadana qaadka waxaa uu 40-kii sano ugu dambeysay Soomaaliya ka ahaa mid siyaasadda ku leh saameyn, keliya ma aha in siyaasiyiinta iyo ciidanka gudaha ay ugu badan yihiin dadka cuna, laakin waxaa dalkeena geliyaa qalalaaso siyaasadda arrimaha dibadda ah. Maamulka hadda jira waxaa uu qaatay in Hareeriga Itoobiya uu ka doorbido Miraaga Kenya, halka aqoonyahan aan la sheekeystay ay ii sheegeen in sababa burburka dowladnimadaba uu qeyb ka ahaa markii uu Siyaad Barre mamnuucay Jaadka horraanka 1980-maadkii.

Dhibaatada kale ee Qaadka:

Qofka qaadka cuna waxay culimada cilmiga bulshada ku sheegaan mid go’doon ah, maan-doorsan, qaameysan inta badan, marka Soomaaliya la joogo keliya ma dayacaan naftooda iyo waxay dayacaan waajibaadka qoyka iyo midka qaranka.

Qaadka waxaa uu dhibaato dhaqaale ku yahay Soomaaliya, marka laga soo tago inuu maan-dooriye yahay. Inkasta oo sanadkii ugu dambeeyey aan tiro sax ah laheyn, hadana qoraallada rasmiga ah ee ugu dambeeyey waxaa ay sheegeen in maalintii la keeni jiray 15 diyaarad oo qiimo ahaan u dhiganta 400,000.

Sida ay dhakhaatiirta sheegayaan qaadka waxaa uu dhibaato caafimaad ku yahay ragga iyo haweenka, waxaa ka dhasha cuduro haliska, kuwa ugu fudud waa gaaska, lab-jeexa, dhiigkarka, wadno xanuunka iyo qaar kale.

Amniga, UN-ka waxaa ay ogaadeen in ka ganacsiga qaadka Soomaaliya uu qeyb weyn ka qaato maalgelinta iibsiga hubka iyo amni-darrada.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye

Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa soo dhaweeyay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay Raiisal wasaare Rooble...
23/12/2021

Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa soo dhaweeyay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay Raiisal wasaare Rooble.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa caddeeyay in warqadii shalay ka soo baxday Xafiiskiisa ay ujeedadeedu aheyd in baaris rasmi...
23/12/2021

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa caddeeyay in warqadii shalay ka soo baxday Xafiiskiisa ay ujeedadeedu aheyd in baaris rasmi ah lagu sameeyo hadalkii gafka ahaa ee ka soo yeeray Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo ahaa Taliyaha Ciidanka Badda oo si ka baxsan nidaamka iyo anshaxa ugu gafay Ra’iisul Wasaare Rooble

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorasho...
18/12/2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka kadib markii ay lumiyeen madaxbanaanidii guddinimo iyagoo ku milmay siyaasadda isla-markaana ay baal mareen xeer anshaxa doorashada

15/12/2021

Dalkaan iyo dadkaan waxaa wax uqaban kara Mudane madaxweyne sheeq shariif sheeq Ahmed

15/12/2021

Maxaad isledahay masiirka dalka wuu ku dambeyne doona 2022?

07/12/2021

Waxaan halkaan hambalyo laleyahay Anfac Abdi Adan oo ka qalinjabisay Jaamacadda Pan African, qaadatayna Bachlor Of International Relation and Deplomacy.

Waxaan rajeynayaa iney h**ey usii socoto, nolosha guul ka gaarto. Inshallah.

Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo fulinaya Habraaca lagu dhisay GXKHDD ee s...
28/11/2021

Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo fulinaya Habraaca lagu dhisay GXKHDD ee soo baxay I-dii Oktoober 2020, wuxuu ku wargalinayaa GuddigaHirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF) in dacwad laga keenay Kursi HOP #067.

Nasro bashiir

Address


Telephone

+252615440525

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdullaahi Yuusuf Caawiye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdullaahi Yuusuf Caawiye:

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share