Jookar Media

Jookar Media Hamigeenu Waa Helitaanka iyo Baahinta Xog-Sugan iyo Xaqiiqo La-Hubo
(1)

Galmudug Waa u Shaqeeyay Ee K**a Shaqeysan👏Mahadcelin Ayuu Mudanyahay Aayatulaahi Ahmed Abdi Kaarie Qoor Qoor Lkn………
25/04/2024

Galmudug Waa u Shaqeeyay Ee K**a Shaqeysan👏

Mahadcelin Ayuu Mudanyahay Aayatulaahi Ahmed Abdi Kaarie Qoor Qoor

Lkn………

23/04/2024

Chalse Awalba Koox Ma Ahayn🤣🤣

09/04/2024

inaa Farxad iiqortoo Qofkale Noqdo Baan Rabaa❤️✅

31/03/2024

Jacayl waa h**e i helay
Warmaha ila beegsadaa
Wadnaha goor tuu cuskaday
Wadiiqo banneeyayoo
Kashii waddo-halaq ka dhigay.

Wallee ima deynayee
Wakhtiga midi iga baxaa
Ku kale oo soo welfaa
Waydaartaa kii horoo
Salliga meeshii wadhaa
Halkii waysada dhigtaa.

Wakaa maantana i helay
Wanaaggii baa is rogay
Walaalnimadii ka dhigay
Wax-yeello kaloo jacayl.

Intay igu wacad fureen
Kumaan waantoobinoo
Kun iyo laba goor walow
ay waraar dheer iga rideen
Walaac na kashii badeen,

Warkiyo sheekada rageed
K**aan waynaaninoo
Naftaan waanada maqlayn.

Intay wakhti iga cunneen
Maxay wadhi igu dhigeen.

Anoo wali kii darraad
Waabaydiisii ildaran,
Wakaa maantana i helay
Wanaaggii baa is rogay
Walaalnimadii ka dhigay
Wax-yeello kaloo jacayl.

31/03/2024

Qalbigu liicliic madaayo
Iimmaan lingaxuu rabaaye
SHaydaankuna wuu lulaaye
Loolina wuu igu wadaaye
Raboow laabtayda daafac.

Naftaydani waa liciife
Rabboow leelleel ka baaji
Liibaantana igu hanuuni
Ladnaantana haygu hoojin.

La'aantii lama jireenoow La'aantii lama liqeenoow
Libdhada iyo meerayaasha
Lixmaalmood kii ku taagoow
Lugaha sare iigu joojow
DHaayaha laba iigu deeqoow
Lisaankaygana afbarayoow
Bismaha luuqdana u furayoow
DHegaha maqal iigu laylshoow

Awooddaadiyo laxaadka
Waxaan ka arkaa layaabka
Cadkiyo lafahaa jidhkayga
DHismaha waaxyaha ludayda.

Qof liitaa waa ka laaca
Luggooyada male'awaalka
Iblayska luraa hagaayo.

Markuu laydhiisa raaco
Haddaanad aduu ka loodin
Cadaabuhu way liqaane
Libini waa taa ku taalla
Looxaa sare ee maxfuudka.

Qalbigu liicliic madaayo
Iimmaan lingaxuu rabaaye
SHaydaankuna wuu lulaaye
Loolina wuu igu wadaaye
Raboow laabtayda daafac.

Naftaydani waa liciife
Rabboow leelleel ka baaji
Liibaantana igu hanuuni
Ladnaantana haygu hoojin.

4saac xiriir ah oo korkeeda dul saarnaa gaari xamuul ah jirkeedii qeeybo badan oo kamidahna aay burbureen wax ugurmadana...
28/03/2024

4saac xiriir ah oo korkeeda dul saarnaa gaari xamuul ah jirkeedii qeeybo badan oo kamidahna aay burbureen wax ugurmadana aay weeysay
geeri xanuun ah oo aay martay ugu dambeeyn hooyadeey waxaan geeynay hoygeedii xaqa aha qamiis 28 March 2024 ilaaheey xisaabta qabriga ha u fududeeyo janadiisana eebe haku irsaaqso my mom 2021 aabe ayaan aasay maantana hooyo ilaahoow adiga weyn o waaxidah waalidiinteeyda iska cafi oo janadaada gali😭😭😭😭😭😭😭

27/03/2024

Allaha Unaxariisto Sxbkey Mataankeygii Mustafe Saleeman Qoyskii uuka Tagay Waxaa Caawa Kusoo Biiray Gabar Alx🤲🤲🤲

12/03/2024

Salaadda Jannada Kaliya Laguma Galo, Ee Aadduunkaga Ayey Kuu Wanaajisaa.🤲🤲

12/03/2024

Subax Wanagsan inta Salaada iyo Saxuurta isku Gaartay Subax Wanagsan👏👏

28/02/2024

Inta Salaada Subax Tukatay Baan Salaamayaa.🫴👏

Waa dhacdo argagax leh runtii Jimcihii shalay 40 neef ayaa hal meela kudhintay 10 ruux ilaa hada xaaladoodu aad bay ucul...
27/01/2024

Waa dhacdo argagax leh runtii
Jimcihii shalay 40 neef ayaa hal meela kudhintay
10 ruux ilaa hada xaaladoodu aad bay uculustahay.

Waana dagmada hargelle ee Gobalka Afdheer

Tani waa qayb ka mida gumaadka ku socda shacabka dawlad deeganka somalida taaso la rabo in meesha looga saaro dadka iyo xoola hoodaba sii dhulkan oromo iyo axmaaro ula wareegto!

24/01/2024

Faanka Ficil Baa Noo Dheer Adeer💪💪💪

24/01/2024

Xamar unukaa leh hakaa saarto. Bannaanka magaalada seexda inta koobka aan ka geynayo Galmudug.

Awlaadul Gobol waad guuleysateen, Banaadir dambe qofkaan ka maqlo, kaliya halagu cabsiiyo magaca Galmudug.

  Ha unaxariisto Ayeeyo Mcn Xaajiyo Xaliimo Geele Farax Yare Ayeeydey Waxay Aheyd Muuminad ehlu Salaad Ah Waxay Soo Xaji...
23/01/2024

Ha unaxariisto Ayeeyo Mcn Xaajiyo Xaliimo Geele Farax Yare Ayeeydey Waxay Aheyd Muuminad ehlu Salaad Ah Waxay Soo Xajisay Labo Jeer Ayeeyo Mcn Waxay ku Dadaali Jirtay Cibaadada🤲🤲

Ayeeyo Mcnto ilaahay Hakuu Naxariisto Samir iyo imaan Allaha Nagakaa Siiyo Waan Kusoo Duceyanayaa 😭🤲

Ayeeyada kaliya Oo iinool Bey Aheyd Lkn Maanta Waan Wayay Rabo Baa Naga Jeclaaday Ayeeyo Wakusoo Duceynayaa ilaahay Hakuu Naxariisto Samir iyo imaan

iigusoo Duceeya Ayeeyo Mcn inuu ilaahay unaxariisto Dheh🤲🤲🤲

Diyaarad Waday Daawo iyo Dhaqaatiir Baa Shabaab U gacan gashay🤣🤣Maxaa Naloo Lugoynayaa Marka🤣🤣🤣
10/01/2024

Diyaarad Waday Daawo iyo Dhaqaatiir Baa Shabaab U gacan gashay🤣🤣

Maxaa Naloo Lugoynayaa Marka🤣🤣🤣

" Bikro maaha inantiinu " gabadhan oo u dhalatay masar ayaa guursatay nin balse maalin kadib arooskeeda ayuu u soo celiy...
10/01/2024

" Bikro maaha inantiinu "

gabadhan oo u dhalatay masar ayaa guursatay nin balse maalin kadib arooskeeda ayuu u soo celiyay gurigoodii iyo waalidkeeda isagoo sheegay in aanay Bikro ahayn gabadhoodu.

Arintan ayaa ceeb iyo fadeexad ku noqotay qoyska gabadha waxana dhimatay sumcadii aay ku lahaayeen xaafada aay degan yihiin.

Balse aabaha dhalay gabadha ayaa inantiisa geeyay cusbitaalka si uu u soo baaro gabarnimadeeda iyadoo loo xaqiijiyay in gabadhiisu tahay Bikro .

Aabaha ayaa dushiisa ku qaaday gabadhiisa isagoo ku soo wareejiyay guriga ninka sumcada ka dilay gabadhiisa iyo xaafada si uuu u cadeeyo gabarnimada inantiisa isagoo aay daba socdan dad badan oo degan xaafada.

Sxb Waa Shahiiday Waa Cibaadeysta Allaha Kuu Naxariisto😭🤲🤲Samir iyo imaan Allaha Naga Kaasiiyo😭🤲Haloo Duceeyo Sxbkey Bis...
06/01/2024

Sxb Waa Shahiiday Waa Cibaadeysta Allaha Kuu Naxariisto😭🤲🤲

Samir iyo imaan Allaha Naga Kaasiiyo😭🤲

Haloo Duceeyo Sxbkey Bisinka Haloo Qabto🤲🤲

31/12/2023

Hal Xidhaale
Edada Inankay Dhashay Abtigiis Muxuu Ku Yahay ???

29/12/2023

Awooda Furiinka Hadii Dumarka Loo Dhiibi Lahaa Maxey Sameyn Lahaayen?🤣

Maadaama aan guursan rabo maxaa igula talin laheed:1. Cibaadooyinka leyska wadaago: sida salaadda ood isla dukataan, qiy...
25/12/2023

Maadaama aan guursan rabo maxaa igula talin laheed:

1. Cibaadooyinka leyska wadaago: sida salaadda ood isla dukataan, qiyaamu leylka oo usoo wada kacdaan, soon sunno ah ood isla soontaan, cibaadooyinka ood isla wadaagtaan waxay xoojinayaan xeriirkiina quluubtiinana wey isku soo dhawaaneysaa.
🌸🌿
2. Midba midka kale inuu ehelkiisa xeriiriyo oo uu wuxuu ku tari karo ku taro, ood adna ehelkiisa xeriiriso asna ehelkaga xeriiriyo.
🌿🌸
3. Mushkilad walbo inaa wada tashi ku xalisaan ood warka iska maqashaan, hal habeenna aadan kala seexan adinka oo col kala ah.
🌸🌿
4. Si walboo u kala mashquushiin waa inaa naftiina u heshiin ugu yaraan 2 saacadood ood si degen ugu sheekeysataan ood kaga hadashaan mowduucyo kala duwan, isbuuca dhamaadkiisana aa u baxdaan hawo badalasho yar ama xataa habeenki soo socsocotaan maadaama ay sunno tahay waayo kala aamusnaanta waxay keentaa kala fogaasho iyo isfahan daro.
🌿🌸
5. Ineysan dad kale noloshiina ay soo dhex galin oo khilaafaadkiina dhexdiina xalisataan sirtiina iyo warkiinana uusan banaanka u bixin.

Intaas haddaa sameysaan waa hubaal guurkiina wuxu noqon doonaa mid aad u qurxoon waxaana ku noolaaneysaan nolol aad u fiican insha allaah.

Fadlan share garee 🌻

Allaha Unaxariisto Taliye Abdi Asiis Qooje Dagaari 18-December 2020 Bishaan Ookale Galab Casarkii 05:23PM Ayuu Shahiiday...
23/12/2023

Allaha Unaxariisto Taliye Abdi Asiis Qooje Dagaari 18-December 2020 Bishaan Ookale Galab Casarkii 05:23PM Ayuu Shahiiday Allaha Kugu Bishaareyo Su.aasha Qabriga Allaha Kuu Fudeydsho Danbigaga allaha Dhaafo Taliye😭🤲🤲🤲

Dheh Una Ducadeena Ayuu Ubaahanyahay Asaga iyo intii La Shahiiday Allaha Janeeyo😢🤲🤲🤲🤲🤲

  Unaxariisto Walalkey Sxbkey Marna Aana ilaaweyn 18-December 2020 Bishaan Ookale Ayeey Arxan Laawayaal ifka Dhaafiyeen ...
23/12/2023

Unaxariisto Walalkey Sxbkey Marna Aana ilaaweyn 18-December 2020 Bishaan Ookale Ayeey Arxan Laawayaal ifka Dhaafiyeen Janada Allaha Nugu Kulansiiyo Sxb🤲🤲😭😭

Wuxuu Ahaa Walaalkey Wuxuu Ahaa Sxbkey😭🤦‍♂️
Wuxuu Ahaa Niin Deeqsi Ah Gacan Furan Oo Qalbi Wanaagsan Wuxuu Ahaa Niin Aan isla Weyneen Oo Aan Aqoon Kibir Wuxuu Ahaa Niin Dhex Gala Bulshada Si uu U Ogaado Noloshooda Dhabtaa😭 Naxariistii Jano Allaha Ka Waraabiyo ilaahay Janatul Fardowso Ha ugu Bishaareyo Naarta Allaha Ka Bad Baadsho Asaga iyo Saraakiishii La Geeriyootay😭🙏

Waa 18-December 2020 Galab 05:30 Gaclkacyo Garoonka Waxaa Qarax ismiidaamin Ah Lugu Dilay Walaalkey Sxbkey Shaqsi Aana Marnaba Hilmaameyn Marxuum iyo Sarakiil Kale

Oo Aay Naga Dhaxeysay Sxbtinimo Dheer iyo Walalnimo Aan Xad Laheyn Ayaan isku Meel Ka Qadeyna Maalinkaas' Asaga iyo Dhamaan Saraakiisha Kale Xilaga Qadadu Saacadu Waa 02:15 Duhurnimo'. Five Star Hoteel Galkacyo,

inta Usan Dhiman Ayuu Balan iga Qaaday Xiligii Qadada Asaga Oo ii Sheegay inaan Ugu Tago Xerada Sodhaweynta Reysal Wasaaraha Kadib Si Aan Uga Wada Hadalno Arimo Naga Dhaxeeyay Balse Xaga Alle Ayeey Ka Ahaan Weyday Anoo Ujira in Ka Yar 100 Tilaabo Ayeey Naftu Ka Baxday Sxbkey Majirin Waxaan Utari Karo Mana Aana Awoodin inaa Mowdka Ka Baajiyo😭😭😭😭

Geerida Walaalkey Sxbkey Waxey Aheyd Geeridii 2Labaad Ee iigu Xumeyd iiguna Naxdinta Badneyd intaan Xasuusto😭😭😭 Fadlan U 😭

Waxaan Dareemay Sxb La.aan Waxaan Dareemay inaa Wayaay Garab Weyn Maalintaas😭😭Waxaan Wali Xasuusanahay Oo i Horyaal Balankii Uu iga Qaaday Waxuu Ahaa Sxbkii Labaad Ee Aan Yeesho Ee isoo Mara intaa Dunidaan Ku Noolaa Magaranayo Waxaan Sameeyo Oo Aan Aheyn Waxaan Awoodaa intaa Nolosha Kaga Danbeeyo inaa U 😭🙏

Waxaan Kaa Codsanayaa Si Naxariis Ku Jirto inaa Oo Walaalnimo Ah in Loogu Duceeyo Walaalkey Waad Awoodaa Ee U Siina Garee😭🙏🙏🙏

😭😭

W/Q: Wariye Abdi Nasir Mohamed Ali

20/12/2023

Rabiyow Janadaada Ku Macsuun😭🤲🤲
Rabiyow Su.aalaha Qabriga U Fududee😭🤲🤲
Rabiyow Danbigeeda Dhaaf Oo Kitaabkeda Midigta Kasii

Alle Dartiis Aan Ugu Duceyno Maamo Khadiijo Dheh Si Loogu Wada 👏👏👏

20/12/2023

Ma Cafisay Qofkii aad dhabta u aamintay ee qalbiga kaa dhaawacay?

18/12/2023

Inta Shaydaanka iska Dulqaaday Salaada subaxna tukatay, Allaha ka aqbalo.🤲🤲 Aabahay Allaha Caafiyo😭🤲🤲

18/12/2023

Saka markii aad soo toostay 🗣Codkii kugu h**eeyey ee aad maqasho muxuu ahaa?.👏👏

  Xanuunka Aaku Jirto Waa Dareemayaa Allaha Kaa Saaro Xaalada Adag😭🤲🤲Caafimaad Baan ilaahay Kaga Baryayaa Waxaan Awoodaa...
17/12/2023

Xanuunka Aaku Jirto Waa Dareemayaa Allaha Kaa Saaro Xaalada Adag😭🤲🤲

Caafimaad Baan ilaahay Kaga Baryayaa Waxaan Awoodaa inaa Kusoo Duceeyo🤲🤲😭😭

Waxaan Kaaga Baryayaa inaa Sariirta Ka Maaranto Oo Lugabaaga Dib Ugu istaagto Aaabe😭👏🤲🤲

iyo Hanti Aad isiisaan Waxaa iiga Qaalisan Ducadiina igu Kaalmeeya Ducadiina Allaha ii Aqabalo Salaad Walba iigusoo Duceeya Aabe🤲🤲🤲😭

Ka waran haddii aa caruurtaada u noqoto macalimadd, murabiyad, iyo sheekhad wanaagsan.🌿🌱Wax baro, wax aqri, xifdi qur'aa...
14/12/2023

Ka waran haddii aa caruurtaada u noqoto macalimadd, murabiyad, iyo sheekhad wanaagsan.
🌿🌱
Wax baro, wax aqri, xifdi qur'aanka, baro tafsiirkiisa, baro axaadiista iyo siirada.
🌱🌿
Saa ugu diyaariso caruurtaada naf ahaan, diini ahaan, iimaan ahaan, aqoon ahaan, iyo akhlaaq ahaan, oo ugu noqoto tusaale wanaagsan.
🌿🌱
Umadda waxay u baahantahay hooyo wanaagsan oo aqoon leh oo soo saarta dad adduunka saameyn wanaagsan ku yeesha, diintoodana xoojiya oo difaaca ❤

Jookar Media

14/12/2023

Naagtu Maseyr Badanaa Hada Maxay Ninkaan Ku Dishay🤣🤣

Qaalideydaay .. ♡Hagaaji naftaada oo la xisaabtan, oo ka bari ilaahey inuu kugi toosiyo wadada saxan.☘La wadaag asxaabta...
14/12/2023

Qaalideydaay .. ♡

Hagaaji naftaada oo la xisaabtan, oo ka bari ilaahey inuu kugi toosiyo wadada saxan.

La wadaag asxaabtaada wixi wanaag ah, kana buuxi profile kaaga postiyo faa'iido leh oo soo share garee wixi wanaag iyo kheyr laga faa'iidayo .. ♡

Gal oo ku biir groupyada diiniga ah sida Qisas Al Dikiir iyo groupyada lamidka ah ee lagaga hadlo aqoonta iyo Alle ka cabsiga .. ♡

Ka fogaaw saaxiibada xun xun ee xanta iyo aflagaadada yaqaana, een kugu dhiira gelineyn ka fogaanshaha ragga iyo heesaha iyo wixi ilaahey kaa xarimay.

Ogoow inaa tahay gabar qiimo badan oo ay kugu dayanayaan hablo wanaagsan oo kor kaala socda, sidaa awgeed noqo tusaale wanaagsan oo ku reeb page kaaga ama profile kaaga raad aad u wanaagsan oo kuu noqdo ajar iyo xasanaad jaariya ah oo kuu soconaya waligaa .. ♡

Address


Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252613675616

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jookar Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Jookar Media:

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Opening Hours
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share