Qalas Media

Qalas Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Qalas Media, Media/News Company, .

19/03/2023
Wafdi ballaadhan oo isugu jira xildhibano iyo Snetoro federaalka Somalia oo Laascanoo soo gaadhay .
19/03/2023

Wafdi ballaadhan oo isugu jira xildhibano iyo Snetoro federaalka Somalia oo Laascanoo soo gaadhay .

18/03/2023

Dagaal ayaa mar kale ka socda jiidaha bari ee magaalada Laascaanood oo hal kaasi oo ay isku horfadhiyaan xooggaga SSC iyo ciidanka Somaliland.

18/03/2023
18/03/2023

waraysi laga qaaday mid ka mid ah 21 maxbuus oo laga qabtay soo duulayaasha maleeshiyaadka Soomaaliland.

18/03/2023

Degdeg... Goordhaw ayaa warbaahinta looso bandhigi doonaa maxaabiistii saaka la qabtay maleeshiyadka argagaxisada ah ee Somaliland.
Kala soco halkan oo Isha ku hay.

Ku soo biir Qalas Media

25/02/2023

WAR DEG DEG: Xerada ciidankii Mahad Cambaashe waa la qabsaday, Isagiina wuu ka cararay magaalada, hub kaladuwana waa laga furtay. Sida uu dagaalkaasi u dhacay iyo xaalada taagganba ka daawo

Afhayeenka Villa Soomaaliya ayaa raali-gelin ka bixiyey wax uu ku sheegay “fasiraad” qaldan oo warbaahinta qaar ka bixis...
30/07/2022

Afhayeenka Villa Soomaaliya ayaa raali-gelin ka bixiyey wax uu ku sheegay “fasiraad” qaldan oo warbaahinta qaar ka bixisay qaabkii uu u sharraxay wada-hadaladii madaxwayneyaasha Soomaaliya iyo Masar.

Cabdikariim Cali Kaar ayaa sheegay in Xasan Shiikh iyo Cabdal Fataax Al-Siisi ay “mabda’ ahaan isku-raaceen in ay khilaafaadyada ka jira gobolka lagu dhameeyo si wadajir ah oo nabadeed."

Mr.Kaar wuxuu raalligelintan ka bixinayaa hadal kiis sii ahaa 'Xasan iyo Siisi k**a wada-hadal webiga Niilka', arrintaasi oo uu toos u sheegey madaxweyne Siisiga Masar.

01/06/2022

DEGDEG: Faaiso Saciid Cali Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qardho oo sheegtay inay iska casishay xilka Gudoomiyaha Haweenka.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa soo dhaweeyay shaacinta deegaan doorashada 2aad ee magaaladda Baraawe oo ay ta...
29/01/2022

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa soo dhaweeyay shaacinta deegaan doorashada 2aad ee magaaladda Baraawe oo ay taalo 26 kursi.

Maamul goboleedkii u horreeyey oo shaaciyey deegaan doorashada labaad, waa koonfurgalbeed oo soo gebogebaysay riyadii ha...
29/01/2022

Maamul goboleedkii u horreeyey oo shaaciyey deegaan doorashada labaad, waa koonfurgalbeed oo soo gebogebaysay riyadii halka magaalo doorasho.

Waxay shaacisay 13 kursi oo taal magaalada qadiimiga ah ee Baraawe.

28/01/2022

Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Ufayn ee Ururada Horseed, Mideeye iyo Sincad ayaa fashilka dib u dhaca doorashada dusha uga tuuray Dawladda.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ku goodiyey in ay deg deg u qabsan doonaan doorashada Guddoonka maadaama ay dawladdu ku fashilantay qabashada doorashada.



27/01/2022

Waxaan Cadeynaynaa in Xukuumada Deni ay si bareer ah u hortaagantahay Doorashada Golaha Degaanka Magaalooyinka Qardho Eyl iyo Ufeyn....

Ururadda Mucaaradka ee Mideeye iyo Sincad oo warkasoo saaray Doorashadda Golaha degaanka Magaalooyinka Qardho Eyl Iyo uf...
27/01/2022

Ururadda Mucaaradka ee Mideeye iyo Sincad oo warkasoo saaray Doorashadda Golaha degaanka Magaalooyinka Qardho Eyl Iyo ufeyn,waxay Xukuumadda Madaxweyne Deni ku dhaliileen Dib u dhaca Doorashadda.
WARKA KASOO BAXAY URURADA AYAA U DHIGAN SIDAN.
''Doorashadii hordhaca ahayd ee ka dhacday saddexda degmo Qardho, Eyl iyo Ufayn 25 bishii October, natiijadeedana lagu dhawaaqay 26 bishii October, iyada oo xeerka law number 7 uu dhigayo 30 beri gudahood kalfadhiga ugu h**eeya uu ku qabsoomo,Welina Xildhibaanadii la soo doortay fursad looma siin mudo 3bilood ah in u adeegaan bulshadii soo doortay.
18/01/2022 wasaaradda arrimaha gudaha iyo dimuqradiyadda Puntland waxay mudaysay qabashada kal fadhiga 1aad goolayaasha deegaanka 3da degmo kaas oo lagu dooran lahaa gudoonka 3da degmo 27/01/2022 oo ku beegan maanta oo khamiista ah,Nasiib darro waxay wasaaradda arrimaha gudaha soo saartay warqad kale xalay oo ay taariikhdu ahayd 26/01/2022 warqadaas oo ay wasaaraddu ku sheegtay dib udhigis farsamo taas oo aan wax waqti ah lagu muujin.
Sidaas daraadeed waxaan Shacabka ucadaynaa qodobada hoose ku qoran.
1. Waxaannu shacabka u caddaynaynaa xildhibaanada ururada isbahaysigu inay maanta diyaar u ahaayeen ka qayb galka doorashada gudoonka.
2- waxaan shacabka Puntland ucadaynaynaa in wasaarasda arrimaha gudaha dowladda Puntlnad ay ku fashilanta doorkeedii ahaa fariisinta golayaasha deegaanka shacabka ku soo doortay ee 3degmo.
3- waxaan shacabka Puntland ucodaynaynaa in xukuumadda maanta jirta ee uu hogaamiyo madaxweyne siciid c/laahi deni ay si bareer ah u hortaagan tahay in ay fariistaan golayaasha deegaanka ee shacabku soo doortay sababtuna ay tahay in danta ururkooda ka dhex arki waayeen.
4- Waxaan cadaynaynaa in aannu muddo hortaagneen shacabkii codkooda nasiiyay kana horjoogney in ay ka falceliyaan dib udhaca doorashada ku timid.
5- Ugu dambayn waxaan xukuumadda ugu baaqaynaa in degdeg loo qabto doorashada guddoonka 3da degmo,Haddii xukuumadda ka dhega adaygto ururada isbahaysigu waxay ka fiirsan doonaan tallaabada kale ee ku habboon.


Xafiiska Warbaahinta Ururka Sincad

MUDEYNTA FARIISINTA  GOLEYAASHA DEEGAANKA EE DEGMOOYINKA QARDHO, EYL IYO UFEYN.Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iy...
18/01/2022

MUDEYNTA FARIISINTA GOLEYAASHA DEEGAANKA EE DEGMOOYINKA QARDHO, EYL IYO UFEYN.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa Guddoomiyaasha Gobolada Nugaal, Bari iyo Karkaar iyo dhammaan Xubnihii 25kii October 2021 loo doortay Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl in Wasaaraddu u asteysay fariisinta Goleyaasha 3da Degmo iyo qabashada doorashada Guddoomiyaasha Degmooyinka *27 January 2022, saacaddu markay tahay 8:00am ama labo saac oo subaxnimo*.

Wasaaraddu waxay ku wargelinaysaa dhammaan inta fariintaani ku socoto in si waafaqsan sharuucda Puntland Wasaaraddu fududeyn doonto:

1. In fadhigaas lagu dhaariyo Xubnaha Goleyaasha Deegaanka ee la doortay sida ku cad *Qodobka 22aad ee Sharciga Lambar 7.*

2. In isla fadhigaas Gole kasta iska dhex doorto Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen iyadoo la raacayo habraaca doorashada Goleyaasha Deegaanka Puntland ee ku xusan *Qodobka 29aad ee Sharciga Lambar 7.*

3. Markii doorashadu dhacdo waxaa mar kale la dhaarinayaa Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka la doortay.

4. Fadhiyada Goleyaashu waxay ka kala dhacayaan: a) Hoolka Beeyada ee Qardho; b) Hoolka Dowladda Hoose ee Ufeyn; b) iyo Hoolka Dowladda Hoose ee Eyl. FG. Wasaaradda ayaa idin la soo wadaagaysa haddii goobta lagu qabanayo fadhiga Goleyaasha wax iska badalaan.

Ugu dambeyn, waxaa laga codsanayaa dhammaan in wakhtiga la illaaliyo.

DHAMMAAD.

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA.

Guddiga Maamulka Doorashada heer Dowladd Goboleed (SEIT EE Puntland ) ayaa soo saaray jadwalka doorashada 10 kursi oo ah...
16/01/2022

Guddiga Maamulka Doorashada heer Dowladd Goboleed (SEIT EE Puntland ) ayaa soo saaray jadwalka doorashada 10 kursi oo ah kuraastii h**ey loo shaaciyay.

Guddiga doorashada Hirshabele oo shaaciyay doorashada 11 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.
16/01/2022

Guddiga doorashada Hirshabele oo shaaciyay doorashada 11 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga doorashada Galmudug oo maanta shaaciyay doorashada 21 kursi oo kamid ah golaha shacabka oo deegaan doorashadooda...
15/01/2022

Guddiga doorashada Galmudug oo maanta shaaciyay doorashada 21 kursi oo kamid ah golaha shacabka oo deegaan doorashadooda tahay halkaas.

13/01/2022

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BARI

Garoowe: 13 January 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntlnd Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 001 ee 13-ka January 2022, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu la tashaday : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Cali Siciid loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

DEGDEG:Raysal Wasaare h**e Cumar Cabdirashiid ayaa qaadacay bayaankii caawa ee siyaasiyiinta Puntland.
13/01/2022

DEGDEG:Raysal Wasaare h**e Cumar Cabdirashiid ayaa qaadacay bayaankii caawa ee siyaasiyiinta Puntland.

Baydhabo: Maamul goboleedka  Koonfur galbeed oo shaaciyey jadwalka  qabashada doorashada shan kursi oo ka mid ah Golaha ...
12/01/2022

Baydhabo: Maamul goboleedka Koonfur galbeed oo shaaciyey jadwalka qabashada doorashada shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka JFS.

Boosaso: Mid kamid ah Beelaha Daga Gobalka Bari (Dishiishe) ayaa tageeray Go'aankii isimada Xalay ay gareen iyagooona ku...
12/01/2022

Boosaso: Mid kamid ah Beelaha Daga Gobalka Bari (Dishiishe) ayaa tageeray Go'aankii isimada Xalay ay gareen iyagooona ku Bogaadiyay Go'aankaas.

Haldoorka beeshan ayaa si weyn u bogaadiyay in Boosaso hesho xaqeeda, metelaadeeda iyo in lagu soo celiyo Hay’adihii laga raray magaalada.

Beesha ayaa sidoo kale soo dhoweeyay in Dekeda Boosaso lagu dhiso isku tashi Bulsho iyo qaaraankanka ganacsatada Reer Puntland iyo Soomaaliyeed.

Go’aamadii ay soo  saareen isimadii dhaqanka  ee xaalada Magaalada Bosaaso.
11/01/2022

Go’aamadii ay soo saareen isimadii dhaqanka ee xaalada Magaalada Bosaaso.

11/01/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo jeediyey khudbad ku aaddan xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka, ayaa Madaxda Dowlad-goboleedyada dalka ku adkeeyey hirgelinta jadwalka doorasho ee ay isla qaateen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Caawa khudbad ku saabsan xaala...
10/01/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Caawa khudbad ku saabsan xaaladda dalka iyo Arrimaha Doorashooyinka u jeedin doona Shacabka Soomaaliyeed.

Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si toos ah looga baahin doonaa Warbaahinta Soomaaliyeed.

Sida uu sheegay Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi

Akhriso: War-murtiyeedka laga soo saaray shirkii Madasha Wadatashiga Soomaaliya ee Muqdisho ka socday.
09/01/2022

Akhriso: War-murtiyeedka laga soo saaray shirkii Madasha Wadatashiga Soomaaliya ee Muqdisho ka socday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in aysan sax aheyn in Masuul iska fasaxo lacag ay soo qabteen Hay’addaha Amniga oo aan ...
07/01/2022

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in aysan sax aheyn in Masuul iska fasaxo lacag ay soo qabteen Hay’addaha Amniga oo aan lamarin sharciga.

Hanaanka lacagta lagu soo galiyey dalka ayuu kusifeeyey Madaxweyne Farmaajo sifo aan waafaqsaneyn hanaanka Maaliyada ee sharciga ah iyo sharuucda caalamiga ah ee isu gudbinta lacagaha.

In ay halis ku tahay Amniga Qaranka iyo xasiloonida dhaqaalaha ee dalka ayaa lagu sheegay warqada Madaxweynaha.

Address


Telephone

+252905359959

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qalas Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Qalas Media:

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share