KOOR MEDIA

KOOR MEDIA KOOR MEDIA KALA SOCO DHACDOOYINKA CAALAMKA IYO DHULKA SOOMAALIDA MARKASTA IYO MEEL KASTA

KOOR TV WAA WARBAAHIN MADAX BANAAN OO IDIIN SOO TABINAYSA DHACDOOYINKA CAALAMKA IYO DHULKA SOOMAALIDU DAGTO

15/01/2024

Geerashka Farsamo Ruug Oo Qayb Cusub Kaaga Furay Xaafada JigJiga Yar Gaar ahaan Dhinaca Galbeed ee Dhaamka Jigjiga yar

The traditional culture of somaliland people being based reconciliation, understanding each other, compromises and dialo...
13/12/2023

The traditional culture of somaliland people being based reconciliation, understanding each other, compromises and dialogue in the event tribal difference emerges between Somaliand clans. Deriving from this,traditional leaders originates mostly from Somaliand second capital Buroa have solved the tribal dispute between two somaliland clans ( Habar Younis and Eisa Muse) in Buroa region. The solution was based on compassion for personalities effected by the conflict, in others the number of persons that killing or injured in that tribal conflict. The solution has generated win win situation as both sides of the conflict has satisfied the outcome or the solution which generated brotherhood between the two friendly clans. This is my congratulation to somaliland great personalities that worked this compromised solution. I can say, It is well done. Well designed. Well planed. Well prepared. Well settled. Well solved. This is the end of the tribal dispute between the two brotherly clans who share blood relationship and lived side by side over centuries. The credit of this success goes to somaliland great personalities that made every effort to settle this tribal conflict. In conclusion, mabrook to those personalities that spends many days and nights to solve this tribal difference which they managed successfully.
By ismacil Lugwayne

07/12/2023

Hadal Jeedinta Masuuliyiin Kala duwan Oo Soo Dhawayn u Sameeyay Wasiirka Beeraha Somaliland Oo gaadhay Gobolka gabileu

07/12/2023
13/08/2023

Ugaas bashiir cabdicabdilaahi Oo kamida Madax Dhaqameedka somaliland ayaa ka hadlay xaalada nabadgalyada dalka ugaaska oo ku sugan dalka maraykanka ayaa dhabaal tacsiya u diray ehelada iyo qaranka somaliland ee ay ka baxeen askartii ku geeriyootay shaqaaqadii buurta gacan libaax

20/07/2023

Bandhig buug muhiim ah

12/05/2022
21/04/2022

Salaadiin cuqaal iyo Wax garadkale Oo raali galin Ka bixiyay hadal dhawaan ka soo Yeedhay Ninka La yidhaa Boqor Bad-madaw

13/04/2022

Suldaanka Qurbe Jooga somaliland Suldaan Maxamed Iimaan (maxamed Aakhir) Oo Fariin U Diray Bahda Warbaahinta Somaliland Iyo Madaxdhaqanka

31/03/2022
Shir Uu  Shirgudoomiyey Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Abokor Cismaan Ayaa saaka Lagu Go’aam...
28/03/2022

Shir Uu Shirgudoomiyey Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Abokor Cismaan Ayaa saaka Lagu Go’aamiyey In Master Plan Loo Sameeyey Magaalooyinka Hargeysa, Burco Iyo Berbera

28-03-2022 Hargeysa ‘’Xafiiska Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud’’ Shir Uu Saaka Shirgudoomiyey Gudoomiyaha Gudida Naqshadeynta Qaranka Somaliland Ahna Wasiirka Hawlaha Guud Mudane C/laahi Abokor Cismaan Ayaa Lagu Go’aamiyey In Master Plan Loo Sameeyey Magaalooyinka Hargeysa, Burco Iyo Berbera.

Kulankan Saaka Ay Yeesheen Gudidu Ayaa Ka Qabsoomay Hoolka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta, Waxa kasoo Baxay Qodobaddan Hoos Ku Xusan.

1. Gudida Naqshadeynta Qaranka Somaliland waxay aqbashay Codsigii ka yimid Maayirka Magaalooyinka Hargeysa, Burco Iyo Berbera Ee Ay Ku Codsanayeen in Master Plan Loo Sameeyo Magaalooyinkooda, Dood Iyo Falaynqeyn Kadib Waxay Gudidu Ansixisay In Master Plan Magaalooyinka Hargeysa, Burco Iyo Berbra .

2. Waxa Laga Dooday Jaangoynta Xadka Naqshadeynta Magaalooyinka, Waxaana La Isla Qaatay In Qorshaha Magaalooyinka Dalka Dhamaantood Aanay Dhaafi Karin 5km oo Ka Bilaabmay Halka Dhismuhu Ku Joogo. Sida Uu Sheegayo Xeerka Dhulka Qodobkiisa 3-aad, Farqadiisa 3-aad.

3. In Wasaaradda Arimaha Gudaha Oo Kaashanaysa Gudida Naqshadeynta Qaranka Ay Gudi Farsamo Usaarto Kasoo Talo Bixisa Arinka Kala Xadeynta Maamulka Degmooyinka.

4. In La Dhiso Xafiisyada Gudiyada Ka Garnaqa Dacwadaha Dhulka Ee Magaalooyinka Darajadoodu Tahay A-da ee Dalka, Isla Markaana Wasaaradda Arimaha Gudahu Amarto Dawladaha Hoose Inay Diyaariyaan Goobihii Ay Ku Shaqeyn Lahaayeen, Marka Laga Reebo Dawladda Hoose Ee Hargeysa.

5. In Naqshad Magaalo Walba Lagu Daro Dhulka Loogu Talo Galay Taawaradda Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Dalka Ka Jira.

6. In Mulkiyadda Beeraha Ee Ay Bixiso Wasaaradda Horumarinta Beeruhu In Lagu Saleeyo Badka Uu Jideeyey Xeerka No-8 ee Xeerka Beeraha.

7. Gudidu Sidoo Kale Waxay Mamnuucaday In Magaalooyinkaas La Qorsheynayo ee Kala Ah Hargeysa, Burco Iyo Berbera, Inaan La Qorsheyn karin Buuraha, Jeexjeexyada, Dooxyada Iyo Bababcyada ku yaala Magaalooyinkaas, Waxayna Go'aan Ku Gaadheen In Buuraha, Jeexjeexyada, Dooxyada Iyo Bababcyada Yihiin Danguud Isla Markaana Aanay Cidna Sheegan Karin Yihiin Dhul Ay Leedahay Dawladda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed Wirdaani
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

Wasiirka Maaliyada Somaliland Dr Sacad Cali Shire Waxa uu Maanta Kulan kula Qaatey, Xafiiskiisa Qaar Kamid ah Mulkiilaya...
08/03/2022

Wasiirka Maaliyada Somaliland Dr Sacad Cali Shire Waxa uu Maanta Kulan kula Qaatey, Xafiiskiisa Qaar Kamid ah Mulkiilayaasha Shirkadaha Qaadka Ka Ganacsada, oo Ka cabanayey in Qeybo iyagga Kamid ah loo ogolaaday Cashuurta Qaadka ee Kastamada ay uga Wareegeen Kastamka Kalabaydh, Halka Kuwa Kalena ay Ciidamo kasoo Kexeeyeen, oo La Keenay Kalabaydh Sida Shirkada Gaafane oo iyaga Lagu soo Celiyay Kalabaydh iyadoo ay Dabada Ka Wadaan Ciidamo tira badan Kadib Markii ay Lic Kamid ah Shirkadaha Ka Ganacsada Qaadku, Kasop Galeen Somaliland dhinaca Magaalada Gorayo-Cawl oo uu Ku Yaalo Mid Kamid ah Kastamada Qaadka Lagu Cashuuro ee Dalka Somaliland, Waxaana Halkaa lagu Soo Cashuuray Shan Kamid ah Shirkadaha ay Ku Jiraan 527 Qaadka Faraska Haseyeeshee, Waxaa loo Diiday in Lagu Cashuuro Kastamka Gorayo-Cawl Qaadka Shirkada Gaafane.
Dr Sacad Cali Shire Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland, Waxa uu Ka garaabay Cabashada arintaasi ku Sahabsan ee Shirikada Gaafane kaga Dacwootey Maamulka Waaxda Kastamada oo Agaasimaha Waaxdaasi Wasiirka ka hor Qirtey in uu Isagu Bixiyay Amarka ah in Gaafane lagu Cashuuro Kalabeydh Kuwa Kalena Kastamka Kale, Waxaanu Wasiirku Sheegay in Kastamada Cashuuruhu Ay Isku Mid yihiin, Somaliland Gudaheeda, arintaas oo Wasiirku xaq u leeyahey, Marka Xaqiiqda Laga hadalayo Maadaama Dakhliga Kasoo Xerooda, Cashuuruhu ay Khasnada Dawladda ku Dhacayso.
Haddaba su,aasha Isweydiin lihi Waxa ay Tahey, Maxey Shirkadaha Qaadka Ka Ganacsada uga Baydheen Kastamka kalabeydh oo H**e Loogu Cashuuri jirrey qaadka Maxayse Ku Diideen Mushiinka Kimbiyuutarka ah ee Gaadiidka iyo Rarkiisuba Dul joogsanayo?.
Sikasta, oo ay tahey Waxa ay Shirkadaha qaadku sheegeen, in aannu Miisaankani aheyn Mid Fayow haseyeeshee, uu yahey Mid Khalkhal badani Kujiro, sidaas oo ay taheyna aanney raali ka aheyn, lacagta badan ee uu Saarey, Iyadoo ay awal Ku Cashuuranayeen Miisaan xalaal ah.
Laakiin Wasaaradda Maaliyadu Waxa ay Ka Samri laadahey Lacagta ay Ku iibsadeen oo lagu Sheegay lacag badan, oo Nus Malyuun Dollar ah balse, Wasiirku arintaasi laf ahaanteeda Wuu ka Gaws qabsdey inkastoo uu Shirkadaha Qaadka Ku wargaliyay in aanney Masuuliyad iska Saarin Arin khusaysa Xamaaliinta

07/03/2022
06/03/2022

Safiirkii H**e Ee Somaliland Ee Safaarada dalka Kenya Sifir Oo Sharaxaya Balaadhintii Safaarada Iyo Qorshayaashii Wakhtigaa,Waxaa warbixintan Ka Diyaariyay Mudo Laga Joogo 7sano Wariye Garas Oo wakhtigan Ku Sugan Dalka Maraykanka

03/03/2022

29 May 2014 Wasiirka wasaarada Deegaan Iyo isbadalka Cimilada Jsl Ayaa Kooxo Ka Tirsan Wasaaradaasi U Kala Dirtay Qaar kamida Gobolada Somaliland Si ay Ugu Kuur Galaan Xaalada Deegaanka iyo Badqabkiisa Mudo Hada Laga Joogo 7 Sano

Wasiir Shurgi Xaaji Ismaaciil Baandare Waxay Tacab Badan Galisay Sidii Loo Heli Lahaa Deegaan Badqaba Iyadoo Ka Bilawday Sidii Aqoonta Shaqaalaha Loo dhisi Lahaa

27/02/2022

Cali Maxamed waran Cade Wasiirkii H**ee wasaarada Arimaha Gudaha iyo Maalin Xusid Mudan Oo uu Ka farxiyay Ciidanka Qaranka ee jiida h**e Isagoo Ku labisan Dirayska ciidanka qaranka

26/02/2022

Gudidii H**ee Diwaan Galinta Ururada iyo Axsaabta Siyaada Somaliland Oo Go'aamo Soo Saaray Wakhtigaa Muran Xaga Sharciga xisbiyada ah Maxaa laga barankaraa? Fadlan sii Shere gareeya KOOR TV 📺

22/02/2022
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Sagootin iyo Casho Sharaf ah, Qasriga Madaxtooyada Ugu Sameeyey Weftigii ...
20/02/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Sagootin iyo Casho Sharaf ah, Qasriga Madaxtooyada Ugu Sameeyey Weftigii Ka Socday Baarlamaanka Uk.

Hargeysa-20-02-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo madaxweyne ku xigeenka Qaranka Somaliland, ayaa casho Sharaf qasriga madaxtooyadda ugu sameeyey xildhibaanadii uu hoggaaminayey MP. Given Williamson oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana kulankaa casho sharafta ah madaxweynaha kala soo qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland, Gudoomiyaha Guurtida, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Maayarka caasimada Hargeysa iyo masuuliyiin ka mida ah ganacsatada waaweyn ee Somaliland.

Badhasaabka Gobolka gabiley cabdiqani maxamuud jiidh "Waxaan maanta xusnay oo maamuusnay maalinta dhalinyarada Somalilan...
20/02/2022

Badhasaabka Gobolka gabiley cabdiqani maxamuud jiidh

"Waxaan maanta xusnay oo maamuusnay maalinta dhalinyarada Somaliland u astaysan ee 20-ka bisha February. Munaasibada xuska waxaa nagala qayb-galay qaybaha ummadda Gobolka Gabilay.

Waxaan xusku intuu socday aan si qota dheer uga hadalnay muhiimadda dhallinyarada iyo dawrkoodii nabadda, midnnimada, madax-banaannida iyo dawladnnimada ay ka soo qaateen.

Xuska iyo milgaynta maalintan ayaa aniga si gaara qiimo iyo xusuus igu leh, waxaana 2015-kii aan ku qabtay magaallada Laascaanood anigoo ka mid ah hoggaanka dhallinyarada Somaliland, maanta anigoo badhasaabka Gobolka Gabilay ah ayaan ku xusayaa magaalo madaxdiisa.

Waa abbaar & halbeeg muujinaya in maskabka keliya aanu ku hagin ee dhalinyarnnimo iyo markasta in la waxa ilaaliyo arrimaha masiiriga. Rabbi ayaana uga mahadnaqayaa ku biiristaydii siyaasadda ka hor iyo ka diba in isku u garawsanahay falsafaddaas.


Cabdiqani Maxamuud Jiidhe
Guddoomiyaha Gobolka Gabilay.

Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka JSL ayaa baadhiso ka bilaabay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha JSL. Qaar kam...
19/02/2022

Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka JSL ayaa baadhiso ka bilaabay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha JSL. Qaar kamid ah Hawl-wadeennada Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo uu Hoggaaminayo Ku-xigeenka Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka JSL Mudane Sacad Riiraash ayaa saaka ku waabariistay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, waxaana si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Noocyada baadhisaha oo ah saddexda nidaam baadhiseed ee uu jideeyay Xeerka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Xr. Lr. 76/2016, oo kala ah Baadhis Maaliyadeed, Baadhis Wax Qabad iyo Baadhista Waafaqsanaanta Shuruucda, Ayaa muddada ay socoto waxa ka qayb qaadanaya saraakiil u tababaran Nidaamka Baadhisaha Caalamiga ah, oo sannadihii u danbeeyay lagu sameeyay isbaddallo wax ku oola oo Baadhisaha Qaranka u fududaynaya in lawada gaadho dhammaan Laamaha Dawladda ee kala duwan taas oo loo hirgalin doono hab casriya oo la jaan-qaadaya Nidaamka Baadhisaha Caalamiga ah.

Baadhisahan oo waafaqsan Qorshaha Sannadkan 2022 oo la rabo in la gaadho inta badan Laamaha Dawladda Dhexe iyo Hoosaba.

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka JSL Mudane Axmed Yuusuf Dirir waxa ka go'an in la helo Qaran ka nadiif ah nooc walba oo musuq iyo wax isdaba-marin ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Casuumay Xildhibaannada Golaha WakiilladaHargeysa-13-02...
13/02/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Casuumay Xildhibaannada Golaha Wakiillada

Hargeysa-13-02-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta munaasibad hadhi-sharafeed ah xarunta qasriga madaxtooyada ugu sameeyey xubnaha golaha wakiillada ee ay shacabku soo doorteen 31-May ee sannadkii dhammaaday ee 2021-kii.

Kulankan hadhimada ah ee uu madaxweynuhu ku sharfay xubnaha golaha wakiillada, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, gudoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, gudoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, maayarka caasimada Hargeysa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, mudaneyaasha golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah madaxda hay’adaha kala duwan ee xukuumadda iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana madasha loogu mahadnaqay madaxweynaha qaranka ee casuumadda u sameeyey, iyada oo sidoo kalena lagu hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay inay si habsmi leh u wada shaqeeyaan saddexda dhardaar ee qaranku ka kooban yahay, kuwaas oo kala ah fulinta, sharci-dejinta iyo garsoorku.

Ugu horrayn guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo madasha ka hadlay, ayaa madaxweynaha qaranka uga mahadceliyey sida uu ugu sharfay casuumadda, isaga oo intaas ku daray inuu madaxweynuhu yahay hoggaamiyihii qaranka, islamarkaana uu xaq u leeyahay inuu u yeedho oo la kulmo goleyaasha kala duwan ee dalka, waxana uu yidhi, “Weynu uga mahadnaqaynaa madaxweynaha casuumadda, golaha wakiilladuna waa golihii shacabku doortay oo shacabkay wakiil ka yihiin, dhammaan hay’adaha dawladda ee halkan fadhiyana waxa isku xidha oo oday u ah madaxweynaha oo ah odaygii guud ee qaranka, sida uu xil uga saaran yahay xukuumadda, buu golahana xil uga saaran yahay golaha Baarlamaanka oo isku dhan, sidaas oo kale buu golaha garsoorkana xil uga saaran yahay, waana odaygii guud ee isku xidhayey intaas oo dhan.”

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa isaguna dhankiisa si mug leh u hogo-tusaaleeyey saddexda dhardhaar ee qaranku ka kooban yahay iyo hannaanka ay u wada-shaqeeyaan, waxana uu xildhibaannada kula dardaarmay inay waqti badan geliyaan sidii ay bulshadii soo dooratay ugu shaqayn lahaayeen, kuna fikiraan sidii ay mustaqbalkooda siyaasadeed u dhisi lahaayeen.

Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay casuumad-sharafeedda uu u sameeyey xubnaha golaha wakiillada, waxana usoo jeediyey inay la shaqeeyaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, maadaama oo uu madaxweynuhu yahay hoggaamiyaha guud ee qaranku leeyahay, isaga iyo golahana ay ka dhaxayso wada-shaqayn ballaadhani.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu casuumaddan sameeyey, ayaa xildhibaannada uga mahadnaqay inay soo ajiibeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay in farriintiisu tahay in kala duwanaanshaha Aaraa’da la isku ixtiraamo, si ilbaxnimo lehna loo doodo oo halka codku u bato uun la ixtiraamo, waxana uu yidhi,

“Maanta arrinteennu waa qado-sharaf, waana hal farriin oo kali ah oo ah goleyaasha qaranka ugu sarreeya, xeer-dejinta oo labadii shirguddoonba joogaan, maxkamaddii oo uu joogo guddoomiyihii maxkamadda sare iyo fulintii oo badankoodii jooga, aynu Ilaahay kaga codsanayno inaynnu noqonno dawlad danta qaranka ka shaqaysa, doodda oo marka ay doodaanna halka codku u bato isku raaca, qaabka ay u shaqaynayaanna uu yahay mid ixtiraam ku dhisan.”

Wa-bilaahi Tawfiiq

Masuul Isku Darsaday Hogaamin Hufan Daacadnimo Iyo Daljacayl.Cabdiqani Maxamuud Jiidhe Waa Masuul Tusaale Fiican U Noqda...
08/02/2022

Masuul Isku Darsaday Hogaamin Hufan Daacadnimo Iyo Daljacayl.

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe Waa Masuul Tusaale Fiican U Noqday Guud Ahaan Dhalinyarada Somaliland Dhinaca Hogaaminta
Madaxwaynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi Ayaa Markii U Horaysay U Igmaday inuu Qaranka Masuul Uga Noqdo Gobolka Sool
Cabdiqani Maxamuud Jiidhe Waxaa Lagu Xasuustaa Dedaalkii Uu Galiyay Dhismaha Amniga iyo Horumarka Uu Maamta Ku Naaloonayo Shacabka Ku Dhaqan Gobolkaasi
Waa Hogaamiye Da'yar Oo Mudnaanta Siiyay Danta Qaranka,Waxaa Uu Awooda Saaray Ka Midho Dhalinta iyo Xalinta Khilaafyadii Beelaha Walaalaha Ee Gobolka Sool Ku Soo Noqnoqday marar Badan, Suurto Gal May Noqdeen Hadii Aanu Xukuumada Hage Uga Noqon Wadiiqooyinka Nabada Waarta Lagu Abuuray, Taas Oo Suura Gal Ka Dhitay In lagu guulaystay Hawlo Nabadeed Oo Gobalkaas Ka Tisqaaday

Gudoomiye Cabdiqani Maxamuud Jiidhe Waxaa Lagu Xasuustaa Mudadii Uu Gobolka Sool Madaxda Ka Ahaa In Uu Noqday Shaqsi Ka Fayaw Qabyaalad,Qof Jeclaysi,Musuqmaasuq iyo Wax Kasta Oo Kala Fogaynkara Bulshada Uu maamulayo,

Marka Laga Yimaado Dhinaca Amaanka Gobolka Sool
Gudoomiye Cabdiqani Maxamuud Jiidhe waa Hogaamiye Fahan Dhaba Ka Haysta Xeerarka Iyo Haykalka Dawladnimo Ee Lagama maarmaanka U ah Halbeega Horumarka Gobolka Uu Qaranka Masuulka Uga yahay.

Mudadii Uu Gobolka Sool Masuulka ka Ahaa Wuxuu dardar Galiyay In Ay isla Jaan Qaadaan Xafiisyada Wasaaradaha iyo Haayadaha Dawladu Ku Leeyihiin Gobolka Sool, Isagoo U Sameeyay Hadaf Iyo Qorshayaal Lagu horumarinayo Baahiyaha aasaasiga Ah Ee Taabanaya Nolosha Bulshada Sida Caafimaadka,Waxbarashada,shaqo-abuurka,Dhalinyarda Iyo Ciyaaraha,Wacyigalintii Caabuqa Covid19,Horumarinta Biyaha Iyadoo Mudnaanta la siinayo Sida Deegaamadu U kala Baahi Badan Yihiin.

Waxaa Xusid Mudan Doorkii Uu Ku Lahaa Dardar Galinta Qorshayaasha Lagu Horumarinayo Magaalada Laascaanood Isgoo Kaashanaya Golaha Deegaanka Dagmadaas Oo Ku Talo Ku Lahaa In Mudnaanta Wax Ka Qabshada Baahiyaha Bulshada laascaanood
Hagitaankaas Oo suura gal Ka Dhigay In Dagmada Laascaanood La Jaan Qaado Magaalooyinka kale dalka Dhinaca Bilicda iyo Wadooyin Muhiima Oo Maanta Bulshadu Mahadisay

Waxaa Uu Hage Daacada Ka Noqday Mashaariicda Horumarineed Ee Haayadaha Caalamiga ah Iyo Kuwa Dawladu Ka Fuliyeen Guud ahaan Gobolka Sool, Taas Oo Wakhtigan gobolka Sool Kala Siman yahay Dhinaca Horumarka Gobolada kale ee dalka.
Isagoo Ka duulaya Ilaalinta Qaranimda Somaliland Wuxuu Amaro Culus Ka soo Saaray in Aan Xaflado huteelada laascaanood Loogu Qaban Shaqsiyaadka Xilalka U doontay Somalia Gaar ahaan Xildhibaanada Shaqo tagay.

Iyadoo Xilka Qaranku Meerto yahay
Hogaamintaa Hufan Ee cabdiqani Maxamuud jiidhe Waxaa Ay Sababtay In Madaxwaynaha Qaranku Mar Kale U Magac Aabo Badhasaabka Gobolka Gabilay

Taasoo Ay U Riyaaqeen Bulshada Ku Dhaqan Dagmooyinka gobolka Gabilay Kagana Dareen Celiyeen Soo Dhawayna ay u sameeyeen Maamul iyo Shacaba

MarkaleWaxaa Uu Dardar Galiyay Qorshayaasha Lagu Sii Anba Qaadayo Horumarka Gobolkaas Isagoo Adeegsanayaa khibradiisa Ah Sida Bulsho Loo Horumariyo
Ilaa Hada Waxaa Uu Horseed Ka yahay mashaariic Iyo Qorshayaal Horumarineed Oo Ka socda guud ahaan Dagmooyinka Gobolka Gabilay
Isgoo Xoojiyay Wadashaqaynta Xafiisyada Wasaaradaha Iyo Haayadaha Dawlada
Dhinaca kale Waxaa uu Kormeer Iyo U Kuurgal Ku sameeyay Guud ahaan Dagmooyinka iyo tuulooyinka Hoos yimaada Gobolka gabilay Si Uu Xogogaal Ugu Noqdo Baahiyaha Wakhtiga U Baahan In Wax laga Qabto
Taas Oo Sababtay Gobolku U jihaysto Dhinaca Horumarka.
Geesta kale Golaha deegaanka gabilay Ee Dhawaan La doortay ayaa Wakhtigan Ku Hawlan Hirgalinta Mashaariic Cusub Taas Uu Hagideeda qayb Ka yahay badhasaabka Gobolka Gabilay Cabdiqani Maxamuud jiidhe Isgoo sidii Dhaqanka U Ahayd Muujinaya daacadnimo iyo dedaal ah in hawlaha Qaranka Meel Looga Soo Wada Jeesto Oo Laga Fogaado wixii Dib u Dhac Keeni Kara.

W/Q
Cabdiraxmaan CIsmaan Xasan Almis
Saxfi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Madaxda Shirkadaha Isgaadhsiinta Oo Ay Wehelinayso Wasaaradda Isgaadhs...
08/02/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Madaxda Shirkadaha Isgaadhsiinta Oo Ay Wehelinayso Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland.

War-saxaafadeed-08-02-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08,02,2022 qasriga madaxtooyada, ku qaabiley madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahay ee isgaadhsiinta oo uu heshiis guul ku soo dhammaaday dhexmaray dawlada Jamhuuriyadda Somaliland.

Heshiiskan oo nuxurkiisu yahay in la wadaago lahaanshaha xadhiga fiberka ah oo ah hanti qaran. Xadhigaas oo ay wada yeelan doonaan Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay heshiishka ku matalayso Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland iyo saddexda shirkadood ee kala ah:

1. SOMCABLE oo uu metelayey Ganacsade Maxammed Siciid Geeddi.

2. SOMTEL oo uu metelayey Ganacsade Maxammed Siciid Ducaale.

3. TELESOM oo uu metelayey Ganacsade Cabdikariim Maxammed Iid.

4. Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland oo uu u saxeexay Dr. Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ku bogaadiyey heshiiska taariikhiga ah ee dhexmaray shirkadaha iyo Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland ee ku qotoma Isfahanka iyo wada-shaqaynta, Isaga oo madaxwaynuhu uga mahadceliyey shirkadaha dalka maalgashaday iyo doorka ay ugu fadhiyaan qaranka oo ah mid lama illaawaan ah.

ALLAA MAHAD LEH.

Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

Waxa saaka ka qabsoomay  xarunta wasaaradda Arimaha Gudaha, shir ballaadhan oo afar geysood ah, kaasoo uu shir gudoomina...
08/02/2022

Waxa saaka ka qabsoomay xarunta wasaaradda Arimaha Gudaha, shir ballaadhan oo afar geysood ah, kaasoo uu shir gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayna ka soo qayb galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdirashiid Xirsi Cali, Maayarka Caasimada Hargeisa Cabdikariim Axmed Mooge, Maayarka Golaha Degaanka Bali-Gubadle Iyo Maayar Degmada Salaxlayle.

Kulankan oo ku saabsanaa kala xadaynta Sadexdan Degmo Doorasho, waxaa kale goob joog ka ahaa Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Cilmi Axmed, Badhasaab Kuxigeenka Gobolka Maroodi Jeex Khadar Baaruud, Badhasaabka Gobolka Hawd iyo Xoghaya Dawladda Hoose ee Hargeisa.

Shirkan ayaa lagu falan-qeeyey wada shaqaynta sadexdan Degmo Doorasho iyo in si dhakhso ah loo bilaabo kala xadaynta degmooyinkan ku deedsan Caasimada Somaliland ee Hargeiss.

Dhinaca kale waxaa shirkan diirada lagu saaray oo la isla qaatay in mashaariic horuumarineed lagu fuliyo kabka ay Xukuumadda Dhexe siiso magaalooyinka iyo in la dardar geliyo shaqada ay bulshada u hayaan goleyaasha Degaanku.

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL

Waxaa La Hirgalinayaa Shirkad cusub Oo  Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta ka kooban.31.67% - Telesom31....
08/02/2022

Waxaa La Hirgalinayaa Shirkad cusub Oo Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta ka kooban.

31.67% - Telesom
31.67% - Somtel
31.67% - Somcable
5.0% - Dawladda

08/02/2022
Kooxda Sinigal Ayaa Ku Guulaysatay Koobkii Ay Mudo  Ku Hirdamayeen  Wadamada Qaarada africa
06/02/2022

Kooxda Sinigal Ayaa Ku Guulaysatay Koobkii Ay Mudo Ku Hirdamayeen Wadamada Qaarada africa

HEEGO MUUQ-DHEERIs helloo gabadhii is heli-maynoHuminnoo taladii hunsami weydayHalyeynimadayda kuma hadhinHayntayda yara...
06/02/2022

HEEGO MUUQ-DHEER

Is helloo gabadhii is heli-mayno
Huminnoo taladii hunsami weyday
Halyeynimadayda kuma hadhin
Hayntayda yaraatay bay hagratay
Dan baa ka hor timi heshiiskii
Hoh iyo caku heegantaydii

Hilowga arradan bir baan ku hiloo
Kashaydu hubaal ma heellana
Hengel baan ka sitaa haween dumar
Markaan ku hungoobay baan huray
Haankiyo wadnahaa biyaa habaya
Hantaaqo i gaadhay baan la hurday
Huq iyo ma filayn hayaan kedisa
Hayeeshe hayaaydi baa badatay
Hammiga kalgacaylku waa habaqle
Hed iyo waa dabayl hab soo tidhi
Hiyigii lingaxnaa ma huriyeen
Ma halabsaday geenyadii Hudi

Hindisaa wax kalaan halkawgu socdee
Hurintaan weheshaan ka hadhiwaayay
Codkiyo hugunkaa isoo hagay
Hoosaasada mayla hiishaday
Haasaasaha muuqda hirigooda
Caawana hambadaydu waa halis

Horyaalka da'day hadhuub la dhantaay
Hiddiyo dhaqan baad hagoogantahoo
Waxaad huwantahay hugii sharafka
Sidaad u habaysay heensaha
Hadoodilka muuqa higilkaaga
Haldhaaga sidiisa hooshaarka
Hilbaha kugu yaalla heemaalka
Hanqalkaad la kacdiyo hubkaad sidato
Hab-joogga timaa hal-qooqa leh
Hufnaanta xishoodka aad hogatay
Hawaarta ku saaran heeraarta
Hilqadaa boqorkiyo hariiryaha
Habuurka, udgoonka, soo haarka,
Sidii hayin haamo culus sida
Hubsiino dhaqaaqa hanashada
Hormaynta hannaanka laafyaha
Hal qaadka tallaabadaad hollatay
Lugtaad hakisaan hoggaansamay!

Dhul habatacay ciidda oo hodantay
Dhirtoo hamashowday doog hadhsaday
Xareed hilo iyo harooyin degtay
Hantidoo dhashay deyladoo horratay
Haleello maqasheeda heel ku furtay
Horweyno ku foofay meel hadow leh
Haloosiga baarqab hoobala
Higtiisa higgaadda dhiillada
Haadkii diday keenay hoosiis
Hibaaq ka dhalaalay Haadaamo
Hareeri ka muuqday Heegaale
Hoobaan ka bislaatay Hawd sare
Dayaxoo himir iyo huruud marsadoo
Caweys ka hinqaday hoggiisii
Horseed la socdiyo hoggaanno wata
Qorraxdoo halabtiyo hillaabta dhigtay
Daruuro ka hooray hoosteeda
Fad iyo hogol loolli habar wacatay
Hillaac iyo heego soo curatay
Sidii hir fog baan ku soo higsadoo
Indhuhu ku harraade halacdaada

Hubsiinadu way hagaagsantahee
Hadhow iyo mooyi hawlo danbee
Horjooggaagu heello igu dhali..

Hugiyo dharku haybta waa ka badh
Hablihii kacay qaar hawaa lumisoo
Xilkii hooyo way ka heermeen
Hummaagay run moodayaan hodaya
Hebliyo hebla hiil ka sugimaayee
Hankaagu ka weyn hinaasaha
Waxaad haysataa jidkii h**e
Sidaan hubo waad hal adag-tahay
Hambalyaan kugu siiyay hirashada

Hawraar murtiyeedda hadalkayga
Waxaan hidiyaaba waa hees
Hortaada, gadaal, hareeraha
Hibaan ku daleeyay hilinkaaga
Habeenkaagu waa mid hooda leh
Ku hoyo nabad Heego-Muuq-Dheer

MAXAMED IBRAAHIM WARSAME (HADRAAWI)

Address


Telephone

+252657666200

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when KOOR MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to KOOR MEDIA:

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share