03/10/2025
DEGDEG: Xamaas ayaa sheegtay kadib la-tashiyo ay la sameysay hoggaankeeda, kooxaha kale iyo dhexdhexaadiyeyaasha inay qaddarineyso dadaallada Carabta, Islaamka, caalamka iyo Madaxweyne Trump ee lagu soo afjarayo dagaalka; ayna oggolaatay sii deynta dhammaan maxaabiista Israa’iil (kuwa nool iyo kuwa dhintayba).
Dhanka kale Xamaas ayaa si dadban uga hortimid qorshihii Trump ee Maamulka Qaza, waxayna oggolaatay in maamulka Qaza lagu wareejiyo hay’ad Falastiini ah oo ay hoggaaminayaan khubaro farsamo, kuna timaadda is-afgarad falastiiniyiinta dhexdooda ah iyo taageerada dalalka carabta iyo Islaamka.