2 Daqiiqo

2 Daqiiqo Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from 2 Daqiiqo, Video Creator, .

Alfah exchange ka sarifo lacagaha e-money Evc to 1xbet 1xbet to evc
25/02/2024

Alfah exchange ka sarifo lacagaha e-money
Evc to 1xbet
1xbet to evc

23/02/2024

Guurka uu rasuulkeena nafarey saan ma ahayn halaga taxadaro sidan cml

14/12/2023

Sheeg 3da sheey ee ay ka kooban tahay soomar LOGO
kuna 𝐠𝐮𝐮𝐥𝐞𝐲𝐬𝐨 $𝟏𝟎
Shuruudaha:
1. Like saar page-ka
3. share-gareey Postigan
FG: Waxaana abaal marinta heli Doona qofka ugu hor Sheego jawaabta saxda ah

13/12/2023
13/12/2023
11/12/2023
05/12/2023

Cabdiyoow qiraadada wakhtigu; wuu qulqulayaaye,

Hal-abuurku waa ilo qabaw; oon qiyaas go’ine,

Qaran dumiskan gaalada watee; shilimo soo qaatay,

Qasad iyo ujeeddiyo malaha; qawl Lilaahiyahe,

Waa dhuuni qaatiyo Iblays; qiimihii dhacaye,

Qardoofada gumaysigu wadaa; waa mid
qaraweyne!

Qabiil iyo xumaan iyo intaan; qudhun walaaqaynay,

Qoomaha dhexdeena ah intaan; hoos u qodanaynay,

Qoloqolo anaa reer hebela; laysu qalanaayay,

Qiirada siyaasiga intaan; daba qablaynaynay,

Qarankaagi Soomaaliyeey; waa la qaybsadaye,

Qosol kuuma yaal iyo mushxarad; lagu qalweeyaaye,

Qamandhacadu waa aawadiin; aan la qaayiraye,

Haddaydaan Qur’aankiyo Sunnaha; qawlka Nebi raacin,

Haddaydaan Qabiilkiyo ka tagin; Qaadkan lagu waashay,

Qarannimo haddaydaan u kicin; qiimo lagu yeesho,

Qayrkiin in aad baal degtaan; waan ka quus dhigaye,

Qasad yeelo Soomaaliyeey; waa qarribanteene!

Siyaasadaha laynoo qodaan; kuu qaddimayaaye,

Carruurtaa qaxoontiga ah ee; Yurub ku qaangaadhay,

Qorshe iyo haddaan loo samayn; xeerar qabanaaya,

Qodax aasan weeyoo la rabo; inay ku qoontaaye,

Qaran aan barbaartiisu hanan; qiimo laga roone,

Quruumaha adduunyada badhbaa; raas qabaw degaye,

Xiddigaha ragbaa qaanyadoo; Maaris qaybsadaye,

Qolqolada intii loo fadhiyay; qaayaheen dhimaye,

Qasad yeelo Soomaaliyeey; waad qarribanteene!


Nageeye Cali Khaliif

02/12/2023
31/10/2023
25/09/2023

Maalinka aan dhinto ma arki doono murugada ka muuqata foolkaaga. Mana ujeedo tiiraanyada daran ee kugu habsatay adiga, mana dajin karo dareemahaaga!
Kulama hadli karo, kaagamana sheekayn karo xanuunnada aan marey iyo dhibta tirada badan uu lahaa sakaraadku.

Kuma odhan karo hebel/heblaay iigu badal duco baroortaada, waxaadna sii wadan doontaa baroortaada sababtoo ah maba ogid baahida aan ducada uqabo markaasi heerka ay gaadhsiisan tahay!

Saacado kadib waxaa kaa khafiifi murugaddii ku haysay, isla markaana waxaad ku faafin barahaaga bulshada aniga tacsidayda.

Maalin kadib waxaad isoo xasuusan kolba inta aad maqleyso geeridayda, inta lahadal hayo rawaxidayda aanka rawaxay meeshii aynu isku weheshan jirnay.
Waxaa lagaadhi maalmo dhawr ah kadib, imana soo xasuusan doontid jeer aad maqasho magacay ama aad aragto suuradaydii.

Si dhib yar ayaan uga baxay markaasi qalbigaagii quruxda badnaa !!
Durba waxaad h**ey kasii wadatay nolashaadii aniga la,aantey waadna farax-santahay, aniga la,aantey.
Halka markii aan dunidda joogney aad igu habi jirtey hadalada ah, “la,aantaa sidee ayaan unoolaan doona “
Hadalkaas hadda waa hal bacaad lagu lisay, anigu waan dhintay adiguna waad nooshahay, waadna farax-santahay, waadna i’hilmaamtay aniga !

Maalin uun.💔

09/09/2023

Xaggee Ahayn , Hadddase Xaggee Nahay ? Maxaan Ku Fekeri Jirnay, Haddana Sideen u Fekernaa ?

Maxaad ka og tahay Mashruucii Biyo-Xireenka Faanoole ee Somalia (1963-1982) ?

Mashruuca biyo xireenka Faanoole wuxuu ahaa mid ka mid ah mashruucyadii guuleestay ee Somalia laga fuliyay kadib xornimadii. Waxaa la sheegaa fikirka mashruucaan biyo xireenka inuu lahaa madaxweynihii h**e ee Somalia Abdirashid Ali Sharmake. Biyo xireenka Faanoole ayaa waxaa heshiis ku galay in la dhiso dowladaha Somalia iyo midowga suufiyeet (USSR) sanadkii 1963. Waxaa la isku raacay kadib qiimeyn la sameeyay in mashruuca biyo xireenka laga fuliyo deegaanka Faanoole oo 22 km ka xigto dhanka waqooyi degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Waxaa waqti badan qaatay in la helo maalgalin,quburo aqoon u leh dhisida biyo xireenada sidoo kale waxaa jiray caqabado kale oo saameeyay mashruucaan sida Somalia oo gashay marxalad siyaasadeed oo dalka ay la wareegeen militariga sanadkii 1969 iyo dagaalkii Somalia ay la gashay Ethiopia sanadkii 1977. Arimahaan oo is biirsaday ayaa ka dhigay in mashruucaan uu dabo dheeraado waqti badan ilaa ay baxday ooraahda caanka ah ee "Faanoole Fari K**a Qodno".

Dowladii uu hogaaminayay Mohamed Siad Barre ee dalka la wareegtay sanadkii 1969 waxay qaadatay nidaamka shuuciyada ee ku saleysanaa hantiwadaaga ayadoo xariir wanaagsan la yeelatay dowladii midowga suufiyeet (USSR). Waxaa sii socday fikirka mashruuca biyo xireenka Faanoole oo ugu dambeyn sanadkii 1974 toos u bilowday.

Dhismaha mashruuca biyo xireenka Faanoole waxaa saameyn ku yeeshay dagaalkii Somalia iyo Ethiopia sanadkii 1977. Waxaa isku dhacay dowladii Somalia iyo USSR ayadoo dalka laga saaray midowga suufiyeet oo ugu dambeyn Ethiopia soo garab istaagay. Waxaa halkaas ku istaagay dhismihii biyo xireenka Faanoole.

Somalia ayaa heshiis kula gashay dowlada Shiinaha (China) inay la wareegto mashruuca biyo xireenka faanoole oo ay dhamestirto mashruucaan sanadkii 1978.

HADAFKA LAGA LAHAA BIYO XIREENKA FAANOOLE

Biyo xireenka Faanoole waxaa laga lahaa 2 ujeedo oo kala ah :

1. Koronto dhalin

2. Waraabin beero

Mashrruuca biyo xireenka Faanoole waxaa garab socday mashruuc kale oo weyn oo ahaa beersita bariis ilaa dhul 40,000 hectare ah. Somalia ayaa xiligaas ku fikirtay inay balaariso wax soo saarkeeda bariiska oo markaas ku koobnaa magaalada Jowhar ee gobolka Shabelle dhexe. Gobolada jubooyinka ayaa xiligaas la rabay in bariis lagu beero oo mashruucaan wuxuu hareer socday mashruuc biyo xireenka Faanoole.

Dowlada Shiinaha ayaa Biyo xireenka Faanoole dhameestirtay sanadkii 1982. Biyo xireenka Faanoole ayaa shaqo bilaabay isla sanadkaan asagoo waraabin jiray beero Bariis, Sisin iyo Caleen-shaah. Biyo xireenka Faanoole ayaa sidoo kale siin jiray koronto magaalooyinka Jilib iyo Mareereey. Waxuu kaloo koronto siin jiray Warshadda Sonkorta Jubba oo ku tiilay Mareerey gobolka Jubada Dhexe. Korontada biyo-xireenka uu dhalin jiray waxay ahayd 4.6 MW maalintii.

Biyo xireenka Faanoole wuxuu ka koobnaa 3 kanaal oo 2 ka mid ah ay marayeen bariga webiga Juba - dherer kooda ahaa 52 km iyo 30 km (Kanaalka Hoombooy) halka kanaalka 3 uu marayay galbeed ka Webiga; dherer kiisuna ahaa 25 km oo loogu talo galay beeraha qasabka (Sugarcane) ee Mareeray.

Mashruucii kale ee beerista bariiska ee hareer socday biyo xireenka Faanoole ayaa isagana waxaa la beeray 5,000 hectare oo bariis laakiin lama gaarin hadafkii guud ee ahaa 40,000 hectare. Bariiska ka soo baxo beerahaas waxay dowlada siin jirtay askarta.

MARXALADAHA UU SOO MARAY MASHRUUCA BIYO XIREENKA FAANOOLE

1. 1963-Waxaa la hindisay fikirka mashruuca.

2. 1963-1973-Waxaa mashruucaan loo raadinayay maalgalin, farsamayaqaano sidoo kale waxaa saameyn ku yeeshay isbadalka siyaasadeedka dalka ka dhacay.

3.1974-Waxaa bilowday dhismaha biyo xireenka Faanoole.

4. 1977- Waxaa istaagay mashruucii maadama dalka laga saaray midowgii suufiyeet (USSR) kadib markuu qarxay dagaalka Somalia iyo Ethiopia.

5. 1978- Waxaa mashruuca biyo xireenka Faanoole la wareegay Dowlada Shiinaha.

6. 1982- Waxaa la dhameeyay dhismaha biyo xireenka Faanoole.

Biyo xireenka Faanoole ayaa shaqeeyay intii u dhaxeysay 1982-1991. Waxuu ka mid noqday hantidii qaranka ee ku bur burtay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Xigasho ~Dirie Abdi Mohamed



Maxaa yaab isdabayaal.........🙏😔

04/09/2023

Maalmahaan waxaa aad loo hadalhaye buug uu tarjumay C/maalik Caldoon. sida la sheegay dhiganahaas C/maalik tarjumay wuxuu Ka hadlayaa shiirqooladda reer galbeed ama gaaladdu Ku hayaan Islaamka.

In badan oo Kamid ah dhalinyaradda aad bay oga falceliyeen, ayakoo Ku tilmaamey Caldoon in uu yahay mid xagjir ah, oo argagixisinimo u xuubsiibanaya.runtii waxaan joogna waqti uu dhaboobey ra'ayul caamkii reer galbeedka ee ahaa qofkii shirqooladooda Ka hadlaba lagu shaabadeeyo argagaxisino.

Gaaladdu in ay yihiin cadow islaam su'aal is weydii leh ma ahan , oo biyo k**a dhibcaan weeye. Illaahayna meelo badan Qur'aankiisa wuu Ku sheegay dhagarta ay islaamka Ku hayaan.

Tan kale ;

Caldoon iyo buuga shirqool maxaa iska galay? buuga qofka tarjumay shaqsiyaddiisa muhiim ma ahan ee xogta uu xanbaarsanyahay baa muhiim ah.

Waa muhiim markii la doodaayo in la isla fahmo waxay asalka dooda ku saleesantahay taas oo loo yaqaano ( taxriirul maxali nizaac)oo macnaheedu tahay in la isla garto waxa la isku khilaafsan yahay iyo waxa laga doodayo. shiirqooladda gaaladda baan Ka hadlayaa iyo argagixiso baa tahay wax is qaadan Kara ma ahan.

Doodu yaan lagu saleen shaqsiyadda c/maalik ee waa in buuga laga doodaa wuxuu yahay.

04/09/2023

Qisada Buuga HADHKII MADOOBAA oo aan soo afjaray aqrintiisa maalma ka hor aan wax yar idinka taabto.

Waa Kutub taariikh ah oo ka waramaya hardankii siyaasadeed ee Ethopia ka dhacay mudadii u dhaxasay 1913 ilaa 1935.

Markii uu dhintay boqor -II 2-aad Ethopia waxaa boqortooyoda dhaxal ahaan loogu wareejiyay wiilkii uu awoowaha u ahaa Menelik ee ( Lij Iyasu) oo ahaa wiil yar, lkn sanad kadib xukunkiisa ayow shaaciyay in uu Muslim yahay Lij Iyasu taasi oo fajac ku abuurtay Qayskii weyn ee Kaniisada , Wadaadadii Kaniisadaha Ethopia iyo Taliyihii Ciidmada Raas Tafare oo qabay boqorka walaashiis.

Lkn boqor Lij Iyasu dadkii Ethopia oo dhan waxaa uu ka dhigay dad walaala ah kii Muslim ah, kii Kirishtaan ah, kii Cawaan ah dhamaan shacabka Ethopia qowmiyadaha kala duwana arinkaas waa soo dhaweeyeen, lkn howshaas masaaliixda ah inta uu ku mashquulsanaa waxaa dabin iyo shirqool halistiis leh usii maleegayay Raas Tafare Taliyihii Ciidamada iyo wadaadadii Kaniisadaha oo rabay in la afgembiyo xukunka Islaamka ah oo dhulkii xabasha si fudud ula wareegay kuna faafay.

Lij Iyasu oo safar kusoo kormeerayay Gobolada waqooyi ee dalka ayaa durbadiiba waxaa shaqadii afgambiga bilaabay sxbadii kale ee ku heshiisiyay in laga takhaluso, howshooda ayeey guda galeen, durba waxaa madaafiic lagu garaacay meela muhiim ah oo laga taabacsanaa boqorka muslimka ah, dhaqsaba waxaa lala wareegay Caasimada Adis Ababa iyo qasrigii boqorka, meel walba waxaa si fudud ku qabsaday ciidankii Raas Tafara, kaniisadahii ayaa dabaal dagay, ciidankii Raas Tafara waxa ay dagaal la galeen boqorka aabihiis oo Gudoomiye gobol ahaa inkastoo markii dambe Raas Tafare gacantiisa kuso qabtay Sodogiis kadibna xabsiga geeyay.

Gabadha la dhalatay boqor Lij Iyasu oo arimaha ninkeedu sameeynaya iyo shirqoolada walaalkeed loo dhigay waxba ka qaban wayday waa is dishay.

Aabaheedna xabsiga ayow ku dhintay Raas Tafare waxaa uu u xuub siibtay in uu noqdo boqorka Ethopia waxa uu la baxay ( Xeyle Sallasa ).

Lij iyaasu tobanaan sano ayow xabsiga ku qaatay inkastoo dhowr mar ka baxsaday xabsiga hadana bartihimihii 1935 markii Talyaanigu qabsaday Ethopia ayow Xayla Sallase xabsiga ku dhex dilay Seedigii Lij Iyaasu markaas kadibna waxa uu u baxsaday dhanka England ama ingriiska halkaasi uu qaxooti ku ahaa mudda sanada ah.

Lij Iyasu waxa uu talinayay 1913-1916
Xayla Sallasa isna waxaa xukunka dil iyo afgambi uga tuuray Mangiste.

Qisada Buuga intaan waa ka baaxad weyntahay waana ka xiisa badantahay lkn nuxurka ku jira ayaan intaan karay inaan kuso koobo sxbyaal la wadaaga asxaabtiina kale.

AKHRIS WACAN.

W/Q Gen Axmed Baadil

Sawiro Nolasha labadeeda dhinac
28/08/2023

Sawiro
Nolasha labadeeda dhinac

15/07/2023
11/12/2022

Viva Morocco 🇲🇦

Address


Telephone

+252682849047

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when 2 Daqiiqo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share