Cabdinuur Ciise Qalamad

  • Home
  • Cabdinuur Ciise Qalamad

Cabdinuur Ciise Qalamad Run Iyo Xaqiiq
(1)

Wasiirka waxbarashada Galmudug Maxamed Hashi Dhore ayaa ka qeyb galaya Munaasabadda Maalinta Macalinka soomaaliyeed oo i...
21/11/2024

Wasiirka waxbarashada Galmudug Maxamed Hashi Dhore ayaa ka qeyb galaya Munaasabadda Maalinta Macalinka soomaaliyeed oo iminka ka socota Dhuusamareeb.

21/11/2024

Daawo qaabka ay Maxkamada Gobolka Galgaduud Goor dhow ufulisay Xukun Qisaas ah oo lagu fuliyay Sakariye Asad Faarax oo horay u dilay C/laahi Qaliif Faarax Deer.Waxaa ku dhawaaqay Xukunka Xeer ilaaliye Ku-xigeenka Galmudug C/Xakiin Maxamed Xirsi.

 : Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Sakariye Asad faarax oo horey Dagmada Gurceel ugu di...
21/11/2024

: Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Sakariye Asad faarax oo horey Dagmada Gurceel ugu dilay AUN Cabdullahi khaliif faarax.

20/11/2024

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Gerijiir ee Gobolka Hiraan ayaa kormeer ku tagay degaano hoos yimaada degmadas.

Isku-duwaha Wasaaradda Xanaada Xoolaha ee Dowladda Hirshabelle ee degmada Gerijiir, Guddoomiyaha ku xigeenka degmada, iy...
20/11/2024

Isku-duwaha Wasaaradda Xanaada Xoolaha ee Dowladda Hirshabelle ee degmada Gerijiir, Guddoomiyaha ku xigeenka degmada, iyo Agasimaha Waxbarashada ayaa booqday degaanka Sabaxume, waxaana masuuliyiinta deganka kuso dhoweyaay bulshada deganka, iyaga oo la wadaagay baahiyaha ka jira degaanka.

Sidoo kale, Isku-duwaha Wasaaradda Xanaada Xoolaha ee degmada Gerijiir, Cabdi Kariin Sheikh Xusen Xaaji, ayaa degaanka ka sameeyay xog-uruurin ku saabsan cudurrada ku dhacaan xoolaha ku nool degaanka.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY MADAXWEYNAHA  LA DOORTAY EE MAAMULKA SOMALILAND.Muqdisho, Nofeembar 19, 2024...
19/11/2024

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY MADAXWEYNAHA LA DOORTAY EE MAAMULKA SOMALILAND.

Muqdisho, Nofeembar 19, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si dhow ula socday doorashada dadweynaha Maamulka Soomaaliland ay codkooda ku dhiibanayeen ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa Mudane Maxamed Aw-Cali Cabdi.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey xisbiyada kala ah; Waddani, Kaah iyo Kulmiye natiijada ay ka gaareen doorashada, waxa uuna bogaadiyey bisaylka iyo fahanka dowladnimada ee ay muujiyeen bulshada Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u xaqiijiyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cirro in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go'an tahay dhammaystirka wada-xaajoodyada dib u heshiisiinta labo geesoodka ah, taas oo muhiim u ah horumarka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey Madaxweynaha, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Xisbiyada la doortay in Alle uu u fududeeyo qorsheyaasha horumarinta nolasha iyo kobcinta dhaqaalaha ee bulshada deegaannada Soomaaliland ay u doorteen.

Hambalyo Dr Cabdullahi moalim Xasaan  iyo Marwadiisa Fahiima Xirsi Faraax oo aan maanta Goob-joog u ahayn Nikaaxooda. Is...
15/11/2024

Hambalyo Dr Cabdullahi moalim Xasaan iyo Marwadiisa Fahiima Xirsi Faraax oo aan maanta Goob-joog u ahayn Nikaaxooda.

Isku waraa ubay qeyr qaba kala helaa.

15/11/2024

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmada Guriceel oo ka Qaybgalay Munaasabad Logu Mahadcelinayo Dhaqatiirta Isbitaalka Al-Casimada oo Guriceel ka Fuliyay Qalimo.

DEG DEG: Gudaha degmada Guriceel waxaa hadda lagu dilay nin kasoo jeeda dalka Itoobiya, waxaana uu kamid ahaa dadka ka s...
12/11/2024

DEG DEG: Gudaha degmada Guriceel waxaa hadda lagu dilay nin kasoo jeeda dalka Itoobiya, waxaana uu kamid ahaa dadka ka shaqeysta gudaha degmada.

Sidoo kale, waxaa uu dhaawac soo gaaray mid kale oo la socday ninka dhintay.”

08/11/2024

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa ka qeyb galay siyarada Macalin Cali Cabdi Xersi, oo ka mid ahaa culimada degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Madaxa Sheybaarka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee degmada Guriceel, Dr. Ibrahim Dahir Osman, ayaa maanta qaliin ku samee...
07/11/2024

Madaxa Sheybaarka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee degmada Guriceel, Dr. Ibrahim Dahir Osman, ayaa maanta qaliin ku sameeyay neef la dala-dhacay bac. Qaliinka, oo socday saacado, kadib waxaa lagu guuleystay in neefka laga saaro dhowr kiilo oo bac ah.

Hambalyo Cabdi Xuseen Jaamac (cabdi bile) oo Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle mudane Cali Gudlaawe Xuseen u dalacsiiyay...
04/11/2024

Hambalyo Cabdi Xuseen Jaamac (cabdi bile) oo Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle mudane Cali Gudlaawe Xuseen u dalacsiiyay darajada Dhamme ee Ciidanka Booliska Dowlada Hirshabelle.

28/10/2024

Wax ka ogow Marxaladihii kala duwana ee uso maray Dugsiga Hoose, Dhexe, iyo Sare ee Degmada Xarardheere.

26-10-2024 Kulanka Dadar-galinta Dakhliga Gudaha.Wasiiru Dowlaha Wasarada Maaliyadda Dowladda Galmudug Mudane Abdirizak ...
26/10/2024

26-10-2024 Kulanka Dadar-galinta Dakhliga Gudaha.

Wasiiru Dowlaha Wasarada Maaliyadda Dowladda Galmudug Mudane Abdirizak Mohamud Jaamac oo uu Wehliyo Agaasimaha Guud Wasaarada Mudane Abukar Muhudin Ali ayaa Magalada Dhusamareeb Kafuray Kulanka Dardar galinta Dakhliga gudaha.

Kulanka ayaa Darnaay in bulshadu lagu Wacyi galiyo bixinta canshuurta si kor loogu qaado dakhliga Dowladda loona helo adeegyo Tayo leh oo bilaash ah Sida adeeg waxbarasho,Caafimaad iyo Kaabayasha dhaqaalaha.

kulanka ayaa waxaa Kaqeyb galay Ganacsatada qeybahoda kala duwan ayadoo wax badan la is dhaafsaday la iskuna fahmay in la dardargaliyo bixinta Canshuurta si loo hormariyo adeegyada Dowladda.

26/10/2024

Wasiirro, odayaal dhaqan, iyo qaybo kala duwan oo ka mid ah bulshada degaanka Wara-dhumaaleh ayaa fariin u diray Dowlada Hirshabele.

Deegaanka Wara-dhuumale oo ka tirsan gobolka Hiiraaan waxaa maanta ka dhacday munaasabad looga hadlayay dhismaha golaha ...
25/10/2024

Deegaanka Wara-dhuumale oo ka tirsan gobolka Hiiraaan waxaa maanta ka dhacday munaasabad looga hadlayay dhismaha golaha deegaanka degmada Maxaas.

Shirkan oo ay ka qayb-galeen odoyaasha dhaqanka, saraakiil ciidan, xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle waxaa looga hadlay sidii beesha Cayr ee wax ka degta deegaannada hoos yimaada Maxaas ay ku heli lahayd xubaha ay ku leedahay xildhibaannada golaha deegaanka ee degmadaas.

25/10/2024

Guddoomiyaha Degmada Mataban ayaa shir guddoomiyay shirka amniga degmada Mataban ee Gobolka Hiraan.

Talisyada booliska iyo nabad sugida degmada Mataban ayaa soo saaray ammiirro cusub.
25/10/2024

Talisyada booliska iyo nabad sugida degmada Mataban ayaa soo saaray ammiirro cusub.

Address


Telephone

+252615712775

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cabdinuur Ciise Qalamad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Cabdinuur Ciise Qalamad:

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share