Beeylah gaad

Beeylah gaad Halkaan Kala Soco Qisooyin Diini Ah. Soo Dhawoow Page-ka Follow Dheh Walaal🧡🙏

27/01/2025

Dhegaha ma qaban kartaa adigu?

Boqortoyaddi macrobiaEe somalia Adunka danna cabsi galisay
26/01/2025

Boqortoyaddi macrobia
Ee somalia Adunka danna cabsi galisay

Qoraaga Wayn Ee U Dashay Mareykanka wuxuu sheegay in Soomaaliya ay qabsatay adduunka. Ka weyn Genghis Khan iyo boqortooyadii Mongoliyada, kana weyn Ro...

26/01/2025

Walahi wan ka naxay subxaanalah "wa dishay

26/01/2025

waxaa muuqato Abu Ivanka in uuna dhargaynin wuxuu codsanaayaa 1 Trillion Dollar asagoo waliba jees jeesaayo 😒

Abu Ivanka Al Amreeki   " waxaa ii qorshaysnayd in aan ku hor maro ingiriiska laakiin waxaa jiro nin ballan qaaday 600 b...
26/01/2025

Abu Ivanka Al Amreeki
" waxaa ii qorshaysnayd in aan ku hor maro ingiriiska laakiin waxaa jiro nin ballan qaaday 600 bilyan oo dollar asagaan ku hor mari ingiriis !! maxaan ka faaiidi boqortooyo sii dhacayso "

25/01/2025

Waa wiil soomaliyed oo iska celiyay
Tuugo rabtay in ay dhacaan ila daawo
Muqalka dhameyso

25/01/2025

Madaxda Soomaaliya noloshooda inay Kenya ku sidkan tahay waxaad kugaranaysaa markaad aragto xildhibaan bisha Janaury dhabanada haysta, oo kuleh iskuulaadkii ayaa lafurayaa oo School Fee-gii ilmaha ayaa la iga rabaa.

25/01/2025

Ethiopia waxa kasocda waxan caadi ahayn.muqalkan Sii shere gareya

25/01/2025

Layaab " Maxay Dadkeenu Sabool u yihiin...

24/01/2025

Shacabka maxa laga rawaa
Muqdisho

24/01/2025

Qur'aanka dhagaysigiisu wuxuu dib usoo cusboonaysiiya nafaheena duugoobay. ❤️‍🩹🎧

Dab cusub ayaa qabsaday kaymaha buuraha waqooyiga ee magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, wuxuuna si deg deg ah da...
23/01/2025

Dab cusub ayaa qabsaday kaymaha buuraha waqooyiga ee magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, wuxuuna si deg deg ah dabku ugu fidaya dhul ka badan 21 km , taa oo keentay in lagu amro dadka ku dhow goobaha uu dabku holciyay inay isaga guuraan, iyadoo laga cabsi qabo inay dhacdo khasaare la mid ah dabkii toddobaadyo ka hor qabsaday qeybo badan oo ka mid ah Los Angeles oo ay ku geeriyoodeen 28 qof , burburka dhismayaal iyo hanti lagu qiyaasay ku dhawaad 200 bilyan oo dollarna ay ka dhalatay.

Joe Biden, wuxuu maalintii u dambeysay ee xilka uu ka tagayay cafis u fidiyay wiilkiisa, xubno ka mid ah qoyskiisa iyo q...
23/01/2025

Joe Biden, wuxuu maalintii u dambeysay ee xilka uu ka tagayay cafis u fidiyay wiilkiisa, xubno ka mid ah qoyskiisa iyo qof kasta oo la fili karay inuu beegsan karo madaxweynaha xilka la wareegay ee Trump , oo loo hormariyay cafis madaxeyne..! Arrin looga arkay dunidda iyo gudaha Mareykanka wax aan horey loo sameyn, balse waxaa soo baxay Trump oo inta uu ku jiray waraysi uu siiyay Fox News, ku sheegay inuu sameeyay Biden, qalad weyn, sababtoo ah wuxuu iloobay inuu naftiisa cafis u fidiyo, wuxuu intaa ku daray ; “ Ninkani wuxuu cafis u fidiyay qof walba, arrinta qosolka iyo murugada lehna waa inuusan isagu naftiisa cafis u fidin.“

Wariyaha waraysiga la yeeshay Trump, wuxuu isku dayay inuu ka soo saaro haddii uu qorsheynayo baaritaan lagu sameeyo Biden ,si la mid ah sida ay horey FBI-da baaritaan ku sameysay, balse wuxuu ku celceliyay Trump, in Biden ay ahayd inuu ka faa'iidaysto awoodda cafiska si uu isu ilaaliyo.

"Caruurteeni waxaa dhameeyay Jaadka Wajigooda ilaa ilkihii ayaa dhamaaday, markii wax la baranayo markii la shaqaynayo i...
22/01/2025

"Caruurteeni waxaa dhameeyay Jaadka Wajigooda ilaa ilkihii ayaa dhamaaday, markii wax la baranayo markii la shaqaynayo intaba qaad ayaa loo isticmaalaya sidda shidaalkii Gaadhiga

Ramadan iyo Qaadka waxba k**a dhaxeeyaan Dadkii haddii Cishaa'iga ilaa Suxuurta aysan Qayilin inay Soomeen ma mooodayaan Arrimahaas halaga fikiro."

Abiye Ahmed oo la hadlayay Muslimiinta Itoobiya

22/01/2025

Nin foolxun majiro waayo haduu jiro waxaa lasoo saari laha maykabka raga😂🙌

“Qalbiga Wanaagsan ee Dhibbanaha”Waxaa jiray nin magaciisa la oran jiray Xasan, oo ku noolaa tuulo yar oo dadka deggen a...
22/01/2025

“Qalbiga Wanaagsan ee Dhibbanaha”

Waxaa jiray nin magaciisa la oran jiray Xasan, oo ku noolaa tuulo yar oo dadka deggen ay si fiican u wada garanayeen. Xasan wuxuu ahaa nin qalbi wanaagsan oo ku caawin jiray qof kasta oo dhibaato soo wajahdo, xitaa isaga oo aan haysan wax badan oo uu isagu ku tiirsan yahay.

Xasan wuxuu ahaa agoon ku soo barbaaray nolol adag, isaga oo aan haysan cid kale oo u garab istaagta. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu go’aansaday inaysan taasi noqon mid uu ku niyad jabo, balse uu nolosha u wajaho isagoo dadka kale u noqonaya iftiin. Mar kasta oo qof tuulada ku nool uu galo dhibaato, Xasan ayaa ka garab istaagi jiray, waxa uu siin jiray wixii uu awoodo, haba yaraadeene.

Maalin maalmaha ka mid ah, tuulada waxaa ku dhufatay abaartii ugu xumayd ee soo marta. Dad badan ayaa waayay xoolahoodii, cuntana waa gabaabsi noqotay. Xasan oo aan isaguba wax badan haysan, ayaa haddana waxa uu soo ururiyay wixii uu awooday oo raashin ah, isaga oo u qaybiyay dadkii ugu darnaa abaarta.

Inkastoo uu Xasan caawinaad badan sameeyay, waxaa jiray dad aan jeclayn wanaaggiisa, kuwaas oo faafiyay warar been ah oo ku saabsan in Xasan uu xaday raashinka dadka iyo in aanu dhab ka ahayn caawintiisa. Xasan waxaa lagu eedeeyay wax uusan galabsan, waxaana lagu qaaday maxk**ad beeleed, isaga oo uusan difaac lahayn.

Markii la weydiiyay Xasan inuu is difaaco, wuxuu yiri:
“Qof kasta oo aan caawiyay, waxaan u sameeyay qalbi daacad ah. Ma filayn mahadcelin, mana rabin abaal. Waxa kaliya ee aan rabo waa inaan wanaagga ku faafo. Haddii aad i rumaysan weydaan, qalbigeyga ayaan ku nasanayaa inaan isku dayay inaan u fiicnaado dadka aan ila noolahay.”

Markii dadka tuulada ay maqleen hadalkaas, dad badan oo uu horey u caawiyay ayaa u istaagay si ay u difaacaan Xasan. Mid kasta wuxuu sheegay sida uu Xasan u badbaadiyay markay u baahnaayeen. Ugu dambeyntii, Xasan waxaa laga bixiyay eedihii lagu soo oogay, waxaana loo aqoonsaday halyeyga tuulada.

Dhacdadan kadib, Xasan wuxuu sii waday inuu dadka caawiyo, isagoo aan ka baqayn eedaymaha ama dhaleecaynta. Wuxuu isku arkay in wanaagga uu sameeyo uu yahay abaalmarin isaga ku filan, xitaa haddii dadka qaar aysan fahmin.

Fariinta sheekadan:

Wanaaggaaga ha ku joojin dadka fahmi waaya. Caawinta dadka kale waa shay ay qalbigaaga adigu ku faraxsan yahay. Mar kasta, runta iyo wanaagga ayaa guuleysta, xitaa haddii waqtiga ay qaadato. Wanaagga aan laga mahadin ayaa weli ah wanaag.

Saxiib, adigoo sheekadan ka amba qaadaya, ha joojin inaad noqoto qof dadka kale caawiya, xitaa haddii aad dhibaato ku jirto. Rabbina wuu ogyahay wixii qalbigaaga ku jira. W/Q, Axlaam Abdi Gaaz

Dawladda Kenya ayaa dhammaanba dalalka Afrika u ogolaatay in ay Visa la'aan dalkeeda ku yimaaddan marka laga reebo  wadd...
21/01/2025

Dawladda Kenya ayaa dhammaanba dalalka Afrika u ogolaatay in ay Visa la'aan dalkeeda ku yimaaddan marka laga reebo waddamada Soomaaliya iyo Liibiya.

Labadan dal ayaa looga reebay sabab amni. Dadka aan fiisa la'aanta ku gala Kenya ayaa loo ogol yahay in ay waddankaas joogi karaan laba bilood.

Address

Garissa University

70100

Telephone

+252611477746

Website

https://ogaalkamaanta2024.blogspot.com/2024/12/news.html

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Beeylah gaad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share