Fu'ad Rashid Mohaud

Fu'ad Rashid Mohaud Warar io Warbixino La hubo

16/06/2024

Side Looga Ciiday Magalada Qardho

EID MUBARAK
15/06/2024

EID MUBARAK

Malaayiin Muslimiin ah oo taagan Buurta Carafa
15/06/2024

Malaayiin Muslimiin ah oo taagan Buurta Carafa

War degdeg ah Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa shaaciyey Jadwalka doorashadda golayaasha deegaanka ee degmooyinka Ga...
02/06/2024

War degdeg ah Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa shaaciyey Jadwalka doorashadda golayaasha deegaanka ee degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan.

27/05/2024

Waxba ka dhacay ₩₩₩₩

25/05/2024

Gudoomiyaha Gobolka karkaar Cabdi Siciid Cismaan "Waxaan Ardayda u rajaynaayaa Guul

25/05/2024

Gudoomiyaha Dagmada Qardho Cabdi Siciid Qaal "Waan u Ducaynaynaa Ardayda.

25/05/2024

Cabdiqaadir Aadan Diini kormeeraha guud ee imtixanaadka shahaadiga ah ee gobolka Karkaar '' I

25/05/2024

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar G/sare Xuseen Cali Maxamuud...''Waxaa Larabaa in aad Mujisaan Dulqaad

25/05/2024

Bashiir Axmed Gaaleri Gudoomiyaha waxbarashada gobolka Karkaar '' 19 xarumood ayuu guud ahaan gobolka Karkaar imtixaanku ka socdaa saaka...''

PUNTLAND: 21,801 oo arday oo ka kala socda fasallada siddeedaad iyo afraad ee dugsiyada dhexe iyo sare ayaa maanta u fad...
25/05/2024

PUNTLAND: 21,801 oo arday oo ka kala socda fasallada siddeedaad iyo afraad ee dugsiyada dhexe iyo sare ayaa maanta u fadhiistay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dowladda, iyada oo sannadkan ardeydu ay imtixaanaadka ku geleyaan Jaamacadaha; iyaga oo aan u baxayn nus-saac ayey si xidhiidh ah maalin kasta u geleyaan laba maaddo.

24/05/2024

habeen baa waxa nagu soo baxay 70 tikniko ah oo Somaliland leedahay

23/05/2024

Ceebtii Carab ku Dhacday Waa Mid Laga Sheekeyn Doono.......

22/05/2024

Gudoomiyaha Degmada Qardho oo ka warbixiyay halka uu maraayo mashruuca isku tashiga ah ee maareynta fatahaadaha Qardho.

Caawa iyo Gunaanadka Tartan iyo Tacliin 2024Golis TelecomRadio DaljirSALAAM BANKWasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sa...
22/05/2024

Caawa iyo Gunaanadka Tartan iyo Tacliin 2024

Golis Telecom
Radio Daljir
SALAAM BANK
Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland
Dalladda Waxbarashada Puntland

Hoggaamiyaha ugu sareeya ee Iran ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne ku xigeenka koowaad Maxamed Mokhber uu noqdo siihayaha ...
20/05/2024

Hoggaamiyaha ugu sareeya ee Iran ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne ku xigeenka koowaad Maxamed Mokhber uu noqdo siihayaha xilka Madaxweynaha dalka kadib geerida madaxweyne ibraahim Raisi.

20/05/2024

Ugu Danbeyntii Waxaa la soo helay Meydka Madxweynihii iiraan

19/05/2024

Shaqaalahi Ugu badnaa Ee Dawlada Fadaralka Ayaa KU Baxsaday Gudaha Qaarada Yurub...

19/05/2024

Buundooyinka Gobolka Gedo Yaa Hortaagan Dhismahooda.

Farmaajo "Qodobadii kasoo baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran waxa ay khatar ku yihiin Dowlad dhiska iyo Midnimada"Mad...
19/05/2024

Farmaajo "Qodobadii kasoo baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran waxa ay khatar ku yihiin Dowlad dhiska iyo Midnimada"
Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Warsaxaafadeed kasoo saaray Shirkii Golaha wadatashiga Qaran.
Qodobbada ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Golaha Wadatashiga Qaran waxay sii kordhinayaan xiisadda siyaasadeed ee dalka, waxa ayna dhaawac weyn ku yihiin geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya, midnimada iyo wadajirka.
1. Maqnaanshaha Dowlad-goboleedka Puntland:
Puntland in ay wali ka maqan tahay Golaha Wadatashiga waxay muujinaysaa kalsooni darrada wali ka taagan Golaha iyo in Madaxtooyadu ay qaadatay go'aan ka dhan ah Federaaleynta iyo dimuqraadiyeynta dalka, iyada oo iska indho-tiraysa tabashada Dowlad-goboleedyada, siyaasiyiinta iyo daneeyeyaasha.
2. Laalidda Dastuurkii la isku waafaqsanaa:
Laalidda dastuurkii la isku raacsanaa ayaa sababtay in ay lunto sharciyaddii iyo wada shaqeyntii hay'adaha dowladda. Waxaa laga filayey shirku in uu dib ugu laabto hannaankii dastuuriga ahaa ee la isku waafaqsanaa, waana nasiib darro in wali hoggaanka dalku ay sii wadaan qorsheyaal gurracan oo ka turjumaya danahooda gaarka ah, kuwaas oo uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee dalka, wiiqayana dowladnimada iyo sharciyadda Hay'adaha Federaalka.
3. Hor-istaagga Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada:
In laga hor-istaago dowlad goboleedyada doorashada, iyada oo waqtigii loo muddeeyey uu dhammaaday waa afduub siyaasadeed oo khatar gelinaya hannaanka iyo xasiloonida dalka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed. Madaxweynaha oo ahaa ilaaliyaha dastuurka KMG ah, in uu ku dhiiri galiyo in dawlad goboleedyadu ku shaqeeyaan maandhayd iyo sharciyad la’aan, waxay dalka ku hagaysaa mugdi iyo hubanti la’aan siyaasadeed.
4. Heshiisyada H**e ee aan Dastuuriga ahayn:
Waxaa la yaab ah in heshiisyadii h**e oo aan dastuuriga ahayn ee fashilmay wali lagu baaqayo in la fuliyo, taas oo ka dhigan in xaqiiqada la iska indho tirayo.
5. Hannaanka Doorashooyinka Qof iyo Cod:
Waxaan si adag uga digaynaa hannaanka doorasho ee aan la isku waafaqsanayn ee ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Golaha Wadatashiga Qaran. Nidaamka doorashada ee Madaxweynuhu uu ku hawlanyahay waxa uu caddaynayaa danihiisa gurracan ee sii kala fogeynaya shacabka Soomaaliyeed, waxaana muuqata in hannaankii doorashada laga leexinayo habraacii saxda ahaa ee ay ku qabsoomi lahaayeen doorashooyin daah-furan oo lagu wada kalsoonaan karo.
Dhammaan siyaasiyiinta daneeya doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan ku adkaynaynaa in ay u midoobaan sidii dalka loogu soo celin lahaa sharciyadii iyo wada shaqeyntii hay'adaha dowladda, loogana hortagi lahaa caqabadda ku soo food leh dowladnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed.
DHAMMAAD

18/05/2024

Wilkaygii ayaa wax waliba iiqaban jiray isagiina waa la iga xiray kadib markii naloo qabsaday,

Garoowe: Shirka Jiheynta Xukuumada Puntland ayaa ka furmay Hotel ka Martisoor ee magaaladda Garoowe, Madaxweynaha Puntla...
18/05/2024

Garoowe: Shirka Jiheynta Xukuumada Puntland ayaa ka furmay Hotel ka Martisoor ee magaaladda Garoowe, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdilaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland Mudane Iliyaas Cismaan Lugatoor ayaa si rasmi ah u daahfuri doona shirweynahan oo looga hadlayo shan tiir oo mabaa’dii u ah Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdilaahi Deni.

Shirka oo socon doona saddex maalmood ayaa diirada lagu saaryaaa Arimaha Siyaasaadda iyo Hanaanka Dawlad dhiska, Arimaha Garsoorka iyo horumarinta cadaalad, Amaanka iyo Saraynta sharciga, Horumarinta waxsoosaarka iyo kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta Arimaha bulshadda.

Madaxweyne Deni: "Golaha Wadatashiga qayb k**a nihin, namana quseeyaan waxa ka soo baxay."
18/05/2024

Madaxweyne Deni: "Golaha Wadatashiga qayb k**a nihin, namana quseeyaan waxa ka soo baxay."

    🌊🏝️⚓️🛳️
17/05/2024

🌊🏝️⚓️🛳️

Madaxda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada oo isku raacay in la dhammaystiro Dastuurka, iyada oo aan dheg loo jalaqsiin ...
17/05/2024

Madaxda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada oo isku raacay in la dhammaystiro Dastuurka, iyada oo aan dheg loo jalaqsiin Puntland.

DEGDEG: Muxuu Yahay Hadalka Caalamka laga sooo dhaweyay ee Madaxweyne Erdogan ka soo yeerayay, xili uu ka hadlayay Qadiy...
16/05/2024

DEGDEG: Muxuu Yahay Hadalka Caalamka laga sooo dhaweyay ee Madaxweyne Erdogan ka soo yeerayay, xili uu ka hadlayay Qadiyadda Falastiin.

Madaxweynaha Dalka Turkiga ayaa yiri, Hadii maanta aan ku eegano Falastiin waxa ku socda Ogaada Bari YH Waxay soo haweynsan Doonaan Halkan Turkiga. hadalkan ayaana Amakaag ka dhaliyay Gudaha turkiga iyo wadamada Muslimiinta Caalamka.

Hadda waxaa muuqaata in Madaxweyne Erdogan badalay hadaladii jilicsanaa, wuxuu muujiyay, kalsoonida uu ku qabo wadamada Carabta in ay yaraatay, hada wixii ka danbeeyana dal walba isku tashado.

Source: A.A

Xaliimo lacag jeceel dartiis odegaan u uguursatay, kadib waxa dhacay comment ga 1aad ka fiiri😂🤗
16/05/2024

Xaliimo lacag jeceel dartiis odegaan u uguursatay, kadib waxa dhacay comment ga 1aad ka fiiri😂🤗

Muqdisho: Maxamed Cabdillahi oo ah arday dhigta dugsi hoose-dhexe ayaa hadal-hayn ka dhaliyey Baraha Bulshada, ka dib ma...
16/05/2024

Muqdisho: Maxamed Cabdillahi oo ah arday dhigta dugsi hoose-dhexe ayaa hadal-hayn ka dhaliyey Baraha Bulshada, ka dib markii la sheegey in uu kamid yahay dadka dhif iyo naadir ka ah ee indho buluug ah leh [Sapphire eye] ee ku nool Afrika.

Weli ma aragtay Soomaali indho buluugan?

Madaxweeynaha SSC Khaatumo oo ka Qayb Galay Shirka Madasha
15/05/2024

Madaxweeynaha SSC Khaatumo oo ka Qayb Galay Shirka Madasha

War-farxad leh: Dr. Siciid Sh.Maxamed oo ah Dhakhtar Soomaaliyeed oo ku takhasusay Qalliimada Carruurta isla markaasma s...
15/05/2024

War-farxad leh: Dr. Siciid Sh.Maxamed oo ah Dhakhtar Soomaaliyeed oo ku takhasusay Qalliimada Carruurta isla markaasma si bille ah u yimaadda cisbitaalka Sixa - Garoowe ayaa caawa ballan-qaaday qallimo dhowr ah oo uu marayo 'Faahiye Shucayb' oo ah ilme yar oo maalmo ka hor aan xaaladdiisa caafimaad aan halkan idinku la' wadaagey, kaasi oo galabta laga keeney magaalada Boosaaso, iyada oo dhawaana loo samaynayo qalliimada, innaga oo Ebbena uga baryeyna in lagu guuleysto.
Waxa aan si gaar ah ugu mahadcelinayaa maamulka iyo dhalhaatiir cisbitaalka Sixa Garoowe iyo saaxiibkey, Dr.Cismaan Guure oo howshan fududeeyey - idilkiina waa mahadsan tihiin.

Address

Puntland
Qardho

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Fu'ad Rashid Mohaud posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Fu'ad Rashid Mohaud:

Videos

Share


Other News & Media Websites in Qardho

Show All