
24/02/2025
Itoobiya waxay ku guuleysatay labadii ARRIMOOD ee ay rabtay:
โ
dekedo meeshii ay rabto iyo adeegsiga badda oo aan shuruud iyo xadidaad lahayn
โ
Ciidankeeda oo si rasmi ah uga mid noqda AUSSOM
Sidaan baahinay muddaddii sanadka ahayd ee buuqa iyo jahwareerka la galiyay Soomaalida, kuma saleysneyn dano qaran ee waxay ahaayeen dano qofeed iyo macaash adduunyo.
Qof kasta oo labadaas raadiya wuxuu jabaa intaan dadka kale jabin. Waana waxa uu muujinaayo SAWIRKA aan halkan idinkula wadaagayo.
Horta ma xusuusataa ereyadii ahaa "Itoobiya ayaa cadaw ah, iyo ciidankeeda hanaga bexeen" inay iska ahayd sheeko carruurta lagu seexiyo?
Sawirka 2aad waa Burhanu Jula, Taliyaha Ciidanka Difaaca Itoobiya iyo Taliyaha Militariga Somaliland Nuux Taani, oo isla heshiiska MUQDISHO mid aan waxba ka duwaneyn Addis Ababa ku wada saxiixday muddo aan dheereyn oo ahayd 8 Jannaayo 2024.