Xogta Amniga

Xogta Amniga Halkan waxaad ka helaysaa xoggaha amniga dalka.

Israa’iil waxay sheegtay inaysan oggolaan doonin hubka istiraatijiga ah ee gantaallada, nidaamyada difaac iyo hubka kimi...
07/12/2024

Israa’iil waxay sheegtay inaysan oggolaan doonin hubka istiraatijiga ah ee gantaallada, nidaamyada difaac iyo hubka kimikada ee uu gacanta ku hayo Bashaar Al-Assad inay galaan gacanta mucaaradka ku dhow inay afgambiyaan nidaamka Assad, sida ay Al Jazeera ka soo xigatay warbaahinta Israa’iil.

04/12/2024

Ciidanka taliska Bashaar Al -assad, waxay ku guul-darreysteen inay ilaaliyaan hubka Ruushka, iyadoo maanta dhaqdhaqaaqa mucaaradka ay la wareegeen saldhigga wadajir ah ee ciidanka Ruushka iyo kuwa taliska Assad ee Xama oo ay yaallaan hub casri ah ,taangiyo T-90A iyo gaadiid dagaal.

Deegaannada kala ah Caad, Camaara iyo Baacaadwayn oo ka tirsan Gobolka Mudug ayay Ciidanka xoogga dalka banneeyeen, iyad...
11/03/2024

Deegaannada kala ah Caad, Camaara iyo Baacaadwayn oo ka tirsan Gobolka Mudug ayay Ciidanka xoogga dalka banneeyeen, iyadoo aysan wax dagaal ah ka dhicin marka laga reebo deegaanka Caad.

Saraakiisha ciidamada iyo dadka falanqeeya arrimaha amniga ayaa ku sifeynaya sababaha looga soo baxay deegaanadaas la qabtay sanad ka hor inay tahay liidasho dhanka hoggaanka ciidanka, maadaama ay luntay xukunkii iyo isku heynta ciidanka (Command and Control) iyo dagaalkii muddo sanad soo socday oo noqday mid aan natiijo wanaagsan laga gaarin sidii uu dhacay is-bedelkii la sameeyay bishii June ee sanadkii la soo dhaafay.

08/03/2024

Cutubyo kamid ah ciidamada Itoobiya oo wata gaadiidka Gaashaman ayaa gudaha u galay Soomaaliya, gaar ahaana deegaano kamid ah dhinaca ay Somaliland maamusho, ilaa hadda lama yaqaano ujeedada rasmiga ah, iyadoo ay warar soo baxayaa sheegayaan in Somaliland ay ka caawin doonan duulaan ay qorsheynayso in ay dib ugu qaado deegaanada SSC-Khaatumo.

Deegaano dhaca xaduud beeneedka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaana dhinaca Doollo, Buuhoodle iyo Sool qeybo kamid ah ayay geysay Itoobiya ciidamo milateri ah oo xoogan, meelaha qaarkood dadka deegaanada ayay u sheegen in aysan colaado goobo kale kajira aan laga qeybgali karin.

"Waxaa sharaf iyo karaamo ii ah in aan JA ka qayb galo oo aan istaago halka aan taaganahay waqti xaadirkan anigoo matala...
08/03/2024

"Waxaa sharaf iyo karaamo ii ah in aan JA ka qayb galo oo aan istaago halka aan taaganahay waqti xaadirkan anigoo matalaya dalkayga markii ugu horaysay 30 sano. Waa markii noogu horaysay ee aan halkan ka qayb qaadanayno, waxaanan ku boorinaynaa inta kale ee ciidanka xooga dalka. Waxaan ku faanaa inaan lahayn aqoon aan wax ku darsano. Sharaf ayay ii tahay inaan ku labisto calanka dalkayga hooyo, waxaana calankeena kor u qaadaynaa dhamaan umadaha halkan isugu yimaada barnaamijkan. Fursad qaali ah ayay noo tahay aniga iyo inta iga danbaysa. "" 🇸🇴

👀 La kulanka Sgt. Cali Ibraahim Xuseen, oo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliyeed ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed - oo ka qeyb galaya Jimicsiga . Waa sanadkii ugu horeeyay oo ay ku biiraan lamaane goboleedka ee dalka Kenya.

U.S. Department of State: U.S. Department of State: Bureau of African Affairs | U.S. Embassy Mogadishu | U.S. Department of Defense (DoD) | U.S. Africa Command (AFRICOM) | U.S. Army Europe and Africa | ATMIS | ATMIS -ATMIS -African union Transition Mission In Somalia | U.S. Army

Xuutiyiintu waxay weerar gantaalo ah ku laayeen shacab aan waxba galabsan.TAMPA, Fla. – Qiyaastii 11:30 a.m. (Waqtiga Sa...
07/03/2024

Xuutiyiintu waxay weerar gantaalo ah ku laayeen shacab aan waxba galabsan.

TAMPA, Fla. – Qiyaastii 11:30 a.m. (Waqtiga Sanaa) Maarso 6, gantaal lidka maraakiibta (ASBM) ayaa laga soo riday aagaga kooxda Xuutiyiinta ee Iran ay maamusho ee Yemen, markabka M/V Barbados-calantay, oo qaada bulukeetiga lagana leeyhay Liberia, isagoo ka gudbaya Gulf of Aden. Gantaalku wuxuu ku dhuftay xayndaabka, waxaana shaqaalahu ay soo wariyeen saddex qof in ay dhimatay , ugu yaraan afar dhaawac ah, kuwaas oo saddex ka mid ah ay xaaladoodu halis tahay, iyo waxyeello weyn oo soo gaartay markabka.

Kani waa kii shanaad ee ASBM ay xuutiyiintu soo tuuraan labadii maalmood ee la soo dhaafay. Labo ka mid ah ASBM-yadan waxay saameyn ku yeesheen laba maraakiibta - M/V MSC Sky II iyo M/V Kalsooni dhab ah - iyo hal ASBM waxaa toogtay USS Carney (DDG 64).

06/03/2024

"Marka aan dalkeenna ku laabano , ciidankeena , waxaan barnaa wixii aan ka baranay Justified Accord.

Taliyaha Ciidanka gaarka ah ee Danab Soomaaliya Gaashaanle labaad Abdirahim Muse Mohamed oo ka hadlaya faa'iidada tababarka ciidamada Mareykanka ee .

U.S. Army muuqaalka Sgt. Alisha Grezlik

U.S. Africa Command (AFRICOM) ) U.S. Army Southern European Task Force, Africa U.S. Department of Defense (DoD) ) | The Joint Staff | U.S. Embassy Mogadishu | U.S. Department of State

Ciidanka xoogga dalka ayaa qayb ka ah dhoollatus ciidan oo ka dhacaya dalka Kenya.SNA
06/03/2024

Ciidanka xoogga dalka ayaa qayb ka ah dhoollatus ciidan oo ka dhacaya dalka Kenya.

SNA

Dhimashadii u horeysay ayaa ka dhacday badda cas tan iyo markii kooxda xuutiyiinta ay bilaabeen weerarka maraakiibta gan...
06/03/2024

Dhimashadii u horeysay ayaa ka dhacday badda cas tan iyo markii kooxda xuutiyiinta ay bilaabeen weerarka maraakiibta ganacsiga dalalka reer galbeedka.

Laba qof oo shaqaale ah ayaa ku dhintay duqayn drone loo adeegsaday oo lala beegsasay galabta markab laga leeyahay UK , ciidamada badda midowga yurub iyo maraykan ayaa gurmad u fidiyay markabka oo gubanayay ugu dambayna ku dagay biyaha badda cas.

Ila hadda 4 ka mid ah shaqaalaha markabka ayaa la la'yahay halka lasoo badbaadiyay ilaa 12 qof.

Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad oo booqasho ku jooga dalka UK, ayaa la kulmay...
05/03/2024

Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad oo booqasho ku jooga dalka UK, ayaa la kulmay Agaasimaha Sirdoonka UK ee MI6 Richard Moore.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada hey’adood, is-dhaafsiga xogaha, la dagaalanka Argagixisada iyo sidii ay u wadaagi lahaayeen khibradaha shaqo ee dhanka Sirdoonka.

Agaasimaha NISA ayaa horay safaro shaqo ugu tagay dalal dhowr ah, si uu u xoojiyo xiriirka dibadda ee hey’adda la leedahay dalalka Caalamka, waxaana dalalkii uu tagay ka mid ahaa dalka Mareykanka, halkaasoo uu kula kulmay Agaasimaha CIA William J. Burns oo isna markiisa booqasho ku yimid Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkan 2024.

Boosaso qayb ka mid ah waxaa gacanta ku haya kooxo aan la aqoon balse loo badinayo in ay yihiin AS.Koontoroolka xaafadah...
04/03/2024

Boosaso qayb ka mid ah waxaa gacanta ku haya kooxo aan la aqoon balse loo badinayo in ay yihiin AS.

Koontoroolka xaafadaha ku dhow ilaa aagga hubaal ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo afka u duuban yahay oo bandow wax u eg kusoo rogay magaalada.

Xaaladda amni ee magaalada ganacsiga Puntland ayaa kasoo daraysay tan iyo markii 2022 ay xukuumadda Saciid Deni duulaan ku qaaday ciidamadii sugi jiray amniga gobolka.

Waxaa maalintii sedexaad howgal lagu bacsanayo khawaarijta uu ka socdaa gobolka jubbada hoose.Ciidanka kumaandooska Dana...
04/03/2024

Waxaa maalintii sedexaad howgal lagu bacsanayo khawaarijta uu ka socdaa gobolka jubbada hoose.

Ciidanka kumaandooska Danab iyo daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal ka dhacay tuulooyinka Muuse-xaaji, Malaaylay, Turdho, Baxar-saafka, iyo degaano kale ku dilay horjoogeyaal iyo maleyshiyaad badan halka qaar kale nolosha lagu qabtay.

Ciidamada ayaa cadowga ugu galay godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen ee deegaanadaaa waxaana la dilay 35 Horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira Soomaali iyo Ajaabib.

Horjoogeyaasha la dilay waxaa ku jira, Jaabir oo dhalashadiisu tahay Kenya horjoogihii sirdoonka Khawaarijta Saadiq iyo horjoogihii qaraxyada uqaabilsanaa oo lagu magacaabo Cabdiqani ayaa dhammaantood lagu dilay howlgalka sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka.

7 dhagar qabe ayaa sidoo kale nolosha lagu qabtay.

UPDATE: Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya soo iibsaneyso diyaaradaha aan duul...
04/03/2024

UPDATE: Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya soo iibsaneyso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee uu Turkiga sameeyo ee Bayraktar.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay warbaahinta Turkiga TRT, ayaa caddeeyay in heshiiskii difaaca iyo dhaqaalaha oo ay dhawaan wada galeen Turkiga iyo Soomaaliya ay arrintanna qeyb ka ahayd.

Xasan Sheekh wuxuu intaa raaciyay in markii horeba ay diyaaradahan yaaleen Soomaaliya balse ay ahaayeen kuwa ay gacanta ku heysay dowladda Turkiga, maadaama ay Soomaaliya saarnayd cunaqabteen hayeeshee hadda kadib ay dowladda DFS soo iibsan doonto.

 : Saraakiil sare oo kasocda dawladda Itoobiya ayaa la kulmay wasiirka gaashaandhiga Somaliland, oo ay ka wada hadleen I...
04/03/2024

: Saraakiil sare oo kasocda dawladda Itoobiya ayaa la kulmay wasiirka gaashaandhiga Somaliland, oo ay ka wada hadleen Iskaashiga amniga ee labada dhinac, waxaana xoguhu cadeynayaan in ay saraakiishan todobaadkan kasoo laabteen magaalada Oog ee gobalka Sool, oo ay isku horfadhiyaan ciidamada SSC-Khatumo iyo kuwa Somaliland.

Sidaas oo kale saraakiishan ayaa tagay Buuhoodle ilaa deegaanada xaduuda ee gobalka Doollo, oo ay kala hadleen dadka deegaanka waxay ugu yeereen in aan deegaan kale looga duuli karin gudaha Itoobiya.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xogta Amniga posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share