Bustaale channel

Bustaale channel Page Kala Soco Warar Iyo Sheekooyin Xiiso Gaara Xambaarsan Guud Ahaan Dhulka Somalida Oo nugu soobir

02/02/2025

Taliska Marekanka ee Afrika waxaa ay xaqiijiyeen inay soo bandhigi doonaan macluumaad ku saabsan weerarkan, oo sida laga arkayo diyaaradaha haamaha badan ee shidaal ee ku xiran, weerarka wuxuu ahaa mid ay bartilmaameedyada ku noq noqdeen diyaaradaha ama waxaa la beegsaday goobo kale duwan. Si cad , waxaa la beegsaday xubno muhiim ah, marka la tixraaco shaacinta Trump oo u muuqda si dhow inuu ula socday xilliga weerarka uu socday illaa diyaaradaha weerarka loo adeegsaday,tan oo ay dheertahay warbaahinta maxalliga inay ka soo xigatay dadka deegaannada ku dhow buuraleyda Calmiskaad ee Puntland inay maqleen gelinkii dambe ee maanta dhawaqa qaraxyo culus.

02/02/2025

Mareykanka wuxuu adeegsaday diyaaradaha dagaal ee F-18 Super Hornet oo ka duulay markabka ciidanka Mareykanka ee awoodda inuu xambaaro bambooyinka nukliyeerka iyo diyaaradaha dagaal ee USS Harry S. Truman, inta uu socday weerarkii uu Trump sheegay inay ku beegsadeen xubno sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Sida uu baahiyay taliska Mareykanka ee Afrika, weerarka waxaa lala kaashaday dawladda Federaalka Soomaaliya , iyadoo si ka duwan weerarradii u dambeeyay ee Mareykanka uu ka fuliyay Soomaaliya oo loo adeegsan jiray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn la arkayo inuu Mareykanka hadda diyaaradaha xambaara bambooyinka culus ku weerarray buuraha gobolka Bari ee Puntland , halkaa oo uu ka socdo duullaan ka dhan ah Daacish oo ah goobta ay hoggaamiyayaasha kooxdan kaga suganyihiin Soomaaliya.

01/02/2025

Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharac ayaa booqashadii u horreysay ee dibadda berri ku tagaya dalka boqortooyadda Sacuudiga, sida ay sheegtay Al Arabiya.

01/02/2025

Trump, ayaa shaaciyay amar uu bixiyay in lagu burburiyay godod ay ku sugnaayeen xubno sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya , markaa oo uu tilmaamay si sax ah inay weerarradan u dhaceen, wallow uusan sheegin haddii ay fuliyeen weerar bartilmaameed oo lagu beegsaday hoggaanka sare ee Daacish iyo goobta ay duqeymaha ka fuliyeen. Balse marka la tixraaco inuu yahay Trump qofka u horreeya ee weerarka shaacinaya , waxay u muuqataa in la beegsaday hoggaanka sare ee Daacish.

Madaxweynaha Mareykanka wuxuu ku sheegay weerarka in looga jawaabayo hanjabaad ay Mareykanka iyo xulafadiisa u direen kooxda Daacish ee lagu beegsaday Soomaaliya , isagoo intaa ku daray ; “Farriinta loo dirayo Daacish iyo dhammaan kuwa kale ee weerarri lahaa Mareykanka ayaa ah — waan ku heli doonnaa, waana ku dili doonnaa.”

01/02/2025

Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka; Masar, ,Imaaraadka Carabta, Jordan, Sacuudiga, Qatar iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta oo maanta kulan gaar ah ku yeeshay Qaahira, waxaa ay ka soo horjeesteen qorshaha Trump ee barakicinta dadka Qasa, taa beddelkeeda waxay sheegeen inay dardar gelin doonaan qorshaha dhismaha dawladda Falastiin.

Kulanka marka uu dhammaaday, madaxtooyadda Masar ayaa baahisay inuu Madaxweyne Al-Sisi khadka telefoonka kula xiriira Trump , isagoo ku martiqaaday inuu booqdo Masar iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada nabadeynta bariga dhexe , balse warsaxaafadeedka laguma sheegin inuu Al-sisi la wadaagay Trump diidmadiisa qorshaha barakicinta dadka Qasa.

01/02/2025

50 bukaan oo dhaawacyo culus qaba, ayaa maanta laga saaray marinka Qasa , waxaana la geeyay Masar , kaddib markii dib loo furay marinka Rafax, markii u horreysay markii la gaaray heshiiska xabbad-joojinta.

01/02/2025

Ciidanka Israa’iil ee ku sugan gudaha koonfur-galbeed Suuriya ayaa markii u horreysay shalay la kulmay iska caabin, kaddib markii ay rasaas ku fureen goob ay joogeen ciidanka Israa’iil koox aan la aqoonsan, illaa markii dambe ay soo baxday koox isku magacawday "Jabhada iska caabinta Islaamka ee Suuriya" oo leh calaamad iyo magac la mid ah kooxaha kale ee Iran ay taageerto ee Ciraaq iyo Lubnaan oo sheegatay mas’uuliyada weerarka. Ma jirto wax khasaare oo ay sheegteen ciidanka Israa’iil inay kala kulmeen weerarkaa.

01/02/2025

Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA, ayaa ku warrantay howlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidanka amniga Suuriya in lagu qabtay Jen. Atef Najib, oo ay ilmo adeer yihiin Bashaar Assad, xilli uu ku dhuumaalaysanayay Latakia.

Jen. Atef, waxay dadka Suuriya u aqoonsanyihiin qofkii u horreyay muddadii uu socday xasuuqii nidaamka Assad, ee ku kacay dilal iyo falal arxan darro ah oo ay ku jireen carruur la dilay. Wuxuu markii u dambeysay ahaa madaxa amniga siyaasadda ee magaalada Darca. Waxaa loo gudbiyay maxkamad si loogu qaado dambiyadiisa.

01/02/2025

Shirkadda amniga ee Mareykanka , PMC ayaa geysay isgoyska Rafax ee isku xira marinka Qasa iyo Masar — ciidan lagu sheegay inay la soconayaan dhaqdhaqaaqa halkaa ka dhacaya , iyagoo sidoo kale baaritaanno ku sumeynaya gaadiidka.

Mid kasta oo ka mid ah calooshood u shaqeysayaashan ayaa saacadii qaadanaya wax ka badan kun dollar ($1,000) oo ay u dheertahay adeegyo caymis oo laga yaabo celcelis inuu saacadihii helayo lacag kor u dhaafaysa $11,000 . Joogitaankooda wuxuu ku egyahay muddada lagu jiro xabbad-joojinta, sida ku cadka heshiiska.

Shirkadaha amniga Mareykanka ee isugu jira kuwa hubka soo saara iyo calooshood u shaqeysataasha ayaa lagu sheega kuwa ugu badan ee ka faa’iiday xasuuqa Qasa , iyagoo maalintii maalaayiin dollar uga howlgalla Qasa.

01/02/2025

Xamaas, ayaa maanta sii deysay saddex maxbuus oo dhammaantood rag ah oo uu ku jiro qofkii u horreeyay ee heysta jinsiyada Mareykanka ee lagu sii daayo heshiiska xabbad-joojinta ee toddobaadkii saddexaad ka dhaqangalaya marinka Qasa. Sii deynta saddexdan maxbuus waxay Xamaas ku beddelanaysa 183 maxbuus oo falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 18 horey loogu xukumay xabsi daa’im, 54 ayaa xabsiga ku jiray muddo dheer iyo 111 la xiray tan iyo wixii ka dambeeyay 7 Oktoobar,2023.

Waxaa la filayaa markii u horreysay 94 maxbuus in lagu celiyo marinka Qasa, halka toddobo ka mid ah maxaabiista maanta la sii deynayo ee Falastiiniyiinta laga masaafurin doono dhulka Falastiin, iyadoo la sii marsiinayo Masar.

Mar kale, Xamaas ayaa soo muujisay boqollaal dagaalyahan inta lagu jiray sii deynta maxaabiista Israa’iil ee ka dhacday Khan Yunis iyo dekedda Qasa.

31/01/2025

Dadweynaha Masar ee ku sugan albaabka laga galo marinka Qasa ee Rafax ayaa kordhay, iyagoo isaga imaanaya gobollada dalka Masar, si ay uga mudaharaadaan qorshaha Trump ee barakicinta dadka Qasa , waxayna ku dhawaaqeen inaysan oggolaan doonin iskuday kasta oo lagu barakicinayo dadka Qasa.

31/01/2025

Sakariye Zubeidi , oo ka mid ahaa maxaabiistii shalay la sii daayay, wuxuu heystaa wax u dhow maqaamka Yaxye Sinwar, marka la joogo Daanta Galbeed . Sawirka koowaad waa intii lagu jiray kacdoonkii labaad ee Falastiiniyiinta sannadkii 2004 , halka sawirka labaad uu soo baxay shalay markii xabsiga laga sii daayay..!

31/01/2025

Boqollaal Masaari ah ayaa billaabay inay u guuraan xadka Rafax, iyagoo ka soo horjeeda qorsheha Trump ee barakicinta dadka reer Qasa. Dadka reer Masar waxay sheegeen dunidda oo dhan haddii ay iskudaydo inay barakiciso dadka Qasa inay ka hortagi doonaan.

Isku soo baxyada dadweynaha , ayaa ah qorshaha kaliya ee lagu burburin karo iskuday kasta oo Trump iyo xulafadiisa ay ku doonayaan in lagu banneeyo marinka Qasa, xataa isku soo baxyada ayaa badbaado u leh Al-sisi.

30/01/2025

Xamaas, ayaa si rasmi ah u shaacisay inuu geeriyooday taliyihii guud ee guutooyinka hubaysan ee Qasaam, Maxamed Dayf ( Abu Khalid).

Ku dhawaaqistan, waxaa kalo uu ku shaaciyay afhayeenka Qasaam, Abu Cubayda inay sidoo kale geeriyoodeen inta dagaalka lagu jiray ; Marwaan Ciise oo ahaa taliye ku-xigeenkii ciidanka Qasaam, taliyihii garabka ciidanka qalabka sida ee Qasaaam, Ghazi Abu Tama'a, taliyaha guutooyinka gargaarka deg deg ah, Raed Thabet, iyo taliyihii guutada Qasaam ee Khan Yunis, Rafi' Salama.

30/01/2025

Xamaas ayaa maanta sii deysay 5 qof oo u dhashay dalka Thailand oo ka mid ahaa maxaabiistii lagu soo qabtay howlgalkii 7-dii Oktoobar, iyadoo Al Jazeera ay ku warrantay sii deyntooda inuu ka qeybqaatay Turkiga.

30/01/2025

Trump ayaa saxiixay sharci madaxweyne oo waaxda difaaca iyo hay'adaha amniga gudaha ku amraya inay diyaariyaan xabsi laga dhisayo jasiiradda Guantanamo Bay ee dalka Cuba, kaasoo lagu heyn doono muhaajirinta sharci darrada kusoo galay Mareykanka ee lasoo qabqabto.

Wuxuu sheegay Trump , inay jiraan muhaajiriin halis ah oo aan xataa lagu celin karin dalalka ay ka soo jeedaa, taa beddelkeedana la geyn doono Guantanamo , si ay xabsi ugu qaataan.

30/01/2025

Israa’iil ayaa hakisay inay sii deyso 110 maxbuus oo Falastiiniyiin lagu beddelanayo labo maxbuus oo ay maanta sii deysay Xamaas, iyadoo Israa’iil ay ku andacoonayso inay u baahantahay ka hor inta aysan sii deyn maxaabiista Falastiiniyiinta, dammaanad qaad caalami ah oo la xiriira in si badqab leh loo sii deynayo maxaabiista ay gacanta ku heyso Xamaas, markaa oo ay sheegeen labada maxbuus ee maanta la sii daayay inay khatar kala kulmeen goobtii lagu wareejinayay oo ay dad badan hareereeyeen labada maxbuus intii la saarayay gaadiidka hay’adda laanqayrta cas.

Dhinaca kale, telefishinka Al Jazeera ayaa ku warramay in shanta galabnimo waqtiga Falastiin la sii deyn doono maxaabiista Falastiiniyiinta ee la hakiyay sii deyntooda, kaddib dadaal ay sameeyeen dhex dhexaadiyayaasha.

30/01/2025

Bob Menendez, oo 18-kii sanno ee u dambeysay ahaa Senator ka tirsan golaha aqalka sare ee Mareykanka ayaa lagu xukumay 11 sanno oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay inuu laalush ka qaatay dawladaha Masar iyo Qatar , si uu danahooda u fududeeyo oo ay ku jirto inuu farageliyo haddii gacanta lagu dhigo shaqsiyaadka labadan dal danahooda ka qabta gudaha Mareykanka , taa oo dhowr mar uu farageliyay, wuxuuna ku helay hanti badan oo lacag iyo dahab isugu jirta. Wuxuu ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga Mareykanka , isagoo New Jersey ku matalayay Aqalka Sare ee Maraykanka muddo 18 sano iyo bar ah.

Menendez oo 71 sanno jir ah, wuxuu noqonaya senator-kii u horreeyay ee Maraykan ah ee lagu helo danbiga ah inuu u shaqeynayay dal shisheeye. Wuxuu iska casilay xilka Senator nimada bishii Agoosto.

Address

Bustaale Channel
Mogadishu
BUSTAALECHANNEL

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bustaale channel posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Bustaale channel:

Videos

Share