Xogogaal media production

Xogogaal media production Xogogaal media production Personal Page

12/12/2024

War-saxafadeed

Dowladda Jubaland waxay si aad ah uga xuntahay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Raas-Kambooni ee gobolka Jubada Hoose halkaas oo si nasiib darro ah ay isku dileen wiilal Soomaaliyeed, Waa dhacdo laga baaqsan karay iyadoo ay ahayd in lagu xalliyo wada-hadal iyo isku tanaasul.

Sida marar badan aan Caddeeynay, dagaalkan waxaa soo abaabulay Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa kuwaas oo u arkayay inay ku gaari karaan dano siyaasadeed oo gurracan iyadoo la adeegsanayo Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) si ka baxsan waajibaadka sharci ee ciidanku leeyahay.

Falalkan sharci-darrada ah awgood, Xasan Sheekh iyo kooxdiisu waxay ciidamo u soo daabuleen deegaanka Raas-Kambooni halkaas oo dabka lagu shiday dhalinyaro Soomaaliyeed si loo gaaro ahdaaf siyaasadeed oo baal-marsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

Waa muhiim in la xuso in deegaanka Raas-Kambooni uu ahaa deegaan nabdoon oo aysan ka jirin wax amni-darro ah 13-kii sano ee la soo dhaafay Sidoo kalana ayna qeyb ka ahayn deegaanada ay joogeen Ciidamada ATMIS ee dalka ka baxaya.

Nasiib darro halkii dowladdu u adeegsan lahayd CXD deegaannada weli ku jira gacanta Khawaariijta ayaa loo isticmaalay deegaan nabdoon oo ka xoroobay Khawaariijta sanadkii 2011ka.

Waxaa tusaale muuqda ah in deegaannada ku hareeraysan Muqdisho ay weli ka taliyaan Khawaariijta iyadoo Xasan Sheekh uu CXD diyaarad ku keenay Raas-Kambooni si uu u fuliyo dano siyaasadeed oo aan waafaqsaneyn maslaxadda guud ee dalka.

Dowladda Jubaland waxay aaminsan tahay in qorshayaasha CXD lagu dhex gelinayo arrimaha siyaasadda ay yihiin kuwo dhabar-jab ku ah dib-u-dhiska dowladnimada gaar ahaan hay’adaha amniga iyo CXD oo ah laf-dhabarta qaranimada dalkeenna.

Maanta qaar ka mid ah dhaawacyadii CXD ee ku waxyeeloobay dagaalka Raas-Kambooni ayaan u dirnay magaalada Muqdisho si ay u helaan adeegyo caafimaad oo dheeraad ah Sidoo kale dhammaan ciidamada ku jira gacanta Jubaland waa wiilal Soomaaliyeed oo dhulkoodii jooga waxaana loola dhaqmayaa si sharaf leh, dhaawacyada waxaa la siinayaa daryeel caafimaad oo dhammeystiran, waxaana markii ay bogsadaan lagu celin doonaa guryahooda iyagoo nabad qaba.

Ugu dambeyn Dowladda Jubaland waxay Caddeeynaysa mowqifkeeda ah in xalka khilaafaadka siyaasadeed uusan ku jirin xabad. Jubaland mar walba diyaar ayay u tahay wada-hadal iyo in wixii kala aragti duwanaansho ah lagu xalliyo miiska wada-tashiga iyo isku tanaasulka.



DHAMMAAD

07/12/2024

Guddoomiye Cumar Farweyne,"Raas-gambooni waxaa lagu dhacayaa hantidii dadweynaha, waxaana lagu kufsanayaa gabdhihii Soomaaliyeed".

Caawa,waa nasiibdaro in Xildhibaan Somaliyed loo cayrsado Beel ahaan oo lagu weeraro Gurigiisa.Xildhibaan Xasan Yare,wax...
29/11/2024

Caawa,waa nasiibdaro in Xildhibaan Somaliyed loo cayrsado Beel ahaan oo lagu weeraro Gurigiisa.

Xildhibaan Xasan Yare,waxa uu Magan ugalay Guriga MW Sh.Shariif Caawa nasiibdaro.

Dalka,waxaa halkaas gaarsiiyay,waa MW Xasan Shiikh oo dib ugu celiyay 1991-dii.

Colaadii Daarood iyo Hawiye,ayuu markale Xasan afuufay.

Xildhibaan Xasan,Askariga uu Feeray,isagaa Laad ku dhuftay oo kaga horeeyay Gacanqaadka,waana iska difaacay.

Mida kale,waxaaba khalad ahayd in Baarlamaanka Boolis soo galo,iyadoo dood Siyaasadeed ka socoto.

Sadex Guuldaro Siyaasadeed ah oo gaaray 24-saac Gudaheed Hassan Shiiq iyo Jubbaland heshay dhibco kale oo muhiim ah’ Has...
28/11/2024

Sadex Guuldaro Siyaasadeed ah oo gaaray 24-saac Gudaheed Hassan Shiiq iyo Jubbaland heshay dhibco kale oo muhiim ah’

Hassan Shiiq oo xalay la kulmay Saafaradda Mareykanka ayaa si cad loogu sheegay inaan laga aqbalayn dhaq dhaqaaqyada sharcidarada ah ee deegaanada Jubbaland ku geeyay Ciidamo aysan Raali ka ahayn Maamulka Deegaano Jubbaland ah sidoo kale sharciyada tirabeelka ee Baarlamaanka marsaday kuwaa oo aan heshiis lagu ahayn abuuraya jawi xasilooni daro sidaas Awgeed dib ugu laabto Wadadii wadahalka sidoo kale Safaarada mareykanka ayaa si aan gambasho lahayn ugu sheegtay inay jiri doonto xayiraado iyo tilaabooyin dheeraad ah hadii ay sii socdaan Go’aanadda aan heshiiska lagu ahayn

Kadib kulankii Safaaradda Mareykanka Hassan
Shiiq ayaa habeenimadii Xalay safar kooban kutagay Nairobi halkaas oo kullan kula qaatay Madaxweynaha kenya iyo Taliyaha Sirdoonka kenya Nuradiin Hajji kula ka oo ahaa mid Madaxda kenya dalbatay ayaa lagaga hadlay xaaladda jubbaland iyo dhacdooyinka Socda
Madaxda kenya ayaa Hassan shiiq usheegtay in Mudddo 13-sano Xuduuda kenya iyo Somalia ahayd mid amnigeeda Xasillan lagu kalsoon yahay kadib markii kenya taageero Amni siisay jubbaland si looga Ciribtiro deeganadda Xuduuda ku teedsan Alshabaab taasina lagu guulaystay balse hadda muuqato dhaq dhaqaaqyo muujinaya Xasilooni daro iyo in Faraha kasii baxayo amniga deegano nabad ahaa’

kenya ayaa usheegtay in Hassan Shiiq aan laga aqbalayn isaga oo Axmed Madoobe usocda in Faraha laga bixiyo amniga Xuduudaha Somalia taas oo kenya saameyn karta laga aqbalayn sidaas awgeed dib uga ceshto ciidamadii uu keenay Raas Kaambooni hadii kale ay ku qasbanaan doonaan in si aan gambasho lahayn iyaga oo eeganaya Danaha Amni ee dalkeeda qaadi doonto talaabooyin lagu xoojinayo dib usoo Celinta xasiloonida Xuduuda labada dal’ Hassan Shiiq ayaa madashaas ka sheegay in Ciidamada la geeyay Raas kaambooni geeyay Xamze oo ku deegaan ah Axmed Madoobe isaga kalana hadlaan Xamze waana sababta Xamze saakay isna ugu safray Nairobi halkaas waxaa kasoo gaaray jab kale oo Siyaasadeed

Ugu dambeyn Beesha Caalamka ayaa caawa ilaa Berri soo saaraysa War Saxafadeed laxiriira xaaladda kataagan Jubbaland kaga hadli doonaan Ciidamadda lagu daabulayo deeganadda Jubbaland iyo talaabooyinka socda oo ah kuwo abuuraya xasilooni daro iyo in nafis helaan kooxda Argagixisada sida warar lagu kalsoon yahay oo ku dhaw Xalane laga soo xigtay Hassan Shiiq ma Farxad galin doonto War Saxafadeedka la filayo in Xubnaha Beesha caalamka kasoo saaraan Arimaha Jubbaland

28/11/2024
28/11/2024
28/11/2024

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xogogaal media production posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xogogaal media production:

Videos

Share