Sabacad 24media

  • Home
  • Sabacad 24media

Sabacad 24media Warar sugan dhex-dhexaad ah madax-banaan ugu imow sabacad24media somalia

Magaalada Laascoonood wali waxaa ka socda gurmadka wiil yar oo shalay afartii galabnimo ku dhacay Suuli 'Musqul', ilaa h...
09/08/2024

Magaalada Laascoonood wali waxaa ka socda gurmadka wiil yar oo shalay afartii galabnimo ku dhacay Suuli 'Musqul', ilaa haddana oo ay ka soo wareegtay 24 saacadood lama oga nolol iyo geeri waxa ku sugan yahay wiilka yari.

Mid ka mida askartii dab damiska oo gurmadka baadi goobka ku jirtay ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in uu ku dhintay dedaalladii samata bixinta ee uu wadey.

Dadka magaalada iyo ciidanka Dam damiska ayaa weli ku hawlan sidii loo soo saari lahaa imaha yar oo ku jira god aad u dheer.

Guddiga Hirgalinta Doorashada Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha Iyo Guddiga Sare Ee Dhakhaatiirta Xoolaha oo uu shir gudoomin...
16/07/2024

Guddiga Hirgalinta Doorashada Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha Iyo Guddiga Sare Ee Dhakhaatiirta Xoolaha oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Guddiga Dr. Saadiq Abdulahi Ahmed ayaa soo saaray Habraaca doorashada gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka ururka dhakhaatiirta xoolaha (PULPA) iyo guddiga sare ee dhakhaatiirta xoolaha ee Puntland (VET Board). Oo u qaybsan, Goobta Doorashada, Waqtiga Doorashada iyo Qaabka Codaynta Doorashada.

23/06/2024

Qaar Ka Mida Dhaqamada Ugu Yaabka Badan Aduunka

Ciidamo Itoobiyaan ayaa maanta gaadhay magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo aysan h**e u joogin ciidan shi...
21/06/2024

Ciidamo Itoobiyaan ayaa maanta gaadhay magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo aysan h**e u joogin ciidan shisheeye.

Guddoomiyaha Matabaan Bashiir Cabdiraxmaan Sheekeeye ayaa sheegey in ciidamadan oo gaadhay ilaa 3000 ay degmada kasoo galeen dhanka Beledweyne.

Wuxuu intaas raaciyay in kadib wada hadal dhex maray ciidamadaas iyo maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ay haatan ciidamadaasi dib ugu laabteen halkii ay ka yimaadeen.

Arrintan ayaa imanaysa xilli ay dhawaan Dowladda Soomaaliya shaacisey in ay dalka ka bxiineyso guud ahaan ciidanka Itoobiya.

Awdheegle, Shabellaha-hoose, Somalia🇸🇴📸S.Fadhaye
18/06/2024

Awdheegle, Shabellaha-hoose, Somalia🇸🇴

📸S.Fadhaye

Waa Singapore oo xornimada qaadatay Soomaaliya oo shan sanno xor ah 1965, waxay ahayd jasiirad yar oo kaneeco, faqri , c...
18/06/2024

Waa Singapore oo xornimada qaadatay Soomaaliya oo shan sanno xor ah 1965, waxay ahayd jasiirad yar oo kaneeco, faqri , cudurrada faafa iyo nadaafad darro caan ku ahayd oo ay iska diidday Malaysia inay qayb ka sii ahaato. Hadda waa dal leh mid ka mid ah dhaqaalaha ugu sarreeya, mid ka mid ah baasaboorada ugu sarreeya, dad ka mid ah kuwa dunidda ugu qanisan , diyaaradda koowaad ee adduunka iyo kaydadka ugu sarreeya ee dhaqaale oo dahabka iyo lacagta cadaanka ah isugu jira. Ma aysan sameyn wax mucjiso ah , laakin waxay heleen hoggaamiye dhab oo ka mira dhaliyay qorshe waxtar ah oo uu dejiyay, taa oo ay uga mahadceliyaan hoggaamiyahoodii, Lee Kuan Yew.

06/06/2024

1971-72, Soomaaliya waxay ahayd xubin aan joogto ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Maanta, in ka badan 50 sanno ka dib, waxaan mar kale noqon doonaa xubinta aan joogto ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee Afrika.

Muuqaalka; barta Aato

Xuutiyiinta Yemen ka dagaallama ayaa jimcihii soo Riday mid ka mid ah diyaaradaha Maraykanku ku faano ee aan duuliyaha l...
02/06/2024

Xuutiyiinta Yemen ka dagaallama ayaa jimcihii soo Riday mid ka mid ah diyaaradaha Maraykanku ku faano ee aan duuliyaha lahayn (MQ-Reaper).

Diyaaradda la soo riday oo qiime ahaan joogta dhawr milyan oo doolar ayaa kusoo dhacday gobolka Ma’rib, iyadoo hawlgallada xuutiyiintu ay wali ku wajahan yihiin Badda Cas gaar ahaan marinka Baabal Mandib.

UPDATE:  Sanduuqa Horumarinta Beeraha Caalamka (IFAD) ayaa dawladda Soomaaliya la gaaray heshiis maaliyadeed oo uu ku si...
04/04/2024

UPDATE: Sanduuqa Horumarinta Beeraha Caalamka (IFAD) ayaa dawladda Soomaaliya la gaaray heshiis maaliyadeed oo uu ku siinayo $31.22 milyan oo lagu taageerrayo reer miyiga , si aysan uga soo barakicin dhulka miyiga ah iyo kordhinta wax-soosaarka beeraha iyo biyaha.

Kaydka shidaalka ee Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa in ka badan 30 bilyan oo fuusto, taas oo Soomaaliya dhigaysa kaalinta ...
30/03/2024

Kaydka shidaalka ee Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa in ka badan 30 bilyan oo fuusto, taas oo Soomaaliya dhigaysa kaalinta lixaad ee liiska dalalka leh kaydka shidaalka ugu badan caalamka.

~ Aljazeera

UPDATE: Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey heshiis ku saabsan soo saarista Shidaalka iyo Gaaska, kaas oo...
27/03/2024

UPDATE: Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey heshiis ku saabsan soo saarista Shidaalka iyo Gaaska, kaas oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga. Qodobbada ugu muhiimsan heshiiska ayaa qoraya in dawladda Turkiga ay gacan ka siinayo Soomaaliya wax soo saarka shidaalka, sahminta iyo daareysiintiisaba.

Soomaaliya ma haysato qiyaas dhab ah oo la xiriirta inta uu gaarsiisanyahay kaydka shidaalka ee dalka, balse, shirkadda sahaminta shidaalka Norway ee TGS, ayaa sannadkii 2020 ku qiyaastay in qayb kamid ah badda Soomaaliya uu ku jiro kayd saliid oo ku dhow 30 bilyan oo barmiil, oo leh kayd dheeraad ah oo badda ah.

Dooni u rarnayd ganacsto Soomaaliyeed kuna soo jeedey dekedda magaalada Boosaaso ayaa ku gubatay xeebaha dalka Cummaan, ...
27/03/2024

Dooni u rarnayd ganacsto Soomaaliyeed kuna soo jeedey dekedda magaalada Boosaaso ayaa ku gubatay xeebaha dalka Cummaan, meel aan wax badan ka fogeyn dekedda Salalah.

Doonnidan oo lagu magacaabo "NimcatuAllaah" ayaa ka soo shiraacatay dalka Iiraan, iyada oo siddey ku dhawaad 165k oo Tan oo u badan Baasto, sida aan ka soo xiganay ganacsato.

Tobanaan doomood ayaa sannad kasta ka gubta Soomaalida, iyada oo la sheego in aysan badi ku jirin wax caymis ah.

UPDATE: Soomaaliya waxay wajahaysa hoos u dhac ku imaanaya kaalmadii dhaqaale ee ay ka heli jirtay caalamka, si daadasho...
27/03/2024

UPDATE: Soomaaliya waxay wajahaysa hoos u dhac ku imaanaya kaalmadii dhaqaale ee ay ka heli jirtay caalamka, si daadasho ah ayayna u dhimi doonaan, tana waxay ku qasbi doonta dawladda Federaalka inay sare u qaado dhakhliga gudaha , waxay sheegaynaysa dawladda 25% koror ku yimid dhakhliga 8 bilood ee la soo dhaafay, laakin deeq bixiyaasha gaar ahaan kuwa ugu weyn ee dawladda ku tiirsantahay ee Bangiga Adduunka ayaa laga soo xigtay in wali dhakhliga uu yaryahay. Wasaaradda maaliyadda ayaa sheegtay in mushaaraadka ay hadda ka bixiyaan dhakhliga gudaha, laakin jahwareerka iyo xasillooni darro ka jirta siyaasadda iyo khilaafaadka gudaha ee hadda sii xoogaysanaya ayaa bixinaya tilmaam aan wanagsanayn oo waqti walba saameyn ku yeelan karta dhaqaalaha. Koror dhaqaale oo 3.5% illaa 3.7% ayay filaysa sannadkan dawladda, mar kasta oo kororka dhaqaale uu ka hooseeyo 5% kororka waa mid aad u liita, balse Soomaaliya marka la eegayo marxaladeeda waxaa loo qaadan kara wax wanaagsan.

Balse , midda ugu wanaagsan ee mustaqbalka wanaagsan ee dhaqaale muujin lahayd ayaa maqan, waana in dalka horumarkiisa uu aad u liito, mana jirto maalgelin lagu sameeyay wax soosaarka dhaqaalaha gudaha oo beeraha iyo warshadaha ay ugu horreeyaan. Ganacsiga gaarka ah oo dhaqaalaha ugu sarreeya ee dalka ah, mar kasta oo ay hoos u dhacdo taageerrada caalamiga ah ee dhaqaale ee ay Soomaaliya helayso ,halka ay dawladda abaari doonto waa in kor loo qaado canshuuraha ganacsiga gaarka ah.

17/03/2024

BURCO: Ciidamada Dab-damiska ee Somaliland ayaa badbaadiyay Ilma yar oo Hooyadii dhashay Musqul ku riday kaddibna ka baxsatay, waa Ilme [Cunug] markaas uun dhashay.

Cusbitaalka Burco ayaa la geeyay Ilmihii yaraa oo caafimaad qaba.

Magaaladda Jigjiga ayaa la xaqiijiyay in Meheradaha lagu kariyo Bunka lagu daro Kıniinka Tramadol.Sidaas Waxa sheegay Sh...
17/03/2024

Magaaladda Jigjiga ayaa la xaqiijiyay in Meheradaha lagu kariyo Bunka lagu daro Kıniinka Tramadol.

Sidaas Waxa sheegay Sheekh Cabdiqadir Siiro.

13/02/2024
HADDA OGOW; 17-Ka Xildhibaan ee SSC [Dhulbahante] kasoo jeeda kuna soo baxay Baarlamaanka Puntland iyo sida beeluhu u ka...
01/01/2024

HADDA OGOW; 17-Ka Xildhibaan ee SSC [Dhulbahante] kasoo jeeda kuna soo baxay Baarlamaanka Puntland iyo sida beeluhu u kala heleen.

1: Farax Maxamad C. Xaashi - QAYAAD
2: Maxamed Mursal Maxamd - XASAN UGAAS
3: Ismaacil Saleebaan Geele - NAALEYE AXMED
4: Maxamuud Adanweli Maxamed - BAHARARSAME.
5: Faysal Maxamad Dalmar - JAMA SIYAAD
6: Qaalib Xassan Maxamuud - JAMA SIYAAD
7: Xasan Yuusuf Majabe - WACEYS ABDULLE
8: Mukhtar Cumar Cali - NUUR AXMED
9: Jacafar Maxamed Gaadawayne - REER HAGAR
10: Khadar Farax Maxamad - BARKAD
11: Cabdiraxmaan X A Aadan - CALI GERI
12: Mowliid Abokar Caafi - HAYAAG
13: Cabdirisaaq Shariif Axmed - KHAALID
14: Xasan Ducaale Cali - BARKAD
15: Maxamuud C/Raxman Maxamud - YAHYE
16: Maxamud Ahm Xasan - NAALEYE AHMED
17: Jaamac Axmed Faarax - NAALEYE AHMED

F.G k**a dhigna Qabyaalad ee waxay ka turjumaysaa inaad si fudud ku fahanto hanaanka beeluhu u qaybsadeen kuraastan & cidda kugu metesha.

Mohamed Yusuf Bakayle /

25/12/2023

Walaalkay iga wayn baad tahaye cayayaankaan lugta ku reebayay............see.more

Go,aamada ay beesha Habarjeclo ka soo saareen shirkii uga socday Burco.
28/11/2023

Go,aamada ay beesha Habarjeclo ka soo saareen shirkii uga socday Burco.

Warsaxaafadeed wadajir ah ee Xisbiyada Puntland.
25/11/2023

Warsaxaafadeed wadajir ah ee Xisbiyada Puntland.

Drone view of Dar Es Salaam, the economical capital of Tanzania 🇹🇿
15/11/2023

Drone view of Dar Es Salaam, the economical capital of Tanzania 🇹🇿

Deg-Deg. Deegaanka Madax lagu Xoor oo u dhaxaysa  deegaanka Ayeyle  iyo Guumays ayey si  gaadmo ah ku dileen Malleeshiya...
06/11/2023

Deg-Deg. Deegaanka Madax lagu Xoor oo u dhaxaysa deegaanka Ayeyle iyo Guumays ayey si gaadmo ah ku dileen Malleeshiyaadka Habar Jeclo Laba Nin oo Reer Guuraaga ah reer SSC ah.

Malleeshiyada dilka gaystay ayaa Ka Cararay goobta , Waxaana ay ku noqdeen halkii ay weerarka ka soo qaadeen.
Sabacad 24media

Address


Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252906698010

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sabacad 24media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sabacad 24media:

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Opening Hours
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share