Bakol News

Bakol News Kusoo.dhowoow bakol news kaga bogo barnamijya sugan

21/04/2024
20/04/2024

Halka baydhabo laso gaba gabeeye Waxaana vinalka isku arki doona labada kooxod oo,kala ah fc ACF iyo af al ahli

Sawiro :- Saldhig ay Khawaarijta ku lahayd Tuulada Taflow oo 28km Dhanka Koonfur kaga beegan Degmada Berdaale ayaa Ciida...
18/04/2024

Sawiro :- Saldhig ay Khawaarijta ku lahayd Tuulada Taflow oo 28km Dhanka Koonfur kaga beegan Degmada Berdaale ayaa Ciidanka Xaq udirirka Deeganka weerar ay kuqaadeen waxaa laga soo furtey 7 qori oo AK 47 ah iyo 1 Bkm iyo 8-Sanduuq oo Rasaas ah waxaana Khawaarijta Halkaas Lagaga diley 9 Maleeshiyo oo Argagixisada Daacad u ahaa.

Bakol news

17/04/2024

Bakol somaalia
Dr waaberi stadium 🏟️
Jiilka maanta

12/04/2024

12 April maalinta ciidanka Xooga dalka somaliyeed
Guuleysta geeshaka yagow

Bakol news

12 April Abaan duulaha Guutada 9aad Ee Qeybta 60-aad CXDS  Taliye yuunis aadan Xasan  taliyaha Ururka 51aad Deerow Abdi ...
12/04/2024

12 April

Abaan duulaha Guutada 9aad Ee Qeybta 60-aad CXDS Taliye yuunis aadan Xasan taliyaha Ururka 51aad Deerow Abdi Ali iyo Taliyah ururka 91 aad ee guutada 9aad maxamed salaad ayaa Hanbaliyo ku aadana as aaska cidanka xooga dalka somaliyeed sareeya yaasha elifleyda dableyda iyo Xasas kooda ugu hanbaliyeyey malinta ciidanka dhulka Xooga dalka somliyeed

Guuleysta geeshkayagow

Taliska Qeybta 60aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed

Hambalyo Gaashanle Sare Taliye Mohamod Shahiyow
09/04/2024

Hambalyo Gaashanle Sare Taliye Mohamod Shahiyow

09/04/2024
04/04/2024

Ff weriye mohamed deeq abdulaahi kalsooni

Bakol news

Dalkaaga ilaasho waa sharfkaaga ilaasho laba halayeey oo,usoo halgamey dalkaan meel fogna kasoobilaabey .Hadana udiyaars...
03/04/2024

Dalkaaga ilaasho waa sharfkaaga ilaasho laba halayeey oo,usoo halgamey dalkaan meel fogna kasoobilaabey .

Hadana udiyaarsan iney siilaba jibaaran shaqada qaranka ay uhayaan

Halgame nuurow dheere iyo
Halgame aadan takooy afey

Qeybta faalada halfariin ugu reeb πŸ€˜πŸ‘‡πŸΌπŸ’¬

Sawiqaadaha lamahadiyey bakol news Upde mohamoud abdi Xooga dalka somaliyeed ha guuleysto Bakol news
03/04/2024

Sawiqaadaha lamahadiyey bakol news
Upde mohamoud abdi
Xooga dalka somaliyeed ha guuleysto

Bakol news

31/03/2024

Nabada naas lanuuga leh
Bakol news

31/03/2024

Bakol news

Taariikhda Degmada Tiyeeglow Ee Gobalka Bakool.-----------------------------Degmada Tiyeeglow Waxaa Ay Ka Tristan-tahay ...
30/03/2024

Taariikhda Degmada Tiyeeglow Ee Gobalka Bakool.
-----------------------------
Degmada Tiyeeglow Waxaa Ay Ka Tristan-tahay Degmooyinka Gobalka Bakool Kuwooda ugu Magac & Miisaan Culus.

Degmada Tiyeeglow Waxaa Ay Dhacdaa Koonfur Galbeed Soomaaliya, Waxaana Deegaan Ahaan Lasoo Degey Mudo Aad u Fog, Sida Magaceeda Ka Muuqda, Waxey Ahaan Jirtey Meel Howd Ah, Biyo Mareen Ah Waxaana Ka Bixi Jirey Dhirta Noocyadeeda Kala Duwan, Gaar Ahaan Geedka Loo Yaqaano "Tiyeeg" Ku Badnaashaha Geedka "Tiyeega" Ayaa Sabab U Ahaa In Degmada Loogu Magacdaro "Tiyeeglow".

Degmada Tiyeeglow Dhulkeedu Waa Deegaan Hodan Ku Ah Daaqsinta Xoolaha & Tacbashada Beeraha.

Degmada Tiyeeglow Ka Hor Inta Aysan Soomaaliya Qaadan Xornimada Waxaa Ay Ahaan Jirtey Meelihii Ugu Waa Weynaa Ee Talyaanigu Saldhigyo Ciidan Ka Dhisto Guud Ahaan Soomaaliya Gaar Ahaan Gobalka Bakool 1915-tii.

Degmada Tiyeeglow Sababtii Ugu Weyneyd Ee Talyaanigu Saldhigyo Ciidan Uga Dhistey Ayaa Ahayd Dagaalkii Uu Kula Jirey Xabashidii Gumeysi Diidka Ahayd Ee Itoobiya.

1972-dii Ayaa Degmonimo Loo Magacaabey Degmada Tiyeeglow Waxaana Digreeto Madaxweyne Ku Magacaabey Allaha U Naxariiste Gen. Maxamed Siyaad Barre.

Degmada Tiyeeglow Dhul Ahaan Waxaa Ay Ku Fadhidaa 500KM Oo Isku Wareeg Ah, Dadka Ku Nool Tira Ahaan Waxaa Lagu Qiyaasaa 25000-30000.

Dadka Ku Nool Degmada Tiyeeglow & Deegaanada Hoos Yimaada 60% Waxaa Ay Ku Tiirsanyihiin Xoolaha Nool, 30% Waxaa Ay Ku Tiirsanyihiin Tacbashada Beeraha, 10% Waxaa Ay Ku Tiirsanyihiin Ganacsiga.

Degmada Tiyeeglow Waa Degmada Ugu Wax Soo Saarka Badan Guud Ahaan Gobolka Bakool, Taasina Waxaa Sabab U Ah Dhul Ahaan Waa Ay Ka Duwantahay Gobalka Bakool Intiisa Kale, Marka La Fiiriyo Qaab Dhismeedka Gobalka Way Ka Hooseysa Degmada Tiyeeglow Taas Ayaan Sababtey In Tiyeeglow Ay Noqoto Dhul Biyo Mareen Ah Kuna Fiican Tacbashada Beeraha & Daaqsinta Xoolaha Nool.

Degmada Tiyeeglow Marka Ay Maqlaan Dadka Soomaaliyeed Waxaa Ay Soo Xasuustaan "Malabkii Tiyeeglow" Oo Aan Kala Go' Lahayn Abaar & Aaranba, Timirta, Canbaha, Canuuniga, Liin Dhanaan, Banbeelmo, Seytuunka, & Kuwa Kale Oo Badan, Degmada Tiyeeglow Waxaa Banaanka Uga Imaada Kaliya Badeecada Sida Bariiska, Baastada, Sokorta, Saliida.

Degmada Tiyeeglow Waxaa Ay Ku Taala Meel Istiraatiiji Ah, Waxaa Ayna Isku Xirtaa, Gobalada Kala Ah, Hiiraan, Shabeelada Dhexe, Baay, & Gobalka Bakool Intiisa Kale, Sidoo Kale Waxey Xuduud Dhuleed La Leedahay Ismaamulka Soomaali Galbeed "Ogadenia".

Degmada Tiyeeglow Waxaa Ay Dhinaca Bari Xuduud Dhuleed Kala Leedahay Gobalka Hiiraan, Gaar Ahaan Tuulooyinka "Ceel Cali" & Ceel Cade, Koonfur Bari Waxaa Ay Xuduud Kala Leedahay Laba Gobal Oo Kala Ah, Shabeelada Dhexe & Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe Waxey Xuduud Dhuleed Kala Leedahay Deegaanka Layiraahdo "Dheriyoow" & Goobanle, Gobalka Shabeelada Hoose Waxey Xuduud Dhuleed La Leedahay Deegaanka Layiraahdo "Leego & Yaaq-Biraweyne", Koonfurta Gobalka Baay Waxey Xuduud Dhuleed Kala Leedahay Deegaanka Layiraahdo "Dolon-Doole & Dhinaca Galbeed Waxaa Ay Xuduud Dhuleed Kala Leedahay Degmada Xudur Ee Xarunta Gobalka Bakool, Deegaamada Kala Ah, "Qurac-Joome, Yow-Kooyow, Abig Beedey", Dhinaca Soomaali Galbeed Degmadu Waxey Xuduud Kala Leedahay Dhul Daaqsin Ah Oo Loo Yaqaan "Bay" Marka Aan Fiirino Inta Gobal Ee Ay Isku Xireyso Degmada Tiyeeglow Waxaa Ay Ina Tuseysaa In Degmadu Meel Istaraatiiji Ah Ay Ku Taasho.

Degmada Tiyeeglow Waxaa Hoos Yimaada 186 Tuulo Waana Degmada Labaad Ee Ugu Tuulooyinka Badan Gobolka Bakool Marka Laga Reebo Degmada Xudur Ee Xarunta Gobalka Bakool.

Degmada Tiyeeglow Waxaa Soo Marey Ilaa 8 Gudoomiye Degmo Oo Kala Ah.
1: Maxamed Yarow (Yare).
2: Macalin Nuur (Haley).
3: Macalin Aadan Isaaq (Aamir).
4: Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale).
5: Cabdullaahi Ibraahim (Jeedaw).
6: Isgoowe Deerow Isaaq.
7: Maxamed Xasan Cabdulle (Jinaaw).
8: Macalin Maxamed Nuur (Madyarow).

Degmada Tiyeeglow Inta Aysan Burburin Dowladii Kacaanka Waxaa Ay Lahayd, Isbitaalo & Goobo Waxbarasho, Balse Nasiib Daro Markii Ay Burburtey Dowlada Kacaanka, Degmada Tiyeeglow Waxaa Saameyn Ba'an Ku Yeeshey Dagaalkii Sokeeye Ee Dalka, Waxaana Guud Ahaan Burburey Adeegyadii Aas-aasiga Ahaa Sida Goobihii Waxbarashada & Caafimaadka.

Horaantii Sagaashameeyadii Markii Ay Burburtey Dowladii Kacaanka, Degmada Tiyeeglow Waxaa Ay Gacanta U Gashey Maleeshiyadii Salbalaar Ee Uu Hogaaminaayey Gen. Ceydiid, Oo Burbur Xoogan U Geystey Degmada Tiyeeglow & Guud Ahaan Deegaanada Hoos Yimaada, Ururkii Gobanimodoonka Gobalada Koonfureed Ee "RRA" Ayaa Dagaal Ay Kusoo Qaadeen Maleeshiyadii Salbalaar Ee Uu Hogaaminaayey Gen. Ceydiid Ka Saarey Degmada Tiyeeglow & Guud Ahaan Deegaanadii Gobalka Bakool Ay Kaga Sugnaayeen.

Intaas Wixii Ka Danbeeyey Degmada Tiyeeglow Waxaa Ay Noqotey Magaalo Nabdoon, Waxaana Guud Ahaanba Dib Ugu Soo Laabtey Hay'dihii Samafalka Ee Ka Howl-galaayey Degmada, Waxaa Dib Loo Furey Goobihii Waxbarashada & Caafimaadka, Ganacsiga, Waxaa Guud Ahaan Dib Usoo Laabtey Adeegyadii Aas-aasiga Ahaa Ee Degmada.

Degmada Tiyeeglow Waxaa Ay Marti Gelisey Barakacayaashi Soomaaliyeed Ee Ugu Badnaa Ee Abid Usoo Qaxa Degmo Ka Tirsan Gobalka Bakool, Kuwaas Oo Kasoo Barakacey Colaadii Sokeeye Ee Gobalada Dalka.

Horaantii 2000 Waxaa Degmada Tiyeeglow Laga Aas-aasey Iskuul Layiraahdo "Sheekh Cabdiraxmaan Al-zeylici", Kaasoo Oo Ay Ku Aflaxeen Kumanaan Ardey Oo U Dhashey Deegaanka & Kuwo Waxbarasho Usoo Doonteyba, Hada Qaarba Ah Wasiiro, Qaarba Xildhibaano Ah, Qaarbaa Agaasimayaal, Qaarba Dhakhaatiir Ah, Qaar Ayaa U Shaqeynaya Hay'adaha Samafalka Ah Ee Caalamka.

Balse Nasiib Daro Markale Degmada Tiyeeglow Oo Xasiloon, Waxaa Gacanta Ku Dhigey Ururka Al-Shabaab, Waxaana Gebi Ahaanba Gobalka Bakool Iskaga Cararey Hay'adihii Samafalka Ahaa, Waxaa Gebi Ahaanba Al-baada Laiskugu Dhuftey Goobihii Waxbarashada & Caafimaadka, Ganacsigii Deegaanka Hoos U Dhac Ayaa Ku Yimid, Beeraleydiina Beerahooda Ayaa Canshuur Lagu Rogey, Xoola-Dhaqatadiina Deegaanada Kale Gobalada Ayey Qabteen, Si Naftooda & Maalkooda Ula Badbaadaan, Hasa-yeeshe Inta Aan Ku Jirey Ururinta Xaalada Guud Ee Degmada Tiyeeglow Waxaa Aan Maqley In Ay Hada Degmada Ka Furanyihiin Hal Iskuul & Hal MCH Oo Aan Heysan Agab Ku Filan Hadii Loo Raadin Lahaana Maamulka Hada Jooga Tiyeeglow Aysan Ogalaaneynin.

Degmada Tiyeeglow Dadka Ugu Caansan Taariikhda Soomaalida Ayaa Kasoo Jeeda, Waxaana Kamid Ah.
1: Sheekh Cabdiraxmaan Al-zeylici", Waxaa Uu Ahaa Wadaad Laga Yaqaano Dunida Inteeda Kale, Wuxuuna Ku Caan Baxey Faafinta Diinta Islaamka.

2: Cabdiqaadir Saqaawadiin Oo Ahaa Gudoomiyihii Ugu Horeeyey Ee Ururkii Gobanimo Doonka Soomaaliyeed Ee SYL.

3: Dr. Abdalla Deerow Isaaq Oo Ahaa Aabihii Mideeyey Digil & Mirifle Kana Mid Ahaa Aas-aasayaashi Ururkii "RRA" Soo Noqdey Gudoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Dowladii Uu Madaxweynaha Ka Ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

4: Cabdiqaadir Zoobe Oo Ay Soomaalidu Wada Garaneyso Ahaana Aabihii Federaalka Maanta Jiro Fikrad Ahaan Ninkii Soomaaliya Soo Gaarsiiyey.

5: Malaaq Seemow Malaaq Cabdi Garuun Oo Ahaa Malaaqii Guud Ee Beelaha Digil & Mirifle Ahaana Nabadoon Soomaalidu Ay Wada Jeclaayeen.

6: Dr. Maxamed Cali Xaamud Oo U Ololeyn Jirey Dhisidii Maamulkii Lixda Gobal Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Uu Madaxweyne Ka Noqdey Allaha U Naxariiste Marxuun Madoobe Nuunow Maxamed.

7: Faarax Xaaji Cumareey Oo Kamid Ahaa Saxafiyiintii Rugcadaaga Ahayd Ee Laanta "BBC-da".

8: Dr. Cabdalla Maxamed Xuseen Oo Ahaa Dr-kii Cudurada Haweenka Guud Ahaan Soomaaliya Gobaladeeda Loogu Imaan Jirey & Qaar Kaloo Badan.

Degmada Tiyeeglow Waxaa Ay Ka Koobantahay Dhowr Xaafadood Waxaana Kamid Ah, Suuqa Siinaay, Bolowka, Qarimeey, Jiidanki, Buuladi, Abig Beedey, Goolweyne & Aawkey Miroogu, & Qaar Kaloo Badan.

Goobaha Taariikhiga Ah Ee Degmada Waxaa Kamid Ah, Xerada Booliiska Degmada Tiyeeglow Oo Uu Dhisey Talyaaniga 1915-tii, Waxaa Kaloo Jira Dhagax Caan Ka Ah Degmada Tiyeeglow Oo Loo Dalxiiska Tago, Dhagaxa Waxaa Ku Sawiran, Raad Beni'aadam, Waxeyna Shacabka Ree Tiyeeglow Ugu Magac Dareen "Kobtii Nabigi, Ama Kabtii Nabiga SCW", Sidoo Kale Goobaha Taariikhiga Ah Waxaa Kamid Ah, Ceel Bakooran Oo Ah Ceel Caan Ka Ah, Gobalka Bakool, Gaar Ahaan Degmada Tiyeeglow, Waa Qaab Rabaani Ah U Sameysan, Waxaa Horey Heeso Uga Sameeyey Abwaan "Tarash" & Fanaankii Weynaa Maxamed Axmed (Qoomaal).

Taariikhda Degmada Tiyeeglow Ma Ahan Mid Aan Maalmo & Sanado Kusoo Koobi Karo, Balse Inta Hada Aan Idinla Wadaagey, Waa Intii Aan Heley Mudadii Aan Ku Jirey Aruurinta Taariikhda Saxda Ah Ee Degmada Tiyeeglow.

Waxaan Ka Cudur Daaranaya, Idinkana Raali Gelinayaa, Hadii Aan Taariikhda Degmada Tiyeeglow Qaldey Inaad Iga Raali Ahaataan, Islamarkaasina Aad Igu Caawisaan Intaan Qaldey Si Aan U Saxo.

Taariikhda Deegaanadeenu Hadii Inagu Aanan Qorin, Iyadu Isma Qoreyso, Taariikhda Dhulkeena Oo Aan Qornana Waa Dhaxalkii Jiilasheena Danbe.

Waxaan U Mahad Celinayaa Alle "SWC", Marka Xigta Waxaan U Mahad Celinayaa Dhamaan Saaxibadii Garab Igu Siiyey Taariikhda Inta Iga Maqaneyd, Waxaan Si Gaar Ah Ugu Mahad Celinayaa Saaxibkey Bishar Hassan Abdinur Oo Jooga Dalka Masar Gaar Ahaan Magaalada Qaahira, Oo Aan Isleeyahay Hadii Bishaar Uusan Ahaan Lahayn Intanba Ma Suurta-geli Lahayn, Saaxib Waxaan Ku Leeyahay Mahadsanid Alle Haku Sharfo.

Insha-Allah Waxaan Rajeynaa In Uu Illaahey Ituso Tiyeeglow Oo Sharafkeedi & Karaamadeedi Dib Usoo Ceshatey, Dalxiis Dhulka Ahna Aan Ku Tago Insha-Allah.

Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliyeed Oo Ugu Horeeyo Madaxweyne Dr xassan sheikh mohamoud & Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Uu Ugu Horeeyo Madaxweyne C\casiis Lafti-gareen Waxaan Ka Codsanayaa In Shacabka Degmada Tiyeeglow Ee Dunida Daafaheeda Ku Kala Irdhoowey In Degmadooda Maleeshiyada Shabaab Looga Xoreeyo.

Mahadsanidiin.

W/Q: Hon Hassan Ali Noor.

Howshu maanta save bey aheyd Geshakeyagow guuleysta
25/03/2024

Howshu maanta save bey aheyd

Geshakeyagow guuleysta

25/03/2024

Ff mohamdeeq Kalsoni

Bakol news

Ciwaan TikTok iib ah wixii fahfahin ah Number what’s up 617414765
20/03/2024

Ciwaan TikTok iib ah wixii fahfahin ah
Number what’s up 617414765

Kalsoonidu waa farxad Farxada lama iibsan karo Daljirahaan Hal fariin ureeb
18/03/2024

Kalsoonidu waa farxad
Farxada lama iibsan karo

Daljirahaan Hal fariin ureeb

18/03/2024

Samafale abdimalik Ali Mohamed

Bakol news

15/03/2024

Ugu danbeyn wey ugu aadey
Waana guuleystey

15/03/2024

Kaqeybqaado afurinta dadka aboodin iney afuka iska sacidaan

13/03/2024

Faa,idooyinka sonka laga helo caafimaad ahaan

12/03/2024

Maaweel waa nin fani ah

11/03/2024

So,aal weydiinta bisha barakeysan ee,ramadaan
Iyo dad weynaha magaalada hudur.
Abdimalik Ali Mohamed

Bakol news

Ramadaan mubaarak dhamaan umada muslimka ah gaar ahaan shacabka somaliyeed
10/03/2024

Ramadaan mubaarak dhamaan umada muslimka ah gaar ahaan shacabka somaliyeed

Curashada bisha Ramadan ayaa goordhow laga arkay boqortooyada Sacuudiga, waxaana uu maamulka Xarameynku ku dhawaaqay ine...
10/03/2024

Curashada bisha Ramadan ayaa goordhow laga arkay boqortooyada Sacuudiga, waxaana uu maamulka Xarameynku ku dhawaaqay iney berri soon tahay. Labada masjid ee barakeysan ayey salaaddaha Taraawiixdu ka bilaaban doonaan caawa salaadda cisho kadib.

Ramadaan Mubaarak dhammaantiin.

05/11/2022
31/10/2022

Dawada Cirada baabi'isa" waa daawo buufis(Spray) loogu talagalay inay CIRADA kaa ciribtirto gabi ahaan soo noqod aan lahayn.
Ku iibso Online adiga oo jooga magaaladada - gurigaga iyo goobtada shaqada.
Nala soo xidhiidh
WhatsApp: 0613225569
Call: 0613225569
πŸ›΅ πŸ“¦ 🚚✈
βœ…

Ukun iyo Doolsha qase tayo sare leh ayaa kuu diyaar ah macamiil Hada dalbo oo hada hel0613225569Free delivery kenistu wa...
22/10/2022

Ukun iyo Doolsha qase tayo sare leh ayaa kuu diyaar ah macamiil
Hada dalbo oo hada hel
0613225569
Free delivery kenistu wa bilaash macamiil
Hufan

22/10/2022

βœ…Iskaga jar caloosha oo dalbo suunka
Hada kadalbo oo isla hadaba hel
Qiimaha waa mid kuraali galin doona i.a
πŸ“ž0613225569
Ama whatsApp 0613225569
Keenistu waa bilaash macmiil
Free delivery kenistu wa bilaash

Address

Howlwadaag Street
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bakol News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Bakol News:

Videos

Share