04/05/2023
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta Xarunta Dhexe ee Guddiga, Kulan kula yeeshay Ururada Siyaasadda iyo laamaha amniga Dowladda Puntland.
kulankan oo shir-Guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka Guddiga, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha TPEC Mudane Hon Cali Dhegacade ayay uga wada hadleen ilaalinta Anshaxa ololaha Ururada SIyaasadda, badqabka taageerayaasha ururada iyo sugida xasiloonida doorashooyinka qof iyo codka ah ee Puntland.