23/08/2021
Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan kusoo arkay!
::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::
Nin aan dhul marin dhaayo malaha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan kusoo wareegay shanta qaaradood ee adduunka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay.
Waxaan ka baxay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaallo-sokeeye, ayna saddex bilood gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka bixi karo dhibaato kaste, waase haddii uu helo hoggaan fiican oo samatabixiya.
Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheegtay, Nabi Muuse oo uga digaya, iyo hardankii adkaa ee dhex maray, waxayna kuu tusaaleyneysaa masiirka diktaytar kaste oo u awood sheegta shacabkiisa, iskuna taago Allihii abuuray.
Waxaan tegay magaalada barakeysan ee Maka. Muuqaalkeedii iigu cajiibsanaa wuxuu ahaa maalinkii carafo. Dhowr milyan oo xujeey ah ayaa banka buurta isugu timid. Gacmaha ayay isdhaafsanayeen iyaga oo isi salaamaya, waxaana ka muuqday isjaceyl walaaltinnimo. Ma kala garan kartid jinsiyadahooda oo waxay ku wada labisanyihiin dhar cadcad, waxayna ku wada hadlayaan carabi jajab ah, mid kastena wuxuu dareemayaa in uu Rabbi toos ugu xiranyahay oo uu ka mid yahay martida Alle.
Waxaan tegay magaalada Istanbuul oo aheed saldhiggii boqortooyaddii Cusmaaniyiinta, ahna halka ay iska galaan xadaaradda galbeedka iyo tan bariga, waxaana booqday goobo taariikhi ah sida qasrigii dowladdii Cusmaaniyiinta, Hagia Sophia iyo Masjidka Suldaan Axmad.
Waxaan u dalxiisay magaalada taariikhiga ah ee Qarnaadah oo aheed caasimaddii boqortooyadii Andalus iyo magaalada Ishbiiliya oo aheed taajkii boqortooyada. Labada magaalo hadda waa la asal-dooriyay, balse markaad dhex mareyso waxaad xusuus kula noolaaneysaa boqortooyadii Andalus, sababihii burburiyay iyo waaqica qaraar ee muslimiintu ka dhaxleen burburkeeda.
Waxaan tegay magaalada Paris oo ah saldhigga xadaaradda Faransiiska. Sirta ka dambeysa quruxda magaalada waa waddada Avenue-des Champs-Elysees oo ah waddo lagu qurxiyay nalal cajiib ah, ayna ku teedsan yihiin geedo qurux badan, dukaammo, hoteello iyo maqaayado caalami ah. Intii aan joogay Faransiiska waxaan u dalxiisay jasiiradda Mont-Saint-Michel oo ay ku taallo buur ka mid ah kuwa ugu quruxsan caalamka. Jasiiraddaan oo xeebta ka fog 1KM waxaa ku nool 44 qof kaliya, waxaysa sanad kaste martigelisaa saddex milyan oo dalxiiseyaal ah.
Safarkan waxaan ku tegay magaalada Vienna ee caasimadda dalka Austria oo ah hooyada aqoonyahannada, qorayaasha iyo abwaannada ugu caansan taariikhda Yurub. Intii aan joogay Vienna waxan booqday gurigii ay magaaladaas ka degganeed Amiina Al-Mufti oo aheed basaasaddii Carbeed ee sirdoonka Yuhuudda ugu caansaneyd.
Waxan tegay dalka Denmark, waxaana booqday maktabadda Dokk1 ee magaalada Aarhus oo ah maktabad dadweyne oo ay yaallaan in ka badan 220,000 oo buug. Maktabadda waxaa xiiso gaar ah u yeelaya in ay qarka u saaran tahay wabiga Aarhus, waxaase taas iiga sii cajiibsaneed maktabad Aadane ah(Human Library) oo ku taallay maagalada Copenhagen, halkudhiggeeduna ahaa “Buug ha aqrisan, ee qof aqriso” waxaana dhoobnaa dad khubaro ah oo wax u sharxaya dad u yimid in ay aqristaan.
Waxaan booqday magaalada Tromso ee dalka Norway. Xilliga xagaaga oo aan ku beegmay magaalada qorraxdu k**a dhicin laba bilood oo xiriir ah, waxayna muslimiintu su’aalo iska weydiinayeen sida ay u soomayaan. Intii aan joogay Norway waxaan ku indha-doogsaday iftiinka Aurora oo ah iftiin dabiici ah oo uu cirku yeelanayo isku dhafka midabbo qurux badan oo isugu jira cagaar, madoow, dahabi, jaalle, basali, gaduud iyo buluug.
Safarkan waxaan ku tegay magaalada London, waxaana booqday matxafyada caanka ah, Tower of London, Tower Bridge, London Eye, qasriga Buckingham, Beeraha dalxiiska, iyo saacadda Big Ben oo summad u ah waqtiga adduunka. Intii aan Ingiriiska joogay waxaan tegay maktabadda Birmingham. Waa maktabad mucjiso ah, qaab-dhismeedkeeda gudaha ah ayaadba ku mashquuleysaa inta aadan gaarin 400,000 oo buugaag ah oo maktabadda yaalla.
Meelihii ugu quruxda badnaa ee aan tegay waxaa ka mid ah maagalada Sydney ee dalka Australia oo ah xarun ganacsi, dhaqaalo iyo ilbaxnimo. Magaalada waxaa ku hareereysan wabiyo, beeraha qaranka, beerta cinabka, matxafka qaranka ee badda, iyo xeebta Bondi oo leh carro quruxsan oo leh midab dahabi ah.
Socdaalkeyga waxaan ku tegay magaalada Kuala-Lumpur ee dalka Malaysiya. Waa caasimad faqri aheed oo isu bedeshay magaalo warshadeed leh suuqyo casri ah iyo dhismooyin dhaadheer. Intii aan Kuala-Lumpur joogay waxaan tegay Petronas Twin Towers ama KLCC, oo ah dhismayaal mataano ah oo ku yaalla farasmagaalaha, uuna kiiba ka koobanyahay 88 dabaq, waxayna leeyihiin buundo-cireed la isaga kala gudbo. Dalxiiskii daarahaan kadib, waxaan ka soo dukaameystay daarta Suria KLCC oo jaar la ah mataanahaan, ayna ku yaaalaan maktabado, shirkado, Supermarketyo iyo maqaayado caalami ah.
Siddeedii galabnimo ayaan tagay waddada Jalan-Alor oo ay isku ciriirinayaan macaamiil halkaan isugu timid in ay ka cunteeyaan maqaayado ku teedsan waddada oo lagu iibiyo cuntooyinka badda ee ugu caansan Aasiya. Galabkaas waxaan cagta soo mariyay beerta ubaxyada, beerta xayawaanadda iyo beerta balambaalista, waxaana dalxiiskeygii Kuala Lampur ku soo afjaray beerta shimbiraha oo ay ku nool yihiin boqolaal nuuc oo shimbiro ah.
Maalinkii xigtay ayaan safar dhulka ah ku galay Singabuur oo ah magaalo cajiib ah. Intii aan Singabuur joogay wuxuu qalbigeygu ka maseyrsanaa sida Soomaaliya iyo Singabuur oo iyagoo faqri wada ah xuriyadda kala qaatay 1960 iyo 1965 ay maanta Soomaaliya ugu jirto caalamka saddexaad, halka Singabuur ay safka h**e uga jirto caalamka horumaray, ayna tahay xarunta saddexaad ee dhaqaalaha adduunka, caqligeyguna wuxuu isweydiinayay sababta Singabuur oo nus qarni ka hor aheed magaalo qashinqub ah ay maanta heerkaan ku gaartay, waxaanse xusuustay in Singabuur maanta loo yaqaanno “magaalada ganaaxa” oo ganaax la dul dhigayo qof kaste oo dhaqanxumo ku kaca, oo xitaa qofkii xanjo lagu arko lagu ganaaxayo $5,500 ama xasbi hal sano ah, maadaama ay xanjadu wax u dhibeyso bilicda magaalada. Digniinnada ganaaxa ah ee meel kaste ku dheggan waxay kuu sheegayaan in quruxda Singabuur aan baryo lagu keenin, balse ay ka dhalatay sharci loo siman yahay oo helay awood dhaqan-gelisa, iyo maalgashi aqooneed oo lagu sameeyay maskaxda muwaadiniinta.
Waxaan ka degay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, waxaana booqday goobo taariikhi ah sida derbiga weyn ee sumadda u ah Shiinaha. Waxaan tegay waddada Nanjing ee magaalda Shanghai oo ah waddada ugu dheer caalamka ee laga dukaameysto, ayna xarumo ku leeyihiin dukaammada, hoteellada iyo maqaayadaha Shiinaha iyo Aasiya ugu caansan, ayna maalinkii ka adeegtaan hal milyan oo qof. Intii aan Shiinaha joogay waxaan galay maktabadda Zhangshuge ee magaalada Yangzhou. Waa maktabad cajiib ah oo Reflectionka ka soo laabanayo buugaagta ee dhulka ku dhacaya uu kuu sawirayo in aad ku dhex lugeyneyso webi buugaag ah.
Socdaalkeygii Kuuriyada-waqooyi dalxiis ma aheyn ee wuxuu ahaa booqasho aan ugu tegay dad ku jira xasbi dowladed. Shacabkaasi waxay dulmanayaal u yihiin nidaamka diktaytarka ah ee Kim Jong-un. Muwaadinku dalka k**a bixi karo amar la’aan, taleefan dibadda k**a wici karo mana laga soo wici karo, Kumbiyuutarna ma iibsan karo isaga oo aan ogolaansho ka heysan booliska. Shacabka dalkaas oo ku dhow 26 milyan waa ka mamnuuc Internetku, waxaase isticmaalo dad ka yar kun qof oo ah madaxda dowladda, xitaa shaqaalaha riyadka looma ogola.
Dalkii iigu saameynta badnaa ee aan tegay wuxuu ahaa Jabbaan, oo aan ku soo arkay wax badan oo ay igu adagtahay in aan qoraal ku sheego. Reer Jabbaan waxay cunaan wax kaste, waxayna cuubudaan wax walba, balse dhanka aqoonta, akhlaaqda, dadnimada iyo insaaniyadda way uga horreeyaan caalamka kale, oo waxaanba maleynayaa in ay hadda sii marayaan 2050-ka.
Maalin Isniin ah oo ay saacaddu aheed 07:00 aroornimo ayaan diyaarad uga safarnay magaalada Tokyo ee dalka Jabbaan, waxaan hawada ku sii jirnay 8 saacadood, waxaana 4:30 galabnimo ee maalinkii Axadda ee maalinkaas ka horreysay ka degnay garoonka magaalada Honolulu ee gobolka Hawaii ee dalka Mareykanka!! BAL ISWEYDII SABABTA!!
Safarkeyga ka hor, caloosha ayaa i huri jirtay markaan arko carruur guryo la'aan ah oo ku hurdeysa derbiyada Muqdisho, waxaysa dadkaasi caadi ila noqdeen markaan tegay magaalada New-York ee dalka Mareykanka, oo ay ku noolyihiin in ka badan 73,000 oo guryo la'aan ah. New-York waxaa ka daran magaalada Manila ee caasimadda Filibbiin oo 26% dadka ku nool ay yihiin derbijiif aan guryo laheyn.
Waligey kuma fikirin in ay jirto meel Muqdisho ka amni xun, waxaanse tegay magaalada Detroit ee dalka Mareykanka. Labo ka mid ah boqolkii qof(2%) ee magaaladaas ku nool waxaa lagula kacay dhac ama kufsi, waxaana caadi ka ah in maalin kaste agtaada lagu dilo tobaneeye qof, waxaase ka sii daran magaalada Rio-de-Janeiro ee dalka Braziil oo tuugada joogto darteed ayba adagtahay in aad bannaanka ula soo baxdo moobeelkaada.
Intii aan Mareykanka joogay waxaan tegay magaalada Silicon-Valley oo ah xarunta tiknoolojiyadda caalamka, oo saldhig u ah shirkadaha dunida ku beddelay halabuurkooda, sida Microsoft, Yahoo, Intel, Apple, Google, YouTube, Facebook, Twitter iyo boqolaal kale.
Waxaan rajeynayaa in aad igula raaxeysatay safarkaan, oo aan ka xumahay in aanan ku xusin meelo badan oo aan tegay, oo ay ka mid tahay Buundada Capilano ee dalka Canada oo ah halka aan taaganahay sawirka hoose, loona yaqaanno buundada iloowshiyaha, maadaama ay ku hilmaamsiineyso wax kaste oo aad xusuusneyd.
Gunaanadkii, waxaa ii dhimman in aan kuu sheego in aanan waligeey dalka ka bixin oo aanan dibadda uga safrin Soomaaliya, waayo waxaan heystaa baasaboor Soomaali ah oo aanan dal kaste ku tegi karin. Yeelkeede, waxaan heystaa Buug iyo Internet oo ah baasaboorro caalami ah oo aan aqoonsaneyn xuduudaha, safaaraduhuna aysan diidi karin, una baahneyn in fiiso la iigu dhufto, aana ku mari karo dalalka caalamka aniga oo joogo gurigeyda iyo dalkeyga hooyo.