Madasha TV

Madasha TV kala soco warbixinada maalin lahaa enterteiment

Permanently closed.
Musharax madaxweyne Prof Ablaal oo ah Shaqsi dad yaqaan iyo dal yaqaan ah, Hormarinta bulshada soomaaliyeedna Geedo bada...
08/03/2022

Musharax madaxweyne Prof Ablaal oo ah Shaqsi dad yaqaan iyo dal yaqaan ah, Hormarinta bulshada soomaaliyeedna Geedo badan u soo fariistay.

Waxaan hubaa in 31 sano kadib uu yahay Hogaamiyihii Dariiqa Nabada iyo hormarka u jiheyn lahaa Somalia.



"Dadka ku jira guryaha Dawlada ee magaalada Laascanood, laga bilaabo iminka waa kiro, waa inayna iska bixiyaan iyagoo ku...
22/11/2021

"Dadka ku jira guryaha Dawlada ee magaalada Laascanood, laga bilaabo iminka waa kiro, waa inayna iska bixiyaan iyagoo ku bixinaya Wasaarada Maaliyada"

Cabdilaahi Jiidhe Agaasimaha Guud ee Wasaarada Hawlaha Guud Dhulka iyo Guryaynta Somaliland

War Dag Dag: Ra’iisul wasaare Rooble oo goordhow Wasiirka Arimaha Dibadda u magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali oo ahaa La...
20/11/2021

War Dag Dag: Ra’iisul wasaare Rooble oo goordhow Wasiirka Arimaha Dibadda u magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali oo ahaa Lataliyihii h**e ee Madaxweyne Farmaajo.

Bishii September ayaa Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Cabdisaciid inuu noqdo Agaasimaha guud ee Villa Somaliya. Haatan Rooble ayaa u magacaabay Jagada Wasiirka Arimaha Dibadda

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...
20/11/2021

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS ugu magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda loo magacaabay mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale isku baddelay labada wasiir ee kala ah:

Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) oo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo
Xuseen Maxamed Sheikh Xuseen (Badni) oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska.

Guddida doorashooyinka Koonfur galbeed ayaa shaaciyay 11 kursi oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ee ka imaanaya...
19/11/2021

Guddida doorashooyinka Koonfur galbeed ayaa shaaciyay 11 kursi oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ee ka imaanaya maamulkaas.

18/11/2021

AABO CABDI CALI CUMAR DULCAD

Waxaan baadi goobayaa gabadheyda, Ayaan oo hooyadeeda la dhaho Zahra jamac dukale oo igu war danbeysa 1993 oo xiligaa ku sugneyd magaalada Berbera

Guddiga Doorashada Galmudug wuxuu maanta shaaciyey 5-ta kursi ugu h**eysa oo ay qabanayaan doorashadooda maalmaha soo so...
18/11/2021

Guddiga Doorashada Galmudug wuxuu maanta shaaciyey 5-ta kursi ugu h**eysa oo ay qabanayaan doorashadooda maalmaha soo socda. Kuraastaan oo kala ah HOP #043
HOP #054
HOP #104
HOP #067
HOP #026

Madaxwaynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goowdhow ka ambabaxay garoonka diyaaraha Sayid Maxamed ...
15/11/2021

Madaxwaynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goowdhow ka ambabaxay garoonka diyaaraha Sayid Maxamed ee Magaalada Kismaayo isaga oo ku sii jeeda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntaland, halkaasi oo kula kulmi doono Madaxwaynaha Puntaland Saciid Cabdullaahi Deni.

Faahfaahinta warkan halkan ayaad kala socon doontaan

Maanta ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu tago Magaalada Garo...
15/11/2021

Maanta ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu tago Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kulamo ku saabsan arrimaha doorashada Garoowe kula yeelan doona madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxaana Labada mas’uul si gaar ah uga wada-hadli doonaan doorashada Golaha Shacabka ee dhawaan bilaabaneysa.

Ra'isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta  ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimad...
15/11/2021

Ra'isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Safarka Rooble ayaa ujeedkiisu yahay dardargalin doorashooyinka dalka isagoo safaro ku kala bixin doona magaalooyinka ay ka dhacayso doorashada qaarkood.

Guddiga hirgalinta dorashada Somaliland waxay halkan ku shaacinayaan in maalmaha soo socda laqaban doono doorashada 9 ka...
14/11/2021

Guddiga hirgalinta dorashada Somaliland waxay halkan ku shaacinayaan in maalmaha soo socda laqaban doono doorashada 9 kan kursi, sido kale kuraasida ku xigta doorashadooda la shaacin donana iyana sida ugu dhaqsaha badan.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa shir guddoomiyay shir ay aaladda fogaan aragga ku yeesheen Golah...
11/11/2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa shir guddoomiyay shir ay aaladda fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka.
Kulanka oo diiradda lagu saaray dardargalinta doorashada Golaha Shacabka.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo kala Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam , Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Gabagabadii kulanka ayaa la isku afgartay in si deg deg ah dhammaan Dowlad Goboleedyada looga bilaabo doorashooyinka Golaha Shacabka, laguna soo gabagabeeyo si looga fogaado dib u dhac ku yimaada doorashooyinka.

Wasirkii h**e ee haweenka iyo dhalinyarada heer faderaal ee dawlada Itoobiya Filsan Cabdilaahi ahna mulkiilaha Nabad TV ...
11/11/2021

Wasirkii h**e ee haweenka iyo dhalinyarada heer faderaal ee dawlada Itoobiya Filsan Cabdilaahi ahna mulkiilaha Nabad TV oo dhawaan la xidhay xaruntiisa guud ee magaalada Jigjiga ayaa tidhi,

"Xorriyadda saxaafaddu maaha mid gorgortan laga galo, waa in la maqlo codka shacabka."

WAR SAXAFADEEDMuqdisho, Taariikh: Noofeembar 11, 2021Guddiga Doroashooyinka ee Heer Federaal oo tix-gelinaya xaaladaha w...
11/11/2021

WAR SAXAFADEED
Muqdisho, Taariikh: Noofeembar 11, 2021

Guddiga Doroashooyinka ee Heer Federaal oo tix-gelinaya xaaladaha waddanka iyo duruufaha taagan, culaysyada kala duwan ee ka jira doorashada iyo jadwallada isbaddalaya oo horay u soo baxay, islamarkaasina ay adkaatay in sidii loo qorsheeyey lagu fuliyo doorshooyinkii oo qorshaha ahaa in ugu danbeyntii lagu dhamaystiro 20ka bisha Noofeember 2021, hasa yeeshee ay suuro-galiweysey.
Guddiga ayaa markii uu la tashaday qaybaha siyaasadda iyo guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan, wuxuu ugu baaqayaa guddiyada kala gedisan ee doorashada ee Heer Doowlad Goboleed, in ay si rasmi ah u bilaabaan doorashooyinka golaha shacabka 16 Noofeembar 2021.
Waxaan guddigu Dowladda Federaalka ka codsanayaa in ay waqtigaasi ka hor si degdeg ah u gaarsiiso guddiyada sahaydii dhaqaale ee doorashada, si ay hawshooda u gutaan.
Waxaan qaybaha siyaasaadda, daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa in 24 Diseembar 2021 ay tahay waqtiga k**a danbaysta ah ee loo asteeyey in lagu soo gebagebeeyo doorashooyinka Golaha Shacabka.
Waxaa guddigu intaasi ku daray in ay lagama maar-maan tahay mudadaasi kaddib la galo dhaarinta gollaha shacabka iyo dooraashada madaxweynaha si dalku u yeesho hay’ado dastuuri ah oo si sharci ah ku yimid.
Guddiyadu waxay ugu baaqayaan madaxda Dowlad Goboleedyada in ay gacan buuxda siiyaan guddiyada doorashooyinka, isla markaasina ay u fududeeyaan hawlahooda shaqo.
Guddiga doorashooyinka Heer federaal, waxaa uu si deg deg ah u geynayaa dhammaan gobollada doorashadu ka dhacayso agabkii loogu talo galay doorashada wakhtigaan la qabtay ka hor.
Guddigu, waxaa uu ugu danbeyntii ugu baaqayaa madaxda Qaranka, bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha taageeraya Soomaaliya in ay si buuxda ugu hawl galaan mudada doorashada loo qabtay in lagu soo dhamaystiro xubnaha baarlamaanka labada aqal ee harsan.

**DHAMAAD**

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagaalanka Musuq-Maasuqa JFS Abuukaate Mohamed Hussein Haamud oo safar shaqo k...
11/11/2021

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagaalanka Musuq-Maasuqa JFS Abuukaate Mohamed Hussein Haamud oo safar shaqo ku jooga Turkey ayaa maanta booqday Safaarada Soomaaliya ee wadanka Turkey gaar ahaan magaalada Ankara iyo istanbul.

Guddoomiyaha ayaa xarunta safaaradda kula kulmay danjiraha safaaradda Soomaaliya ee dalalka Turkey Mudane Jaamac Cabdullaahi Maxamed iyo howl wadeenada safaaradda.

Guddoomiyaha ayaa safiirka iyo howlwadeenada safaaradda ku bogaadiyay shaqada ay Qaranka u hayaan isla markaana kula dardaarmay in la dardargaliyo howlaha safaaradda ayada oo la ilaaliyo hufnaanta shaqada, Tirakoobka dadka Soomaaliyeed, ka warhaynta iyo dhisida Jaaliyad midaysan, Haggaajinta nidaamka maaliyadda iyo dakhliga ay Safaaraddu qabato laguna xareeyo Bangiga Dhexe, In la hagaajiyo kala danbaynta shaqada ee Diplomaasiyiinta Safaaadda ka hawlgala si loo hormariyo dowladnimada.

Qarax loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay Isgoyska Banaadir ee magaaladda Muqdisho sida ay saraakiisha amaanka u sheegee...
11/11/2021

Qarax loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay Isgoyska Banaadir ee magaaladda Muqdisho sida ay saraakiisha amaanka u sheegeen Mustaqbal Media.

Galmudug: Senator, Cabdi Xasan Cawaale Qeyb-diid, ayaa qaatay shahaadada Murashaxnimada ee Aqalka Sare.Rajadiisu intee a...
11/11/2021

Galmudug: Senator, Cabdi Xasan Cawaale Qeyb-diid, ayaa qaatay shahaadada Murashaxnimada ee Aqalka Sare.

Rajadiisu intee ayay la egtahay aragtidaada.?

Maxay Tahay Sababta Dawlada Soomaaliya uga Walaacsan tahay Burbur ku Yimaada Ethiopia.Wasiirka arrimaha dibadda Soomaali...
11/11/2021

Maxay Tahay Sababta Dawlada Soomaaliya uga Walaacsan tahay Burbur ku Yimaada Ethiopia.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya walwal xooggan ka qabto in ay qaxooti badan oo Itoobiyaan oo kasoo cararaya colaadaha dalkaas ay kusoo jabaan gudaha Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya aad uga walaacsan tahay haddii burbur ku yimaada Itoobiya in hubka gacmaha u galayo dad shacab ah, taaso uu sheegay in ay xasilooni darro ku keeni karto Soomaaliya.

“Waxaan rajeynayaa in dhammaan dalalka deriska nala ah ay noqdaan kuwa xasiloon siyaasad ahaan. Cidna uma rajeynaynayo dhibkii Soomaali soo martay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Address


Telephone

+252615120502

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Madasha TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Madasha TV:

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share