Hassan kaafi

Hassan kaafi Madadaaalo

31/12/2021

Luqmaan Al-Xakiim oo Ilaahay uu siiyey xikmad iyo aqoon aad u sarreysa ayaa isagoo wiilkiisa u dardaarmaaya wuxuu ku yiri:-

1- Aabbe Aamuska badi waayo ka Qoomameyn meysid Weligaa.

2- Aabbe Ceel aad ka Biyo Cabtay haku tuurin Dhagax.

3- Aabbe Carabkaaga kaga Caada Dhig Alloow ii Dembi dhaaf, Maxaa yeelay Waxaa jira Saacado aan la soo celin Ducada.

4- Aabbe Shimbir ku jirta Weelkaaga ayaa ka Kheeyr badan Dibi ku jira Weelka Qeeyrkaaga.

5- Aabbe Labo ha Xusuusan Weligaa:- Xumaanta ay Dadka ku Xumeeyeen iyo Ixsaanka aad Dadka u sameysay.

6- Aabbe Dadka haddii ay ku Faanaan Hadal Wanaagooda, adna ku Faan Aamus wanaagaaga.

7- Aabbe ha noqon Ruux Macaan ee la Liqo mise Ruux Qaraar ee la Tufo.

8- Aabbe Taqwada Allaah ka dhigo Tijaaro Faa'iidadeeda ayaad ku heli Badeeca la'aan.

9- Aabbe iska ilaali Deyn maxaa yeelay Dharaartii ama maalintii waa Dulli, Habeenkiina waa Tiiraanyo.

10- Aabbe waxaan qaaday Bir, maana Arkin wax ka Culus Deris Xun, Waxaan Dhadhamiyay Qaraar oo idil, maana Arkin wax ka Qaraar Faqri.

11- Aabbe haddii aad dooneysid inaad Walaal la noqoto Ruux, ka Careysii, haddii uu kuu Garsooro kolka uu Caroodo la noqo Walaal, haddiise uu kuu Garsoori waayo iska ilaali.

12- Aabbe haddii aad gasho Guri aan Gurigaaga ahayn Xifdi Aragaaga, haddii aad Fariisato meelaha ay Dadka Fariistaan Xifdi Carabkaaga, haddii aad ku jirto Salaadda Xifdi Qalbigaaga.

Xikmadahaan aad ayeey ii soo Jiiteen hadii aad u aragto sida aan aniga u arko oo kale fadlan gaarsii asxaabtaada

Digniin ๐Ÿ“ต๐Ÿ“ฒDhammaan dhalinyarta soo maaliyeed ee isticmaala social media waxaan kaga digayaa sawirka hoos ku xusan isagoo...
13/09/2021

Digniin ๐Ÿ“ต๐Ÿ“ฒ
Dhammaan dhalinyarta soo maaliyeed ee isticmaala social media waxaan kaga digayaa sawirka hoos ku xusan isagoo lifaaq ah. Oo badan lagu wadagayo Social media.

Walalayaal waa Websites ajaanib waana kuwa loo yaqaano. Scam macanha waa dad Hadiyado been abuur ah iska dhigaya inay ku siin doonaan sida
Iphone 12 ama wax la mid ah.

Ogoow ma jiro website iphone 12 bilaash ku bixinaya.
NB. Hasiinin xogtaada gaarka ah, waayo waxaa kusoo dhuumanaya Tuugo doonaysa inay dhacaan Emails kaada ama baraha kale social media aad ku leedahay.

.

30/08/2021

Maslax Mideeye | |

Hees Hiil Loogu Wado Naafada"๐Ÿ˜ข [ 20121]

31/07/2021



Qaybii Labaad[2aad]
Arja fakar iyo walwal iyo cabsi badan ayaa soo gashay markii ay' tiri Taakzey wax baan rabaa in aan kuu sheego,
ayadoo xaalad adag ku sugan oo fuleynimo ah iyo dag dag ayuu telka ka damay. Markaas bey bilowday taah iyo tanaad iyo in ay habeenkii oo dhan ay ka fakarto,
haduusan telka dami laheen saacan waad u sheegi laheed. Waxay ka Sii fakartay jawaabta uu siin doono kolba wax ayey sawirataa. Arja ayadoo xaaladas ku" sugan ayuu waagii u baryay go,aan waxey ku" qaadatay in ey u sheegato
Taakzey waxaa niyadeeda ku jira marka ugu h**eyso ey" lahadasho. Taakzey asaga qudhiisa habeenka markuu telka damay dhowr jeer ayuu soo wacay lakin telka baa ka dansanaa
Asaga; xataa waxuu aad u daneynayay talow waxa ey" kuu sheegi rabtay maxuu noqon karaa .kolba wax ayuu sawirtaa lakin isagoo isla hadlaayo ayuu waxuu ka dhigtay sida uu jacel yahay. Waxuuna is yiri soo mawacnaan laheen hadii ay" Tiina xariir jaceyl kuugu soo fartay Arja. Horay ayaa waxaa loo yiri allow qof aan wax ogeyn haa cadaabin.
Nafbaa ku daqran asagana qalbi kale ayuu sugayaa aadna ugu haminayaa maalin un in uu" xariir la wadaago. Maalintii oo dhan Arja callka meysan Imaan xataa online meysan Soo noqon waxay rabtay habeenkii in ey" soo wacdo Taakzey xariirka ugubka ahna u sheegato. Lakin wey is celin Waysay callka ayey galabkii Soo kortay ayadoo u xiistay codkii macaanaa ee Taakzey. Callka waa Lawada saarnaa,, Salaan kabacdi Arja waxay tiri sorry Taakzey xalay telka iga damay sheekadiina cawa ayaan kuu dhameys tiri insha Allah .
Nasiib wanaag markaa Tina callka meysan saarneen... Continue..

29/07/2021

Run ahaantii Waa Muuqaal Qalbiga bini aadanka taabanaya
Noloshaan aad arkeyso marba waa heer Adoo sugaya Ayeey kuqadin Adoo samrayna weey Kusiin
Waxa Cajiibka ah ayaa waxay Tahay Asagoo baahan misna aad udhibaateeysan ayuu Hadana Naftiisa umuujiyay adeeg iyo in aysan is Liidin โœŠ๐Ÿ’ช๐Ÿ‘ˆ

22/07/2021

"" ANAA KULEH !!
Maslax mideye iyo deeqsan 2021

20/07/2021

Hooyo macan abaalkaada janada allaha ka dhigoโค๐Ÿ˜˜

Berrito oo isniin ah 19/07/2021 waa maalinta fadliga badan ee carafah, soon si aad u hesho Ajarka 2 sano, sidoo kale gaa...
18/07/2021

Berrito oo isniin ah 19/07/2021 waa maalinta fadliga badan ee carafah, soon si aad u hesho Ajarka 2 sano, sidoo kale gaarsii Asxaabtaada. โค๏ธ

AADAN- Wuxuu shahaado bachelor ah ka haystaa falsafadda- Isu-geyn wuxuu wax ku bartay lacag dhan $100,000, waana deyn ku...
18/07/2021

AADAN
- Wuxuu shahaado bachelor ah ka haystaa falsafadda
- Isu-geyn wuxuu wax ku bartay lacag dhan $100,000, waana deyn ku maqan maaddaama dowladdu waxbartay.
- Wali ma helin shaqo taqasuskiisa ku habboon
- Wuxuu rumeysan yahay dadka aan jaamacadaha dhigan in ay doqomo yihiin.

CABDULLE
- 4 sano ayuu xirfadle ahaa
- Ma jirto deyn lagu leeyahay
- Sanadkiiba wuxuu helaa faa'ido gaareysa $80,000
- Wuxuu korontada ka damiyey guriga Aadan ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ

Waxaan sugeynaa Aadan oo ninkaas maamule u ah.

14/07/2021

Luqmaan Al-Xakiim oo Ilaahay uu siiyey xikmad iyo aqoon aad u sarreysa ayaa isagoo wiilkiisa u dardaarmaaya wuxuu ku yiri:-

1- Aabbe Aamuska badi waayo ka Qoomameyn meysid Weligaa.

2- Aabbe Ceel aad ka Biyo Cabtay haku tuurin Dhagax.

3- Aabbe Carabkaaga kaga Caada Dhig Alloow ii Dembi dhaaf, Maxaa yeelay Waxaa jira Saacado aan la soo celin Ducada.

4- Aabbe Shimbir ku jirta Weelkaaga ayaa ka Kheeyr badan Dibi ku jira Weelka Qeeyrkaaga.

5- Aabbe Labo ha Xusuusan Weligaa:- Xumaanta ay Dadka ku Xumeeyeen iyo Ixsaanka aad Dadka u sameysay.

6- Aabbe Dadka haddii ay ku Faanaan Hadal Wanaagooda, adna ku Faan Aamus wanaagaaga.

7- Aabbe ha noqon Ruux Macaan ee la Liqo mise Ruux Qaraar ee la Tufo.

8- Aabbe Taqwada Allaah ka dhigo Tijaaro Faa'iidadeeda ayaad ku heli Badeeca la'aan.

9- Aabbe iska ilaali Deyn maxaa yeelay Dharaartii ama maalintii waa Dulli, Habeenkiina waa Tiiraanyo.

10- Aabbe waxaan qaaday Bir, maana Arkin wax ka Culus Deris Xun, Waxaan Dhadhamiyay Qaraar oo idil, maana Arkin wax ka Qaraar Faqri.

11- Aabbe haddii aad dooneysid inaad Walaal la noqoto Ruux, ka Careysii, haddii uu kuu Garsooro kolka uu Caroodo la noqo Walaal, haddiise uu kuu Garsoori waayo iska ilaali.

12- Aabbe haddii aad gasho Guri aan Gurigaaga ahayn Xifdi Aragaaga, haddii aad Fariisato meelaha ay Dadka Fariistaan Xifdi Carabkaaga, haddii aad ku jirto Salaadda Xifdi Qalbigaaga.

Xikmadahaan aad ayeey ii soo Jiiteen hadii aad u aragto sida aan aniga u arko oo kale fadlan gaarsii asxaabtaada

13/07/2021



Waxaa jiray Dad ehel wada ah oo aduunka daa,fihiisa ku nool.Qofbaa gruop sameeyay dadkii isku Soo aruurshay. Midba mid ayuu, keenay. Is barashadii ka kib waxaa bilaabatay dadkii qaar is fahmaan ey wada kaftamaan Maalin baa waxaa gruopaka lagu Soo daray Wiil cusub sida, caadiga ah" qofka cusub markuu yimaado waa lays bartaa wiilkii si fiican baa loo Soo dhaweeyay waana lays baray asagana waa la bartay. Wiilkaa magaca gruopka uu ku is ticmaalo waxuu ahaa (Takzey). Gruopka dadka joogo Wuu u fiirsaday waxuu ku dhax arkay qof uusan maalintii is barashada uusan arag magaceeda waxuu ahaa (Tina). Waxey aad u isticmaali jirtay only qoraal dadka callka ka hadla meysan aheen maalin baa, waxaa dhacay in ey foodo sameyso gruopka dhaxdiisa dadkii gruopka wada" joogay baa wada carooday waxey noqotay in Tina laga codsado in ay dhibka dhaafto" lakin Takzey asaga waxaa dhib muusan u arkin mana uusan ka caroon Takzey maalintaa waxuu ogaaday Tina in ay ka duwantahay dadkaan.Ey ku nooshahay" another planet' qof ey la heysatana uu san gruopka joogin' Takzey waxuu bilaabay in uu qoraal kula kaftamo Tina nasiib wanaag" kaftankii waa isku fahmeen. Wax kaftan adag lays" dhaafsadaba maalintii danbe callka bey isku arkeen Tina codkeeda waa, cod dabacsan oo naxaris ka dhaxmuuqato.Dadkii gruopka saarnaa baa" mid mid u dagtay ilaa ay isku Soo" haraan 2dooda, Takzey waxey u aheed" jaanis aad u fiican niyada ayuu ka farxay maxaa yeelay su'aalo badan ayuu rabay in uu weydiiyo Tina lakin nasiib daro qof baa Soo qabsaday callkii sheekadiina ka qasay.Tina callka wey ka dagatay maalinta Takzey asagoo ka xun jaaniska ka qasaaray ayuu" dadkii kale iskala sheegeysanayay lakin niyada waxuu iska laha waa intaa ey Soo laabataa Tina lakin maalinta callka meysan ku Soo laaban.Takzey waxuu bilaabay in uu" magaca Tina qoraal ahaan u mention gareeyo xataa meysan Soo fiirin oo wey iska mashquushay. Takzey aad ayuu oga helay Tina kaftankeeda iyo codkeeda macaan .lakin xiligii uu luuqa u gali lahaa lama gaarin. Maalin kale ayey callka isku arkeen si fiican buu u salaamay xataa dadkii kale uu i laabay in uu salaamo farxad darteed dadkii wey dareemen qofbaa yiri maad nasalaantid ma xalay baan kula seexanay .Asaga Wuu dareemay in kahelitaanka Tina wax si ka yihiin' durbadiiba waxuu dhahay "sorry" dadkii dhan buu hadana salaamay Salaan ka bacdi caadi baa loo sheekeysanayay qofba qofkuu rabo ayuu hadal ku tuurayay lakin Takzey uu aamusnaa waxuu niyada ku hayay mar un maad 2diina isku Soo hartaan .Gabar ayaa Takzey kaftan ku tuurtay waxey tiri maanta maxaa muteka ugu jirtaa gaajo miyaa ku heyso wll? Wxuu dhahay maya Tina. Kaba daran waa nin Tina dhaxqaaday gabadhii waxey tiri

yaa Tina ah? Takzey asagoo is dabaalinayo buu yiri codadkiina baa isku ek" yaa idin kala garanayo lakin xaqiiqda waxey tahay in gabar walbo oo hadasho uu Tina moodo. Wax callka la saarnaadaba 2dooda baa isku Soo haray way is waraysten Takzey waxuu Tina ka codsaday in ey" gooni u baxaan weyna ka ogolaatay sheekadoodii bey luuqa ka Sii wateen 3saac bey callka wada saarnaayeen waa lays wareystay waxey isku arkeen 2doodaba dad ruuxaantooda is taqaano oo in teysan gruopka isku arkin is yaqaanay sida ay iskula qabsaden darteed Tina" Takzey ka hor gruopka caajis bey dareemi jirtay lakin hada waxey isku araktaa qof ey fahmeyso in ay gruopka ka heshay.Takzey waa wiil qof walbo gruopka jooga u fur furan Barnaamijyada Gruopkana ka qeybqaata hadalkiisana ka dhiibta halka Tina ey tahay qof inta badan aamusan qoralkana aad u is ticmaasho.Tina iyo Takzey ayagoo midba midka kale kahelay isna kaftan fahmay baa" sheekada waxaa Soo galay Arja. Maalin baa Arja waxey xariir wada hadal ah la sameeysay Takzey 2saac bey wada hadlayeen Isla maalinta ayey Arja ku tiri Takzey wax baan rabaa in aan kula wadaago .lakin nasiib daro inteysan u sheegan baa "mopile" kii dabka ka dhacay... Lasoco part2

09/07/2021
Charlie Chaplin oo ahaa jilaa filimada qosolka ah ayaa ka sheekeeyey dhacdo soo martay isaga iyo aabihii wuxuu yiri:" ga...
04/07/2021

Charlie Chaplin oo ahaa jilaa filimada qosolka ah ayaa ka sheekeeyey dhacdo soo martay isaga iyo aabihii wuxuu yiri:

" galab ayaan aabahay u raacay tiyaatarka si aan uga soo daawano bandhig-faneed aad loo xiiseynayey xiligaas,

saf dheer ayaan galnay si aan u qaadano tikidhka lagu gelaayo tiyaatarka, waxaa naga h**eeya oo horteena taagan qoys ka kooban hooyo, aabe iyo lix caruur ah oo ay dhaleen, waxaa muuqatay inay yihiin qoys sabool ah, dhar duug ah iyo kabo dhammaaday ayey ku lebisnaayeen.

caruurtu aad ayey u faraxsanaayeen waxayna ka sheekeysanaayeen qaabka uu u dhici doono bandhiggu, markay gaareen meeshii tikidhka laga qaadaneyey ayuu aabihii weydiiyey qiimaha tikidhka, markii loo sheegay qiimaha tikidhka ayuu wejigiisu is bedelay wuxuu bilaabay inuu xaaskiisa hoos ula hadlo, lacagta uu wato iyo qiimaha tikidhada ayaa isu dhigmi waayey wuxuu sameeyo ayuu garan waayey.

Aabbahay markuu arinta arkay ayuu jeebkiisa ka soo bixiyey lacag aan 20$ ku qiyaasay kadiba dhulka ayuu ku tuuuray, kadib ayuu ninkii garabka ka taabtay oo ku yiri "Lacagtaan ayaa kaa dhacday"

Ninkii aabbahay ayuu soo eegay isagoo ay indhihiisa ilintu ka qubaneyso ayuu u mahad-celiyey oo lacagtii ku qaatay.

Sidii ayey isaga iyo qoyskiisu tiyaatarkii ku galeen, aniga iyo aabbahay halkii ayaan ka soo laabanay sababtoo ah aabbahay ma haysan lacag kale oo aan tikidh ku iibsano,

Laga soo bilaabo maalinkaa ilaa hadda aabbahay ayaan ku faanaa,
muuqaalkaasuna wuxuu noqday bandhiggii ugu qurxoonaa ee aan daawado".

Fadlan, Walaal adiga oo mahadsan Share dheh, oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Mustaf Awil Hassan

30/05/2021

27/04/2021

Wax Walba Qaat Lkn Wadanka Noo Ilaaliya๐Ÿ™

Noloshu waxay macno badan yeelataa markii aad garowsato xaqiiqda fudud ee ah in fursad isku mid ah aysan laba jeer ku so...
24/04/2021

Noloshu waxay macno badan yeelataa markii aad garowsato xaqiiqda fudud ee ah in fursad isku mid ah aysan laba jeer ku soo mareyn. Ka faaโ€™iideyso fursad kasta.

02/04/2021

Sheeko: Xaaskiisa Taleefankeeda ayuu ka ogaaday Arin sir ah
Fiirso kedib sii garee oo la wadaag asxaabta kale.

Ra'iisal wasaarihii h**e ee wadanka ingiriiska Mr Winston Churchill ayaa yidhi Waxa aan qaatay ama raacay Taxi si aan u ...
23/01/2021

Ra'iisal wasaarihii h**e ee wadanka ingiriiska Mr Winston Churchill ayaa yidhi Waxa aan qaatay ama raacay Taxi si aan u tago Xafiiska BBC oo aan ku lahaa waraysi.

Markii aan gaadhay Xaruntii BBCda, waxa aan ninkii dirawalka ahaa waydiistay inuu isugo muddo afartan daqiiqadood ah (40 minutes), ninkii darawalka ahaa wuu iga raaligeliyey waxana uu igu yidhi " kuma sugi karo oo waxa aan tegayaa gurigayga si aan u dhegaysto hadalka uu maanta BBCda ka jeedin doono Ra'iisal wasaare Winston Churchill".

Waan ku farxay darawalka hadalkiisii iyo sida uu uxiisaynayo inuu dhagaysto waraysigayga, kadib waxa aan siiyey 10 bound oo ka badan intii uu igu soo qaaday, aniga oo aan isku sheegin cida aan ahay, markii uu lacagtii iga qaatay dirawalkii waxa uu igu yidhi "Mudane waan ku sugayaa inta aad doontid, Winston Churchillna haduu doono naarta ha galo".

Halkaas waxaad ka ogaan kartaa:

1. In aragtida/mabda'a qof lagu bedeli karo lacag.
2. In lacagta lagu burburin karo wadan dhisan.
3. In lacagta lagu burburin karo reer degan.
4. In lacagtu ay kala fogaynkarto saaxiibo isku dhawaa.
5. In lacag darteed dad loo dili karo
6. In lacagta dad lagu adoonsan karo.

Waxa sidaas yidhi Winston Churchill.

Waxa bartiisa Facebook soo dhigay qoraalkan oo Afka ingiriisaga ku qoran Madaxweynaha wadanka Kenya Mr Uhuru Kenyatta.

Ninka ugu Taajirsan dalka Shiinaha "Jack Ma" oo hantidiisa Lagu qiyaaso 63.4 billion dollar ayaa yiri:Hadaan Lacag iyo M...
05/11/2020

Ninka ugu Taajirsan dalka Shiinaha "Jack Ma" oo hantidiisa Lagu qiyaaso 63.4 billion dollar ayaa yiri:

Hadaan Lacag iyo Moos ama Muus hordhigo Daanyeero waxay Daanyeeradu Dooranayaan Mooska Maxaa yeelay ma garanayaan in Lacagta ay ku iibsan karaan Moos ka badan...!

Si taa la mid ah inta badan Dadka marka lakala dooransiiyo Mashruuc iyo Mushaar Bille ah , ee shaqo Cayiman intooda badan waxay dooranayaan Shaqada Billaha ah, maxaa yeelay ma garanayaan in Mashaariicda laga helo wax ka badan Mushaarka,oo noloshooda wax ka bedelaya gebi ahaan.

Waxyaabaha Dadka ka dhiga Saboolka waxaa ka mid ah in aysan aqoon Fursadda ku jirta Mashaariicda.

Maxaa yeelay Inta ay noolaayeen oo ay wax ka baranayeen Iskuulada waxay arkayeen , had iyo goor Shaqada in Bishii Mushaar lagu qaato, waxayna meeshii ay Naftooda u shaqeysan lahaayeen u shaqeeyaan Asaagood..!

Waa Sax Mushaarka Billaha ah wuxuu kaa hor istaagaa Saboolnimada Laakiin ku darso wuxuu kaloo kaa hor istaagaa Inaad Taajir noqoto ( hodon noqoto).

Nolosheyda ma arkin qof shaqeeya 8 Subaxnimo illaa 3 Galabnimo oo Taajir noqday illaa mid wax isdaba mariyay ( Musuqmaasuqay) Moyee..

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Xigasho: Mohamed Ahmed Jimale

30 second Bis iisiiii indhahaaga iyo maskaxdadaba  waa calaamad muujinaysa in dunida ay diyaar u tahay soo dhoweynta Daj...
15/10/2020

30 second Bis iisiiii indhahaaga iyo maskaxdadaba

waa calaamad muujinaysa in dunida ay diyaar u tahay soo dhoweynta Dajaal Cawar
==========================

1๏ธโƒฃWaa maxay Tiktok ?
2๏ธโƒฃYaa iska leh?
3๏ธโƒฃHadafka loo sameeyay waa maxay ?

Sanadkii tagay waxaan daawaday Taxane uu cinwaankiisa ahaa โ€œ The army of satan โ€œ ciidamada sheydaanka kaasoo ka baxayay youtube channel-ka โ€œ Rational beleivers โ€œ Taxanahaas oo ka koobnaa 18 xalqadood . Waan hubaa qofkii daawada 18-kaas xalqadood in uu wax badan ka fahmi doono is bedelka ku socda dunida. Linkiga hoose ayad ka heli kartaa taxanahaas.

https://www.youtube.com/playlist?list=PLpbPLDjlfpaCfGPueEbkHWdwxlVXmJeug

Tiktok haddii aan afsoomaliyeeyo waa goob cowrada dumarka lagu goobeeyo , heesahana lagu xifdiyo. Tiktok waxaa leh ururka daahsoon ee shayaadiinta caabuda โ€œIlluminati โ€œ, qoladan waxad ku dhex baran doontaa 18ka xalqadood, Illuminati waxaa ku abtirsada dadka ugu caansan dunida oo ah fanaaniin iyo siyiisiyiin,

waxa kaliya ay dadka u balnqaadayaan ayaa ah nagu soo biir waxaanu kaa dhigeynaa qof caan ah hantina heysta . kolka aad ku biiraysana kaliya waxaad oran โ€œ Naftayda waxaan ka iibiyay shaydaan โ€œ. Dadka aan ka xusi karo waxaa ka mida Rihanna, J zea , Angelina Joulie , Halla Berry , Beyonce , Madona , Kanye waste , Nicki Minaj , Barack Obama , Bush yare , Lada Gaga , justin bieber , Machiel Jackson , Bill Clinton , Dick cheney , Bill gates , Hillary Clinton , Lil wayne iyo kuwo kaloo badan.

Dadka aan taxay qaar badan oo ka mid qiraal ayay sameeyeen waad heli kartaa ayagoo leh โ€œ Naftayda sheydaan baan ka iibiyay โ€œ

Suaalihii 1๏ธโƒฃ 2๏ธโƒฃ iyo Tiktok halka uu u abtirsado waa taa .

3๏ธโƒฃHadafka loo sameeyay waa maxay ?

Dadka ugu folowers-ka badan TikTok waa dumar , dumar-kana waa halka target-ka u ah dajaal sida xadiiskii ibnu cumar rasuulka ka weriyay ku cad .

ุนูŽู†ู ุงุจู’ู†ู ุนูู…ูŽุฑูŽ ู‚ูŽุงู„ูŽ ู‚ูŽุงู„ูŽ ุฑูŽุณููˆู„ู ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุตูŽู„ู‘ูŽู‰ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุนูŽู„ูŽูŠู’ู‡ู ูˆูŽุณูŽู„ู‘ูŽู…ูŽ ูŠูŽู†ู’ุฒูู„ู ุงู„ุฏู‘ูŽุฌู‘ูŽุงู„ู ูููŠ ู‡ูŽุฐูู‡ู ุงู„ุณู‘ูŽุจูŽุฎูŽุฉู ุจูู…ูŽุฑู‘ูู‚ูŽู†ูŽุงุฉูŽ ููŽูŠูŽูƒููˆู†ู ุฃูŽูƒู’ุซูŽุฑูŽ ู…ูŽู†ู’ ูŠูŽุฎู’ุฑูุฌู ุฅูู„ูŽูŠู’ู‡ู ุงู„ู†ู‘ูุณูŽุงุกู ุญูŽุชู‘ูŽู‰ ุฅูู†ู‘ูŽ ุงู„ุฑู‘ูŽุฌูู„ูŽ ู„ูŽูŠูŽุฑู’ุฌูุนู ุฅูู„ูŽู‰ ุญูŽู…ููŠู…ูู‡ู ูˆูŽุฅูู„ูŽู‰ ุฃูู…ู‘ูู‡ู ูˆูŽุงุจู’ู†ูŽุชูู‡ู ูˆูŽุฃูุฎู’ุชูู‡ู ูˆูŽุนูŽู…ู‘ูŽุชูู‡ู ููŽูŠููˆุซูู‚ูู‡ูŽุง ุฑูุจูŽุงุทู‹ุง ู…ูŽุฎูŽุงููŽุฉูŽ ุฃูŽู†ู’ ุชูŽุฎู’ุฑูุฌูŽ ุฅูู„ูŽูŠู’ู‡ู

Dadka ugu badan ee dajaal raaci doona waa dumar , dumarka dadka followers-ka u ah waa rag.

Ogow dunidan alle wax walba asbaab ayuu u yeelay waxaan aaminsanahay in tiktok uu qeyb ka yahay asbaabaha dadka u dhaweynaya in dad badan ay raacaan deception-ka uu la imaan doono.

Tiktok waxa uu kaalinta kowaad uga jiraa aaladaha ahlul fisqiga lagumana ciriirin karo ,

waxaan kula talinayaa qof walboo muslim ah hadafkiisuna yahay in uu u dhawaado Rabbi SWT nafsadiisana wasaqda ka ilaaliyo ka fogaanshiyaha Tiktok .

Facebook iyo Whatsapp danaha shaqsiyeed waa ay ku filanyihiin haddaan social media laga dhiganayn shaqo .

Waan kaaga mahadcelinayaa aqrinta qoraalkan la wadaag asxaabtaada.

waxaa qoray Ahmed Salad

13/08/2020

Sida aad Moodo Ma ahan Haramcadka|

20/07/2020

KA FAAIIDAYSO 10 kan maalmood

Maalinta Arbacada ee nagu soo aadan 22 July 2020 waxaa inoo bilaabaneysa Bisha Dul-Hijjah waxay kamid tahay bilaha sida gaar ka ah ee Xurmada u leh.

Ilaahey wuxuu ku dhaartay Tobankaan maalmood,
wuxuuna yiri : (ูˆูŽุงู„ููŽุฌุฑู ูˆูŽู„ูŽูŠูŽุงู„ู ุนูŽุดุฑู )

Nabigeena Muxamed SCW wuxuu yiri: ma jiro maalmo uu ilaahey ilaahey ka jecel yahay Acmaal la sameeyo tobanka Maamlmood ee ugu h**eysa bisha Dul-Hijjah.

Faaidooyinka 10-ka Maalin ee ugu h**eyso Bisha Dul-Hijjah.

1) Maalinta 1-aad ee Bisha Dul-Hijjah waa maalintii loo dambi dhaafay Nabi Aadam CS, Qofkii sooma dambiyadiisa oo dhan waa loo dhaafa.

2) Maalinta 2-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la aqbalay ducada Nabi Yoonis CS isla markaasna laga soo bixiyey Caloosha Malaayga, Qofkii sooma waxay ula mid tahay sida isagoo hal sano caabudayey Ilaahey oo aan il Biriqsi ku caasin.

3) Maalinta 3-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa Maalintii la aqbalay ducadii Nabi Zakariya CS, Qofkii sooma ducadiisa waa la aqbalayaa.

4) Maalinta 4-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la dhalay Nabi Ciise CS, Qofkii Sooma ilaahey wuxuu ka dheereenayaa Quusitaan iyo Faqri.

5) Maalinta 5-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa Maalintii la dhalay Nabi Muuse CS, qofkii sooma ilaahey wuxuu ka badbaadiyaa Cadaabta Qabriga.

6) Maalinta 6-aad ee Bisha Dul-Hijjah waa maalintii uu Alle Nabigiisa u furay albaabada Kheyrka, Qofkii sooma wuxuu Alle ku fiiriyaa il naxariis leh.

7) Maalinta 7-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalinta la xirayo Albaabada Naarta, lamana furo ilaa ay ka dhamaato tobanka maalin ee Bisha Dul-Hijjah, Qofkii sooma Ilaahey wuxuu ka xiraa 30 Al baab oo dhibaato ah, wuxuuna u furaa 30 Al baab oo Fudeed ah.

Maalinta 8-aad ee Bisha Dul-Hijjah waa maalinta loogu magac daray (Tarwiya) Qofkii sooma wuxuu Alle siinayaa Ajir uusan ogeyn Ilaahey mooyee.

9) Maalinta 9-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa Maalinta la istaagayo Banka Carafa, Qofkii sooma ilaahey wuxuu u dhaafaa dambiyada sanadkii h**e iyo sanadka soo sacdo, waana maalinta ay soo dagtay aayada Qur'aanka ee (ุงู„ูŠูˆู… ุฃูƒู…ู„ุช ู„ูƒู… ุฏูŠู†ูƒู…).

10) Maalinta 10-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalinta Ciidul Adxaa, qofkii Alle Qurbaan ugu Dhawaadana wuxuu u dhaafaa dambiyadiisa.

~Marwan Mayow

Bilyaneerkii tunka weynaa ee u dhashay waddanka Brazil ee  magacaciisu yahay Cicero ayaa waxa uu ahaa shaqsi aad u kibir...
16/07/2020

Bilyaneerkii tunka weynaa ee u dhashay waddanka Brazil ee magacaciisu yahay Cicero ayaa waxa uu ahaa shaqsi aad u kibir badan oo isla weyn, awood dhaqaalena dadka ugu faani jiray, taasi oo keentay in la kulankiisa xittaa laga baqo iskaba dhaaf in magaciisa saxda ah loogu yeero, waxa uu ku caan baxay oraahdii aheyd - haddii aan waddada lugeynayo oo dhulka malyuun dollar iiga dhaco waan ka tegayaa waayo ma doonayo inuu il-biriqsi iiga lumo soo qaadisteeda muddada yar ee aan foorarsanayo.

Cicero waxa uu ahaa milkiile shirkado dhowr xarumood ku leh gudaha waddanka Brazil kuwaasi oo soo saari jiray walxaha ay dadku jecel yihiin sida - Bunka, Sonkorta, iyo Hilibka marka laga reebo warshad si gaar ah hubka u sameyso oo laf ahaanteeda daqli badan ka soo xaroon jiray marka laga eego xisaabta sannadkii ka soo baxdo.

In kastoo uu Cicero tabcaday hanti aan innaba caadi aheyn haddane waxa uu si fudud ku dhumiyay kalsoonida dadkii uu la noolaa kadib falkii foosha xumaa ee uu ku kacay isaga oo maqaayad fadhiyo ayaa waxa uu ficil aad u xun kula kacay wiil shaqaale ahaa oo dhulka ku kufay inta uusan dalabkiisa ka guddoomin, waxay arrintaan sababtay in Cicero uu si daran u caroodo illaa uu maamulka Hotelka ka codsado in wiilka shaqada laga cayriyo ama laga buriyo balse waa laga diiday, intaan oo keliya kuma ekaan waxa uu goโ€™aan ku gaaray in Hotelka uu iibsado si wiilka maskiinka ah shaqada looga ceyriyo wuuna ku guulaystay rabitaankiisa isaga oo adeegsanayo awoodda dhaqaale ee jeebkiisa ku jirta.

Waa halkaan meesha uu neceybka ka billaawday, waxaa lagu baaqay dagaal ka dhan ah Cicero iyo ganacsigiisa nasiib darro waa lagu hungoobay, si kastaba ha ahaatee koox tuugo ah ayaa xalka u arkay in la af-duubo gabadha keliya uu dhalay Cicero si noloshiisa loo burburiyo, fikirkii wuu dhaqan gelay, waxay warbaahinta mar qurra tebisay in Cicero gabadhiisa ay rag burcad ah la baxsadeen oo aan la ogeyn meesha ay iminka ku sugan tahay, Cicero bog cusub ayaa u furmay, waxaa hoos u dhacay ganacsigiisa, khasaaro baaxad weyn ayaa durbadiiba la soo gudboonaatay, waxa uu waayay waqti uu ku maareeyo ganacsigiisa illaa uu qaraar ku gaaray inuu iibiyo hantidiisa oo dhan una istaago sidii uu gabadhiisa dib ugu heli lahaa.

Baaritaan dheer oo aan lagu najixin ayuu Cicero ka dhamaan waayay mana ka quusan inuu gabadhiisa heli doono iyada oo nool laakiin rajadaasi way beenowday kadib markii Cicero gurigiisa la soo hordhigay meydka gabadhiisa oo la bireeyay laguna soo riday kartoon yar oo cariiri ah, dushana laga saaray warqad ay ku qoran tahay - tani waa abaal marintii aad u qalantay ee aad bulshada ka kasbatay.

Cicero waxaa qalbigiisa dhaawacay geerida gabadhiisa wuuna waashay, waxa uu hooy ka dhigtay waddada hareeraheeda, waxaa ka guurtay xasuustii iyo farxaddii mana helin qof ka caawiyo xaaladda nololeed ee la soo deristay maadaama uusan mujtamaca dhexdiisa wax wanaagsan kula dhaqmin beryihii uu ladnaa, haddaba waxaan soo jeedinayaa in dadka la abuurto marka aad ka tabar fiican tahay laga yaabee in aad ku baxsato maalin aad garabkiisa, waqtigiisa, iyo taladiisa u baahan tahay.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii - Abdiqani Gaarane Barre (Dufle).

 Haka cabsan cadawga kusoo weerara lkn kacabso Saaxiibka beenta ah Ee Habta kusiiya........................................
16/07/2020


Haka cabsan cadawga kusoo weerara lkn kacabso
Saaxiibka beenta ah Ee Habta kusiiya...........................................................................................
Waxay laseexatay mas ay aad ujeceshahay
Saaxiibna latahay . masku dhirirkiisu waa ilaa 4 mitir
oo aad ucaafimaad qaba,,
Maskii wuu xanuunsaday wuxuuna joojiyay ilaa dhowr isbuuc inuu wax cuno waxna cabo

Haweneeydii saaxiibka LA aheyd maska aad ayey uniyad jabtay si kasta oo ay cunto usiisana waa diiday markii danbe ayey ugeeysay dhaqtarka xayawaanka si uu udaweeyo dhaqtarkii sifiican ayuu udhageeystay haweeyneyda wuxuuna weeydiiyay Maskaagu makula seexdaa Habeenkii ma,isku kaa duubaa Mana isku kaa dhereriyaa?

Haweeyneydii oo yaaban rajo badana kamuuqato ayaa tiri "Haa " " Haa" Sidaas ayuu sameeyaa maalin kasta Waana kamurugoodaa maxaa yeelay Waxaan dareemayaa inuu wax iweeydiinaayo Anna macaawin karo si uu u fiicnaado

Intaas kadib dhaqtarkii ayuu kuyiri Haweeyneyda wax naxdin leh oo aadan fileyn ayaad kabadbaaday Marwo maskaagu majirana wuxuu udiyaar garoobayay inuu kucuno waqti kasta oo uu hab kusiinayay ama uu isku kaa duubayey wuxuu tijaabinayay Culeyskaaga cuntadana wuxuu ujoojiyay inuu Helo meel faaruq ah si uu Deg Deg kuugu cuno



Habsiinta iyo dhunkashadu inta badan Daacadnimo ma, ahan

16/07/2020

asc

Address

Mogadishu
252

Telephone

+252616715477

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hassan kaafi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hassan kaafi:

Videos

Share

Category