Sirfa Media

Sirfa Media ""XARUNTA WARARKA IYO WARBIXINADA ""

waxaa la bafiniyaa basaboorkan oo ku lumay nairobi gaar ahaan islii waxaa si naxariis leh idinkaga codsaneynaa qofki ara...
09/08/2023

waxaa la bafiniyaa basaboorkan oo ku lumay nairobi gaar ahaan islii waxaa si naxariis leh idinkaga codsaneynaa qofki aragta in nala soo xiriirto number kan +254717805155

21/01/2023

Dagaal xoogan ayaa hada kasocda inta u dhaxaaysa dagmada Xarardheere iyo deegaanka jowle

Dagaalka ayaa biloowday kadib markii ciidanka gelmudug iyo kuwa xooga oo is garabsanaya ay weerar ku qaadaan halkaasi

Wixii kasoo kordha kala soco

Sirfa Media

16/01/2023

DEGDEG.

Ciidanka dowlada iyo xoogagga degaanka oo hadda gudaha u galay degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug, kooxda As ayaa isaga baxaday.

Ciidanka ayaa hadda baaritaan ka wada xaafadaha degmada.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa xaqiijiyay qabashada Xaradheere.

La soco goordhow wasiirka oo ka hadlaya Qabashada Xarardheere.

Nabad sugida qaranka oo Gacanta ku soodhigtay Haweeney gurigeeda qaraxyo iyo Hub kuhaysatay Sirfa Media
14/01/2023

Nabad sugida qaranka oo Gacanta ku soodhigtay Haweeney gurigeeda qaraxyo iyo Hub kuhaysatay

Sirfa Media

13/01/2023

Marka aad miisaan saarto jabka AS ka gaaray Hir-Shabeelle iyo Galmudug oo firxadkooda la sii eryanayo, ma isleedahay AS waa sii jiri karaan Jannaayada dambe?

Fadlan, cabsida meel dhigo ee aragtidaada cabbir.

Sirfa Media

๐Ÿ”ต | ๐—›๐—˜๐—ฅ๐—˜ ๐—ช๐—˜ ๐—š๐—ข: Joรฃo Fรฉlix to Chelsea Joรฃo Fรฉlix ayaa dhamestiry kubiristiisa Chelsea isago tijabada cafimaad mari dono ...
10/01/2023

๐Ÿ”ต | ๐—›๐—˜๐—ฅ๐—˜ ๐—ช๐—˜ ๐—š๐—ข: Joรฃo Fรฉlix to Chelsea

Joรฃo Fรฉlix ayaa dhamestiry kubiristiisa Chelsea isago tijabada cafimaad mari dono sacadaha sosocdo.

Muxu ka badali doonaa ayaad is leedahay kooxda Chelsea oo isku dhex yaacsan

09/01/2023

Puntland oo sheegtay in ay tahay Dowlad madax banaan

Maxaay u sheegan jirtay hooyadii fidaraalka

Wasiirka Amniga iyo arrimaha Guduha maamulka Somaliland Mahamed Kaahin oo Laasacaanood kula kulmay odayaasha Beesha Dhul...
07/01/2023

Wasiirka Amniga iyo arrimaha Guduha maamulka Somaliland Mahamed Kaahin oo Laasacaanood kula kulmay odayaasha Beesha Dhulbahante.

Wasiirka ayaa u sheegay Ciddii aan ku qanacsaneen Somaliland in ay dhulka ka guurto waa hadal cad.

Wasiirka ayaa yiri dhulka waa somaliland qofkii aan rabina meeshii uu doono ha qabto Nabadda hala taageero
.
Sirfa Media

06/01/2023

Waxaan raali galin ka bixineeynaa qoraalkii ahaa in Somaliland ay gudaha u gashay laascaanood taasoo waxbo k**a jiraan

Lasoco wixii kasoo kordha

Sirfa Media

Taliska Saldhiga Booliska Degmada Caabudwaaq ayaa burburiyey Barkado laga qaday deegano hoos taga Caabudwaaq.Taliyaha Sa...
06/01/2023

Taliska Saldhiga Booliska Degmada Caabudwaaq ayaa burburiyey Barkado laga qaday deegano hoos taga Caabudwaaq.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Caabudwaaq ayaa sheegay inta Badan isku dhacyada dadka xoola dhaqatada ah ka yimadaan barkadaha aan si sharci ah loo dhisin sidaa darteed cidii doonaysa inay barkado ka qodato deeganada Hoostaga Caabudwaaq ay Maxk**ada Degmada Ogolaansho ka haystaan.

Sirfa Media

06/01/2023

Ciidanka dowlada oo bilaabay in shacabka ay baadaan adiga maka mid tahay kuwa dhibaatada ay u geestaan ciidanka dowlada

06/01/2023

Dagaal xoogan ayeey saakay ku qaadeen al shabaab deegaanka hiloowle hoos taga dagmada runirgood qasaare xoogan ayaa ka dhashay oo dhimasho iyo dhaawac baleh

05/01/2023

Odiyaasha beelaha Hawiiye oo ku baaqay nabad kana digay in laascaanood rabshado dambe ka dhacaan waxaa ay intaas raaciyeen dadka walaalaha ah dhibaato in aan lakala dhex dhigin

04/01/2023

War Dag dag ah laascaanood oo dagaal toos ah iyo rabshado ayaa hada kasocodo

Madaxweynihii furasadii ugu qaalisaneeyd helay oo mar labaada dalka hogaminaya Ma is leedahay xasan sheikh Maxamuud Ayaa...
04/01/2023

Madaxweynihii furasadii ugu qaalisaneeyd helay oo mar labaada dalka hogaminaya
Ma is leedahay xasan sheikh Maxamuud
Ayaa wax badan ka badali doono xiligiisii h**e

๐—ฅ๐—ฎ'๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐˜† ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ฟ ๐—บ๐˜‚๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—บ ๐—ฎ๐—ต ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎMuqdisho, Jannaayo 04, 2022...
04/01/2023

๐—ฅ๐—ฎ'๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐˜† ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ฟ ๐—บ๐˜‚๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—บ ๐—ฎ๐—ต ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ

Muqdisho, Jannaayo 04, 2022; Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta guddoomiyey kulan ku saabsanaa Tiirka Dhaqaalaha, kaasi oo warbixinno muhiim ah uu kaga dhageystay Wasiirrada iyo Guddiyada u xilsaaran barnaamijyada Xukuumadda ee la xiriira horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Wasaaradda Maaliyadda warbixin ku saabsan miisaaniyadda dowladda ee dhawaan la ansixiyey iyo kobaca dakhliga gudaha, iyadoo Baanka Dhexe uu soo jeediyay daabacaaadda Lacagta Shillin Soomaaliga, taasi oo ahmiyad gaar ah u leh dhaqaalaha dalka.

Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Mudane Xirsi Jaamac Gaani ayaa isna kulanka ku soo bandhigay hindiseyaasha sharci ee la xiriira dhaqaalaha dalka oo gaaraya sagaal sharci, kuwaasi oo qaarkood Golaha Wasiirradu ansixiyay, loona gudbiyay Baarlamaanka, qaarna hadda gacanta lagu hayo, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la soo gabagabeeyo shuruucdaasi ugu dambeyn bisha Maarso 2023.

Sidoo kale, Wasiirka Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyey barnaamijyada dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, iyadoo uu tilmaamay in guulaha laga gaaray xoreynta deegannada ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug ay fududeeyeen isu socodka gaadiidka iyo bulshada, ayna muhiim tahay in la dayac tiro jidadka isku xira deegaannada la xorreeyay.

Ra'iisul Wasaaraha Mudane Xamse Cabdi Barrre ayaa faray Guddiyada heer Wasiir ee barnaamijyada Tiirka Dhaqaalaha ee Xukuumadda Dan-Qaran in ay dardar geliyaan fulinta qorsheyaasha laga sugayo sanadkan, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan xuquuqdooda horumarka, xasilloonida iyo amniga.

---DHAMMAAD----

shabaab ayaa saaka baabur qaraxyo lagaso buuxiyay ku weeraray guriga uu maxaas ka dagan dagmada maxaas xilibaan jacfar k...
04/01/2023

shabaab ayaa saaka baabur qaraxyo lagaso buuxiyay ku weeraray guriga uu maxaas ka dagan dagmada maxaas xilibaan jacfar khasaare dhimasho & dhaawac ayaa jira

Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah gudoomiyihii dagmada ceelbuur nuur fooleey

Lasoc wixii kasoo kordha

Howlgalka kumeelgaarka Midowga Afrika ATMIS ayaa caddeeyay in goโ€™aankii xirista  xayndaabka Xalane uusan wax shaqo ah ku...
10/04/2022

Howlgalka kumeelgaarka Midowga Afrika ATMIS ayaa caddeeyay in goโ€™aankii xirista xayndaabka Xalane uusan wax shaqo ah ku lahayn howsha dhaarinta xildhibaanada ee 14-ka bishan dhici doonta.

26/02/2022
Madaxwaynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 26th February 2022, saxii...
26/02/2022

Madaxwaynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 26th February 2022, saxiixay hindise sharciyeedyo ay meel mariyeen Golaha Wasiirada iyo Baarlamaakna Galmudug, iyadoona Madaxwaynaha uu sharciyadan sixiixay kadib munaasabad ballaaran oo lagu qabtay madaxtooyada Dowladda Galmudug.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay guddoonka sare ee Barlamanka Galmudug, oo uu horkacayay Gudoomiye Dr. Mohamed Nuur Gacal, xildhibaano iyo wasiiro katirsan dowladda Galmudug, xildhibaano katirsan labada gole ee dowladda Federaalka iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo maanta goob joog uโ€™ahaa sharciyada lasaxiixay.

Sharciyada uu maanta sixiixay madaxwaynaha dowladda Galmudug ayaa waxaa kamid ahaa degmo uโ€™aqoonsida Xeraale, waxaana ay gaarayaan sharciyada lasixiixay illaa iyo toban sharci kuwaas oo kala ah.

1- Sharciga Kalluumaysiga
2- Sharciga Nidaaminta Magaalooyinka
3- Sharciga Ujrooyinka Kalluumaysiga
4- Sharciga Shirkadaha
5- Sharciga Nootaayada
6- Sharciga Degmaynta Xeraale
7- Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah
8- Sharciga Shaqaalaha Guud
9- Sharciga Biyaha
10- Sharciga Golaha Adeegga Garsoorka.

Dhanka kale Madaxwaynaha ayaa waxa uu kahadlay arimaha doorashada, waxana uu sheegay in kuraastii taallay caasimadda Dowlada Galmudug ee Dhuusamarreeb lasoo gaba-gabeeyay, lana bilaabayo kursaasta taalla magaalada Galkacyo.

Madaxwaynaha ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in laba todobaad lagu daray waqtigii doorashada loo qabtay, kadib kulan ay yeesheen gudiga doorashooyiska qaran ee heer Federaal, isagoona Madaxwaynaha xusay in uu rajeenayo in Kuraasta taalla Galkacyo lagu soo gaba-gabeen donno labadaas isbuuc sida ay gudigaba xuseen.

Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow ayaa Maanta ...
18/02/2022

Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow ayaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ka sagootiyey Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku wajahan Diinsor,

Wuxuna Taliyaha Saraakiisha iyo Ciidanka ku booriyey in Cadowga Nabadiidka Alshabab ay ka sifeeyaan Deeganada hoos yimada Degmada Diinsor ee Gobolka Baay.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Lary Andre iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika Gen. Towsenr ayaa booqasho ku t...
17/02/2022

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Lary Andre iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika Gen. Towsenr ayaa booqasho ku tagay Saldhigga Balli-doogle, halkaasoo xarun u ah Ciidamada Mareykanka, kuwa Kumaandooska Xoogga dalka.

Sidoo kale waxay wadajir ula kulmeen Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odawaa Yusuf Raagge, iyagoo ka wada hadlay arrimaha amniga iyo la dagaalanka Argagixisada.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Cusmaan Abokar Dubbe la kulmay Safiirka Shiinaha FEI Shengchao. Kulanka...
17/02/2022

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Cusmaan Abokar Dubbe la kulmay Safiirka Shiinaha FEI Shengchao.

Kulanka Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cusmaan Abokar Dubbe iyo Safiirka Dowladda China FEI Shengchao oo ka dhacay xarunta Safaaradda waxaa ay uga wada hadleen horumarinta mashaariicda Shiinaha ka fulinayo Soomaaliya.

Wasiir Dubbe ayaa safiirka uga mahad celiyay mashaariicda horumarineed ee Dowladiisu ka wado Soomaaliya gaar ahaa mashiiriic ay ku taageero Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska sida qalabeynta iyo horumarinta dhismaha Tiyaatarka iyo Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidookale Safiirka uga mahad celiyay kaalinta Dowladda China ee dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya, sidaas oo kalana Soomaaliya u taagan tahay ilaalinta Midnimada iyo wadajirka dadka iyo Dowladda China lagama maarmaanna ay tahay xoojinta arrintaasi.

Safiirka Dowladda China FEI Shengchao ayaa Wasiirka Warfaafinta ugu mahad celiyay kulanka iyo booqashada waxaana uu balan qaaday in ay xoojinayaan mashaariicda horumarinta Dhaqanka iyo Warbaahinta.

Waxaa uu sheegay Safiirka in labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo ku dhisan iskaashi, islamarkaana dowladiisu taageerayso horumarinta dhismaha dowladnimada.

Wasiir Dubbe oo ka mid ah Guddiga Abaaraha, waxaa uu sidookale Safiirka kala hadlay in dowladda China gacan ka gaysato gurmadka abaaraha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa abaaraha soo noq noqday ee Soomaaliya, sida in loo sameeyo waro iyo ceelal lagaga hortago biyo la'aanta.

AGUERO ๐Ÿ”ฅXidiga goolasha ugu badan u dhaliyay hal koox Preimer Leagea.
23/05/2021

AGUERO ๐Ÿ”ฅ

Xidiga goolasha ugu badan u dhaliyay hal koox Preimer Leagea.

23/05/2021
19/05/2021
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey shirka ...
21/04/2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey shirka gollaha amniga dowlad goboleedka koonfur galbeed oo todobaadkan ay ka qeybgaleen taliyaha qeybta sedaxaad ciidanka amisom sarakiil ka socday dowlada ingiriiska iyo qeybaha kala duwan sarakiisha laamaha amniga koonfur galbeed.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka ayaa kulan afur ah la yeeshay madaxdii guddiyada Doorashooyinka heer federaal iyo hee...
20/04/2021

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka ayaa kulan afur ah la yeeshay madaxdii guddiyada Doorashooyinka heer federaal iyo heer dawlad goboleed iyo Guddiga Khilaafaadka, Waxa uu uga mahad celiyay dedaalkii dheeraa ee ay muujiyeen muddadii 6da bilood ahayd ee ay shaqaynayeen

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO DHIGGIISA KOONGO OO KA WADA HADLAY HORUMARINTA ISKAASHIGA LABADA DAL.Qoraal goordhow ka soo baxa...
19/04/2021

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO DHIGGIISA KOONGO OO KA WADA HADLAY HORUMARINTA ISKAASHIGA LABADA DAL.

Qoraal goordhow ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu yiri:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku joogo Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo, ayaa la kulmay dhiggiisa Dalkaas Mudane Felix Tshisekedi.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo guulaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartey xasilinta dalka, dib-u-dhiska hayโ€™adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo xoojinta dimuqraadiyadda.

โ€œSoomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxaa horyaalla caqabado adag oo isku mid ah oo ay tahay in aan iska kaashanno si aan u xaqiijino horumarka labadeenna shacab. Caqabadahaas waxaa ka mid ah xagjirnimada, saboolnimada, shaqo la'aanta dhallinyarada iyo argagixisada caadeystay carqaladeynta horu-socodka dalalkeenna"

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo Mudane Felix Tshisekedi oo ah Madaxweynaha Midowga Afrika ayaa Madaxweyne Farmaajo uga mahad celiyey aqbalaadda casuumadda ay u fidiyeen, isaga oo bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku tallaabsadeen.

Labada Madaxweyne oo kulankoodu ka dhacay Aagga Midowga Afrika ee Caasimadda Kinshaasa ayaa si wadajir ah isu la xoojiyey muhiimadda ay labada Dal u leedahay in ay yeeshaan xiriir iskaashi oo ku dhisan ka wada shaqaynta danaha Labada Qaran iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay kor u qaadidda xiriirka ka dhexeeya dalalka Afrika.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha iyo Shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo sida wanaagsan ee ay u soo dhoweeyeen Isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso Madaxweyne Tshiskedi doorkiisa hoggaaminta Midowga Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada DFS Duraan Axmed Faarax oo dhawaan Ra'isulwasaare Rooble u Magacaabay ...
19/04/2021

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada DFS Duraan Axmed Faarax oo dhawaan Ra'isulwasaare Rooble u Magacaabay Wasaaradda ayaa maanta kormeer shaqo kutagay Waaxda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Wasaaradda.

Wasiirka ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay Agaasimaha guud ee wasaarda Cali Galcal Gaabow iyo Guud ahaan shaqaalaha waaxda Gaadiiidka isagoo soo indha-indheeyay sida shaqadu halkaas ay uga socota.

Wasiirka ayaa kula dar daarmay Shaqaalaha iyo Agaasinka Wasaaradda inay muhiim tahay in qofkasta shaqadiisa sida loo igmay uu uga soo baxo lagulana xisaabtami doono Howlaha shaqo ee uu xil saaran yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ku sugan Dalka Congo  ayaa la ku...
19/04/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ku sugan Dalka Congo ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Congo Fรฉlix Tshisekedi ahna guddoonka Midowga Afrika.

Madaxwaynaha Dowalda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaaahi Farmaajo ayaa Xeer Madaxwayne Darajadii Ciidanka uga Qaaa...
13/04/2021

Madaxwaynaha Dowalda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaaahi Farmaajo ayaa Xeer Madaxwayne Darajadii Ciidanka uga Qaaaday Taliyihii h**e ee Booliska Gobalka Banaadir, Saadaq cumar Xasan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warqad ka hadlaysa Arrimaha Doorashooyinka u qortay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe...
09/04/2021

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warqad ka hadlaysa Arrimaha Doorashooyinka u qortay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe:

Annaga oo tixraacayna warsaxafadeedkii soo baxay 31 March 2021 ee ka soo baxay Madaxweynaha xilka ka dagaya ee Golaha Amaanka Marwa Linda Thomas, dowladda Soomaaliya waxay tixgalin iyo qadarin u haysa kaalinta Golaha Amaanka iyo taageerada waqtiga dheer ee xubnaha golaha la garab taagnaayeen Horumarka iyo xasiloonida Soomaaliya iyo xushmadda gobonimada Soomaaliya, sharafka dhuleed, midnimadeeda iyo madax banaanideeda siyaasadeed.

Taariikhda dhowaanahan Soomaaliya waxay wajahaysay xaalado adag iyo caqabada siwalba ha ahaata waxaan awoodnay in aan annaga oo wadajirna qaran ahaan uga wada hadalno waxa na dhexyaala, isku tanaasulno lana imaano hal abuur aan ku xalino.

Deganaanshaha siyaasadeed wuxuu sal u yahay dhammaan dadaalada horumarineed ee aan qorsheyneyno inaan ku hirgalino Soomaaliya, sidaas darteed, waxaan ka simanahay golaha amaanka, heshiisna ku nahay danta dadka Soomaaliyeed ee ah qabashada doorasho loo dhan yahay sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan.

Sidaa darteed. waxaan jeclaan lahayn inaan hoosta ka xariiqno mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee waxyaabaha soo socda:

A: Doorashooyinka qaran ee Soomaaliya, sida ummadaha kale ee madaxbanaan u leeyihiin aaya ka talinta Qarankooda ayay hay'adaha dalkeeni go'aan uga gaarayaan arrimaha horyaala, sida ku cad sharciga Lr. 30 ee ay meel mariyeen Baarlamanka. Sidaa darteed, waxaan ka mahadcelineynaa taageerada hagar laโ€™aanta ah ee UNSC ee gobonimada Soomaaliya, sharafka dhuleed, midnimada iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

B: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u arkaysaa faragalin kasta oo hannaanka doorashooyinka qaranka ku sameeyaan xubna dibadda ah in ay tahay faragelin toos ah oo lagu sameeyay arrimaheena gudaha iyo jabin la jabiyay shuruucda Golaha Amniga ee Qaramada midoobe iyo qaanuunka Caalamiga ah.

C: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u aragtaa heshiiskii 17-kii Sebtember inuu saldhig u yahay Geedi socodka doorashada iyo talooyinka ay soo jeediyeen guddigii Farsamada Baydhabo ee 16ka Febraayo iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhin.

D: Iyada oo laga jawaabayo walaacyada la xiriira amniga doorashada, waxaan halkan ku xoojinaynaa in Guddi amaan oo Doorashooyinka Qaranka uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaaraha ay noqon doonaan kuwa farsaama ahaan wajaha arrimaha amaanka ee la xiriira doorashooyinka.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyada oo ka faa'iidaysanaysa fursadaan waxa qiraysa doorka iyo qiimaha golaha Amaanka ee Qaramada midoobe waxayna siinaysa tixgalin midda ugu saraysa.

Qoraalkan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxaana ku saxiixnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda mudane Maxamed Cabdirisaaq.

Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa hambalyo u diray Saraakiisha ,Saraakiil Xigeenadda , iyo...
09/04/2021

Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa hambalyo u diray Saraakiisha ,Saraakiil Xigeenadda , iyo dhammaan askartii maanta la dalacsiiyay ee ka qeyb qaadatay jabkii xoogaanaa ee dhawaan argagixisadda ay gaarsiiyeen weeraradii fulaynimada ahaa ee ay ku soo qaadeen Aw-dheegle iyo Bariire.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in uu ugu Hambalyeeynayo Dalacsiinta ay ku muteysteen Difaaca dadkooda ,dalkooda iyo diintooda Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Raysal Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble Sida ay ugu go'antahay Dib-u-dhiska ,Tayeeynta iyo dhiiragalinta CXDS.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waday dadaalo Xooggan oo lagu dhiiragalinayo CXDS oo wada qorshe ballaaran oo lagu wiiqayo argagixisadda.

Sawirada Dhismaha wadada xiriirisa  Muqdisho iyo Jowhar oo bilowday iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramaca...
07/04/2021

Sawirada Dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar oo bilowday iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramacad oo sugaya amiga wadadaas.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sirfa Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sirfa Media:

Videos

Share


Other News & Media Websites in Mogadishu

Show All

You may also like