29/12/2022
HORDHAC
Dhiganihii 1 :-
Ka hadlaka mowduucan waxaa igu dhaliyay kadib markii aan arkay Somaliland oo uu ka jiro guux ballaaran oo ku aadan doorashada dimuqraadiga ah ee halkaasi ka socota iyo hadal haynta dagaalada lagula dagaalamayo kudhaqanka shareecada islaamka.
Marka h**e waxaa mahadsan Allaah Subxaanahu watacaalaa oo suura galiyay in la arko dad badan oo baraarugsan islamarkaana iyagoo ku hoos nool maamulada calmaaniyiinta si geesinimo leh u sheegaya ineysan ogoleyn Dimuqraadiyad iyo xukun gaalo.
Baraarugan wuxuu suura galin karaa in inta kale sii baraarugto, waxayse u baahan tahay in mar walba si sharci ah loogu qeexo halka ay kasoo jeedaan Baarlamaanka iyo Dimuqraadiyadda oo labaduba ah aafooyin waaweyn oo na halakeeyay.
Waxaan ku horumarayaa nidaamka uu Baarlamaanku ka tirsanyahay ee Dimuqraadiyadda loo yaqaano, anigoo dhinacyo kala duwan ka eegi doona inta aan awoodo insha'allaah.
Wax walba oo maanta dunida ka jira, waxay leeyihiin taariikh iyo duruufo ay kusoo billowdeen, sidaa darteed ayaa kusoo billaabatay hab mooryaannimo ah.
Boqoradii adduunka soo maray ayaa waxaa la tilmaamaa iney adeegsan jireen laba hub oo ay shacabka ku maamulaan, kuwaasoo kala ah: lacag iyo xarig.
Tusaale ahaan markuu boqorku doonayo in jid la dhiso, wuxuu shacabka ku oran jiray "jidkaasi hala dhiso, qofkii wax ka dhisa waxaan siinayaa lacag, kii diidana waan xirayaa”.
Iyadoo sidaasi shacabku ugu cabiidsanyihiin, ayaa wuxuu arkay nin kale oo boqortooyadiisa kamid ah oo aan awood iyo lacag heysan, laakin dadku ay dhageysanayaan oo wuxuu yiraahdo ay fulinayaan.
Nninkaasi waa baadari, wuxuu oranayaa "Allaah baa yiri” sidaa darteed boqorkii baa wuxuu dareemay boqortooyo kale oo ka garab dhisan, wuxuuna go’aansaday in uu labadiisa hub u isticmaalo wadaadka, si uu isaga iyo dadka ugu dhexeeyo.
Tusaale: markuu boqorku doonayo in jid la dhiso wuxuu u sheegayaa wadaadka, wadaadkuna wuxuu dadka ku oranayaa "xalay baa la ii soo waxyooday, Allaah wuxuu idin leeyahay jidka hala dhiso”, shacabka oo dhan wey dareerayaan jidka ayeyna dhisayaan.
Sidaa ayey ahaayeen boqortooyooyinkii Romaanka ee qadiimka ahaa, illaa iyo haddana cilaaqada ka dhaxaysa caalamka iyo boqorku waa taa, Xassan Sheekh iyo wadaada hoos jooga taas baa ka dhaxaysa, Somaliland iyo wadaadada u shaqeeya taa ayaa ka dhaxaysa, Puntland iyo wadaadadeeda Ictisaamna sidoo kale.
Arintan waa sheeko gaar ah oo u baahan in si gooni ah looga hadlo, laakin aan usoo laabano qisadeenii boqorka iyo wadaadka.
Ninkii waxaa maalin maalmaha kamid ah uu boqorku u sameeyay boqortooyo yar iyo xoogaa ilaalo ah, lacag mushaar ah ayuu u qoray, wuxuuna ka dhigay ninka dadka ugu sarreeya.
Sidey xaaladu muddo saa u ahayd, ayaa waxaa daciifay boqorkii, isagiina wuu xoogeystay, wuxuuna halkaasi ka helay fursad aad u ballaaran.
Maadaama ay shacabku u dhaga nugulaayeen hadalkiisa ayaa waxa uu maalin maalmaha kamid ahi ku yiri’ "boqorkan halaga rido xukunka”,
Shacabkii hal mar ayey kursigii ka tureen boqorka, isagii ayaana isku noqday labadii suldadood, tii boqorku lahaa iyo tiisii wadaadnimo.
Yurub markaasi waxay gashay casri cusub oo aad u adag, xaaladu waxay gaartay in la yiraahdo, qof fakari karaahi ma jiro, qof talin kara ma jiro, qof wax soo jeedin kara ma jiro, qof ra’yi keeni kara ma jiro, wixii madaxda khilaafsanna diinta ayaa diidan.
Waxaa dhacday in marka lacag la uruurinayo dadka lagu khasbo, qof walba inuu keeno, shan meelood marka loo qeybiyo xoolihiisa, afar meelood iyo bar.
Tacadi ayey sameeyeen, diintooda ayey taxriifiyeen oo waxay ku xireen dhaqaale. Shacabkii ayaa aad u dhibtooda, iyadoo xilligaasi oo ku aadanaa cusuurtii dhexe ay xadaaradda islaamku gaartay meesha ugu fog.
Waxaa dhacday in dadkii ay la qaxeen culeyskii faraha badnaa, dhicii, booobkii iyo tacadigii lagu hayay, waxaana halkaasi ka dhasahay nidaamka la yiraahdo Al-calmaaniyah.........
LASOCO QAYBTA XIGTA........
------------------------------------------------------------------------------------------------------