31/01/2025
HODAN, Ninkii 15-ka canug ka dhalay oo Darbi-Jiif ku ah Kanada 🇨🇦 ayaa lasoo bandhigay.( kasaar muuqaalka.
Dhowr sano kahor ayay Haweeyneydan Tiktok tiri ” axmed ku xumee ayaan u guursaday Abdikariin ee igama ahayn jacayl iyo nolol dheer lasii wadaag, wayna dhacday oo Abdikariin waa iska eryay” (video ku tiri.
Abdkariin oo ah shaqsiga Hodan 15 canug ka dhalay, 13 kamida maanta dalka Kanada 🇨🇦 ayay dhinac ka joogaan oo uu isaga Darbi jiif ku yahay mudo dhowr sano ah.
Maadaama Hodan arimaha qoyska iyo jacayl iyadoo ka sheekeysa social media laga bartay iskuna tilmaantay qof wanaagsan oo jacaylka ixtiraamta naxariis badan, dadnimana taqaana, ayaa warkeeda lagu soo afjaray muuqaal murugo leh ee laga soo duubay ninka ay caruurta u dhashay Darbi jiif ku ah Kanada kadib marka uu nolosha uga dhacay xabsigii dheeraa ee iyadu u dirtay,
Xabsiga 5 sano ee uu soo leefay Abdikariin ayaa ahaa ciqaabta dacwadii xaaskiisa kusoo oogtay ee ahayd Kufsiga “kulan gogol ee dhacay iyadoo aan raali ku ahayn” waa sida isaga iyo dadka ka agdhow sheegeen,
Muuqaalka Abdikariin laga soo duubay ayaa ahaa mid daruuf adag ka muuqato jirkiisa, caafimaadkiisa iyo guud ahaan noloshiisa, wuxuna sheegay mudo dhowr sano ah uu xabsi ugu xirnaa dhibaatadii ay u maleegtay xaaskiisii hodan ee caruurta u dhashay,
Mar la waydiiyay abdikariin isaga iyo Hodan Caruurta ay isu dhaleen ayaa ku sheegay 15 caruur ah oo laba kamida dhimatay, “13 kale iyada ayaan gacanta u geliyay meesheey geysay ma aqaan” ayuu yiri isagoo goconaya aabahan darbi jiifka kanada 🇨🇦 ku noqday iyadoo caruurtiisa dalka la joogaan,
Aabe Abdikariin,hada waa uu Xanuusan yahay, “kansar ayaa la iga helay, waa qalannahay ayuu yiri “ isagoo kusugan mid kamida xarumaha dowlada Kanada dadka darbi jiifka ku xanaanyso, daruuf taas adag cid kale iska dhaafe kuwii uu dhalay garab k**a uusan helin,
Aabahan caruurtiisa iyo isagana wax xariir k**a dhexeeyo siduu sheegay, maadaama caruurtu dad waawayn yihiin waxa suuragal ah qaar kamida maanta jaamacado ka baxeen, shaqooyin wanaagsan haystan farxadna ku noolyihiin iyagoo ilaabay xaalada uu ku suganyahay aabahii dhalay dalka la jooga,
Guud ahaan hadalkisa markaa eegto maskaxiyan qof dhibaato dadka ku ah ama aan wax kala ogayn maahan siduu sheegay waa tukadaa ayuu lahaa isagoo tusbax gacanta ku haaya ayaana muuqaal qarsoodi ah markii ugu h**eysay laga soo bandhigay,
Hodan, muuqaal ayay soo duubtay waxa ay tiri “ ninka muuqaalka kasoo duubay hadii aadan ka bixin magaalada aad joogto 5 Hours ayay ii jirtaa waana ku dacween doonaa oo booliiska kanada haweenka walaalkood waaye, booliiska intuu garbagayga joogo xoriyad ayaan heestaa ogaada, iyadoo caraysan in muuqaalka odaygeeda lasoo geliyo ayay hadalka raacisay “ aduunka aragiisa u necbahay iyo qof igu soo qaada “
arinta dad badan ka fajacisay ayaa ah, Ninka 13 caruura aad u dhashay ee aad hooyada u tahay misena guriga kula joogaan, adigoo aabahii dhalay dhibaateeyay sidee hadalkaas media looga sii dhihi karaaa,
Wax weyn baa qaldan ee maxay kula tahay,
Rabi tallo ku filan.
WQ Oktoober