Abdifatah Awil Ahmed

Abdifatah Awil Ahmed ๐—›๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐˜†๐˜€๐˜๐—ถ๐—ฟ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ผ, ๐—ป๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐˜‚ ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—ฑ๐—ธ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—น๐—ถ ๐—ป๐—ผ๐—พ๐—ผ๐—ป ๐—บ๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ผ!.

"Gabdhaha  Puntland waxaan uga mahad celinayaa garab istaaaga ay la garab taagan yihiin Ciidamadooda shidaalka kowaad an...
30/01/2025

"Gabdhaha Puntland waxaan uga mahad celinayaa garab istaaaga ay la garab taagan yihiin Ciidamadooda shidaalka kowaad an haysano waa dhiiri galintooda"Madaxwayne Deni.

28/01/2025

Boosaaso dhalinyaro abaabulan ayaa beegsanaya dadka ajaaniibta ah magaalada ku sugan, dhalinyaradan ayaa magaalada ka dhex goobaya itoobiyaanka iyo cadaanka ajaaniibta ah kuwaas oo sifooyin kala duwan ku jooga magaalada.

Sidee u aragtaa aragtida dhalinyaradan?

Muqdisho: Ninkaan oo saaxiibkiis udilay Musqul/Suuli uu ka horgalay darteed ayaa Maxkamadda lasoo istaajiyey.
27/01/2025

Muqdisho: Ninkaan oo saaxiibkiis udilay Musqul/Suuli uu ka horgalay darteed ayaa Maxkamadda lasoo istaajiyey.

Trump ayaa soojeediyey in la xaaqo dadka Gaza ku dhaqan oo lagu kala daro Urdun iyo Masar.Wuxuu sheegay in Gaza tahay me...
26/01/2025

Trump ayaa soojeediyey in la xaaqo dadka Gaza ku dhaqan oo lagu kala daro Urdun iyo Masar.

Wuxuu sheegay in Gaza tahay meel la dudumiyey, aysana nolol oolin. Durbaba hadalkan Trump waxa soo dhaweeyey kooxda cunsuriyiinta ah ee Talabiib.

Qorshahani waa khatar weyn oo baneenaysa in la boobo waxa ka hadhay dhulka Falistiin.

Taliyaha ururka Dhiirrane Mukhtaar Axmed Faarax (Gaagaale) wuxuu kamid yahay saraakiisha da'da yar ee hoggaaminaysa gulu...
26/01/2025

Taliyaha ururka Dhiirrane Mukhtaar Axmed Faarax (Gaagaale) wuxuu kamid yahay saraakiisha da'da yar ee hoggaaminaysa gulufka dagaal ee ciidamada Puntland, inta dagaalku socday isaga iyo ciidamada uu Hoggaamiyo godad badan iyo deegaano badan ayey ka furteen Kooxda IS.

Daalka, rafaadka, gaajada, oonka, habaaska, dhimashada iyo dhaawaca intuba waa halgan aad ajar ku helaysaan kiina dhinta waa shahiid kiina dhaawacana waa geesi sharaf ku noolanaya, yaan la niyad jabin guusha waxyar ka harsan.

hala dhiiri geliyo Ciidamada Raaxadii iyo Noloshii qurxoonayd uga soo tagay xoraynta Dalka.

Ciidamadii goojacade ku kala baxay 15 daqiiqo, Oo Kusii Jeeda Hawlgalka Hilaac Ee Buuralayda Calmiskaad Si Ay Qayb uga N...
25/01/2025

Ciidamadii goojacade ku kala baxay 15 daqiiqo, Oo Kusii Jeeda Hawlgalka Hilaac Ee Buuralayda Calmiskaad Si Ay Qayb uga Noqdaan Hawlgalka Ciidanka Puntland Kula Dagalamayso Ururka Daacish, hadda gurigoodu ba'ay.

Ciidamadeena aan garab istaagno oo aan joojino kala qaybinta kala xigsashada.
25/01/2025

Ciidamadeena aan garab istaagno oo aan joojino kala qaybinta kala xigsashada.

DEG DEG. Magaalada Bosaaso waxaa saka ka socda mudaharaad looga soo hor-jeedo dadka Ajanibta, Kuwaaso muddooyinkii ugu d...
25/01/2025

DEG DEG. Magaalada Bosaaso waxaa saka ka socda mudaharaad looga soo hor-jeedo dadka Ajanibta, Kuwaaso muddooyinkii ugu danbeeyay qayb ka ah falalka Amni-darada ah ee dhaca.

Nin Ajnabi ah dhalashadiisa lagu sheegay Carab ayaa Ciidamada Amniga Puntland xalay ku fashaliyey isagoo qarax miino ah galinaya Bartamaha Magaalada, Kaasi markii danbe toogten Ciidamadu.

IS gabalkooda dhacay waxay bilaabeen in ay shacabka boosaaso laayaan markii buuraha lagu soo gumaaday oo looga awood bat...
25/01/2025

IS gabalkooda dhacay waxay bilaabeen in ay shacabka boosaaso laayaan markii buuraha lagu soo gumaaday oo looga awood batay, shakhsigan idiin muuqda asaga oo magaalada dhexdeeda qarax xixiraya ayaa la toogtay, nimankan shacab, ciidan iyo madax midna uma kala soocna.

Saddexdan mataano ah ee idiin muuqda waxa maanta laga soo saaray gabadh uur lahayd (sawirka isla iyada ayaa ila wadaagta...
21/01/2025

Saddexdan mataano ah ee idiin muuqda waxa maanta laga soo saaray gabadh uur lahayd (sawirka isla iyada ayaa ila wadaagtay). In aad yaabban tahay waa macquul oo anigu ba sidaas baa aan u yaabay markii h**e. Xaaladda ay ku abuurmeen oo ah meel makaanka ka baxsan (ectopic pregnancy) h**e waa aan u aqaannay se waxa iga fajiciyay qudhayda waxa uu ahaa qaabsameyskooda (anatomy).

In ilmaha uurka ku jiraโ€”gaar ahaan saddexda bilood ee h**eโ€”ay qaab ahaan u eg yihiin noolayaasha kale waa wax caadi ah oo faraca aynu wadaagno ayaa sabab u ah, balse in ay saa'id ugu ekaadaan noole kale sida xaaladdan oo kale waxa u sabab ah; ilmaha oo ku abuurma meel aan munaasib ku ahayn, sida tuunbooyinka ugxanta (follobian tubes). Kuwan sawirka ka muuqda naftarkoodu isla halkaas ayay ku abuurmeen sida aan sawirka raajada ka arkay.

Soomaalidu waxa ay u yaqaannaan xaaladdan "Ummusibyaan" waa magac ay wadaaddadu ka keeneen carabta oo iska khuraafaad ah, waxaana ay ku sheegaan in la ileeyay/cawryay ruuxa marxaladdan la kulma. Sidaas ayaa ay gabadhan lafteedu aammisnayd, aamminsanna tahay.

Waa xaalad dhif iyo naadir ah in saddex mataan ay ku samaysmaan meel ka baxsan makaanka hooyada.

W/Q Dr Mubarek Qowdhan.

21/01/2025

Tuugaan tuugu dhalay oo kale ayaa nagu dhex jira!.

Boqolaal kan oo kale ah ayaa ku nool magaalooyinka ugu waawayn soomaaliya haddiise aan la iska qaban oo la raafin u jeedadoodu waa u hirgalaysaa.

Darwinnnnnz waqtiga uu mucaaradka kursiga la jabiyay ka warama๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚๐Ÿ’”
18/01/2025

Darwinnnnnz waqtiga uu mucaaradka kursiga la jabiyay ka warama๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚๐Ÿ’”

waxaa goor dhoweyd Maydkiisa la helay marxuum Shiine Salaad oo kamid ahaa Laba dhalinyaro oo maalinimadii Khamiista ahay...
18/01/2025

waxaa goor dhoweyd Maydkiisa la helay marxuum Shiine Salaad oo kamid ahaa Laba dhalinyaro oo maalinimadii Khamiista ahayd ay qaadatay Badda Boosaaso.

raadin dheer oo Qoyskiisu ugu jireen kadib Saaka ayaa Maydkiisa la helay, Ilaahay ha unaxariisto.

FG: Labada Wiil ee Baddu qaadatay mid kamid ah shalay ayaa la helay Maydkiisa halka Marxuumka kale Saaka la helay.

18/01/2025

Ciidamada geesiyada puntland iyo saakaโค๏ธ

Wlhi dadaal kaste & awood kaste oon lahaa Waanku bixiyay inaad noolaato balse Allah kaliya ayaa igakaa jeclaaday waanan ...
09/01/2025

Wlhi dadaal kaste & awood kaste oon lahaa Waanku bixiyay inaad noolaato balse Allah kaliya ayaa igakaa jeclaaday waanan ku ceshan Kari waayay๐Ÿ˜ญ๐Ÿ’”

Waxaad iiga tagtay duni eey wanaagsaneed inaan hortaa ka tago oo aan marna fileyn xaaladaan eey maanta dhimashada ii dhaanto oo aan aaminsanhy garabkaaga & awoodaada aan dhabta ugu tiirsanaa inaan meel kale oon ka heli doono eeysan jirin,

Waxaad ii aheyd udub dhaxaad iyo dhiiranaan marka cid kaste isoo xumeyso aan dhabteeda ku ooyo kadibna si fudud iiga caawisa kadibne saacad kale aan xaalad ku jirin,

Wexeey ii tahay maalin madow oo aan culeeskeeda qaadi karin maskax ahaan & jir ahaanba balse tan kaliya ee maanta i celineysa ayaa ah inaan ane hodan cidleyn karin hooyo & aabe isku noqday xil culus baad iiga tagtay ma aqaan sida aan hodan uga dhaadhicin doono hooyo mar dambe arki meyno balse Allah ayaan naxariistiisa weeydiisanayaa inuu noo fududeeyo dhibtaan aan galnay ee mugdiga noo horseeday adne imaba maqleyside balantii aan horay kaaga qaaday ee ah xitaa hadaad iga hormarto inaan hodan dayici doonin waa sideedii aniga ayaana gacanteyda ku korin doona inta aan noolahayna daqiiqad ma arki doonto dhib & culees inshallh๐Ÿ’”

Waankuu duceeyay sida aan raali kaaga noqdayna allah raali kaaga noqay oo janadiisa macaanta badan kugu irsaaq xaaskeyga wanaaga badneedeey,

Imtaxiinkii dunida & xanuunkiisaba waad u samirtay waxaan rajeynayaa inaad maanta miraha janada ku gurato samirkaaga h**e,

Duni aan macaan ku dareemeyn oon wax kaste oon qabto iyo tilaab kaste oon qaado intaan farhia u sheego leey dhaheen nin karti badan baa tahay ee ku soco baan joogaaye waa uun iska noolaan inta mowdu iiga imaanaayo๐Ÿ˜ญ๐Ÿ’”

Cid kaste oo tacsidaan & maalinkaan mugdiga ah ila qeybsatay hal hal uma kala gaaro balse waxaan idin leeyahay qalbiga idinka ogsooni ehel asxaab family madax & soomaali weynba,

My first love and last, janada iigu waar๐Ÿฅน

Xigasho Dayax dalnuurshe

Dowladda Turkiga ayaa qorsheynaya in ay dhawaan bilaawdo dhismaha saldhiga dayax-gacmeedka ay ka dhisayso Soomaaliya ee ...
09/01/2025

Dowladda Turkiga ayaa qorsheynaya in ay dhawaan bilaawdo dhismaha saldhiga dayax-gacmeedka ay ka dhisayso Soomaaliya ee , kaas oo beddeli doona dayax-gacmeedka h**e ee . Sida laga soo xigtay ilo ku dhow xarunta hawada sare ee Turkey.

Saraakiisha Turkey ayaa sheegay in socdaaka Erdogan ee Soomaaliya uu qayb ka yahay qorshaha bilaabida dhismaha xarunta cusub. Dhismaha xaruntaan ayaa loo arkaa dhacdo taariikhi ah oo labada dalba ay ka wada faaโ€™iidi doonaan, waxayna noqon doontaa markii ugu horreysay oo Soomaaliya laga dhiso xarun hawada sare.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii la soo dhaafay shaaca ka qaaday in Turkiga iyo Soomaaliya ay ka wada dhisayaan Xarun Hawada Sare xeebaha badweynta Hindiya ee Soomaaliya. Xaruntaan tiknoolajiyadda sare leh waxaa ka mid ah warshad lagu soo saaro qalabka dayax-gacmeedka, qalab loogu talagalay maareynta shidaalka cryogenic, dhismayaal maamulka, iyo dhowr goobo oo gantaalada laga tuuro.

Xaruntu waxay bixin doontaa adeegyo xirfadeed oo ah qaabka loo tuuro dayax-gacmeedka, xitaa kuwa ku wajahan saldhiga ugu wayn ee dayax gacmeedka hawada ee loo yaqaano International Space Station .

Turkiga ayaa dhismaha xaruntaan u qoondeeyey $6 bilyan oo dollar, isagoo adeegsanaya maalgelin gudaha iyo dibadda ah. Waxaana h**ey loo bixiyey $350 milyan si loo daboolo kharashaadka bilowga ah.

Soomaaliya ayaa xoojisay iskaashigeeda la leedahay Turkiga labadii sano ee ugu dambeeyey, iyadoo hadda loo arko โ€œsaaxiib istiraatiiji ahโ€ oo Ankara la leh xiriir wanaagsan oo xaga ganacsiga, amniga, tamarta, iyo hadda oo warshadaha hawada sare.

08/01/2025

Wll ka faa'ideyso.

kheyrka faafi oo Muuqaalka la wadaag dadka kale.

Address

Km4
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdifatah Awil Ahmed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdifatah Awil Ahmed:

Videos

Share