Waasan TV

Waasan TV Halkani waa Waasan TV Official page waxaad kaheli doontaan muuqaalo iyo xogo xasasi ah
ee kuxirnow

25/11/2023

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in kalfadhigan Baarlamaanka uu horyaalo howlo Taariikhda Soomaaliyada cusub meel ka geli doono guul iyo horumar, isagoo xusay in shan arrimood oo oo waa weyn oo masiiri ah ay u yaalleen saddex ka mid ah go’aan gaaristeeda ay Beesha Caalamka u yaalleen, labada kalena Soomaali sida inaan Dastuurka KMG dhameystirno iyo dagaalka AS.

“Haddaan idinla kaftamo saxdexdii Beesha Caalamka go’aankeeda leedahay ayaa ka rajo wanaagsan labada kale ee aan annagga go’aankeeda leenahay”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer dhiirigelin ah ...
17/11/2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tagey ciidanka xasillinta caasimadda ee millatariga sida Booliska u howlgala (Polizia militare) ee ku sugan xerada Hiil-weyne oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay abaal uga hayaan ciidanka xasillinta ee sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda muddo gaaban.

Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in maanta ay Muqdisho dhanka amniga lamid tahay caasimadaha dhiggeeda ah ee caalamka, isla markaana ay ciidanku meesha ka saareen wax walba oo dhibaato ku ahaa amniga iyo kala danbeynta caasimadda,

“Waxaan idin kugu imid si aan u qiro kartidiina iyo dhiiggiina aad u hurteen dalkiinna, gaar ahaan caasimadda Qaranka, waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad u badesheen wajigii ay lahayd magaalada Muqdisho. Maalintii aad timaadeen ayaa ugu danbeysay magaaladaan wajigii foosha xumaa, taas oo ku timid dhiiggiina aad hurteen iyo geesinimadiina”.Ayuu yiri R/Wasaare Xamsa oo la hadlayey ciidanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa intii uu ku sugnaa Xerada Hiil-weyne, wuxuu kulan looga hadlayay dardargelinta amniga caasimadda la qaatay hey’adaha amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

16/11/2023

Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa howlgal bur burin ah ku qaaday deegaano ka tirsan gobolka bakool sida deegaanka laagboone oo katirsan kulan-jareer ee Gobolka Bakool halkaas oo ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ay khasaaro weyn ku gaarsiyeen maleeshiyaadka khawaarijta .

Taliye ku xigeenka guutada 9-aad Qeybta 60-aad CXDS Ee Gobolka Bakool Gaashanle Yoonis Adan Hassan ayaa u xaqiijiyey warbaahinta ciidamada qalabka sida in howlgalkaas bur burinta ah ay ku soo qabteen hubka nocyadiisa kala duwan .

La soco goor dhaw wixii faah faahina Waasan TV

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HOGGAAMIYEYAASHA DALALKA ISLAAMKA LA WADAAGAY MOWQIFKA SOOMAALIYA EE XAALADDA QASARiyaad, Nof...
11/11/2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HOGGAAMIYEYAASHA DALALKA ISLAAMKA LA WADAAGAY MOWQIFKA SOOMAALIYA EE XAALADDA QASA

Riyaad, Nofeembar 11, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha Caalamka Islaamka, kaas oo lagaga arrinsanayo xaaladda dhulka la gumeysto ee Falastiin.

Madaxweynaha oo muujiyey mowqifka soojireenka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin gobonimada iyo dowladnimada walaalaha Falastiin ayaa codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ku biiriya baaqyada caalamka Islaamka ee ku aaddan joointa xasuuqa iyo isir sifeynta ku socota reer Qasa.

“Waxa ka socda Qasa waxay ka soo horjeeddaa damiir aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan. Dowlad madax bannaan oo reer Falastiin yeeshaan, caasimadeeduna tahay Qudusta Bari waa xalka kaliya ee lagaga hortagi karo qalalaase amni, siyaasadeed iyo bulsho oo ka dhaca Gobolka”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed oo la daalaa dhacaya dhibaatada argagixisada iyo xaalado adag haddana aysan marna ka tanaasuleyn mowqifka damiir-taabatka leh ee ay ku garab taagan yihiin walaalahooda Falastiin, isagoo ku ammaanay Boqortooyada Sucuudiga marti-gelinta iyo abaabulka shirkan.

 : Afhayeenka guutooyinka hubaysan ee Xama**s ayaa sheegay inay burburiyeen 27 isugu jira taangiyo iyo baabuurta gaashaa...
06/11/2023

: Afhayeenka guutooyinka hubaysan ee Xama**s ayaa sheegay inay burburiyeen 27 isugu jira taangiyo iyo baabuurta gaashaaman ee ciidanka Isra***l, howlgallo ay fuliyeen 48 -dii saac ee la soo dhaafay.

Wariyaha telefishinka Mareykanka ah Fox news, Trey Yingst oo la socda ciidanka Isra**l, wuxuu shalay sheegay weerar gaadmo oo lagu soo qaaday ciidanka Isra**l in lagu dilay 20 askari, balse afhayeenka militariga Isra**l kaliya 4 askari inay shalay dhinteen ayuu la wadaagay warbaahinta.

Marka laga tusaale qaato gaariga gaashaaman ee Namer oo ay adeegsanayaan ciidanka Isra**l iyo midka ugu badan ee ay gubaan Xama**s , wuxuu midkiiba qaada 11 askari. Haddaynu eegno hadalka afhayeenka u hadlay dhaqdhaqaaqyada Falastiiniyiinta iyo qiraalka wariyaha Fox, waxay taasi ka dhigantahay dhimashada ciidanka Isra**l tan iyo duullaanka dhulka inay kor u dhaaftay boqollaal. Isra**lna waxay qarinaysaa tirada rasmiga ah inay soo bandhigto , si aan loogu adeegsan warbaahinta iyo iyadoo laga fogaanayo burbur maskaxeed oo gaara askartooda.

Dhanka kale, waxaa si cad loo oggaaday in Isra**l, oo maamusha hawada Qasa , iyada oo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ay awoodi wayday inay la socoto dhaqdhaqaaqyada iska caabinaya ee Falastiiniyiinta inay diiwaangeliso tirada ka dhimatay. Tani waxay dhab ahaantii caddaynaysaa in Isra**l ay soo food saartay xaalad uusan qofna sharrixi karin, sida ay sheegteen si lama filaan ah waxay la kulmaan baabuurtooda gaashaaman iyo taangiyada oo qarxaya, si lama filaan ah ayaa kooxdii weerarka soo qaadday aan dib dambe loo arkeyn, sida inuu dhulka liqay.
‎‏

 ,": Wasiirka Difaaca Soomaaliya Abdulqaadir maxamed nur (wasiir jaamac) ayaa  looga yeeray maxkamada Gobolka banaadir, ...
29/10/2023

,": Wasiirka Difaaca Soomaaliya Abdulqaadir maxamed nur (wasiir jaamac)

ayaa looga yeeray maxkamada Gobolka banaadir,

mudo 10 cisho ah ayaana loo qabtay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta D...
20/10/2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug, halgaas oo uu ka sii ambaqaadayo dhammeystirka wajiga Koowaad ee howlgalka xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur oo la xiriira abaabulka wajiga Labaad ee howgalka dhawaan lagu xoreynayo deegaannada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysanayso Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

Ciidanka amniga ee ku sugay Deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay Shidaal iyo Raashin ay si qarso...
20/10/2023

Ciidanka amniga ee ku sugay Deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay Shidaal iyo Raashin ay si qarsoodi ah ku gudbisanayeen kooxaha Khawaarijta.

Deegaanka Dawacooleey oo u dhaxeeya Gadoon iyo Xiindheere ayeey ka qabteen Gaari Xamuul ah oo saanad aad u badan u siday Khawaarijta.

Sawiradani waa qayb kamid ah shidaalka iyo raashinka la qabtay ee khawaarijta loo wadey, waxaana go’doon adag uu saaran yahay deegaanada Argagaxisadu maamusho ee Galgaduud.

Waasan TV

20/10/2023

: Ciidanka deegaanka ee ku sugay Degmada Gadoon ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay Shidaal iyo Raashin ay si qarsoodi ah ku gudbisanayeen Khawaarijta.

Deegaanka Dawacooleey oo u dhaxeeya Gadoon iyo Xiindheere ayeey ka qabteen Gaari Xamuul ah oo saanad aad u badan u siday Khawaarijta.

Khawaarijta oo helay xogta in saanadooda gacanta lagu dhigay ayaa isku dayay in ay weeraraan ciidan deegaanka Balse cashar ayaa loo dhigay waxaana laga dilay 3 ka mid ah khawaarijtii weerarka soo qaaday.

~~~~~~~~~Waasan TV

UPDATE: Madaxweynaha Ruushka,Vladimir Putin ayaa soo saaray hadalkiisii ​​ugu horreeyay ee ku saabsan dagaalka  Israa'ii...
11/10/2023

UPDATE: Madaxweynaha Ruushka,Vladimir Putin ayaa soo saaray hadalkiisii ​​ugu horreeyay ee ku saabsan dagaalka Israa'iil iyo Xamaas, wuxuu ku tilmaamay mid ka dhashay siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka oo fashilantay.

Isagoo ka hadlayay bilowgii wadahadalka uu la yeeshay ra'iisul wasaaraha Ciraaq Mohammed Al-Sudani oo booqasho ku tagay Moscow , Putin ayaa sheegay in "dad badan ay igu raaci doonaan in tani ay tusaale cad u tahay fashilka siyaasadaha Mareykanka ee Bariga Dhexe".

Dhinaca kale, Putin ayaa muujiyay walaaca uu ka qabo dadka rayidka ah ee lagu dilay Israa'iil iyo Qaza mar uu taleefoon kula hadlay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Kremlin.

Deeq isugu jirtay Raashin, Saliid, timir  iyo Afar geella oo ka timid dadka degmada Baxdo oo iskugu jira odoyaal dhaliny...
11/10/2023

Deeq isugu jirtay Raashin, Saliid, timir iyo Afar geella oo ka timid dadka degmada Baxdo oo iskugu jira odoyaal dhalinyaro hooyooyin culmowdinka

Deeqdaan oo uu wakiil uga ahaa dadka soo dhiibtay gudomiyaha degmada Baxdo maxamad Abdulàahi muuse jiirow deeqdaan ayaa loogu talogalay Dhiirigalinta Ciidamada iyo Taakuladooda, si ay usii labo jibaaraan Dagaalka lagula jiro Argagixisada AS.

Waasan TV

10/10/2023

UPDATE: Safaaradda Israa’iil ee Turkeyga ayaa u mahadcelisay dadka Turkida farriimaha niyad wanaaga iyo garab istaagga ay u muujiyeen Israa’iil,Waxaana bogga X ee safaaradda lagu baahiyay muuqaal lagu soo koobayo tiro farriimo la sheegay inay direen Turki.

10/10/2023

DEG DEG: Jordan ayaa sheegtay inay ka diidday Mareykanka dhulkooda inuu u adeegsado goob sahayda looga gudbiyo, sida ay ku warrantay, Al Carabiya.

UPDATE:  Wasiirkii h**e ee difaaca Israa’iil, Moshe Ya'alon: “Waxaan ugu baaqayaa mucaaradka inaysan la dhisin dowlad de...
10/10/2023

UPDATE: Wasiirkii h**e ee difaaca Israa’iil, Moshe Ya'alon: “Waxaan ugu baaqayaa mucaaradka inaysan la dhisin dowlad degdeg ah Netanyahu, balse ay dalbadaan inuu iscasilo.

Isaga laguma aamini karo, sidee baad dad ugu horseedi kartaa dagaal sidan oo kale ah? Saacad kasta oo uu xilka sii hayo waa mid dalka dhibaato ku ah”.

Netanyahu, ayaa doonaya markii ugu horreysay tan iyo 1973-dii markii u horreysay Israa’iil in xukuumad wadajir ah la dhiso, si uu isaga yareeyo cadaadiska gudaha ee uu kala kulmayo mucaaraadka.

10/10/2023

DEG DEG: Gantaallo laga soo riday Qaza ayaa ku dhacay dhismayaal ku yaalla magaalada Holon ee koonfurta Tel Aviv. Aljazeera ayaa warisay.

DEG DEG: Hoggaamiyaha Shiicada Ciraaq,Muqtada al-Sadr ayaa ku dhaleeceeyay hoggaamiyayaasha Carabta inay ku guuldareyste...
10/10/2023

DEG DEG: Hoggaamiyaha Shiicada Ciraaq,Muqtada al-Sadr ayaa ku dhaleeceeyay hoggaamiyayaasha Carabta inay ku guuldareysteen inay si waafi ah u taageeraan dadka reer Falastiin, isagoo ku tilmaamay "ceeb iyo ibahdil".

Shir jaraa'id oo uu qabtay, wuxuu intaas ku daray "waxaanu diyaar u nahay inaan gaarsiinno cunto iyo biyo Qaza oo aan sii marinno Masar, Suuriya ama meelo kale" wuxuuna ugu baaqay dawladaha Carabta inay xaqiijiyaan sahayda korontada iyo biyaha.

“Dhammaan dalalka waxay ku degdegeen inay taageeraan Ukraine! Waa maxay sababta aad sidaas oo kale ugu samayn wayday Qaza? ayuu is waydiiyay!

Intaa waxaa dheer, al-Sadr wuxuu si gaar ah u tilmaamay dawladaha Carabta ee caadi ka dhigay xiriirka Israa’iil, isagoo ku sheegay "arrin aanan faa'iido ah dhaxal siin doonin”.

Madaxweynaha kuuriyada waqooyi Kim jon un ayaa si cad ugu hadlay Xaalada falastiin waxa uuna garab istaag u muujiyay mus...
10/10/2023

Madaxweynaha kuuriyada waqooyi Kim jon un ayaa si cad ugu hadlay Xaalada falastiin waxa uuna garab istaag u muujiyay muslimiinta.

UPDATE: Xoghayaha Arimaha Dibadda Maraykanka, AntonyBlinken ayaa la hadlay dhiggiisa Israel, Eli Cohen, wuxuuna dib u xa...
10/10/2023

UPDATE: Xoghayaha Arimaha Dibadda Maraykanka, AntonyBlinken ayaa la hadlay dhiggiisa Israel, Eli Cohen, wuxuuna dib u xaqiijiyay taageerada Washington si loo sii daayo dhammaan la haystayaasha ay haystaan ​​Xamaas,sida uu ku sheegay bartiisa X.

10/10/2023

DEG DEG: Ciidanka Israa’iil ayaa daabacay magacyada 38 askari oo dheeraad ah kuwaa oo la dilay, iyadoo tirada askarta ay soo bandhigeen ay gaartay 124 , tan iyo markii Sabtidii uu billowday dagaalka, waa dhimashadii ugu badnayd ee tobannaan sanno ay la kulmayaan Israa’iiliyiinta, sida ay sheegtay aljazeera.

10/10/2023

: Diyaaradaha Israa’iil ayaa hadda duqeynaya dhowr goobood oo ku yaalla Qaza, mid ka mid ah maalmihii ugu adkaa oo ay maraysa Qaza, iyadoo Israa’iil ay qiratay abid duqeyn baaxada leh inaysan geysan diyaaradahooda.

 :  Ajaaniibta lagu dilay, ama la'yahay Israa'iil: 🇺🇸 USA - 11 ayaa dhintay 🇨🇦 Canada - 1 ruux ayaa  dhintay, 2 waa la l...
10/10/2023

: Ajaaniibta lagu dilay, ama la'yahay Israa'iil:

🇺🇸 USA - 11 ayaa dhintay

🇨🇦 Canada - 1 ruux ayaa dhintay, 2 waa la la'yahay

🇬🇧 Britain - in ka badan 10 ayaa dhintay ama la la'yahay

🇫🇷 France - hal ayaa dhintay, qaar badana waa la la'yahay

🇹🇭 Thailand - 12 ayaa dhintay, 11 waa la la'yahay

🇳🇵 Nepal - 10 ayaa dhintay

🇩🇪 Jarmalka - tirada dhimashada aan la xaqiijin/la'ayahay

🇷🇺 Russia - 1 ayaa dhintay,tiro kalana nolal iyo geeri laguma hayo.

🇰🇭 Cambodia - hal qof ayaa dhintay

🇨🇳 Shiinaha - lama xaqiijin tirada dhimashada iyo dhaawaca

🇧🇷 Brazil - 3 waa dhaawac

🇵🇾 Paraguay - 2 ayaa dhintay/la'yahay

🇺🇦 Ukraine - 2 ayaa dhintay

🇲🇽 Mexico - 2 waa la afduubay

🇮🇪 Ireland - 1 dhaawac ah

🇹🇿 Tanzania - 2 waa dhaawac

10/10/2023

DEG DEG: Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas ayaa lagu wadaa inuu booqdo Ruushka, si uu ula kulmo Madaxweyne Putin, oo uu u waydiisto taageerro la xiriirta joojinta duulaanka Israa’iil, taa oo u horay u sheegay Ruushka inay muhiimtahay in xal loo helo.

Xog-hayaha Jaamacadda Carabta, ayaa isagana tagay Ruushka, halka sidoo kale la filayo Ra’iisul wasaaraha Ciraaq inuu maanta booqo Ruushka.

10/10/2023

: Ireland ayaa ka hor timid in la hakiyo kaalmada Midowga Yurub ee Falastiin.

DEG DEG: Netanyahu wuxuu ku wargeliyay Biden in Israa’iil ay ku qasban tahay inay gasho Qaza, xilli boqol kun oo ciidan ...
09/10/2023

DEG DEG: Netanyahu wuxuu ku wargeliyay Biden in Israa’iil ay ku qasban tahay inay gasho Qaza, xilli boqol kun oo ciidan ah ay geysay xadka Qaza, halkaa oo sidoo kale si aan kala jogsi lahayn ay duqeyno uga geysanayaan diyaaradaha Israa’iil, sida uu sheegay wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Walla.

09/10/2023

UPDATE: Egypt Airlines ayaa go'aansatay inay joojiso duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Israa'iil, laga bilaabo maanta iyadoo ay socoto howlgallo milatari oo u dhexeeya Israa'iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta, sida lagu sheegay bayaan saraakiil ku sugan garoonka caalamiga ah ee Cairo.

09/10/2023

DEG DEG: Xamaas ayaa sheegtay inay daraasiin gantaallo ah ku weerarreen magaalada Qudus ee Israa’iil xoogga ku heysato, iyagoo sheegay weerarka inuu jawaab u yahay duqeymaha Israa’iil ay ka wado Qaza.

09/10/2023

Ciidamaa Deegaan ah uu hogaaminayo Khaliif Cumar Macalin Nuur ayaa gaaray deegaan lagu magacaabo daba galle oo qiyaas dhan 10KM ujira Deegaanka Cadcadey

Ciidamadaan ayaa wato gadiid dagaal oo farabadan waxa ayna kuwajahanyihiin deegano katirsan Bariga Gobalka Galgaduud, majiraan Ciidamo gaaray aaga Ruun-nirgood iyo hilowla gaab balse waxaa Jiro qorshe la doonayo in halkaas AS looga saaro.

09/10/2023

DEG DEG: Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Israa’iil ayaa hadda duqaymo ku wada dhulka Lubnaan, halkaa oo ay sheegeen inay ku bartilmaameedsanayaan Xisbullah, markii dagaalyahanno hubaysan oo xadka ka soo tallaabay ay dhaawaceen 3 askari oo ka tirsan ciidanka Israa’iil oo iska horimaad uu dhexmaray.

Balse mar sii horaysay, Xisbullah ayaa iska fogeysay inay wax howlgalka ah ka fuliyeen gudaha Israa’iil.

UPDATE: Ra’iisul wasaaraha  Ciraaq, Mohammed Shia al-Sudani, ayaa maanta laba telefoon oo kala duwan la yeeshay Boqorka ...
09/10/2023

UPDATE: Ra’iisul wasaaraha Ciraaq, Mohammed Shia al-Sudani, ayaa maanta laba telefoon oo kala duwan la yeeshay Boqorka Jordan Boqor Cabdallah iyo Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi.

"Hoggaamiyayaasha waxay carabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada diblumaasiyadeed ee looga hortagayo rabshadaha Israel iyo Falastiin iyo 'saameynta khatarta ah' ee amniga gobolka," sida laga soo xigtay xafiiska warbaahinta ee ra'iisul wasaaraha Ciraaq.

Dhanka kale, wadaadka caanka ah ee Shiicada Moqtada al-Sadr ayaa ku baaqay isku soo baxyo ay ka qeybgalayaan hal milyan oo qof si loo taageero dadka Qaza.

UPDATE: Ugu yaraan 10 masaajid ayaa ku burburay duqeynta Israa’iil ay ka wado Qaza, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha...
09/10/2023

UPDATE: Ugu yaraan 10 masaajid ayaa ku burburay duqeynta Israa’iil ay ka wado Qaza, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha Islaamka ee Qaza.

Sida ay sheegtay wasaaraddu waxaa sidoo kale la burburiyay goobo kale oo ay ka mid tahay idaacad ay iyagu leeyihiin.

09/10/2023

DEG DEG: Madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi ayaa boggaadiyay weerarrada ay Xamaas ka geysanayso Israa’iil, isagoo sidoo kale teleefoon kula hadlay hoggaamiyaha Jihaad Islaami, Ziyad Nakhaleh, sida ay sheegtay warbaahinta Iiraan.

DEG DEG: Guddiga Midowga Yurub ayaa sheegay inay dib u eegis ku samayn doonaan $728.66 milyan oo kaalmo horumarineed ah ...
09/10/2023

DEG DEG: Guddiga Midowga Yurub ayaa sheegay inay dib u eegis ku samayn doonaan $728.66 milyan oo kaalmo horumarineed ah oo ay siin jireen, iyagoo tilmaamay inay ku filantahay weerarrada Xamaas ay ka geysanayso Israa’iil.

Sidoo kale, waxay sheegeen inay wada shaqeyntii, iyo codsiyada cusub ee mashaariida ay taageerayeen ee ka socda Falastiin inay hakiyeen.

09/10/2023

DEG DEG: Shirkadda saliidda iyo gaaska Maraykanka ee Chevron, ayaa sheegtay inay joojisay shaqadii ay ku soo saaraysay gaaska tamarta ee ay ka waday xeebaha koonfureed ee Israa’iil, go’aankan oo la sheegay inuu ka yimid hay’adaha difaaca Israa’iil in la hakiyo shaqada, tan oo lala xiriiray dagaalka socda.

Wasaaradda Tamar ee Israa’iil, oo warshadaha korontada wargalinaysay inay shidaal kale isticmaalan, ayaa dhankeeda hakintan sheegtay. Israa’iil ayaa gaaska u dhoofin jirtay Jordan iyo Masar oo daris la ah.

Waasan TV

DEG DEG: Mareykanka ayaa xaqiijiyay dhimashada sagaal American ah oo ku dhintay Israa'iil, sida goor dhow lagu sheegay w...
09/10/2023

DEG DEG: Mareykanka ayaa xaqiijiyay dhimashada sagaal American ah oo ku dhintay Israa'iil, sida goor dhow lagu sheegay warsaxaafadeed loogu tacsiyeeyay qoysaskii ay ka dhibteen oo uu baahiyay afhayeenka Golaha Anniga qaranka Mareykanka.

09/10/2023

DEG DEG: Ciidanka Israa'iil ayaa sheegay suurtagalnimada in dagaalyahanno ka soo tallaabeen xadka Lubnaan ,waxayna ka codsadeen muwaadiniintooda inay albaabada xirtaan oo aysan ka soo bixin guryaha aagga Galili, sida laga sii daayay teleefishinka Israa’iil ee Channel 12.

Diyaaradaha Israa’iil ayaa duqeyn aan kala sooc lahayn ka wada Qaza, oo hawadeeda oo dhan qiiq iyo uuro ay xirtay; ma ji...
09/10/2023

Diyaaradaha Israa’iil ayaa duqeyn aan kala sooc lahayn ka wada Qaza, oo hawadeeda oo dhan qiiq iyo uuro ay xirtay; ma jirto goob aan la duqeyn, iskuul, isbitaal, masaajid, gaadiidka gurmadka deg dega ah, sida uu sheegay Wasiirka caafimaadka Falastiin.

Xaalad masiibo ah ayay ku tilmaameen mas’uuliyiinta Falastiin oo caalamka ugu baaqay inay dunidda ka qabato waxa ay sameynayso Israa’iil ee dadka shacabka ah lagu gumaadayo; Xaaladda maanta ee Qazo waa masiibo aan soo marin 20 sanno, sida u sheegay sarkaal u hadlay kooxda caafimaadka.

Rabbi ha u gargaaro Falastiiniyiinta.

09/10/2023

DEG DEG: Sarkaal ka tirsan sirdoon Masar ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP; “ Waxaan marar badan kala hadalnay Israa’iil wax weyn ayaa dhici doona— laakiin waxay iska indha tireen digniintayada.”

09/10/2023

:-Ciidamadda Dowladda ayaa goordhaw gudaha u galay degaanada Hilow-gaab iyo Ruunirgood ee Gobolka shabellaha dhaxe.

Isha ku hay.👀 Waasan TV

09/10/2023

UPDATE: Qalalaase ayaa ka taagan garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee Tel Aviv, iyadoo goobo ku dhow ay ku dhaceen daraasiin gantaallo ay ku rideen Xamaas , kumannaan qof oo isku dayaya inay ka baxsadaan duqeymaha Xamaas ayaa buuxiyay garoonka.

DEG DEG: Austria ayaa ku dhawaaqday inay hakisay  $20 milyan oo kaalmo ay sii jirtay Falastiin, go’aankan waxay ku sheeg...
09/10/2023

DEG DEG: Austria ayaa ku dhawaaqday inay hakisay $20 milyan oo kaalmo ay sii jirtay Falastiin, go’aankan waxay ku sheegeen inay uga jawaabayaan weerarrada Xamaas ee Israa’iil.

Dhinaca kale , Jarmalka ayaa isagana hakiyay kaalmadii Falastiin, iyagoo sheegay inay sidoo kale dib u eegis ku sameynayaan taageerrada ay siiyaan Falastiiniyiinta.

Address

Wadnaha
Mogadishu

Telephone

+252616866100

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Waasan TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Waasan TV:

Videos

Share

Category



You may also like