Halan TV

Halan TV 777777

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre  oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa booqday Ma...
14/10/2022

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa booqday Matxafka Cusub ee Sayniska dalkaa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa caawa kulan dhiirigelin iyo taageer...
13/10/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa caawa kulan dhiirigelin iyo taageerid ah la qaatay Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano, kuwaasi oo guullo taariikh ah ka soo hooyay tartanka CECAFA Zone.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku ammaanay cayaartooyda kooxda, macallinkooda iyo masuuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta guusha ay u soo hooyeen magaca Soomaaliyeed oo ku tilmaamay inay tahay mid dhaxalgal ah.

Mudane Xamse wuxuu dhallinyarada u sheegay in Soomaali oo dhan ay dhinacooda soo eegayaan cayaarta k**a dambeysta ah – isagoo u ballanqaaday abaalmarin weyn oo ay ku farxaan haddii ay ku soo guuleystaan iyo haddii aysan koobka soo qaadinba.

Kooxda kubadda cagta Da'yarta Soomaaliya ayaa cayaarta finalka waxa ay isaga hor iman doonaan kooxda South Sudan maalinta Sabtida - waxaana labada koox ay u soo baxeen tartanka AFCON ee 2023 ka dhici doona Aljeeriya.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY  CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNE WILLIAM RUTO Nayroobi, Sibteembar 13, 2022; Madaxwey...
13/09/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNE WILLIAM RUTO

Nayroobi, Sibteembar 13, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nayroobi kaga qeyb galay Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale, ganacsi iyo bulsho oo ay yeeshaan dalalka dariska, si loo adkaado dhibaatooyinka saboolnimada, cunna yarida, faqriga, colaadaha, caqabadaha ka dhashay isbedelka cimillada ee saameeyey shucuubta Gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah wafuud heer Caalami ah oo ka qeyb-gelay xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda aan dariska nahay ee Kenya Mudane William Samoei Ruto.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey munaasabaddan wafdi ay ka mid yihiin, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Cali Doodishe, Wasiirka Wasaaradda Gamacsiga iyo Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa'uud Aways Jaamac iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.

DHAMMAAD

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA Muqdisho, Sipteembar 11, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriy...
11/09/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA

Muqdisho, Sipteembar 11, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa Madaxda Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad-Goboleedyada dalka, waxa ay ku lafo-guri doonaan arrimaha hortebinta u leh shacabka iyo dowladda, gaar ahaan sugidda amniga dalka, wax ka qabashada saameynta abaaraha dalka ka jira iyo la dagaallanka argagixisada.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa ka qeyb galayay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hiirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo uga qeyb-galay aaladda Fogaan aragga.

DHAMMAAD

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, halkaas oo labada cish...
25/08/2022

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, halkaas oo labada cisho ee soo socota uu ku sugnaa doono.

Garoonka diyaaradaha magaalada Garowe waxaa ku soo dhoweeyay wafdiga Madaxweynaha hoggaanka sare ee Puntland iyo boqolaal shacab ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Hamza Abdi Barre  iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro iyo x...
25/08/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedada safarkiisu tahay u kuurgelidda xaaladda abaaraha iyo dhiirigelinta ciidamada qalabka sida ee la dagaallamaya kooxda argagixisada.

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub...
13/08/2022

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirkii h**e Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji.

Mudane Xamse ayaa u mahadceliyey Wasiirkii h**e ee xilka wareejiyey, isagoo tilmaamay in wasaaraddani ay tahay mid leh ahmiyad weyn, shaqo culusna laga sugayo in wasiirka cusub uu ka qabto horumarinta waxbarashada dalka.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBABAXAY DALKA UGANDAMuqdisho, Ogosto 8, 2022: Madaxweynaha J...
08/08/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBABAXAY DALKA UGANDA

Muqdisho, Ogosto 8, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Uganda, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho saddex maalmood ah ay uga bilaabanayso dalkaas ayaa waxa ay ka wada hadli doonaan Madaxweyne Yoweri Museveni xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca ammaanka.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu ka qeyb gali doonaa madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca waxsoosaarka, si loo sii horumariyo, loona xalliyo wixii caqabado ah oo ku xeeran.

Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggooda dalka Uganda la yeelan doona kulammo ku saabsan adkaynta xiriirka labada dal iyo xasilloonida Gobolka, iyagoo soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dib u xoojinta xiriirka dalkeenna iyo dalalka Gobolka.

DHAMMAAD

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA QATAR DHAMBAAL UU UGA SIDAY AMIIRKA DALKIISAMuqdisho, Ogoosto 07, 2022;...
07/08/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA QATAR DHAMBAAL UU UGA SIDAY AMIIRKA DALKIISA

Muqdisho, Ogoosto 07, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Villa Soomaaliya kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Qatar Mudane Xasan binu Xamsa Haashim, ayaa ka guddoomay Martiqaad uu uga siday Amiirka dalkiisa Mudane Tamiim binu Xamad.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Safiir Xasan binu Xamsa farriin iyo salaan uu u diray Amiirka Dowladda Qatar, waxa uuna uga mahadceliyey mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyeen gudaha dalka, isagoo rajeeyey in dhambalkan iyo booqashada rasmiga ah ee uu ku tagayo dalkaas ay sii xoojiyaan iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya Mudane Xasan binu Xamsa Haashim ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha aqbalaadda martiqaadka uu u soo diray Amiirka Qatar, isaga oo muujiyey sida ay u garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Dhambaalkan uu guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa nuxurkiisu yahay sidii loo sii amba-qaadi lahaa, loona horumarin lahaa hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo xoojiinta xiriirka labo-geesoodka ah ee labada dal, kaasi oo ku dhisan walaaltinnimo iyo wax-wada-qabsi.

DHAMMAAD

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN SAGOOTIN AH LA QAATAY DANJIRAHA KENYA EE SOOMAALIYAMuqdisho, Ogoosto, 07, 2022: Madaxwe...
07/08/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN SAGOOTIN AH LA QAATAY DANJIRAHA KENYA EE SOOMAALIYA

Muqdisho, Ogoosto, 07, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah la qaatay Safiirkii Dowladda Kenya u joogay dalkeenna Mudane Lucas K. Tumbo oo dhammeystay muddo xileedkiisa diblomaasiyadeed ee uu uga howl-gelayey dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Danjire Lucas K. Tumbo uu ka howlgalayey gudaha dalka muddo dheer, taas oo ka dhigan in uu wax badan ka fahmay hiddaha iyo dhaqanka wanaagsan ee shacabka Soomaaliyeed oo ku saleysan iskaashi, is-ixtiraam iyo daris wanaag oo dhammaantood jihaaye u ah dowladnimada iyo diblumaasiyadda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjire Lucas K. Tumbo ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran iyo garab istaagga ay u muujiyeen, waxa uuna tilmaanay dadaalka uu ku bixiyey xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya Labada shacab.

DHAMMAAD

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN SOO DHAWEYN AH LA QAATAY XUBNAHA MAGACAABAN EE GOLAHA XUKUUMADDAMuqdisho, Ogoosto 02, 2...
02/08/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN SOO DHAWEYN AH LA QAATAY XUBNAHA MAGACAABAN EE GOLAHA XUKUUMADDA

Muqdisho, Ogoosto 02, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan soo dhaweyn ah la qaatay xubnaha magacaaban ee Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyey xilalka loo magacaabay.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Xamse, latashiyada ballaaran ee uu sameeyey iyo dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Xukuumad tayo leh oo hanan karta himilada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda iyo fulinta hiigsiga ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

“Dadka Soomaaliyeed waxa ay idin ka sugayaan in aad si daacad leh ugu adeegtaan, in aad ka shaqeysaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ay la tacaalayaan, taasna waxaa aasaas u ah in aad idinku masuuliyad iyo wadajir ku shaqeysaan oo maanka ku haysaan dhaarta iyo masuuliyadda.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Golaha Xukuumadda in ay xoogga saarto xaqiijinta amniga, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, horumarinta dowladnimada iyo kaabeyaasha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay hagaajisa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ansixiyaan Xukuumadda, si ay degdeg u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, waxa uuna Alle uga baryey in uu waafajiyo wixii dan u ah shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Xamse Cabdi Barre  oo latashiyo ku saabsan dhismaha xukuumad...
26/07/2022

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo latashiyo ku saabsan dhismaha xukuumadda la qaadanaya qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, ayaa maanta qaabilay maamuleyaasha warbaahinta ka howl-gasha gudaha dalka.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay bahda saxaafadda, in xukuumaddiisu ay mudnaan siinayso daah furnaanta shaqada dowladda iyo xogsiinta shacabka, waxa uuna tilmaamay doorka ku aaddan wacyigelinta bulshada ee dhinacyada amniga iyo la dagaallanka fikradaha argagixisada ee laga sugayo warbaahinta in ay dardar geliyaan.

Sidoo kale, Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa adkeeyey doorka Xukuumadda ee ku aaddan dhowridda xorriyadda hadalka, xuquuqda Warbaahinta iyo badqabka wariyeyaasha, isagoo ku bogaadiyey shaqada ku aaddan xogsiinta iyo wacyigelinta ee ay u hayaan dadka Soomaaliyeed.

Dhankooda, Madaxda Warbaahinta ka howl-gala dalka, ayaa la wadaagay Ra'iisul Wasaaraha muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta dowladda iyo warbaahinta, taas oo aas-aas u ah xaqiijinta xorriyadda iyo madax-bannaanida saxaafadda, iyagoo la wadaagay tallooyin la xiriira qaabka ay u wada shaqeyn karaan warbaahinta iyo dowladda.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh  Aadan Maxame...
25/07/2022

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb James Swan.

Kulanka ayaa waxa ay masuuliyiintu uga hadleen weeraradii ugu dambeeyay ee ay maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al Shabaab ka geysteen qeybo ka mid ah gobolada dhaca xadka aynu la wadaagno Dalka Itoobiya, sidoo kale masuuliyiinta ayaa isla soo hadal qaaday sidii loo dardar gelin lahaa taageerada ay Qaramada midoobay siineyso Golaha Shacabka ee BJFS iyadoo laga sii-amba qaadaayo kulamo horay ay yeesheen danjire James swan iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo danjire James Swan ayaa kulankooda inta uu socday waxa ay ahmiyad gaar ah siiyeen arrimaha gurmadka Abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa qoysaska ay abaaraha saameeyeen.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre , ayaa ku guda jira kulamo iyo wadatash...
25/07/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre , ayaa ku guda jira kulamo iyo wadatashiyo muhiim ah oo uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Raiisul Wasaaraha ayaa qeybaha uu maanta qaabillay waxaa ka mid culamaa’udiinka Soomaaliyeed, oo uu ka dhageystay tallooyinkooda wax ku oolka ah ee ku wajahan xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay, si uu u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, ay lagama maarmaan noqotay in waqti ku filan uu geliyo la tashiyada uu la sameynayo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO GAARAY DALKA MASAR Muqdisho, 24, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal...
24/07/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO GAARAY DALKA MASAR

Muqdisho, 24, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha si diirran ugu soo dhaweeyey Wasiirka Maaliyadda Masar Mudane Maxamed Muciid, diblomaasiyiin iyo sarakiil ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, la dagaallanka argagixisada iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Masar waxa uu kulan la qaadan doonaa Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd, iyagoo ka arrinsanaya qorsheyaasha heer Carbeed ee midnimada iyo wax-wada qabsiga dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo Dowladda Soomaaliya ay ka tahay xubin muhiim ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa waxa ay wadaagaan xiriir qoto-dheer oo ku saleysan iskaashi dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo wax wada qabsi.

DHAMMAAD

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBA-BAXAY DALKA MASARMuqdisho, Luulyo 24. 2022; Madaxweynaha Jamhuuriy...
24/07/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBA-BAXAY DALKA MASAR

Muqdisho, Luulyo 24. 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka xiriirka soojireenka ah la wadaaga dalkeenna ku maraya socdaal ku saleysan dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadda iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dunida ayaa maanta u amba-baxay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku aaddan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, la dagaallanka argagixisada iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ee horumarinta waxbarashada dalka.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY KADDIB SAFAR SHAQO UU KU TAGAY DALKA TANSAANIYA Muqdisho, ...
23/07/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY KADDIB SAFAR SHAQO UU KU TAGAY DALKA TANSAANIYA

Muqdisho, 23, 07, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay Shir-Madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ka dhacay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugnaayeen magaalada Arusha ee Tansaaniya waxa ay soo bandhigeen fursadaha ganacsi, dhaqaale iyo bulsho ee ka jira Soomaaliya iyo doorka xooggan ee ay shacabka Soomaaliyeed ka qaadan karaan horumarka Dalladdan iyo guud ahaan saamaynta togan ee ay ku leeyihiin Gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la qaatay Madaxda ka soo qayb-gashay Shir-Madaxeedka, taas oo uu ku xoojinayey ololahiisa ku aaddan ansixinta codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kamid-noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, isagoo adkeeyey ahmiyadda ay leedahay iskaashiga Soomaaliya iyo waddamada ku bahoobay Dalladdan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal buuxa ku bixineysa hirgelinta codsigii ay u gudbisay Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) sanadkii 2016-ka, iyada oo War-murtiyeedkii ka soo baxay dhammaadkii Shirka lagu faray Golaha Wasiirrada Dalladda inay si degdeg ah uga hawlgalaan sidii loo dardargelin lahaa hannaanka ay Soomaaliya kaga mid noqonayso Bulshada Bariga Afrika.

DHAMMAAD

Address

Mogadishu

Telephone

+252616006236

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Halan TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share