Dema Facts

Dema Facts KAYDKA XAQIIQOOYINKA

07/11/2024

Cartoon qosol.badan af Somali

06/11/2024

GANEEY QEYBTA 5-AAD Macalin Kuma Xambaari Karno...

Cartooon qosol badan

06/11/2024

Cartoon af somali qosol badan

06/11/2024

sheeko gaaban /Naag dad cun ah oo caruur yar yar qabsatay

06/11/2024

Ciyaar maskaxeedka chess ku baro af somali

06/11/2024

Cartoon af somali qosol.badan

06/11/2024

Geney

CIID MUBARAK
13/05/2021

CIID MUBARAK

إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعونAllha u naxriisto, Wasiirkii h**e arimaha dibadda Proff Xildhibaan Cabdullahi S...
07/05/2021

إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Allha u naxriisto, Wasiirkii h**e arimaha dibadda Proff Xildhibaan Cabdullahi Shiikh Ismaaciil.

29/12/2020

ISBEDEL KU YIMID WAKHTIGA DOORASHADA.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) wuxuu daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ku wargelinayaa in isbaddal uu ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee h**ey loo qorsheeyey in ay bilaabmato 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021.

Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021.

Isbaddalka jadwalkan wuxuu ku saleysan yahay codsi Guddiga Doorashooyinka uga yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku aaddan in muddadaa dib loo dhigo waqtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare.

Muddadaas waxaa lagu dhammeystirayaa hawlaha qabyada ah ee dhanka qabashda codsiyada murashixiinta iyo diyaarinta agabyada iyo deegaanka ay ku shaqeynayaan Guddiyada Maamulaya Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada tixgelinta ay siiyeen codsiga Madaxweynaha Galmudug si doorashada Aqalka Sare ay hal mar u wada qabsoonto.


18/12/2020

Qarax nafti halige ka tirsan argagixisada uu galabta ka fuliyey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa geystay khasaare nafeed oo soo gaaray dad shacab ah iyo saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka.

Qarax oo ka dhacay banaanka h**e ee garoonka kubadda cagta Cabdullaahi Ciise ayaa waxaa uu dhacay galabta qorax dhicii waxaana ku shahiiday saraakiil ay ka mid yihiin AUN taliyihii qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga General Cabdi casiis Cabdullaahi Qooje iyo taliyihii ciidanka Danab qeybta Galmudug Col Mukhtaar Cabdi Aadn iyo masuuliyiin kale.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyey geerida saraakiisha waxaana uu guud ahaan ciidanka xoogga iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid saraakiisha iyo dadkii shacabka ahaa ee cadawgu la beegsaday qaraxa isagoo caafimaad u rajeeyey inta ku dhaawacantay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa isu diyaarineysay soo dhaweynta Wafdiga ra’iisul wasaaraha XFS oo socdaal ku maraya magaalooyinka waaweyn ee Galmudug.

Goor dhow ayu xilla lawareegi donaa raisulwasaare Eng Rooble
27/09/2020

Goor dhow ayu xilla lawareegi donaa raisulwasaare Eng Rooble

26/09/2020

Baarlamaanka Federaalka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Heshiiska siyaasadeed ee doorashada .

252 Xildhibaan ayaa ogolaatay, 2 ayaa diiday 1 Xildhibaan waa ka aamusay.

05/08/2019

Gadgaddoonka Maalmaha

Hayaanka nololeed ee aadamuhu nolosha adduunyo ugu jiro bar-bilaw iyo bar-dhammaad buu leeyahay.
Ammin walba oo aynnu joognay, mid lasoo dhaafay baa ka horraysay, oo tagto inoo ahayd markaa timaadadii aynu sugaynayna hadda waynu kasoo gudubnay oo berisamaad tirsiga innoogu jira ayay innoogu qummantay.
Socdaalka wareegtada u eeg ee dharaaraha iyo habeennadu isu daba marayaan ayaynu la lugnahay innaguna.
Duruufaheenna nololeed iyo xaaladaheenna nafsadeed ba sidaasay ula jaanqaadaan gadgaddoonka maalmahaas.

Ma xasuusataa maalmo farxadeed oo dunida oo dhani kula qurxoonayd?!
Ma xasuusataa maalmo cid waliba kuu waji furnayd adna aad u niyad samayd?!
Ma xasuusataa yaraantaadii aad qaxarka nolosha iyo xasaradda dabeecadda ka huwanayd xannaanada iyo xubbiga waalidkaa?!
Ma xasuusataa nolol aanay qiimaynta maadigu qayb wayn ka ahayn oo aad soo martay?!

Waydiimahaas iyo qaar kale oo u eeg ba, "HAA"- ayaynu kaga jawaabi karnaa.

Nasiib wanaag waa xasuus wanaagsan, Nasiib xumo se waa tagto h**e oo waaqica waxba ka baddalahayn!. Haa Qofna xasuus wanaagsan iyo ayaamo wacnaa oo uu soo maray maanta kuma noolaan karo.
Sidaa darteed baynu qof fashilmay amma nolosha ka dhacay ugu tilmaam naa ruuxa ka carara la noolaanshaha joogtadiisa, isagoo weheshi wahmiya kula jooga xaalado nafsadeed oo wanaagsanaa, tiisa dhabta ah ee maantana ka gaddisan.

Culimada bulshadu(sociologists) marka ay ka hadlayaan dibudhaca bulshada waxa ay sheegaan aadame ay u bixiyeen: (الإنسان المقهور/ aadamaha la jabiyay/laga adkaaday).
insaankaa la tilmaamay waxa astaamihiisa ka mid ah; in tagtada noloshiisa sawirka uu ka haystaa uu ka awdo suuraynta timaadadiisa iyo la noolaanshaha taagantiisa. sidee?
Qofkani si joogto ah wuxu isugu maaweeliyaa waqtiyo farxad leh, guul leh, dareenno togan leh, tanaad leh, tudhis badan oo uu usoo joogay. Waqti xaadirkuna khaa'in intaaba ka dafaya ayuu u yahay.amminta kusoo foodleh qorshe dajinteeda iyo xeelad dhigashadeeda iyada hadalkeedba daa.sawirashada timaadadu waaba ta ruxaysa dheelli-tirnaanta naftiisa,sidoo kale bidaysa xanuun iyo xummad inuu xammilaa adagtahay.

W/Q: Axmed-Saalax Muxammad.

04/08/2019

-DA'YARTA IYO DOORKOODA SIYAASADA-

Aan ku bilaabo tixo ka mida sugaantii samataliska ahayd ee halgamaagii hal buurka somalida Xaaji Aadam Afqalooc uu ku tibaaxayay miisaanka da’yarta iyo mudnaanta ay bulshada ku leeyihiin.

“Hadduu geed engego xaabadaa laga idlaystaaye;
Mid yar oo iniintiisa ahbaa soo awaal baxa e;
Isagaa anfaaciga hadhkiyo oodda kaafiya e;
Dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu;
Ubadkooda hadhabaa tabcoo aayatiin hela e;’’

Hagar laawe Xaaji aadan wuxu qarni ka hor u qareemay qiimaha da’yarta iyo qaybtooda bulsho,dhiiri gelin iyo dhawaaq xoogan ayuu meertada bulsho ugu tiraabay sida suugaantiisa ka muuqata.

Da’yartu waa halbawlaha iyo hanaqaadka ummad walba oo bulshooyinka aadanaha ka mid ah, masiirka iyo meel marka bulsho tanaaday waxaa tiir dhaxaad u ah da’yartooda samataliska ah, haldoorkii hilaabtay ee halganka aynu hadhsanayno hiigsigiisa dhaliyay waxay ahaayeen da’yar dareenka masuuliyadnimo damqayo, Halgankii SYL waa tusaalaha muuqda ee midha dhalka ay da’yarteenii lagu majeerto.

Waxa qiraal ah in bulsho walba oo aduunka ka jirta mustaqbalka ay leeyihiin uu yahay da’yar togan, inta badan waxa lagu sifeeyaa “ madaxda berri” sida aan ka maqalnay waqtiyo badan siyaasiinteena si ay ugu juxaansadaan goobaha ay da’yarta kula kulmaan, dhadhansiga dhawaaqa erygani waa mid aan ku duxin dareenna ku samayn da’yarteena waqtiga dhallinyaranimo balse ay gole kaga kac iyo afgobaadsi siyaasi u fahmaan.

Dhallintu waa muraayada iyo masiirka bulsho, waxa muhiim ah inaad dareento rajada ummada soomaaliyeed naawilayso inay tahay da’yarta caqliga, cududa iyo cilmiga leh ee waqtigan nool.

Waa Maxay Doorka Da’yarta ee Siyaasadda?

Tamarta ugu badan ee dalkeena waa da’yar aqoon iyo aragti togan leh , ka qayb qaadashada hogaanka dalka iyo fagaarayaasha siyaasadu waa tan keliya ee dhalin karta is bedel quman iyada oo ay jiraan fursado dhaqaale, aqooneed iyo xurriyadeed. Marka loo eego da’yartii ku dayashada mudnayd ee duruufaha iyo duur galka is bedelada ku keenay.

In da’yartu kaalin ku lahaato siyaasadda waxay dar dargelin kartaa hanaanka maamulka iyo hammiga bulsho ee aan ku taamayno.

Horumarka nolosha awgeed, kaalinta dowladda iyo siyaasaduba ay ku leeyihiin nolosha qofka iyo bulshadaba waa mid aad u weyn, waxaa kordhay ku tiirsanaanta dowladda maadaama ay maamusho gacantana ku hayso waxbarashada mas’uulna ay ka tahay nabad galyada iyo amniga bulshada, sidoo kalena ay maareyso arimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ayna go’aaminayso xiriirka ay ummaddu la leedahay umadaha kale hadii ay ahaan lahayd xaalad dagaal iyo mid nabad galyoba.

Intaas aan soo sheegay oo idil waxaa laga dheehanayaa in masiirka qofku uu ku xiranyahay kuna gawracanyahay dowladda, sidaas darteed waxaa habboon in qofka dhalinyarada ah uu u dhug lahaado siyaasadda uuna xaqiijiyo himilada naftiisa ee ku aaddan hoggaaminta bulshadiisa.

Da’yartu waxay leeyihiin awoodo badan oo ka caawinaya inay sida ugu wanaagsan u hoggaamiyaan dalkooda ugana qaybqataan siyaasadda, hadii aan isku dayo inaan wax ka sheego fursadaha ay haystaan waxaan kusoo koobi karaa:

Waxay leeyihiin awood jir ahaaneed iyo mid naf ahaaneed taasoo u fududeynaysa inay gali karaan loolan iyo adkaysi fara badan.

Siyaassaddu waxay keensanaysaa in lala shaqeeyo lagana dhex shaqeeyo kooxo iyo ururo kala gadisan, xiligaas ay marayaan awgeed dhalinyaradu waxay aad u jecelyiihiin inay ku shaqeeyeen kooxo kooxo iyo isbahaysi.

Dhalintu waxay jecelyihiin inay la jaanqaadaan horumarka iyo isbadalka dunida gaar ahaan teknooloojiyadda iyo cilmigaba, taasina waxay u suurto galinaysaa inuu noqdo qof wacyi leh kana war qaba waxa ku hareeraysan indhahna kala haya.

Qabka iyo xamaasadda ku jira dhalinyarada waxay horseedayaan in meeshii ay galaanba ay ka miro dhaliyaan kana muuqdaan, taasna waxay sababaysaa kororka iyo horumarka shaqada.

Ugu danbayntii da’yartu waa hogaamiyaha bulshadani hibanayso iyo halyeyga dalkani u baahi qabo, muhiimad xoogan bay u tahay dal walba inuu yeesho da’yar fagaaraha siyaasada ka muuqda, qaybna ka ahaada masiirka ummadooda.

-dhamaad-

W/Q: Abdallah Yuusuf

Address

Taleh Street
Mogadishu
00000

Telephone

+252684194154

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dema Facts posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dema Facts:

Videos

Share