Ibrahim haaji

Ibrahim haaji kusoo dhawoow pagekeyga follow

25/02/2023
1. Maanta Dhulbahante taladiisa, go'aankiisa siyaasadeed iyo dawladnimadiisa, cidda koowaad ee taageerada u ah waa putla...
26/01/2023

1. Maanta Dhulbahante taladiisa, go'aankiisa siyaasadeed iyo dawladnimadiisa, cidda koowaad ee taageerada u ah waa putland iyo siyaasiyiinteeda.

2. Qof walba oo Majeerteen ah, Warsangeli ah, Axmed Harti ah ama Harti kale iyo Daarood ahi, maanta waxa uu difaacayaa reer Sool dhiiggooda, dhismahooda iyo midnimadooda, waxana soo baxay kumannaan dhallinyaro ah oo gaar ahaan Maxammed Harti ah, oo si aan sii qorshaysnayn oo mucjiso ah ula jaanqaaday aragtida leh: Dhulbahante taladiisa shisheeye burburinayana lagu fiirsan mahayo, sokeeye xagaldaacaynayana lagu dhowran mahayo.

Waxa halkaa ku dhintay aragtiyihii nacabka iyo nacabkalkaalku allifeen ee oran jiray: Dhabayaco ayaa Dhulbahante noloshooda, nayaayiradooda iyo qarannimadooda lid ku ah. Lid kuma ahin ee annagaaba hormuud u ah.

3. Tuhunkii, kalatagsanaantii, colaaddii iyo kalamaankii Dhulbahante dhexdiisa yaallay, waa ay dhinteen, waxaana maanta mideeya wax walba oo gob midayn jiray.

4. Waxaa la wada fahmay in meesha koowaad ee daadku ka soo galay dadka yahay, in loo arkay haybtii dhammaydba wax taariikhda la tegay oo la soo dhaafay, muddo dheerna dad ay beelaha Harti dhalasho ahaan isaga dhow yihiin, ayaa ku foogganaa in ay qabiilnimadooda u tusaan mid sheeko-xariiro ah, iyada oo ay qaar badan rumaysteen hagardaamadaa. Maanta waxa Eebbe qaddaray, in ay isku mar curteen laba feker oo kala ah: talada siyaasadeed oo la isu madaxbanneeyo iyo haybtii sixirku ku dhex-jiray oo la nooleeyo.

Guulahaani waa kuwo toleed iyo kuwo siyaasadeed oo is barkan.

26/01/2023

Duqa waaba shaxaari caadi ahan # # # # # #

24/01/2023

Macalinka dugsiga maxaa helay waala yaabay

Address

Nasiibuunde
Mogadishu
2526

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ibrahim haaji posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ibrahim haaji:

Share


Other Film & Television Studios in Mogadishu

Show All