Xogta Show

Xogta Show Page-kaan waa Page Dhexdhexaad ah oo aan cidna uxaglinayn wuxuuna soo gudbinayaa Xogaha Dhabta ah

27/11/2021

Maxaad ka taqaanaa Cudurka Cusub ee ka dilaacay Africa? Ma wuxuu badalayaa Coronavirus...

25/11/2021

Daawo:- Khasaaraha ka dhashay Qaraxii maanta ee Muqdisho

21/09/2021

Diyaarad ka duushay Muqdisho kuna sii jeeday Garoowe ayaa shil gashay xili 20daqiiqo ay ujirtay Garoonka Garoowe.

Shilka ayaa yimid kadib markii Shimbir Gorgor ah uu ku dhacay mid kamid ah Garbaha Diyaarada, taas op qalqal kuriday Duuliyaha.

Diyaarada Muqdisho ayay dib ugu soo laabatay

Xogta Show

Degdeg:- Fahad Yassin Xaaji Daahir ayaa goordhow ka soo dagay Garoonka Aden Abdulle ee Muqdisho, waxaana uu la socday Di...
21/09/2021

Degdeg:- Fahad Yassin Xaaji Daahir ayaa goordhow ka soo dagay Garoonka Aden Abdulle ee Muqdisho, waxaana uu la socday Diyaarad qaas ah sida la xaqiijiyay.

09/09/2021

Madaxwaynaha Dalka Uganda "Ciidankeena inaan kala baxno Somalia ayaa macquul..."

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku hanjabay inuu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya kadib markii uu soo cusboonaaday khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

"Waan kala baxaynaa ciidammadeena Muqdhso haddii aan khilaafka la joojinin"

Isha warka:- BBC Somali

Xogta Show

Puntland oo taageertay RoobleDowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ku boggaadinaysaa Ra'iisul Wasaaraha XFS doorkiisa ...
06/09/2021

Puntland oo taageertay Rooble

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ku boggaadinaysaa Ra'iisul Wasaaraha XFS doorkiisa hoggaamineed ee Dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga Qaranka, hirgelinta doorashada iyo hogaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka.

Dowladda Puntland waxay kaloo boggaadinaysaa, soona dhaweynaysaa dadaalka Ra'iisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda Dastuuriga ah.

Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa go'aanka Ra'iisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hay'adda Nabad Sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan Dastuurka Dalka.

Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dhammaan inta ay quseyso in la illaaliyo xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, lana dhawro ku dhaqanka Dastuurka ku meel gaarka ah.

06/09/2021

Wadaadka Xagjirka ah ee Xabsi guriga kujira sanadaha badan Xasan Daahir Aways ayaa yiri
“Anaga cideena (Habargidir) ma yeelaan kutumasho. Ilaaheey amarkiis marna isma laheen Rooble sidaan u adkaanaayo. Dalkaan waxa u taliyana waa isaga ee halooga dambeeyo”.

Star war

 :- Villa Somalia oo warkaan BaahisayMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaaj...
06/09/2021

:- Villa Somalia oo warkaan Baahisay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Markii uu arkay warqadda sumaddeedu ay tahay XRW/314/9/2021 ee uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ee ku saabsan shaqo ka joojinta Taliyaha HNSQ iyo magacaabista Taliye Kumeel Gaar ah;

Markii uu arkay; qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka, uuna yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida;

Markii uu arkay; qodobada 97-aad iyo 100 ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee JFS oo hagaya awoodaha Laanta Fulinta iyo Xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xilka-qaadista Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ku eg talo-soojedin iyo fulinta howlaha horumarinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka dalka,

Madaxweynaha Jamhuuriyada isagoo dareensan muhiimadda ay amniga dalka u leedahay hay’adda Nabad Sugidda iyo kaalinta ay kaga jirto ka hortagga khataraha argagaxisadu ku hayaan Soomaaliya iyo saaxibbada caalamkaba;

Madaxweynaha JFS oo ilaalinaya masuuliyadda ka saaran joojinta tillaabo kasta oo dhiirrigelin u noqon karta kooxaha arrgaxisada, wiiqaysana sumcadda iyo kaalinta shaqo ee laamaha amniga.

Wuxuu soo saaray qodobadan;

1. Go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble in uu yahay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka.

2. Waxaa la farayaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in uu sii wado hoggaaminta Hay’dda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, si waafaqsan Dastuurka iyo Wareegtadii Madaxweynahu uu ku magacaabay.

3. Hay’adda Nabadda Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka waxaa la farayaa in ay horkeento Golaha Amniga Qaranka warbixinta laga sugaayay marka la muddeeyo kulanka ugu horreeya ee Golaha Amniga Qaranka.

4. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu farayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Xukuumadda in ay si hufan u gutaan masuuliyadda ka saaran dhammeystirka hawlaha doorashooyinka.

DHAMMAAD

RW. Rooble oo shaqadii ka joojiyay Fahad YaasiinRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xusee...
06/09/2021

RW. Rooble oo shaqadii ka joojiyay Fahad Yaasiin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxa uuna si KMG ah Agaasimaha guud ee NISA ugu magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Taliyaha hay'ada sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa la sheegay in uu ka soo jawaabay amarkii uu duldhi...
05/09/2021

Taliyaha hay'ada sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa la sheegay in uu ka soo jawaabay amarkii uu duldhigay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Taliyaha NISA ayaa warqad u diray Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble taasoo sidoo kale la gaarsiiyay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS waxaana warqada lagu sheegay in warbixinta Ikraan Tahliil uu siin doono guddiga amniga Qaranka markii ay fariistaan.

Wuxuu ahaa Abwaan majaajileeste ah oo qaab qosol ah dadka uga wacyi gelin jiray hadba marxaladda markaas taagan😪.Wax bad...
26/05/2021

Wuxuu ahaa Abwaan majaajileeste ah oo qaab qosol ah dadka uga wacyi gelin jiray hadba marxaladda markaas taagan😪.

Wax badan wuu kaa qosliyay ee maanta uduceey duco ayuu kaaga baahan yahay.

25/05/2021

Tobon Xaqiiqooyin oo ku saabsan dabeecadda guud ay soomaalidu leedahay.

1. Waa dad shactiro badan oo malintaada kuu qurxin kara uma baahnid comedian inaa keensatid, waxaa kaabadan marmar hal post commentiyadiisa.
2. Waa dad uu kubadanyahay ixtiraamka dadka ka waaweyn.
3. Waa dad ku firfircoon marki ladhaho diinta halagu difaaco shucuur.
4. Waa dad kufiican marti soorka iyo qaraabo jaceylka.
5. Waa dad iyaga dhexdooda isjecel marki ajnabi soo dhexgalo.
6. Waa dad badanaa aan ku fiicneen dhiiri galinta taas lidkeeda niyad jabinta kufiican.
7. Waa dad aan caadeysanin in ay dhahaan "Ma aqaano", balse hada lagasoo roonaanayo.
8. Waa dad runta in toos la iskugu sheego aan kudhiiranin xishood kooda oo aad ubadan dartiis.
9. Waa dad wada dhaha qabyaaladu waa qurun, hadana ka gaaray darajo sare.
10. Waa dad jecel in dalkooda uu nabad noqdo, hadane qoriga dhiga laga karin.

Shanta qodob ee kore waa kuwa fiican shanta dambane in labadalo ayey mudanyihiin.

"Dhoolacadeey Qazza ayaad joogtaaye"👇Illaahay shacabka Falastiin laba isuguma darin. Ma aaminaysaa inay yihiin shacabka ...
16/05/2021

"Dhoolacadeey Qazza ayaad joogtaaye"👇

Illaahay shacabka Falastiin laba isuguma darin.

Ma aaminaysaa inay yihiin shacabka dunida ugu Qabka iyo dhoollacadaynta badan, ee ku kalsoon in maalmahoodi saraynta Kawnku ay usoo socdaan, tacab iyo Samirna waajibkoodu yahay?

Tan waxaad ogaan lahayd haddii aad tagi lahayd Qaza!

Waxay ahayd 2014, waa xili sida roobka ay kusoo dhacayaan dushooda madaafiicdu oo diyaaradaha Yuhuudu Toban toban usoo gelayaan hawada Qaza. Sawirada samada laga qaadayo iyo ololka cirka ka imanaya nafta ayaad ka quusanay; Xaalada noocan ah iyagoo kusugan Falastiiniyiintu ayey martidii u tagtay oo Soomaalina aan kujirno ku lahaayeen “Ibtasim qaalamaa anta fi Qaza” Dhoollacadee oo farax Qaza ayaad joogtaa!Murugo halkan ma taal waa Qaza!

Waxaa run ah bulsho aan falastiin ahayn ma xamili karteen sadex cadow oo midkastaaba qayb ku leeyahay Xasuuqooda. Sadexaasi oo kala ah;
1.Yuhuuda
2.Caalamka reer galbeedka. Iyo
3.Caalamka Islaamka hagrashada taal.

Labada caalam ee kan Islaamka iyo kan kale waxaa Yuhuudu ku guullaysatay 85% inay yeelato Madaxda xukunta. Waxaase gallad Illaahay iyo Deeq samaawiya ah in Illaahay reer falastiin ku Arsaaqay Is-dhiibid la’aan iyo Xamilaad ay loodin kari la’yihiin intaas oo quwado ah ee Yuhuudu badhna adeegsato badhka kalena madaxdoodi dulaysatay.

Tiro ahaan Falastiin iyo Yuhuudu isugeyntoodu ma dhama mana gaadhaan 20 milyan oo weliba badankoodu dunida ku kala filiqsan yihiin tiro ahaan waxaa sadex jibaar ka badan Shacabka Sucuudiga.

Labaduba waa Aayaad Illaahay oo faham u baahan, waana taariikh barashadeeda cibrooyin ku duugan yihiin.

Xogta Show

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xogta Show posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share