HIIL FIQI CUMAR

HIIL FIQI CUMAR Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from HIIL FIQI CUMAR, Digital creator, Mogadishu.

  Fadlan dadka dagan dagmada kabxanley iyo tuulooyinka hoos yimada wa in ay iskaga dheradaan nawaxiga wabiga Shabeelle o...
05/11/2023



Fadlan dadka dagan dagmada kabxanley iyo tuulooyinka hoos yimada wa in ay iskaga dheradaan nawaxiga wabiga Shabeelle oo so wada biyo aad u farabadan

Digniinta waa in sida ay tahay loo qaato
Fadlan hala gaarsiiyo dadka ku xiran ee ka so jeedo dagmada kabxanley
dheh wall bad baadi dadkda Allah badbaadiyee

04/11/2023

Kabxanley waa Deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan waxaay magalada Baladwayne ka jirtaa dhinacaga waqooyi waxayna u dhowdahay xadka Ethiopia .

Qiyaastii waxay u jirtaa Magaalada Beledwayne 20 km. Dagmada waxay caan ku tahay wax soo saarka beeraha iyo xoolaha. Waxaa daga jilibka Fiqicumar oo ah jilib ka tirsan beesha Qubays oo ah mid ka mid ah beelwaynta Surre ee MAHA DIR. Fiqicumar qarniyo bay degganaayeen carro Hiiraan. Dabcan soomaalida waa reer guuraa.waxay daaq U dagi jireen kolba meesha roob ka dhaca. Mar jawiil bay xoog U degganaayeen. Waxay dhihi jireen jawiil jannada baa ka dhaw. Waxay Ku dardaarmi jireen in jawiil Lagu aasa oo awoowyaal h**ey loogu aasay. Culuma badan oo la siyaarta baa Ku aasan aaggaas sida fiqiwalaal fiqicumar oo Ku aasan Coomaad. Fiqi axmed fiqi maxamed oo Ku aasan Beergadiid. Waxaa ka dhashay shiikh ibraahim suuleey oo caalim soomaali oo dhan taqaannay ah . Shiikh ibraahim waa ninkii U horreeyay ee soomaaliya ka akhriyo Riyaadul saalixiin.waxuu gaar U lahaa khudbadda jimcaha oo uu kor ka shubo isagoon meel ka akhrinayn. Waxuu ka tirsana Raabidatul caalam al islaami. Waxaa kitaabbo badan ka aqrin jiray shiikh Muxummad Yaroow masaajidada Beledwayne. Akhrin jiray Naxwaha,Sarfiga,Tafsiirka, Axaadiithta Iyo fanniyo kale illaa uu xamar usoo wareego kaddib markii hayadda Iftaa wa dacwa ee sacuudiga ka shaqo galisay xamar.

Ma jirin seddex macallim iskuul oo Hal reer ah marka laga Reebo Fiqicumar oo fasallo isku beddelo.
Sh.Ibraahim Xaaji Cismaan
Sh.Muxummad yaroow
Cali Ibraahim
Waxay macallim ka wada ahaayeen dugsigii Sandhool Guure. Raggii halgamayaasha xurriyadda(SYL) ee Beledwayne waxaa ka mid ahaa Cabdisalaam Caalim oo loo aqoon ogyahay Cabdi Kaatun.

Kabxanleey waxay ka billaabataa marka la Soo dhaafo Bacaad marka Laga yimaado Beledwayne.

Waxay U jirtaa magaalada Beledwayne dhawr Iyo labaatan kiilomitir qiyaas ahaan.

1919 qiyaas ahaan, waxaa hiiraan Ku Soo duulay ciidan axmaaro oo uu watay Rafle Guuleed oo Makaahiil ogaadeen ah .

Reer fiqi cumar waxaa Lagu dhacay lo'doodii meesha la yiraahdo Kalaxkalax oo kabxanleey ka Soo xigto Beledwayne.

Waxaa loo yaqaannaa duullaankii Dhugadka

Maxamed Bare Cumar ayaa ku guuleysatay kursiga HOP 008 ee Golaha Shacabka JFS, kadib markii uu tanaasulay musharaxii la ...
20/02/2022

Maxamed Bare Cumar ayaa ku guuleysatay kursiga HOP 008 ee Golaha Shacabka JFS, kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay waxana uu helay 89 cod halka laba qofna ka aamusen waxana ay ahaayen ergada soo xaadirtay 91 ergo.

Waxaa heshiis Xabad-joojin Goordhaw Magaalada baladweyne ku kala Saxiixaday laba beelood  Walalaha kuwaaso dhawaan ku Da...
28/12/2021

Waxaa heshiis Xabad-joojin Goordhaw Magaalada baladweyne ku kala Saxiixaday laba beelood Walalaha kuwaaso dhawaan ku Dagaalmay degaanka Kabxaleey Duleedka Waaqooyi ee Magaalada baladweyne,

Heshiiskan Xabad-joojin Waxaa in Muda ah Magaalada baladweyne kawaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose Dowlad Gobolkeedka Hir-shabeelle oo kaashaneyso Urur Gobolkeedka IGAD.

Goobta heshiiska beelahan Waxaa kaqeybgalay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan, Taliyaha Booliska Dowlad Gobolkeedka Hir-shabeelle Co, Xasan dhicisiow iyo Masuliyiin kale,

Agaasimaha Xiriirka Degmooyinka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Gobolkeedka Hir-shabeelle Mudane Cabdi daahir Guure karoore ayaa Sheegay in heshiiskan oo in Mudaha Wasaarada Soo waday Maanta aay ku Guuleeysten inay beelaha Xabad-joojin hordhac ah ka Saxiixaan dhaqanka labada reerood,

Qoys Soomaaliyeed oo iska celiyey dhalashada dal Yurub ah, go'aanna ku gaadhay in ay ku soo laabtaan dalkooda hooyo."Bis...
14/11/2021

Qoys Soomaaliyeed oo iska celiyey dhalashada dal Yurub ah, go'aanna ku gaadhay in ay ku soo laabtaan dalkooda hooyo.

"Bismillaah:
Waxa aannu go’aan rasmi ah ku qaadannay aniga iyo reerkaygu in aanu kasoo guuro Denmark oo aanu degganayn, una soo guurro dhulkii hooyo ee Alle naga beeray.

Sidoo kale waxa aanu go’aan ku qaadannay gabi ahaan sharciyadii aanu haysannay ee waddankan Denmark inaan u celinno oo cancel garayno - waa go’aan adag laakiin waa go’aan sax ah oo aanu u aragno in uu yahay mid khayr badan noo leh qoys ahaan.

Waxa la joogaa xilligii aynu aamini lahayn oo ku noolaan lahayn dhulkeenna - Alle ha inoo barakeeyo." -Maxamed Cabdi, odayga qoyska.

Boqor Buurmadow ayaa maanta soo gaaray Muqdisho si uu uxaliyo khilaaf ka taagan doorashada gobalada Waqooyi oo siyaasiin...
14/11/2021

Boqor Buurmadow ayaa maanta soo gaaray Muqdisho si uu uxaliyo khilaaf ka taagan doorashada gobalada Waqooyi oo siyaasiinta iyo beelaha dhaxdooda ah.

Waxyaabaha cajiibka ah waxaa kamid ah, waa masuulkii xaliyay khilaafkii adkaa Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed maalin gudaheed, iyadoo ay xalin waayeen masuuliyiinta kale ee Soomaalida, waa mas'uul warkiisa aysan ka hor imaan karin dhamaan siyaasiinta iyo shacabkiisa, waxaa lagu sheegaa in heli og cadaalada iyo ukala gar-qaadida siyaasiinta markii ay isqabtaan.

Dhaqanka Koofur malaga heli karaa hal oday dhaqameed oo sidaas ah?

Boqor Cismaan Ow-Maxamuud Buurmadow ayaa saaka lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, isagoo ka qeyb qaadan doona xulist...
14/11/2021

Boqor Cismaan Ow-Maxamuud Buurmadow ayaa saaka lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, isagoo ka qeyb qaadan doona xulista ergooyinka dooraneysa Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.

Boqor Buurmadow oo dib uga mid noqday Odayaasha ee 135-ta ayaa bishii September door weyn ka qaatay xalintii khilaafkii u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, waxaana heshiis ka gaareen hannaanka doorashada xubnaha labada aqal ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland

04/11/2021

Dib u xasuuso wariyhii
uga so warrami jiray muqdisho
Maxamed maxamuud (dhoore)

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta loo doortay xildhibaankii ugu h**eeyay ee Go...
01/11/2021

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta loo doortay xildhibaankii ugu h**eeyay ee Golaha shacabka Barlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya .

Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague, si ay uga qe...
10/10/2021

Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague, si ay uga qeyb galaan go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

  -  ayaa ka baxday ka mid ahaanshaha maxkamadda caalamiga ee caddaaladda ee loo yaqaan ICJ waxana ay sheegtay in aanay ...
08/10/2021

- ayaa ka baxday ka mid ahaanshaha maxkamadda caalamiga ee caddaaladda ee loo yaqaan ICJ waxana ay sheegtay in aanay aqoonsan doonin xukunka maxkamadda ee ku aaddan muranka xadka badda ee kala dhexeeya Soomaaliya oo loo madlan yahay 12/10/21.

Kenya ayaa sidoo kale heegan gelisay ciidankeeda badda ee ku sugan saldhiga badda ee Manda si horay loogu diro xadka lagu muransan yahay.
Kenya waxay sheegtay in aanay dheg-jalaq u siin doonin go'aanka maxkamadda oo ay difaaci doonto dhulkeeda

Haddaba maxaa la gudboon dadka Soomaaliyeed iyo dawladooda?

09/09/2021
Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii u dhaxeeyay ee k...
05/09/2021

Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii u dhaxeeyay ee ka taagnaa doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

Labada dhinac ayaa si buuxda ugu heshiiyay in la soo afjaro khilaafkii u dhaxeeyay, in la mideeyo guddoonka iyo xubnaha guddoga maamulka doorashooyinka heer Somaliland, in la soo afkaro is kooxeysigii iyo abaabulkii u dhaxeeyay siyaasiyiinta in sida ugu dhaqsiyaha badan loo gudagalo hirginta doorashada kuraasta labada aqal ee ka soo jeeda Somaliland.

04/09/2021

RW Rooble ayaa goordhow ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo maalmihii la soo dhaafay xiisadeedu taagneed, isagoo sheegay in uu la socday maalmahaan arrinta Ikraan Tahliil Faarax.

RW Rooble ayaa muddo 48 saac ah u qabtay Taliyaha hay'adda NISA in uu ku keeno warbixin dhameestiran oo kiiska Ikraan ah.

03/09/2021

Maxaad ka taqanaa beelaha la isku yiraahdo
barnaamjik waxaa so diyaariyay

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka furmay Muqdisho, kaasoo looga hadla...
21/08/2021

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka furmay Muqdisho, kaasoo looga hadlayo dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka , raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin iyo sidii h**ey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga dalka Masar ayaa maanta booqday xarunta Jaam...
17/08/2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga dalka Masar ayaa maanta booqday xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Xoghayaha Jaamacadda Carabta Axmed Abulqeyd.

Xog-hayaha Jaamacadda Carabta oo Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay booqashadiisa ayaa warbixin ka siiyay qaab howleedka JC isagoo ku soo wareejiyay qeynaha ay ka kooban tahay.
Dr. Axmed Abulqeyd ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku ammaanay kaalintiisa hoggaamineed ee arrimaha doorashoiyinka iyo dib- u heshiinta, isagoo ballan qaaday in Jaamacadda Carabtu ay taageero dhan walba ah la garab joogto Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta, isagoo tilmaamay in Soomaaliya oo xubin ka ah dalalka Jaamacadda Carabtu ay taageero dheeri ah ka fileyso walaalaheeda ku bahoobay JC, gaar ahan xilligan muhiimka ah ee dalku galay doorashada.

Duniyo Maxamed Cali ayaa ku guuleystay kursiga 6-aad ee doorashada aqalka sare ee laga soo doorto Galmudug iyadoo heshay...
12/08/2021

Duniyo Maxamed Cali ayaa ku guuleystay kursiga 6-aad ee doorashada aqalka sare ee laga soo doorto Galmudug iyadoo heshay 88 cod

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah ganacstada Soomaaliyeed ee ku dhaqan ma...
11/08/2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah ganacstada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya .

Kulanka oo ahaa mid soo dhaweyn ah ayaa ganacstada waxa ay uga xog warameen Ra’iisul Wasaaraha ganacasiga Soomaalida ay ku leeyihiin Kenya , horumarka ay sameyeen iyo caqabadaha heysta xilligan. Ganacstada ayaa u soo jeedinayaan talooyin ay u arkaan in lagu hagaajin karo xoojinta xiriirka labada dal .

11 senatar Aqalka Sare ee laga soo doortay Puntland, saddex ka mid ah waa Haween, taasoo ka dhigan in Puntland noqotay m...
11/08/2021

11 senatar Aqalka Sare ee laga soo doortay Puntland, saddex ka mid ah waa Haween, taasoo ka dhigan in Puntland noqotay maamulkii u horreeyay ee saddex Haween laga soo doorto.

1- Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab

2- Cabdiraxman Faroole

3- Cabdisamed Yusuf Abwaan

4- Sareedo Maxamed Xasan

5- Daahir Ayaanle Saciid

6- Samira Maxamud Xaaji Cawad

7- Cabdullahi Cali Xirsi Timacade

8- Seynab Ismacil Maxamed

9- Maxamed Cabdi Cismaan Majiino

10- Farxaan Cali Xuseen

11- Cabdiqani Geelle Maxamed

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray  magaalada Mombasa  Dalka K...
10/08/2021

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Mombasa Dalka Kenya halkaa oo uu wadahadal kula yeelanayo madaxweynaha Kenya Uhuru kenyatta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa kulan is xog wareysi xaaladda dal...
09/08/2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is xog wareysi xaaladda dalka iyo doorashooyinka waxa uu galabta hoygiisa kula yeeshay Madaxweynayaashii h**e ee dalka Mudane Shariif Sh. Ahmed iyo Xasan Sh. Maxamuud.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sii wada kulamada gaar gaarka ah ee uu la yeelanayo Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed si ay doorashooyinka ugu qabsoomaan jawi xasiloon.

Wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdirisaaq iyo Raychelle Omamo, ayaa si wadajir ah u daahfuray ...
09/08/2021

Wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdirisaaq iyo Raychelle Omamo, ayaa si wadajir ah u daahfuray dhismaha cusub ee safaaradda xukuumadda Nairobi ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa farriin cad oo aan leex leexad aheyn uga jawaabay warqadii ka soo baxday Madaxweyne Farmaaj...
08/08/2021

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa farriin cad oo aan leex leexad aheyn uga jawaabay warqadii ka soo baxday Madaxweyne Farmaajo

06/08/2021

Soo gudbinta warar xaqiiqda ku saleysan

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle C/xakiin Luqmaan ayaa magacaabay xubnaha Guddiga doorashada qabashada doorashada A...
04/08/2021

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle C/xakiin Luqmaan ayaa magacaabay xubnaha Guddiga doorashada qabashada doorashada Aqalka Sare, iyadoo Guddoomiyaha, Xildhibaannada Baarlamaanka, Madaxweynaha, Madaxweyne Kuxigeenka ay gabigood ku sugan yihiin Muqdisho, marka laga reebo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Xasan uu ku sugan yahay Jowhar.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Guddiga doorashooyin...
03/08/2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Guddiga doorashooyinka Xildhibaannada labada gole ee Gobollada Waqooyi, ayaa sheegay in xubnaha guddiga laga doonayo in ay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii lagu murmay ee dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiga.

Xildhibaan Abdirisaaq Khaliif ayaa noqday Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland. Isbaahaysiga mucaaradka ayaa ka ad...
03/08/2021

Xildhibaan Abdirisaaq Khaliif ayaa noqday Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland.

Isbaahaysiga mucaaradka ayaa ka adkaaday garabkii Xukuumadda & Madaxweyne Biixi.

FARATOON - 39
KHALIIF - 42
Kala soco

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Muda...
01/08/2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo uu ka sugayay xal ay heshiis ku yihiin oo ku aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo muddo hal maalin ah, codsigaas oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka aqbalay.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when HIIL FIQI CUMAR posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share