Digsi

Digsi بِسْمِ ٱللَّٰهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

walaaalaha sharafta badan soo dhawaada . Follow iyo shere igu dhiiro geli mahadsanid ❣

Magaceyga Ali moh'ud
Halkan waxan kugula wadagi dona muqalo , iyo qormooyin ku xiiso geliya inshallah.

06/09/2024

Baxsadki geerida | gabadhi soomaaliyeed ee la tartantay geerida | saamiya | Hordhac........

17/07/2024

𝙎𝙝𝙞𝙧𝙦𝙤𝙤𝙡𝙠𝙖 𝙖𝙮 𝙀𝙩𝙝𝙞𝙤𝙥𝙞𝙖 𝙪 M𝙖𝙡𝙚𝙚𝙜𝙖𝙮𝙨𝙤 u𝙢a𝙙𝙖 𝙨𝙤𝙤𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙚𝙚𝙙 .

MUUQAALKAN MAXAA KAAGA BAXAY ?

Nicholas Cage wuxuu dhahay Africa hadaa rabtid inee islayso diyaarad hub ah dhexda ka dhig .

Xalada uu dalkena ku jiro cid moog miyaa jirta .

Digsi 👈 waa madal lagu Kariyo xogo iyo barnaamijyo xiiso leh .

Benjamin Farankalin ayaa yidhi "Dadku intooda badan waxay dhintaan iyagoo 25 jir ah, balse waxaa la aasaa iyagoo 75 jiro...
11/07/2024

Benjamin Farankalin ayaa yidhi "Dadku intooda badan waxay dhintaan iyagoo 25 jir ah, balse waxaa la aasaa iyagoo 75 jiro ah" Maahmaahdaa hadii lagu dhaho adigu micno u sameyso, maxaad ku micneyn lahayd.

Fikirkeyga: 25 waa wakhtiga ugu wacan ee aad rajo dhisan karto waxbaran karto hadii aad wakhtiga aad dhaafto waad dhimaty nolol ahaan.
Digsi 👈❣Nagu so biir

Wiil ayaa sawirkaan soo dhigay wuxuuna ku qoray: Saddex sano ka hor ayaan shaqo bilaabay, hooyadey ayaan mushaarkeyga qe...
10/07/2024

Wiil ayaa sawirkaan soo dhigay wuxuuna ku qoray: Saddex sano ka hor ayaan shaqo bilaabay, hooyadey ayaan mushaarkeyga qeyb ka siin jiray si aan xoogaa yar uga celiyo wanaaggi ay ii sameysay.

Shalay inta ay i wacday ayey igu tiri qaado lacagta boorsadan yar ku jirto, waa lacagti aad i siin jirtay, hal dollar xitaa k**a isticmaalin, waxaan kuu aruuriyay $5,600 si aad guurkaaga ugu kaashato.

Hooyo Ifka hibo ku noolow
Aakhiro halkii roon.❤❤
Digsi

Xoolo raggeed Feedho ka xisaabsan!.Ishowspeed oo ah YouTuber iyo TikToker caan ah oo wayaahanba socdaa ku maraayey qaara...
09/07/2024

Xoolo raggeed Feedho ka xisaabsan!.

Ishowspeed oo ah YouTuber iyo TikToker caan ah oo wayaahanba socdaa ku maraayey qaaradda Yurub ayaa ugu danbeyn yimid Dalka Switzerland maalintii ey dhaceysay ciyaartii Swisska iyo Egland, SPEED ayaa markuu imaanayey lasoo xiriiray Gabadha caanka ah ee Alisha Lehmann oo u dhalatey dalkaan Swizerland si ey u soo tusto meelahaa uu u baahanyahay inuu tego inta uu joogo Swisska.

War yaanan idinku daaline,wuxuu ka dalbaday iney geyso meelahaa sacaadaha ugu qaalisan Swisska lagu gado maadaba dalkaan uu yahay Dalka saacadaha ugu qaalisan adduunka soo saara, Speed ayaa damcay inuu gato saacad 90,000 CHF lacagta Swisska oo u dhiganta lacag ku dhow $100,000.Alisha ayaa dhahday miyaadan saacad ii iibineyn?.

Speed ayaa dhahay “qaado saacadaa rabto waxayna qaadatey saacad 75,000 lacagta Swisska ah $80,000 iyo xoogoo ,balse wuxuu damcay inuu u xiro oo Romatic jilaan.Kedib waxay iska soo jartey saaxiib ayaan leeyahay(I have a boyfriend), Hadalkaas markuu maqlay Speed, boqol ayey ka gaartey wuu xanaaqay ,Ok hakuu iibiyo saaxiibkaa ayuu dhahay halkaas ayaa lagu tegay iyadoo Kala xanaaqay.

Alisha oo ah ciyaaryahanad caan ah ayaa inta xanaaqday bey Instagramka unfollow dhahday intii ey usii socdeen goobta ey ka daawanaayeen ciyaartii Swisska iyo Egland, Sheekadan ayaa aad loo hadal haayaa adduunka,Alisha ayaa mar tiri ciyaaryahan caan ah ayaa iga dalbaday inaan hal habeen kula seexdo $100,000,manateyna 20 jirkaan Youtuberka ah ayey saacad ii qaad ku tuugeysaa.

Gabdhow joojiya babay cash ayaan rabaa xoolo raggeed xabadka ka xisaabsan lol.

Xaqiiqooyin Xiiso Leh Oo Ku Saabsan Soomaaliya.  🇸🇴  1. Dalka waxaa si rasmi ah loogu yeeraa “Jamhuuriyadda Federaalka S...
07/07/2024

Xaqiiqooyin Xiiso Leh Oo Ku Saabsan Soomaaliya. 🇸🇴

1. Dalka waxaa si rasmi ah loogu yeeraa “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”, dadkisa Waxaa lagu qiyaasaa dad ku dhow 17 milyan oo qof.

2. Soomaaliya🇸🇴 waa Dhulkii Dayaxa.
Erayga “Soomaaliya” waxa uu ka soo ka yimi laba eray oo kala ah Soo oo ah soco iyo Maal lis , dadyowgi soomaaliya iman jiray ayaa ayaa dadka soomaaliyeed ka maqli jiray soo-maal oo la micno ah soo lis, sidaas darteed ayey soomaal ugu bixiyeen magacuna ku baxay .

3. Soomaaliya🇸🇴 waxay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, waxayna xeebta soomaaliya gaareysaa 3,333 km oo ku teedsan badweynta Hindiya?

4. Soomaaliya🇸🇴 Waxay Leedahay Mid Ka Mid Ah Xoolaha Geela Ugu Weyn Adduunka. Imaaraatka ama Boqortooyada Sacuudi Carabiya ma laha tirada ugu badan ee geela adduunka. Soomaaliya ayaa ka horraysa xoolaha ugu badan ee in ka badan 6 milyan oo geel ah, sidaas darteed, waa mid ka mid ah kuwa ugu horreeya wax soo saarka iyo dhoofinta caanaha geela ka dib Kenya iyo Mali.

5. Soomaaliya🇸🇴 waxa ay caan ku tahay dad degan oo qurux badan.

6. Muqdisho waxa loo yaqaan “Xamar”.🇸🇴

7. Soomaaliya🇸🇴 waa mid ka mid ah qowmiyadaha ugu qanisan qaaradda.

8. Soomaaliya🇸🇴 Waxay leedahay mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee dhalmada adduunka oo dhan, iyadoo haweeney kasta celcelis ahaan ay dhashay ilaa 6 carruur ah. Dhaqamada ayaa kor u qaada qoysasku in ay bataan.

9. Haddii aad go'aansato inaad booqato saaxiib Soomaali ah waxaa lagugu soo dhawaynayaa guri udgoon. Isticmaalka dhagaxa saabuunta ama dhoobada cad ee fooxa waa mid aad u xiiso badan dadka deegaanka marka ay martigelinayaan martida ama qabanqaabinta munaasabado gaar ah.

10. Mid ka mid ah waxayaabaha Soomaalida xiisaha u leh 🇸🇴 waa in dadku ay cunto kasta ku cunaan Muuska.

11. Soomaaliya🇸🇴 waa mid ka mid ah wadamada aadka u bilicdasan ee Africa. Waxay ku fadhidaa qaybta bari ee qaarada.

03/07/2024

Wax walboo aad ku hadleyso ama aad bulshada la wadaageysid waxa ay ka turjumayaan qofnimadaada, akhlaaqda wanaagsan waa baasaboorka ugu sareeya ee dunida lagu maro aakhirana abaalgud wanaagsan Alle looga helo, dad badan maanta inta ay is leeyihiin hadalkaaga ama ficilkaaga saameyn ha yeesho ayey baasaboorki aduunkana iska gubayaan tii aakhirana meel bey u taallaa.
Ilaahey xaqa hanagu wada sugo.
Waan idin salaamay walaalaha qaaligaa.

Maxaan u Dooranay dariikha Faqriga , Miyaaney Hanti nagu Filan Aduunka oolin . Muqaalkeena soo socdo Inshallah .
05/05/2024

Maxaan u Dooranay dariikha Faqriga , Miyaaney Hanti nagu Filan Aduunka oolin . Muqaalkeena soo socdo Inshallah .

1 May world labour day
01/05/2024

1 May world labour day

24/04/2024

Baro Sida loo guuleysto adoon lagu ogeyn .......
Sii faafi mahadsanid .❣✌

Si amuurahaaga aduun kuugu hagaagaan oo aad barwaaqo u gaartid waxaad u baahan tahay inaad maalin walba lambarkaan bilaa...
21/04/2024

Si amuurahaaga aduun kuugu hagaagaan oo aad barwaaqo u gaartid waxaad u baahan tahay inaad maalin walba lambarkaan bilaashka ah garaacdid. waa lambar barakeysan oo lagu wada liibaanay.

Hadii aad fahantay lambarkaan waxa uu yahay, si ay walaalaha kale uga faaideystaan hoos inoogu soo qor waxa laga wado.

Ninka sawirkan ka muuqda waxa la sawiray sanadkii 1946dii. Magaciisu waa Ken Shimizu oo waqtigaas 35 jir ahaa, waxaana u...
20/04/2024

Ninka sawirkan ka muuqda waxa la sawiray sanadkii 1946dii. Magaciisu waa Ken Shimizu oo waqtigaas 35 jir ahaa, waxaana u joogtay 2 carruur ah.

Shimizu waligiis ma jimicsan, sow cajiib maaha? Ku darsoo, saqdhexe ayuu seexan jirey habeenkii, ma aheyn ragga cunnooyinka qaar iska ilaaliya sida barruurta iyo dufanka badan. Wax walba oo bisil ayuu cuni jirey habeen iyo maalin.

Haddaba, maxay tahay sirta ka dambeysa qaab-dhismeedka jirkiisa? Shimizu ma laha sir u gaar ah. Sida dhabta ahna ninka aan ka hadleyno waa ninka fadhiya dhanka bidix ee buuran. Ninkan taagan ma hubo sirtiisa!!

- Nasri Juka

ALLAHU AKBAR:  Dhakhtar udhashay wadanka Maraykanka ayaa yiri: Sida kaliya ee ugu dhakhsaha badan oo Oxygen tu kugaadho ...
28/03/2024

ALLAHU AKBAR: Dhakhtar udhashay wadanka Maraykanka ayaa yiri: Sida kaliya ee ugu dhakhsaha badan oo Oxygen tu kugaadho wadnaha iyo sanbabada marka qofku naqaska kudhago : waa marka qofku sidaas wajiga dhulka udhigo (sida aynu u sujuudda hadaanu nahay muslimiinta)

Aayaddaan Hoos kuqoran ayaa ilaahay Nebi Muxamed Scw kuleeyahay 1445 sano kahor, oo macnaheedu tahay "waanu ognahay in laabtu kuciriiryoonayso waxa ay kuleeyihiin dartiis, ilaahay utasbiixso (isagaa xumaan kanasahane) kana mid ahaw kuwa sujuudsan.

Aayaddan ayaa tilmaamaysa in lasujuudaa qofka ay kayaraynayso in uu walwalo, oo marka laabtu qofka ciriiryooto oo murugoodo haddii uu sujuudo oo tukado ay kayaraanayso hamiga hayaa, sidoo kalena waa lamid qofka inta naqasku kudhagay sidegdeg ah ugu baahda in oxygen uu kuhelo.

وَلَقَدْ نَعْلَمُ أَنَّكَ " يَضِيقُ صَدْرُكَ " بِمَا يَقُولُونَ فَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ وَكُن مِّنَ "السَّاجِدِينَ " ..!



X.Nadra siciid

12/02/2024

13 wiil ayaa darteeda isku dishay gabadhan . Wadaag wax ka ogaaw

05/02/2024

Soo dhaweynta masiixu dajaal || Wadaag wax ka ogaaw 01|24

بِسْمِ ٱللَّٰهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ .Waxaan shaqo quruxbadan u qabanay macmiilkeenna (APLHA ONLINE MARKET).Adigana w...
02/12/2023

بِسْمِ ٱللَّٰهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ .
Waxaan shaqo quruxbadan u qabanay macmiilkeenna (APLHA ONLINE MARKET).
Adigana waxaan diyaar kuula nahay inaan kuu curino astaan ku haboon ganacsigaaga.
Contact us: +25261 7014386
🇸🇴

    Wadaag wax ka ogaaw
29/11/2023

Wadaag wax ka ogaaw

We can change your dreams to realities .      Wadaag wax ka ogaaw 👈Follow us
28/11/2023

We can change your dreams to realities .


Wadaag wax ka ogaaw 👈Follow us

"Sawirki Ugu sameeyn badnaa         Taariikhda Dunida."Dagaalkii Labaad ee dunida wiil reer Japan Ah Oo Dhawarka Ku wata...
28/11/2023

"Sawirki Ugu sameeyn badnaa
Taariikhda Dunida.

"Dagaalkii Labaad ee dunida wiil reer Japan Ah Oo Dhawarka Ku wata Walaalkiisa Oo Meyd ah Si Uu U Aaso.Ayaa Askari Ku Yidhi Yarisow Ilamaha Yari waa meydee Iska Tuur Si Aanu Kuu Daalinin Culeyskiisa, Wilkii Waxaa uu Ugu jawaabay Ma Cusla Kani Waa walaalkey! Askarigiina Wiu Iska Ilmeeyey😔

sawirkani Waxaa Uu Noqday Astaanta Midnimada Dalka Japan .

28/11/2023

Sida looga bad baado daadadka roobabka xoogan muhiim.................. see more

24/11/2023

Jimco wanagsan 💙
23/11/2023

Jimco wanagsan 💙

Address

Mogadisho

Telephone

+252617014386

Website

http://maajid_stories.com/

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Digsi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Digsi:

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share