Madadaalo

Madadaalo Waxaa bartaan kaheleysaa Xaqiiqooyinka Layaab leh iyo muuqaalo madadaala goods and service

01/02/2023

πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚

Barca Gate...warbixin dhameestiran ..Josep Maria Bartomeu iyo Agaasimayaal ayaa subaxnimadii maanta loo xiray fadeexadii...
01/03/2021

Barca Gate...warbixin dhameestiran ..

Josep Maria Bartomeu iyo Agaasimayaal ayaa subaxnimadii maanta loo xiray fadeexadii Barcagate.

Waxaa xabsiga dhigay kooxda (Mossos de Esquadra) - ciidanka booliska Catalan - kuwaasoo baaraya xafiisyada kooxda.

Halkan, waxaan si guud ugu qeexayaa fadeexada Barcagate iyo macnaha ay u leedahay Bartomeu iyo asxaabtiisii ​​h**e.

Waa maxay Barcagate?
Baaritaanka Barcagate wuxuu bilaabmay kadib markii ay cabasho sameeyeen koox xubno ah oo la yiraahdo (Dignitat Blaugrana).

Waxay sameeyeen cabashadan ka dib markii ay soo baxday sheekada (I3 Ventures), taasoo ku andacootay in Barcelona ay lacag ku siisay shirkadan kormeerka baraha bulshada iyo waliba, suurta galnimada, buunbuunin ee sare ugu qaadayaan muuqaalka Bartomeu sidokalana waxyeeleeyaan ciyaartoyda iyo agaasimayaashii h**e qaarkood.

Goorma ayuu kiiskani soo baxay?
Waxay ahayd Febraayo 17, 2020, kadib markii Cadena SER ee shaaca ka qaaday in Barcelona ay qandaraas lagashay shirkada I3 Ventures tan iyo dhammaadkii 2017.

Waxaa lagu soo warramay in shirkaddan, oo uu leeyahay Carlos Ibanez, ay u adeegsatay ugu yaraan lix koonto oo kala duwan oo Facebook ah si ay u yareeyaan shakhsiyaadka Barcelona ee aan la safnayn Bartomeu.

Ciyaartoyda sida Lionel Messi iyo Gerard Pique ayaa ka mid ahaa kuwa la dhaliilayo ee shirkada nartilmaameed kadhiganeesay.

Waa maxay dambiyada la sheegayo?
Baaritaanka garsoorku wuxuu eegayaa dambi suurtagal ah oo maamul xumo ah taasoo kusaabsan qarashaadka tirada bdn.

Waxay sidoo kale fiirinayaan musuqmaasuq bdn oo kajiray xafiisyada kooxda, haddii agaasime kasta uu helo guddi.

Warbixin ay soo saartay waaxda dambi baarista ee booliiska Catalan ayaa loo gacan galiyay garsoore Alejandra Gil Lima, oo ka tirsan maxk**ada 13-aad ee baaritaanka Barcelona, ​​waxaana la rumeysan yahay inay xustay astaamo musuqmaasuq iyadoo la tixgelinayo in kooxda laga yaabo inay bixisay qiimo "lix jeer ka sarreeya "sicirka suuqa kala iibsiga.

Ganacsi noocee ah ayaa ku lug leh caraashaka kiiska Barcagate?
Wararka ayaa sheegaya in Barcelona ay 1m euros sanadkiiba siin jirtay shirkada I3 Ventures si ay ula socoto baraha bulshada isla markaana ay baraha bulshada ugu dardar galiso Bartomeu iyo gudigiisa qaab amaan ah

Lacag bixinta ayaa la sheegay in lagu sameeyay siyaabooyin kala duwan oo soo maray waaxyo kala duwan taasoo ka hooseesa 200,000 euro, taasoo la micno ah inaysan u baahnayn ogolaanshaha guddiga.

Markii dambe ayaa shaaca laga qaaday waxa ay ahaayeen shirkadaha kala duwan ee lacagaha noocaas ah qaata. Waxay kala ahaayeen NSG Social Science Ventures SL, Ta**ra Soft SA, Digital Side SA, Big Data Solutions SA iyo Futuric SA, marka lagu daro I3 Ventures. Dhammaantood waxay ku xirnaayeen Carlos Ibanez.

Maxay ahayd jawaabta rasmiga ah ee Barcelona?
Waqtigaas, Barcelona ayaa soo saartay war rasmi ah oo ay ku beenisay wararkaas. Balse waxee tilmaameen inee lashaqee doonaan dowlada

Marka bartameu iyo shirkadaha uu lahishiiyayba waxee sugayaan maxk**adeen iyadoo wali ee socato baaritaankooda

W/Q Abdirahmaan Shuurow

Roma 3:0 ayaa looga badiyay ..hadana goal lagama dhalinπŸ€”πŸ€”πŸ€”πŸ€”πŸ€”Warkaaan waarun oo xaqiiqo ahKooxda Roma isbuucaan 0:0 ayee ...
22/09/2020

Roma 3:0 ayaa looga badiyay ..hadana goal lagama dhalinπŸ€”πŸ€”πŸ€”πŸ€”πŸ€”

Warkaaan waarun oo xaqiiqo ah

Kooxda Roma isbuucaan 0:0 ayee lagashay Helas Veron hal dhibic ee heshay kulankaan waalaga ceshtay badalkeedana 3:0 inlooga badiyay ayaa ladiiwaan galiyay Error ma ahan waa xukun kudhacay

Waxee si qalad ah uga diiwaan galiyeen 22jirada kooxda Roma wiilka Amadou Diawara oo 23 jir ah wiilkaas dartiis ayee kuwaayeen dhibic guuldarana lagusiiyay iyagoo dhibic shaqeestay .....SERI A iyo musuq ...soomali waxee lamusuq badantahay waa Talyaaniga nagumeestay

W/Q Abdirahmaan Shuuroow

19/09/2020

Waa iska Zooumeeheynaa heeπŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚ Daacadaa uqoslay wlh🀣🀣🀣🀣🀣🀣

Address

Mogadisho

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Madadaalo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Madadaalo:

Videos

Share

Category


Other Video Creators in Mogadisho

Show All