
05/03/2025
1.4 Billion
Hackerska Kuuriyadda Waqooyi iyo jabsashadda $1.5 Billion saacad gudaheed!
21ka bishii 2aad ee aynu soo dhaafnay waxaa hal mar la jabsaday oo lala wareegay $1.4 Billion, oo ah lacagta loo yaqaan Ethereum.
Waa lacagtii ugu badnayd ee hal mar laga jabsaddo suuqa lacagaha Crypto, waxaana lacagtan lagala baxay Shirkadda Bybit.
Baaritaan kadib waxaa la ogaaday in lacagtan ay jabsatay koox loo yaqaan Lazarus, oo fadhigeeddu yahay Kuuriyadda waqooyi.
Lacagtii ay jabsadeen shalay ayay u badaleen Bitcoin, wax ka soo celiyana ilaa hadda waa la la’yahay!