Ministry of Livestock, Forestry & Range- Jubaland

  • Home
  • Ministry of Livestock, Forestry & Range- Jubaland

Ministry of Livestock, Forestry & Range- Jubaland WAA BOGGA RASMIGA AH EE WASAARADDA XANAANADA XOOLAHA DHIRTA IYO DAAQA EE DOWLAD GOBOLEEDKA JUBALAND Government organisation page

KULAN WADATASHIWasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Jubbaland waxay qabatay Kulanka Wadatashiga Sa...
24/09/2025

KULAN WADATASHI

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Jubbaland waxay qabatay Kulanka Wadatashiga Saamilayda (Stakeholders Consultations) oo ku saabsan:

✅ Qiimeynta & Naqshadeynta Nidaamka Maaraynta Macluumaadka (MIS)
✅ Habraacyada Uruurinta & Falanqaynta Xogta
✅ Sameynta Digital Dashboards casri ah

Kulankan waxa uu qayb ka yahay dadaallada Wasaaradda ee lagu horumarinayo hannaanka maamulka xogaha iyo adeegyada, si loo gaaro qorshe wax-ku-ool ah oo taageera horumarinta iyo tayeynta adeegyada xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa ee Jubbaland.



Ministry of Livestock, Forestry & Range- Jubaland

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dawladda Jubaland ayaa qabatay Qiimeynta Baahiyaha Tababarrada Shaqaal...
21/09/2025

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dawladda Jubaland ayaa qabatay Qiimeynta Baahiyaha Tababarrada Shaqaalaha Wasaaradda.

Qiimeyntan waxay diiradda saaraysaa in la ogaado baahiyaha tababarka howl-wadeenada wasaaradda, caqabadaha jira iyo tababaradrada mudnaanta u leh shaqaalaha wasaaradda.



Ministry of Livestock, Forestry & Range- Jubaland

21/09/2025
Kismaayo, Soomaaliya – 21 Sebteembar 2025Magaalada Kismaayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Prof. Maxamed Xaaji Mukhtaa...
21/09/2025

Kismaayo, Soomaaliya – 21 Sebteembar 2025

Magaalada Kismaayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Prof. Maxamed Xaaji Mukhtaar, oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, isla markaana ah taariikhyahan caan ah oo wax ka dhiga Jaamacadda Safana ee dalka Mareykanka.

Prof. Mukhtaar ayaa maanta ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay. Soo dhaweynta waxaa ka qayb galay Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Jubbaland, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaanno, maamulka sare ee Jaamacadda Kismaayo, bahda waxbarashada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mudane Mukhtaar ayaa lagu wadaa inuu ka qayb qaato dood cilmiyeedyo muhiim ah oo diiradda lagu saarayo khayraadka dabiiciga ah ee Jubbaland iyo fursadaha ka faa’iidaysiga, isaga oo sidoo kale ka jeedin doona casharro ku saabsan taariikhda dalka. Kulamadan aqooneed waxaa soo agaasimi doonta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Jubbaland.

19/09/2025

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Jubaland waxay ka go’an tahay horumarinta adeegyada xoolaha, ilaalinta dhirta iyo horumarinta daaqa, si loo xoojiyo dhaqaalaha bulshada iyo ilaalinta deegaanka. Waxaan mudnaanta siinaynaa taageeridda xoolo-dhaqatada, kobcinta iskaashiga bulshada iyo hay’adaha.
Ministry of Livestock, Forestry & Range- Jubaland

02/09/2025

Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Jubbaland Maxamed Nuur Cali ayaa maanta la wareegtay agab muhiim u ah wasaaradda.

20/08/2025

Wasiirka Wasaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo daaqa dowladda Jubbaland ayaa sheegay in Dowladda Jubbaland waxay diyaar u tahay iney gacana horumarkeeda kaga shaqeyso gacana bulshadeeda ku difaacdo''

18/08/2025
14/08/2025

Dekadda weyn ee magaalada Kismaayo ayaa maanta laga dhoofiyay 2,500 oo neef oo lo’ ah, kuwaas oo laga soo iibiyey deegaano kala duwan oo ka tirsan Dowladda Jubaland. Xoolahan ayaa loo dhoofiyay dalka Cumaan.

Ka hor inta aan la dhoofin, xoolaha waxaa la geeyay Maxjarka Xoolaha ee Jubaland oo ku yaalla magaalada Kismaayo, halkaas oo lagu sameeyay baaritaanno caafimaad oo dhammeystiran. Waxaa la hubiyay caafimaadkooda, miisaankooda, waxayna mareen dhammaan habraacyada dhoofinta xoolaha.

Sidoo kale, muddo saddex toddobaad ah ka hor dhoofinta, xoolaha waxaa lagu hayay maxjarka, iyadoo lagu fuliyay tallaabooyinka karantiilka iyo baaritaannada lagama maarmaanka ah, si loo hubiyo in aysan qabin cudurro faafa isla markaana la naaxiyey.

tallaabooyinka ay qayb ka ah dadaalada Wasaaradda

-Horumarinta dhoofinta xoolaha nool

-Taageeridda dhaqaalaha bulshada reer guuraaga ah

-Sare u qaadista dakhliga.

Ministry of Livestock, Forestry & Range- Jubaland

13/08/2025

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Jubaland Maxamed Nuur Cali iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda ayaa kormeer shaqo ku tagay Maxjarka weyn ee magaalada Kismaayo.

Kormeerkan ayaa waxaa wasiirka ku wehelinayey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha, qaar ka mid ah hawlwadeenada wasaaradda, iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan maamulka Maxjarka.

Ujeedada kormeerka ayaa ahayd indha-indheyn iyo qiimayn lagu sameynayo shaybaarka xoolaha ee maxjarka, hubinta habsami u socodka shaqooyinka, iyo dabagalka nidaamka adeegyada caafimaad ee xoolaha la dhoofinayo.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu xoojinayo tayada adeegyada caafimaadka xoolaha iyo dhoofinta, si loo hubiyo in xoolaha laga dhoofiyo Jubaland ay buuxiyaan heerarka caafimaad iyo kuwa ganacsi ee caalamiga ah.
Ministry of Livestock, Forestry & Range- Jubaland

13/08/2025

Xoolaheena nool waa dahab madow oo dunida qaar deeqba u helin!!!

13/08/2025

Halkan waa deegaanka Dabeeyl Weyne oo kooxa caafimaaka Xoolaha ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Jubaland ka fulinayeen daaweyn Xoolo.
Ministry of Livestock, Forestry & Range- Jubaland

Address


Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+2523495099

Website

https://x.com/MOLFRJSS?t=S1XoJofGUy8O0tUqbv4VUA&s=08

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Livestock, Forestry & Range- Jubaland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ministry of Livestock, Forestry & Range- Jubaland:

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share