16/08/2023
Qiso Murugo Leh Sarkaalkii Jabhadda Gacan Libaax Dishay
Isaga oo nool ayaa cagtu saarnayd, ka hor intii aan maydkiisana lagu joogsan.
Axmed Cabdillaahi Axmed, waxa ahaa taliyaha ciidanka RRU’da.
Alle ha u naxariistee waxa u uku jiray ciidamadii dhawaan jabhaddu ku dishay go’da-yar.
Waxa uu guursaday gabadh kasoo jeedda beelaha aji ee Somaliland dega oo laba carruur ah u dhashay.
Qoyska gabadha oo mar danbe ogaaday in uu yahay Gabooye, ayaa dagaal toos ah iyo ku dadbanba kusoo qaaday, illaa ay ka fureen xaaskiisii uu jeclaa ee carruurta u dhashay.
Isaga oo ah taliyaha ciidanka ugu awoodda badan Booliska Somaliland ee RRU’da, ayuu sannado dhan u baqayay ammaankiisa.
Ammaankiisa oo keli ah ma ahane, waxa uu u baqayay ammaanka labadiisa carruur ah oo sida la ii sheegay dilkooda la maleegayay.
Cabsida uu ka qabay in ubadkiisa la dilo, waxa ay ku kaliftay in uu awlaaddiisii u geeyo hooyadii oo ku nool Ceerigaabo, halkaas ayaanay imika ku haysaa ubadkaas.
Muddo ka dib waxa uu guursaday gabadh kale oo iyana Aji ah.
Gabadhan danbe oo ilme u qaaday, waxa markiiba ka furay qoyskeeda.
Ilmahaa ay gabadha danbe u dhashay, waxa isaga oo mujo ah usoo qaaday qaar ka mid ah asxaabtiisa oo uu usheegay in uu ka baqanayo in ilmihiisa laga dilo.
Asxaabta usoo qaaday ayaa la safartay ilmihii, waxaanay Ceerigaabo ugu geeyay ayaydii oo ah Axmed hooyadii, oo horena u haysay labadii carruur ahaa ee kale.
Beesha uu Captan Axmed kasoo jeedo, waxa uu ka mid yahay dadka faro-ku-tiriska ah ee nolosha heer fiican ka gaadhay.
Bal ka warran kuwa iyagu ku nool heerka hooseeya ee beeshoodu ku sugantahay?
Bal ka warran ninka bulshadii uu u shaqaynayay dhibkaa iyo faquuqaa ku haysay?
Bal ka warran ninka isaga oo xaalladdaa ku jira aan ax odhan, awood dawladnimana aan ku aarsan?
Beeshaa sida loola dhaqmo ee foosha xun, wax halaga beddelo..
Wariye Siddiiq Burmad ayaa qoraalkan baahiyay oo bogiisa Soo dhigay
Maxay Kula tahay Adna