Xamse Hoodaale

Xamse Hoodaale xamse Hodaale Waaheen Online Cosmetics Waxay Caan ku tahay bilcinta iyo dhaashiga Haweenka
Xarunteedu waa Suuqa Waaheen gaar,ahaan agaagaarka masjul Nakhiil

12/12/2023

HARGAYSA IYO JACAYLKA

12/12/2023

Axmed saleebaan bidde Heesihii sameeyay maxaad ka xasuusataa?noogu reeb qaybta faalada hadaad hayso

12/12/2023

Tijaabo ayaan wadaaye haduu qoraalku kusoo gaadhey. HAA soo qor, AmaLike iyo love mid saar postiga 😁

Deegaanka ina guuxaa iyo dayrta.
13/11/2023

Deegaanka ina guuxaa iyo dayrta.

Magaceed u Taqeen ama ma Cuntay Qadhaabkan
13/11/2023

Magaceed u Taqeen ama ma Cuntay Qadhaabkan

Barri, waa maalintii qofka muwaadinka ahi jeclaa Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeisa
25/10/2023

Barri, waa maalintii qofka muwaadinka ahi jeclaa

Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeisa

Waxa Magaalada Hargeysa Xadhiga Lagaga Jaray Xaafada Cusub ee Rugsan Village ee Ay dhistay Shirkada Kaabsan Real Estate
25/10/2023

Waxa Magaalada Hargeysa Xadhiga Lagaga Jaray Xaafada Cusub ee Rugsan Village ee Ay dhistay Shirkada Kaabsan Real Estate

hawdkii Madheedhka iyo midhayada Lahaa
25/10/2023

hawdkii Madheedhka iyo midhayada Lahaa

Dhulka Hawdka Ee Dayrtu maashaysey
23/10/2023

Dhulka Hawdka Ee Dayrtu maashaysey

23/10/2023

Geelii Dayrta Dhaley

Kumanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay bannaanka h**e ee Qunsuliyadda Israa’iil ee Istanbul, si ay uga mudaaharaadaan ...
17/10/2023

Kumanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay bannaanka h**e ee Qunsuliyadda Israa’iil ee Istanbul, si ay uga mudaaharaadaan dilka in ka badan 500 oo falastiiniyiin ah oo Israa’iil ay ku dishay duqayn ay ka geysatay cisbitaal ku yaalla Gaza.

17/10/2023

Pray For palestine

17/10/2023

Qaar kamid ah dalalka Muslimka ah ayaa waxaa ka bilowday Dibad-baxyo lagaga soo horjeedo duqeymaha Israa'iil ka wado Gaza, gaar ahaan dalka Jordan ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u faro badan, iyagoo ku hor mudaharaaday safaaradda Israa'iil ee Ammaan.

17/10/2023

Xeerarka Guusha Xamse Xabiib ayaa soo jeedinaya.

Share

17/10/2023

Guurku ma Sahlana.

Share gareeya

Ibta cas ee geedka ku Taal waxa ku Jira 1:malab Shini 2: malab dhuunyaale.3midna
17/10/2023

Ibta cas ee geedka ku Taal waxa ku Jira
1:malab Shini
2: malab dhuunyaale.
3midna

14/10/2023

Hashan hadii lagu yidhaa magac u bixi maxaad u bixin lahayd.?

Oodan Geedkeedii waa?1:Qudhac 2:Qansax3:bilcin4:GaloolMidna
14/10/2023

Oodan Geedkeedii waa?

1:Qudhac
2:Qansax
3:bilcin
4:Galool
Midna

14/10/2023

Soomaalidu intooda badan Gabayga waa ay dhageystaan uun, laakiin ma dhuuxaan!

Bal dhuux

09/10/2023

Degdeg| Duqeymo isdaba joog ah oo Israel ay ku hayso aagga Gaza.

09/10/2023

DEG DEG: Mareykanka ayaa xaqiijiyay dhimashada sagaal American ah oo ku dhintay Israa'iil, sida goor dhow lagu sheegay warsaxaafadeed loogu tacsiyeeyay qoysaskii ay ka dhinteen oo uu baahiyay afhayeenka Golaha amniga qaranka Mareykanka.

09/10/2023

Dagaalo rabshado wata oo ka dhacay xadka waqooyi ee Falastiin iyo Lubnaan.

La soco Siina Share garee

09/10/2023

Laynka bilayska iyo Xaalad ka Taagan

Dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo dagaalyahannada Xamaas ayaa maalintii saddexaad ka socda gudaha qaar ka mid ah magaalo...
09/10/2023

Dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo dagaalyahannada Xamaas ayaa maalintii saddexaad ka socda gudaha qaar ka mid ah magaalooyinka iyo degaanada ku yaala bariga Israa'iil, iyadoo dhimashada dhinaca Israa'iil ay marayso 700 oo qof, halka dhaawacyaduna ka badan 2,400.
Dhinaca marinka Gaza oo ay Israa'iil duqaymo xoogan ku hayso, waxa ku dhintay 493 ruux oo ay ku jiraan dumar iyo carruur badan, waxaana dhaawac ah 2,751 qof oo kale.

09/10/2023

Daawo markii ay diyaarada la wareegtay ayna bartilmaansatay guryaha muwaadiniinta ee magaalada Gaza saaka subaxii

Share garee muslim allaw

War Degdeg ah Israaiil  ayaa xasuuq ba’an ka geystay koonfurta Marinka Gaza, wuxuuna duqeymo ku dilay dad rayid ah oo Fa...
09/10/2023

War Degdeg ah

Israaiil ayaa xasuuq ba’an ka geystay koonfurta Marinka Gaza, wuxuuna duqeymo ku dilay dad rayid ah oo Falastiini ah, kuwaasi oo caruur u Badnaa

Gaza

09/10/2023

Maariv oo ka Tirsan Ciidanka Israa'iil ayaa sheegay in taangiyo iyo madaafiic culus lagu riixay 20 goobood oo ku yaalla xadka marinka Gaza.

09/10/2023

Raadiyaha Israel ayaa sheegay in tirada dhimashada Israel ay kor u dhaaftay 1,000 dhimasho ah.

Xigasho Raadiyaha Israel

09/10/2023

Wararka Israa,iil iyo Iyo falastiin halkan ka bogo kolba halkay wax marayaan.

05/10/2023

Qays Qeysar Dad yuu ugu Necebyay.

05/10/2023

Dhul Soomaaliyeed.

23/08/2023

Keligay baan ahaa. Gaadhigii aannu la soconnay baa cidla na la fadhiistay kolkaas baa qof waliba cagihiisa maalay. Gaadhigu ma jabin ee dhiiqo ayuu galay. Roobab waaweyn oo maalintaas oo dhan iyo habeenkii ka horreeyayba da'ayay ayaa dhulkii ciidda ahaa ka dhigay daad iyo dhiidhi, baabuurkuna wax uu ahaa Siisow xun oo awalba is ka kharaab ah. Anigu dad badan oo dusha saarnaa baan ku jiray oo ilaa xalay intii aannu soo soconnay ee roobku da'ayay shiraaq xun oo daldaloola ayaa na gu dednaa oo na gu darroorayay. Waannu wada qoynay, alaabtiina waa ay qoyday. Anigu waxba ma aan sidan aan ahayn dharka aan gashan ahayn iyo kabaha aan illan ahay.

Markii gabbalku dhacay waannu wada dhaxamoonnay oo hoosta is ka wada galnay si aannu isu diirsanno. Anigu wax aan laabta ka galay naag indho qurux badan lahayd oo ninkeedu shidhka saarnaa, iyaduna laabta ayay i ga gashay oo habeenkii oo dhan laabta ayaannu is ka ga jirnay. Aad baannu raalli u ga ahayn in aannu is dugsannay, dadkuna na ma ay arkayn oo mugdi iyo roobabbow bay ahayd. Xitaa hadalkayaga xabeebta yeeshay la ma maqli karayn. Cidiba is ma ay arkayn is mana maqlayn oo labalaba iyo saddexsaddex baa hoosta la isaga galay. Qofka hadlaa wax uu dawinayay cod dheer oo guuxa baabuurka iyo dhibicda roobka dhex jiidhi kara. Waddadu waa xagaaf aan qardajeex waxba dhaamin oo baabuurku sagxadda ayuu na gu garaacayaa, laakiin wax aan dareemayaa in dadka badankoodu silica raalli ku yihiin. Waa silic wanaagsan.

Gabadh dhallinyaro ah oo buuran iyo nin qaad iyo sigaar is ku daldalaya, oo ilaa markii aannu magaalada ka soo baxnay sheeko huruuf leh wadaagayay, oo aannu sheeko xumadooda ka maadsanaynnay, imika waa ay is dugsanayaan oo isu juuq daayeen. Aniga ayaa xaggooda u gu xigay oo intii aan gabbalku dhicin ee aanay is la aamusin eraygii u gu dambeeyay ee aan ka maqlay wax uu ahaa iyada oo ku leh "na ga durug dhillay yahow xun ee khasiiska ahi". Baga! ayaan idhi, allaylehe labadaasi ha na ga aamuseen. Murankoodii baannu ka raysannay. Islaantii madoobayd, ee uunsiga iyo cadarka waallida ahi ka soo kakamayeen, ee xagga h**e ka soo jeedday, ee buraanburka iyo Quraanka is ku dhex walaaqaysay, iyadana yar aniga i la'eg baa sidii uu naas ka jaqayo dhuunta ka galay oo na ga aamusiiyay, oo buraanbur iyo Quraanba u diiday. Oday dhegi go'an tahay oo dabeecad xun oo qofka la hadlaba bakoorad xun oo uskag la casaatay ku la soo boodayay isagu waa keligii oo habeenka iyo dhaxanta cidla ayuu yaxoobaa. Haddii uuna dabeecad xumaan lahayn naag ag fadhida oo reer miyi ah oo aad u aamusan buu laabta gelin lahaa, laakiin waa taa wadaadkii tusbaxa dheeraa xaggeeda u durkay wax sheyddaan ka dambaajiyaba. Dhaxan daran baa dhacaysa ay xawaaraha baabuurka iyo roobku u ga dareen. Waa la wada juuq gabay, sidii geel iyo nirgo is jaqay oo wada fadhiistay. Habeenkii oo dhan wax dhintay iyo wax nool qofna qof kale ma ogayn.

Kolkii waagu beryay ee ay iftiin noqotay weli roobkii wuu da'ayay, gaadhiguna daadkii buu dhex jibaaxay, shiraaqii xumaa ee daldaloolayna sidii buu noo gu darroorayay, run ahaantiina waannu wada qoynay. Imika waannu ka la wada fuqnay oo qofna qof ma huwana. Anigu waaban gam'ay. Wax aan yara maqlayay naagtii indhaha wacwacnayd oo dadka ku leh "alla kan yar xalay dhaxan baa dili lahayd haddii aanan dharkayga oo dhan huwin lahayn". Wallaahay waa runteeda Indhacad. Inan gumeedkii qabay shidhka ayuu ku qayilayaa oo iyadaba xalay qabowgu wuu dili lahaa haddii aanan jidhkayga yar laakiin aadka u kulul huwin lahayn. Hadallo qadhqadhaya ayaa la is waydaarsaday kolkii waagu beryay ee ay iftiin noqotay. In baabuurku gaabinayo iyo in aan carrigii dhawayn baa la isu sheegay. Dadka waaweyni khamrad bay ka cabanayaan oo dhafoorrada ayay is wada hayaan, dadka yaryarina gaajo. Anigu toddoba iyo toban jir baan ahay oo wax aan helo hilib kulul iyo bariis kulul baan u gu jeclaan lahaa.

Goor ay barqo dheer tahay, roobkuna circaddaa yahay oo aan cadceedi jirin, ayuu gaadhigii meel cidla ciirsila ah na la fadhiistay. Dhiidhi buu galay oo dhiiqo ayuu afarta shaagba ku limmaday. Ha la qodo! La ma qodi karo. Ha la lugeeyo. Dadka qaar baan lugayn karin. Roobku imika ma xooggana laakiin dhulkii loo socday ma dhowa. Indhacad ma lugayn karto oo waa midhaxareedaad. Shidka ayay gashay. Intii waxa la yeelayo tashigeeda la waday baan anigu keligay taw idhi. Oo wax alaab ah ma sito cidna la ma aan socon ee maxaa i ga dhul yaalla. Socodka xitaa orod baan ku daray. Run ahaantii aad iyo aad baan socodka u macaansaday. Hawadu waa nadiif, dhulku waa biyo iyo rays, degaanku waa doog iyo qurux, roobkuna weli wuu shuuxayaa, cirkana daruur baa ku wada daboolay, socodkuna dhaxantii buu i ga yareeyay. Dad uun baan joogin, iyo xoolo. Waan og ahay dhulka sidan barwaaqada u ah waxa dadkii iyo duunyadii ka cidleeyay oo waa colaad. Aabbahay wax uu ii ga sheekayn jiray colaad, aniguna colaaddaa aan maanta dhex ordayo ayaan ku garaadsaday. Dhulku aad buu u qurux badan yahay, socodkana aad baan u gu raaxaysanayaa, laakiin waan gaajaysan ahay oo wax aan u baahan ahay hilib falfal ah oo kulul iyo bariis uumigu ka duulayo.

Wax aan ordaba goor casardheere ah wax aan ku soo baxay reer. Waxii kowaad ee aan arkay wax uu ahaa aqal weyn oo cad oo labadaryaale ah oo aroos ah. Daf baan idhi aniga oo dhawaaq is ka horraysiiyay. Aroosku sidiisaba ma aha guri caadi ah ee waa gole bulsheed oo furan. Aniga oo qoyan wax aan ku dhex dhacay dhallinyaro rag iyo dumarba isu gu jirta oo arooska u soo wada xarragootay. Goob diirran oo udgoon. Aniguna waa wada qoyan ahay oo waan qadhqadhayaa.

Dhar engegan baa la i siiyay, oo gogol diirran baa la i fadhiisiyay, oo bakeeri shaah ah oo caddays geel iyo sonkor badan leh baa falaas la ii ga shubay, oo hilib falfal ah oo kulul iyo bariis uumigu ka duulayo oo sixin leh baa la i siiyay, oo waa la ii sheekeeyay. Aad baan raalli u noqday, wax aan se u hiloobay habeenkii silica badnaa ee Indhacad.

Ibraahin-Hawd.

Alle ha u naxariisto, Abwaan Jaamac Kediye Cilmi oo maanta ku geeriyooday duqayn ka dhacday magaalada Laascaanood ee Gob...
16/08/2023

Alle ha u naxariisto, Abwaan Jaamac Kediye Cilmi oo maanta ku geeriyooday duqayn ka dhacday magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa wariye Bushaaro Baanday ku xukuntay hal sanno  oo xadhig ah , taasii oo ay iibsan k...
15/08/2023

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa wariye Bushaaro Baanday ku xukuntay hal sanno oo xadhig ah , taasii oo ay iibsan karto.

15/08/2023

Traffigura: Shirkad ka macaashta musuqa, laaluushka iyo duminta dalal dhisan.

XQ. Horyaal Tv.

15/08/2023

Hadraawi Iyo Kaligii Taliska

15/08/2023

Dhul Waa Hawd.❤️

Share

04/08/2023

Hooyo Safiye 88 Sanno Jir Ah Oo Qur,aanka Kariimka Ah Xifdisey.

Say Masha allah

Address

Hargeisa

Telephone

+2524162807

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xamse Hoodaale posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xamse Hoodaale:

Videos

Share