Hiilshacab Post

Hiilshacab Post freelancers Journalism Political Analyser and story author

12/09/2022

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo gudoomiyey shirka golaha wadatashiga qaran.

12/08/2022

Warar madax banaan ayaa xaqiijinaya in uu dekeda magaalada Muqdisho taagan yahay Markab ka yimi dalka Imaaraatka Carabta, sidana Gargaar loogu talogalay dadka ay sameeyeen Abaaraha baahsan ee kudhuftay dalka.

Xaafiiska R/wasaaraha iyo Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha ugu xilsaaran arrimaha Abaaraha ayaa isku haysta, cida xaqqa u leh in ay Gargaarkan kala wareegto dawladda Imaaraatka ee bixisay.

Madaxweyne Xassan ayaa amray shalay in Markabka uu la wareego R/wasaare Xamse, loona xilsaaro Raysalwasaare kuxigeenka, balse waxaa Talaabadaas ka carooday dhinaca Ergayga Arrimaha Abaaraha ee Madaxweynaha.

Waraaqo Canshuur dhaaf ah oo laga qoray Xaafiiska Ergayga gaarka ah, uuna wado mid kamid ah Gacan-yarayaadha Ergayga ayaa tagay Xaafiiska RW Xamse, balse wuu kuhungoobay helida saxiixida waraaqaha.

Ilo wargal ah ayaa xaqiijinaya in Cabdiraxmaan Warsame aaminsan yahay in ay tani shaqadiisa tahay, balse Villa Somalia ayaa sheegaysa in doorka Warsame yahay qareemid.

Xigasho Farah Abdulkadir Mohamed

10/08/2022

Qarax is miidaamin ayaa ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo werinayaa qaraxa oo ka dhacay meel aan ka fogayn madaxtooyada maamulka.

Xigasho Mohamed Salh

Mudadii furashada ururrada siyaasada ee Soomaaliland oo dhamaatay.
10/08/2022

Mudadii furashada ururrada siyaasada ee Soomaaliland oo dhamaatay.

KU:- GUDOOMIYAASHA LABADA XISBI MUCAARID (WADANI IYO UCID)KU:- TALIYAHA CIIDANKA BOOLIISKA JSL. KU:- DHAMAAN GUDOOMIYAYA...
10/08/2022

KU:- GUDOOMIYAASHA LABADA XISBI MUCAARID (WADANI IYO UCID)
KU:- TALIYAHA CIIDANKA BOOLIISKA JSL.
KU:- DHAMAAN GUDOOMIYAYAASHA GOBOLADA IYO DEGMOOYINKA JSL
OG:- WASIIRKU-XIGEENKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDHA
EE ARRIMAHA AMNIGA.
OG:- MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOOMAALILAND.
Ujeedo: Oggolaansho Bannaan-Bax Goobo Cayiman.

Markaan Arakay: Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland. Qodobkiisa 32aad, Farqadiisa 2aad oo cadeyneysa Xaqa Xoriyadda bannaan baxa iyo in loo raaco Xeer Lr.51/2012.
Markay i cadaatey: Masuuliyada ka saaran Amniga iyo kala Danbeynta Wasaaradda Arimaha Gudaha, sida ku cad Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda Xeer-nidaamiye Lr.01/2018 Qodobkiisa 27aad farqadihiisa 5aad 7aad iyo 17aad oo dhigaya inay sugto ammaanka muwadiniinta, kala-danbeynta iyo Anshaxa guud, Inay ka hortagto, lana dagaalanto dambiyada iyo wixii keena, Inay qiimayso, dabagashana hay’adaha Amniga.
Markay i cadaatey: Xeer Lr. 71/2015 Qodobkiisa 29aad farqadihiisa 2aad 3aad 4aad iyo 5aad oo cadeynaaya mas’uuliyada ka saran Amniga iyo kala danbeynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha kana hadlaya Ilaalinta amarka iyo kala-danbeynta, Sugidda ammaanka Muwadiniinta iyo Anshaxa guud. Hubinta xasiloonida iyo ammaanka Muwaadiniinta, iyada oo isku xidhaysa Lana kaashanaysa laamaha iyo Hay’adaha Xukuumadda. Ka hortagga iyo la-dagaalanka dambiyada iyo wixii keena.
Markaan Arkay: Xeerka illalinta Anshaxa iyo Nabad gelyada Guud Xeer Lr.51/2012, Qodobkiisa 10aad oo cadeynaaya Nidaamka guud, kala Danbeynta iyo Codsiga Banaan baxyada, iyada oo farqadiisa 1aad oo cadeyneysa shurruudaha looga baahan yahay oo laga eegaayo:-
b) Tirada Dadka ka soo qayb galaaya
t) ujeedada iyo Mawduuca loo qabanaayo Bannaan baxa.
Sidoo kale, Farqada 3aad ee qodobkan sababaha ku xusan awgeed waxaa Duqa Degmada, Gudoomiyaha Gobolka ama Wasiirka Arrimaha Guduhu go,aan qoraal ah oo sababaysan ku diidi karaa Banaan baxa, amase wuxuu wax ka bedeli karaa qaabka loo qabanayo iyo wakhtiga la qabanayo, isagoo ogeysiin deg-deg ah siinaya Guddiga Nabad-gelyada iyo Booliiska.
Markaan Arkay: Xeerka Illalinta Anshaxa iyo Nabad gelyada Guud Xeer Lr.51/2012, Qodobkiisa 13aad farqadihiisa 1aad iyo 2aad, oo cadeynaaya Kala Kaxaynta Bannaan baxyada.
Markaan Arkay: Xeerka Illalinta Anshaxa iyo Nabad gelyada Guud Xeer Lr.51/2012, Qodobkiisa 13aad farqadihiisa 1aad iyo 2aad, oo cadeynaaya Kala Kaxaynta Bannaan baxyada.

Markaan Arkay: Xeerka Illalinta Anshaxa iyo Nabad gelyada Guud Xeer Lr.51/2012, qodobkiisa 14aad farqadihiisa 1aad, 2aad iyo 3aad oo dhigaaya Habka loo Joojinaayo Bannaanbaxyada , iyada oo marka h**e la faraayo in ay joojiyaan Banaanbaxa, hadii ay u hogaansami waayaan, waxaa xoog ku Joojinaaya Ciidanka Booliiska, cid kasta oo diidey Amarka Joojinta Bannaan baxa Waxaa la horgeyn doonaa Hay’adaha Sharciga.

Markaan Tixraacay: warqada sumadeedu tahay Tix/Waddani/Ucid/05
/2020 ee ku taarikhaysan 08/07/2022 ujeedadeeduna ahayd war gelin dib u bilaabid Banaan baxyada Nabad gelyo ee ay ku sheegeen Badbaadada Somaliland Xisbiyadda Mucaaradka ah

Sidaas darteed, asbaabtaas sharci ee sare ku xusan awgeed waxaa idinku wargelineynaa in:-

1. aan go’aamiyey in Banaan baxyadu qabsoomaa maalinka Khamiista 11/08/2022, laga bilaabo 7:00: Subaxnimo ilaa 12:00 Duhurnimo. kana Qabsoomaan Xarrumaha Xisbiyada Macaaradka ee lixda Gobol ee kala ah:-
b) Awdal Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani
t) M/Jeex Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani Macalin Haaruun.
j) Saaxil Xarunta Dhexe ee Xisbiga Ucid
x) Togdheer Xarunta Dhexe ee Xisbiga Ucid
kh) Sool Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani
d) Sanaag Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani.
2. Waxaana ka reeban Banaan baxayaasha in ay ka gudbaan Xarumahaas loo cayimay ama loo xadidday.
3. Madaxda Labada Xisbi waxa lagu war-gelinayaa in ay ku ilaaliyaan Banaan baxayaasha Goobaha loo cayimay, hadii banaan baxayaashu ka gudbaan Goobahaas loo cayimay, Mas’uuliyadda Banaanbaxyaasha waxa Qaadi doonaa Madaxda Asxaabta Mucaaradka.
4. Waxaa la farayaa Taliska Ciidanka Booliiska JSL in Talaabo sharci ah ka qaadaan cidkasta oo Nabadgelyo daro ku kacda, kana baxda

5. Xayndaabka Goobaha loo cayimay, isla markaana in ay si buuxda u sugaan una ilaaliyaan Nabad gelyada guud ee goobaha loo cayimey.

b) in ay si Buuxda u sugaan Nabad g elyada Guud ee Dalka iyo Shacabka JSL.

t) Waxa la farayaa Dhamaan Gudoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka in ay fuliyaan Amarkaas Wasiirka gacan buuxdana siiyaan Ciidanka Booliiska.

Fiiro-Gaara:- Labada Xisbi Halka Goob ee loo cayimay ayay ku
qabsanayaan Banaan-baxa.

ALLAA MAHAD LEH.

MAXAMED KAAHIN AXMED
WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA JSL.

Sheikh Mukhtaar Roobow Abu Maansuur ayaa maanta la wareegay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Mukhtaar ayaa in mu...
10/08/2022

Sheikh Mukhtaar Roobow Abu Maansuur ayaa maanta la wareegay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Mukhtaar ayaa in mudo ah u xidhnaa maamulkii madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo oo ka soo qabtay magaalada Baydhabo dhamaadkii 2018 xiligaas oo Sheikhu doonayey inuu u tartamo madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Hargeysa:Wejiga labaad ee wada-hadallasa xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka ayaa furmay iyada oo uu keliya k...
10/08/2022

Hargeysa:Wejiga labaad ee wada-hadallasa xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka ayaa furmay iyada oo uu keliya ka qayb-galay Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, halka aysan tegin xisbiga Waddani, sida ay ku warrantay Warbaahinta SL.

Wada-hadalladan ayaa ku saabsan doorashooyinka Somaliland iyo dibed-baxyo ay doonayaan mucaaridku.

Labada Urur Siyaa,Sadeed Ee  Hayaan Iyo Hanaqaad Ayaa Maanta oo Ay Taariikhdu Tahay 10/8/2022 Si Toosa Ugu Biiri Doona U...
10/08/2022

Labada Urur Siyaa,Sadeed Ee Hayaan Iyo Hanaqaad Ayaa Maanta oo Ay Taariikhdu Tahay 10/8/2022 Si Toosa Ugu Biiri Doona Uruka Waaberi Party

Gudoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Sheikh Aadan Madoobe ayaa guddi soo baadha u saaray xildhibaanadii dhowaan fowdad...
09/08/2022

Gudoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Sheikh Aadan Madoobe ayaa guddi soo baadha u saaray xildhibaanadii dhowaan fowdada ka sameeyey xarunta golaha shacabka xiligii la ansixiyey xukuumada raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal Wasaare ku-xigeenka cusub ee Soomaaliya, Saalax Jaamac ayaa xilka kala wareegey Raysal wasaare ku-xigeenkii h**e,...
09/08/2022

Raysal Wasaare ku-xigeenka cusub ee Soomaaliya, Saalax Jaamac ayaa xilka kala wareegey Raysal wasaare ku-xigeenkii h**e, Mahdi Guuleed.

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in ay dalka Ukraine ugu deeqi doonto, hubkii ugu badnaa ee si toosa loogu dirayo dalk...
09/08/2022

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in ay dalka Ukraine ugu deeqi doonto, hubkii ugu badnaa ee si toosa loogu dirayo dalkaas, xilli Ukraine ay isu diyaarinayso inay ka hortagto weerarada uga imanaya dalka Ruushka ee ka socda Koonfurta dalkaas.

Hubka iyo saanadda kale ee Militari ee loo dirayo dalka Ukraine ayaa ku kacaya illaa $1 Bilyan oo dollar, waxaana hubkaasi isugu jiraa, gantaallo, rasaas iyo saanad kale, kuwaas oo laga soo ururiyey kaydka wasaaradda difaaca Maraykanka.

Shixnadda cusub ee hubka ee Maraykanku ugu deeqayo dalka Ukraine ayaa sii xoojin doontaa awoodda ay Ukraine u leedahay inay iska caabbiso weerarada uga Imanaya dalka Ruushka, waxaana dadka ka faallooda arrimaha dagaalku ay sheegayaan in marka ay Ukraine ay hesho hubkan, inay awood u yeelan doonto inay qaabayso habka dagaalku u socdo, isla markaana ay yeelato awood ay saamayn ugu yeelan karto guusha ay gaadhayso furimaha dagaalka.

Kyiv ayaa dedaal ugu jirta inay dib u riixdo ciidamada Ruushka, kuwaas oo ay maalmihii ugu dambeeyey dhex marayeen dagaallo culusi.
Isha sPuntland Post

Urur Siyaasadeedka Ubax ayaa maanta lagaga dhawaaqay Hargaysa Waxa la filayaa in uu noqdo ururkii ugu danbeeyay ee lagu ...
09/08/2022

Urur Siyaasadeedka Ubax ayaa maanta lagaga dhawaaqay Hargaysa

Waxa la filayaa in uu noqdo ururkii ugu danbeeyay ee lagu dhawaaqo maadaama oo muddada loo qabtay urur siyaasadeedyadu ay laba maalmood oo keliya ka hadhsan yihiin.

Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida , Mustafe Cumar ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay madaxweynaha Dawlad-goboll...
08/08/2022

Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida , Mustafe Cumar ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay madaxweynaha Dawlad-gobolleedka Koonfurgalbeed , Cabdicasiis Laftagareen oo booqasho ku jooga Itoobiya.

Kullanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray iskaashiga amniga ee labada dhinac , ka dib weerarradii Al-Shabaab oo dhinaca Itoobiya uga tallaabay xadka gobolka Bakool.

ISHA: Iman Jama

Madaxweyne Deni oo siyaasiyiin kala duwan u magacaabay La-taliyaal sare:1. Waxaa Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri) loo ma...
08/08/2022

Madaxweyne Deni oo siyaasiyiin kala duwan u magacaabay La-taliyaal sare:

1. Waxaa Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri) loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada.

2. Waxaa Cismaan Yuusuf Maxamuud loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyadda.

3. Waxaa Axmed Siciid Ismaaciil (Qolombi) loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Mashaariicda iyo Kheyraadka Dabiiciga ah.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBABAXAY DALKA UGANDAMuqdisho, Ogosto 8, 2022: Madaxweynaha J...
08/08/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBABAXAY DALKA UGANDA

Muqdisho, Ogosto 8, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Uganda, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho saddex maalmood ah ay uga bilaabanayso dalkaas ayaa waxa ay ka wada hadli doonaan Madaxweyne Yoweri Museveni xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca ammaanka.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu ka qeyb gali doonaa madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca waxsoosaarka, si loo sii horumariyo, loona xalliyo wixii caqabado ah oo ku xeeran.

Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggooda dalka Uganda la yeelan doona kulammo ku saabsan adkaynta xiriirka labada dal iyo xasilloonida Gobolka, iyagoo soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dib u xoojinta xiriirka dalkeenna iyo dalalka Gobolka.

WAR-SAAFADEED Hargeysa-07--08-2022()-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ay weheliyaan Wasiirka...
07/08/2022

WAR-SAAFADEED

Hargeysa-07--08-2022()-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdirashiid Xirsi Cali iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha, ayaa qaabilay Masuuliyiin ka socday Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCUD iyo WADANI, kaasoo Wasiirka soo gaadhsiiyey Qoraal ay Mudaharaad ku dalbanayaan Xisbiyada Mucaaradka ahi.

Labada Xisbi Mucaaradka ayaa maanta u soo gudbiyey Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, qoraal ay ku dalbanayaan Mudaharaad, Wasiirka Arimaha gudaha ayaa ka gudoomey Warqada ka timi Xisbiyada Mucaaradka ah, isaga oo Wasiirku Xafiiskiisa ku soo dhoweeyey masuuliyiinta qoraalka sidey.

Wasiirka ayaa u sheegay masuuliyiinta ka socdey labada xisbi in ay fariin ku celinayaan Gudoomiyayaasha Labada Xisbi Mucaarad, taasoo ah kulan uu Wasiirku kala yeelan doono dalabkooda ah Mudaharaad,taasoo xeerku dhigayo in laga wada hadlo Arrimaha Mudaharaad.

Isaga oo Wasiirku u sheegay masuuliyiinta ka socdey Xisbiyada Mucaaradka ah, in uu diyaar u yahay meelkasta oo ay jecel yihiin in kulanku ka dhoco uu diyaar u yahay Wasiirku, hadii ay Gudoomiyayaasha Xisbiyadu ay ka cudur daartaan ay yimaadaan Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

Masuuliyiinta ka socdey labada Xisbi Mucaarad ayaa iyana dhinacooda balan qaaday in ay fariintaa u geynayaan gudoomiyayaashooda.

Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

07/08/2022

229 Xildhibaan Aayaa Ansixsey Xukuumada Dan Qaran.

07/08/2022

DEGDEG:Buuq iyo sawaxan ayaa hadheeyey furitaanka kulanka ansixinta Golaha Wasiirrada, iyada oo qaar ay siidhi yeedhiyeen.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa amray in la sasro xildhibaanno uu sheegey in ay foodo wadaan.

Xigasho Mohamed Salh

Issimada dhaqanka beelaha Harti ayaa shir uga furmay magaalada Hadhwanaag ee gobolka Sool halkaas oo ay kaga arrinsanaya...
06/08/2022

Issimada dhaqanka beelaha Harti ayaa shir uga furmay magaalada Hadhwanaag ee gobolka Sool halkaas oo ay kaga arrinsanayaan dhamaynta colaada deegaannada Sengebiye iyo Saaxmayaag.

Wasiirka wasaaradda horumarinta jidadka ee Soomaaliland md Cabdirisaaq Maxamed Ibraahim iyo wefti hogaaminayo ayaa socda...
06/08/2022

Wasiirka wasaaradda horumarinta jidadka ee Soomaaliland md Cabdirisaaq Maxamed Ibraahim iyo wefti hogaaminayo ayaa socdaal shaqo ugu amba baxay gobolada Bariga Soomaaliland, waxayna soo kormeeri doonaan mashaariicda wadooyinka ee ay xukuumadda Soomaaliland goboladaasi ka wado.

Iyagoo kormeerkooda ka bilaabay laga dayactirayo inta u dhexeysa magaalooyinka Burco iyo Berbera, waxayna weftigani u sii gudbi doonaan gobolada Sool Sanaag iyo Togdheer.

Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Barwaaqo oo gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa si weyn loogu soo dh...
06/08/2022

Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Barwaaqo oo gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaaladaasi.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KORMEER SHAQO KU TAGAY TALISKA CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED Muqdisho, Ogoosto 06, ...
06/08/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KORMEER SHAQO KU TAGAY TALISKA CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED

Muqdisho, Ogoosto 06, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku adkeeyey hirgelinta, horumarinta iyo ilaalinta shuruucda dalka si ay tusaale wanaagsan ugu noqdaan bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladdan cusub ee uu hoggaamiyo ay xoogga saareyso labo istiraatiijiyadood oo lagula dagaallamayo argagixisada, si looga ciribtiro guud ahaan dalkeenna, taas oo ay laf-dhabar u yihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhammaan Ciidamada Qalabka Sida.

“Dowladdaan cusub waxaa u degsan labo siyaasadood oo ay argagixisada kula dagaallameyso, waxaan rabnaa in aan kula dagaallanno hab fikri ah, diiniyan ah, waddaniyad ah oo aan dadka Soomaaliyeed ku tusineyno beenta ay wadaan argagixisada. Sidoo kale waxaan rabnaa in aan kala dagaallanno ilaha ay ka helaan dhaqaalaha, annagoo hab sharciya u mareyno, dadka Soomaaliyeedna ku qancineynno in aan la aqbaleynin in ay argagixisada dhaqaale siiyaan”

Madaxweynaha oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska shaqada wanaagsan ay u hayan Qarankooda, isagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, sharciyadda booliska, hannaanka shaqo ee Taliska Booliska, baahiyaha Ciidamada, caqabadaha ka haysta qalabka ay ku shaqeeyaan iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

“Dowladdu waxaa ahmiyad gaar ah siineysaa horumarinta shuruuc ciidamada dalka si loo helo sharciyo la jaanqaadi kara hababka casriga ah ee ay waqtigan u shaqeeyaan hay'adaha ammaanka ee caalamka, taas oo fududeyneysa xaqiijinta hadafka guud ee ilaalinta amniga dalka. Ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay hormuud u noqdaan ilaalinta shuruucda ciidamada, dhaqan-gelinta xeerarka guud ee dalka, dhowrista sharafta, karaamada iyo xorriyada muwaadiniinta Soomaaliyeed xilliyada shaqada Qaranka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah la qaatay Taliska guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Talisyada hoggaannada, Taliyeyaasha ciidamada gaarka ah iyo Taliska qeybta guud ee Booliiska Gobolka Benaadir ayaa ku adkeeyey in ay xoojiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu muhiimadda ay dowladdu siineyso qorshaha ku saleysan xoojinta wadashqeynta shacabka iyo hay’adaha dowladda ee ay booliska ugu horreeyaan.

WAR DEG DEGA  Kooxda Al Shabaab beenisay war ka soo baxay Ethiopia kaasoo ay dowlada Ethiopia ku sheegtay inay dishay Sh...
29/07/2022

WAR DEG DEGA

Kooxda Al Shabaab beenisay war ka soo baxay Ethiopia kaasoo ay dowlada Ethiopia ku sheegtay inay dishay Sheikh Fuaad Shangole Cabdicasiis Abu Muscab iyo saraakiil kale oo kooxda ka tirsan..

29/07/2022

WAR DEG DEGA

Dowlada Ethiopia ayaa ku dhawaaqday inay dileen Fuaad Maxamed Khalaf Fuaad Shangole madaxii abaabulka iyo wecyigelinta Al Shabaab.

Cabdicasiis Abu Muscab Afhayeenkii howlgalada Al Shabaab.

Cubeda Nuur Ciise oo ahaa masuulkii Alshabaab u qaabilsanaa Abaabulka xuduudka Itoobiya iyo gobalka Bakool.

Jen, Tesfaye Ayaleh oo ah madaxa ciidamada difaaca iyo Isku duwanaha Howlaha KMG ah ee Taliska Nabadsugida Itoobiya ayaa kudhawaaqay.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya nolosha Fuaad Maxamed Khalaf oo loo garan og yahay Sheikh Fuaad Shanqole oo kamid...
29/07/2022

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya nolosha Fuaad Maxamed Khalaf oo loo garan og yahay Sheikh Fuaad Shanqole oo kamida markaska dacwada iyo hogaanka sare ee kooxda Al Shabaab, warar aan la xaqiijin oo warbaahinta qaarkeed tebisay ayaa sheegaya inay dileen ciidamada gaarka ah ee maamulka Somali State balse ma jiro wax wara oo ka soo baxay dhinacyada ku dagaalamaya degmada Yeed iyo deegaanka Caato oo ku saabsan wararka laysla dhex marayo ee ah in la dilay Sheikh Fuaad Shangole.

Fuaad Shangole ayaa kamida hogaan sare ee Al Shabaab kuwaasoo uu Maraykanku madaxooda maaliyiin dollar dul dhigay sanadkii 2013kii, Fuaad ayaa kooxda u qaabilsan dacwada, waxayna dadka yaqaana ku sheegaan inuu yahay nin ku fiican abaabulka iyo fidinta afkaarta al Shabaab isla markaana dadka si fudud wax uga dhaadhicin kara.

Dhowaan ayey ahayd markii Fuaad uu kula hadlay deegaano kamida gobolka Bakool ciidamo ka tirsan Al Shabaab kuwaasoo todobaadkii h**e weeraro iskugu jira kuwo toosa iyo qaraxyo ku qaaday ciidamada gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.

Dowladaha Sacuudiga iyo Giriiga ayaa kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo dhanka militariga, dhaqaalaha iyo amniga ku sa...
27/07/2022

Dowladaha Sacuudiga iyo Giriiga ayaa kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo dhanka militariga, dhaqaalaha iyo amniga ku saabsan.

Heshiiska ay maanta kala saxiixdeen Xukuumadaha Riyaad iyo Athens ayaa waxaa goob joog ka ahaa dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan iyo Ra’iisul Wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis.

Qodobada ugu waaweyn ee la kala saxiixday ayaa waxaa ka mid ah heshiis ku qotama dhanka ciidamada ah oo u dhaxeeya labada dal iyo sidoo kale heshiis kale oo la xiriira la dagaalanka dambiyada kala duwan.

Sido kale kale waxaa heshiisyada qeeyb ka ah iskaashi ay laba Xukuumadood ka yeelanayaan dhinaca dhaqaalaha, iyadoo la dhiirigelinayo maalgashiga sis are looga qaado dhaqaalaha labada dal.

Heshiisyadan ay wada saxiixdeen labada dal ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah iskaashi dhinaca caafimaadka ah iyo mid ku saabsan Sayniska iyo Farsamada Cusub.

Heshiisyadan ayaa yimid kadib markii dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Giriiga, isagoo ka horna safar kale ku tagay dalka Faransiiska.

Xigasho Puntland Post

27/07/2022

DEG DEG: Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaali Galbeed ayaa kudhawaaqay in dagaalka lagu soo qaaday Dawlad Deegaanka uu yahay mid la xariira Isku heysiga Biyo-Xireenka Abay Ee ay isku hayaan Itoobiya iyo Masar.

Madaxwayne Mustafe oo waraysi siiyay warbaahinta VOA-da[Amharic] ayaa sheegay in weerarka Alshabaab ay qayb ka yihiin jabhadaha Itoobiya ka dagaalama[Caddawga gudaha] iyo caddawga gobalka ee ay is hayaan Itoobiya.

Madaxwayne Mustafe, ayaa sheegay in dagaalkan la xidhiidho wabiga[Biyaha].Wuxuuna sheegay in Alshabaab ku doonaysay in saldhigato Itoobiya oo ay ka dhaq-dhaqaaqdo.

Qorshaha kooxdan oo uu ku sifeeyay in dhinacyo kale ku lug leeyihiin ayuu ku timaamay mid Deeganada Oromada iyo Soomalida ku wajahnaa,gaar ahaan in buurraha dhanka Celkari iyo Baal[Oromo] saldhig laga dhigto.

Madaxwayne Mustafe ayaa xusay in siguud qorshahan la fashiliyay,wuxuuna intaas raaciyay in macluumadkan iyo kuwa aan la shaacinba laga helay xubnihii argagixisada laga qabtay.[Maxbuuska]

Xigasho: VOSS TV

Madaxweynaha Soomaaliya Md Xasan Sheikh Maxamuud oo booqasho rasmiya ku joogay dalka Masar ayaa dib ugu soo laabtay maga...
26/07/2022

Madaxweynaha Soomaaliya Md Xasan Sheikh Maxamuud oo booqasho rasmiya ku joogay dalka Masar ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

DEGDEG: Somaliland ayaa muddo 20 maalmood ah u qabatay inay dalkeeda kaga baxaan dadka ajaanibta ah ee aan haysan sharci...
26/07/2022

DEGDEG: Somaliland ayaa muddo 20 maalmood ah u qabatay inay dalkeeda kaga baxaan dadka ajaanibta ah ee aan haysan sharciga.

Akhriso war kasoo baxay ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland.

** Wargalin & Digniin **

Taliska Ciidanka Socdaalka Jamhuriyadda somaliland wuxuu ku wargalinayaa Ajaanibka Sifo Sharci daro ah ku jooga dalka Somaliland in ay kaga baxaan muddo Labatan (20) cisho ah oo ka bilaabma 28/07/2022 ilaa 17/08/2022.

Sidoo kale waxaa lagu wargalinaya shirkadaha, Hayadaha iyo Ganacsata ay ka hawl’galaan shaqaale ajaanib ah, in ay ka shaqeeyan oo qudha ajaanibka haysta dalkujoog sax ah (Visa ama Qaxoonti).

Waxaa looga digaya goobta ganacsi, shirkad ama haayad ee lagu helo shaqaale bilaa sharci ku jooga dalka jamhuriyadda somaliland oo ka shaqeenaya, in laga qaadi doona talaabo sharciga waafaqsan mulkiilaha goobtaas.

Heerka sarifka ee Soomaaliland.
26/07/2022

Heerka sarifka ee Soomaaliland.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisey in Madaxweyne Xasan Sheekh dhiggiisa Masaarida Mr.Siisi kala hadlay biyo-xidheenka...
26/07/2022

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisey in Madaxweyne Xasan Sheekh dhiggiisa Masaarida Mr.Siisi kala hadlay biyo-xidheenka webiga Niilka, kaasi oo ay dhismihiisa ku muransan yihiin Masar iyo Itoobiya, sida uu sheegey Af-hayeen Kaar.

Hase yeeshee Madaxweyne Siisi si toos ah ayuu shalay khudbaddiisii ugu sheegey in uu kala hadlay dhiggiisa Soomaalida, biyo-xidheenka Niilka.

Xigasho Mohamed Salh

Dhismihii golaha wasiirrada ee qaatay 100 maalmood!W/Q: Iman Jama Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay muddo 10...
25/07/2022

Dhismihii golaha wasiirrada ee qaatay 100 maalmood!

W/Q: Iman Jama

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay muddo 10 cisho ah oo u dalbaday Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre in lugu siyaadiyo xilliga uu soo magacaabayo golaha Xukuumadda, markii ay dhammaatay soddon cisho oo ay ahayd inuu ku soo magacaabo golaha wasiirrada, balse aan dib u eegno Golihii waqtiga ugu dheeraa qaatay si loo magacaabo taariikhda Soomaaliya.

AUN Xassan Abshir Faarax oo noqday Raysalwasaarihii labaad ee ay yeelato Dawladdii kumeelgaadhka ahayd ayaa qaatay wakhtigii ugu dheeraa ee wada-tashi ah si uu u soo dhiso gole wasiirro ah. 18 Feebaraayo 2002, Raysalwasaare Abshir waxa uu soo dhisay gole wasiirro ah oo ka kooban 31 wasaaraddood. Dhismaha golaha wasiirradu waxa ay qaadatay wax ku dhaw 100 maalmood, halkii ay qaadan lahayd muddo 30 maalmood ah oo codka kalsoonida loogu waydiinayo golaha baarlamaanka.

Raysalwasaare Abshir waxa u abuuray wasaarado cusub sida wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska, wasaaradda dalxiska yo duurjoogta, wasaaradda dawladaha hoose, wasaaradda lacagta, wasaaradda dibu-heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka, wasaaradda naafada iyo dibu-dejinta, wasaaradda tamarta, wasaaradda qurbejoogta iyo arrimaha qaxootiga, wasaaradda dhaganka iyo hiddaha, wasaaradda dibu-dhiska iyo dibu-dejinta, wasaaradda deegaanka iyo wasaaradda dastuurka iyo federaalka.

Abuurista wasaaradda dastuurka iyo federaalku waxa ay u muuqatay in lagu kasbanaayay Puntland iyo xooggagga RRA oo gacanta ku hayay Baydhabo, taas oo uu rajaynaayay in lagu kasban karo in loo fuliyo dalabkooda la xiriira in dalka laga hirgaliyo nidaamka federaalka. RRA waxa ay meteli jireen qabiillada Digil iyo Mirifle, kuwaas oo u ololayn jiray in Soomaaliya laga dhiso Dawlad Federaal ah ilaa 1940-meeyadii iyo 1950-meeyadii.

Muddo xilleedkii dawladda kumeelgaarka ahi wax u dhammaanayay 13 Ogoosto, 2003;sidaa darted, Raysalwasaare Abshir iyo guddoomiyihii baarlamaanka Cabdalleh Deeraw Isaaq wax ay ku biireen shirkii ay IGAD qabanqaabinaysay ee Soomaalida loogu qabtay Mbaghati, Kenya. Ka qaybgalkooda shirku waxa uu dhabarjab ku ahaa Madaxweyne Cabdiqaasim oo shirkaa ka soo carooday. Abshir iyo Cabdalleh Deeraw waxa xilka ka qaaday baarlamaanka Soomaaliya 10 Ogoosto, 2003.

Cabdiqaasim wax uu kordhiyay muddo xilleedkii dhammaan hay'adaha dawladda kumeelgaadhka
ah, baarlamaankana waxa u u gudbiyay Raysalwasaaare cusub.

Raysalwasaarihii h**e Xasan Abshir Faarax waxa u Ankara ku geeriyooday 12-ka Julay
2020, isaga oo dadiisu tahay 75 jir.

25/07/2022

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ogolaaday codsi uga yimi raysal wasaare Xamse Cabdi Barre kasoo ahaa in mudo dheeriya la siiyo si u soo dhiso golihiisa wasiirada waxaan ogolaatay 144 xildhibaan halka hal xildhibaanna ka aamusay mana jirin cid diiday sida ay sheegtay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka ahna sintada gudoomiyaha murwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Qarax foolkaane ah oo ka dhacay dalka Japan.https://sonna.so/en/2022/07/25/volcano-erupts-on-japanese-island-kyushu/
25/07/2022

Qarax foolkaane ah oo ka dhacay dalka Japan.

https://sonna.so/en/2022/07/25/volcano-erupts-on-japanese-island-kyushu/

A volcano on Japan’s main southern island of Kyushu has erupted, spewing ash and rocks, and sending black smoke billowing high into the air. There were no immediate reports of damage or injuries in nearby towns, but residents were advised to evacuate on Sunday evening. Sakurajima volcano, which is...

Booliska Somaliland oo war ka soo saaray inankii dhalinyarada ahaa ee habeen h**e lagu dilay Hargeysa.Qoraalka Booliska ...
24/07/2022

Booliska Somaliland oo war ka soo saaray inankii dhalinyarada ahaa ee habeen h**e lagu dilay Hargeysa.

Qoraalka Booliska ayaa u dhigan sidan:

Taariikhdu markay ahayd 23/7/2022 Abaaro 2:20 habeenimo waxa magaalada Hargeysa lagu dilay Marxuum la odhan jiray Cawaale Nuur Bilaal sido kalana dhaawac la gaadhsiiyey Haweenay ay wada socdeen Marxumka la dilay, kaas oo u dilkaasi gaystay gacan ku dhiile Cabdiqani rashiid Xasan.

Dhacdadaas markii uu ku war helay Boolisku waxay Saacad wax ka yar ku aqoonsadeen gacan ku dhigle Cabdiqani rashiid Xasan, waxayna boolisku ogaadeen jihada uu u baxsaday, iyo deegaanka uu ka soo jeedo.

saacadu markay ahayd 4 habeenimo isla wakhtigaas Taliyaha saldhiga new Hargeysa gaashaanle baashe aw dheer oo wata laba baabuur oo ciidanka boolisku leeyihiin ayaa ka daba shiraacdeen jihada koonfureed ee gacan ku dhiiglihu u baxsaday,isla sacadu markay ahayd 9 subaxnimo wuxuu gacan ku dhigluhu ka talaabay magaalo xuduudeeda laba sigaala oo koonfur bari ka xigta 120 km magaalada Hargeysa.

Intaas ka dib waxa gaashaanle baashe xidhiidh la sameeyay isagoo adeegsanaaya wada shaqaynta ka dhaxaysa labada ciidan ee Booliska somaliland iyo booliska dowlada deegaanka, waxa halkaasi lagaga daray labadeeni gadhi ee Ciidanka Booliska JSL wateen gaadhi kale oo uu watay kornayl ciidanka dawlada deegaanka ah, waxayna 50 km u galeen Tuulada waaba cado oo ka tirsan dawlada deegaanka somalida Ethiopia, halkaas oo uu ku shidaal beelay gaadhigii uu watay gacan ku dhiigluhu intaas ka dib si ninka loo raadiyo ciidanku waxa uu bilaabay lug isla shalay 12 saacadood gudahood markuu dilku dhacay waxa lagu qabtay magaalada dhoobo guduud oo 50 km ku taal gudaha Ethiopia.

Intaa ka dib waxa mahada kowaad iska leh Ilaahay oo noo fududeeyay qabashada gacan ku dhiiglaha mahada labaadna waxa leh dadka shacabka ah ee labada dhinac ee sida fiican ula shaqeeyay labada Ciidan.

Sido kale waxa aanu u mahad-naqaynaa Ciidankii dawlada deegaanka iyo madaxdodii sida fiican ula shaqaysay Ciidanka Booliska JSL

Ugu dambayen waxaanu Hambalyeynaynaa Ciidankii Booliska iyo Taliyahodii ku soo guulaystay Hawlgalkaasi

WAR DEG DEGA Dagaalyahano ka tirsan kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta Koonfurta Soomaaliya oo gaadhaya ilaa 200 oo nin ...
24/07/2022

WAR DEG DEGA

Dagaalyahano ka tirsan kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta Koonfurta Soomaaliya oo gaadhaya ilaa 200 oo nin ayaa ka gudbay xaduuda gobolka Hiiraan la leeyahay Dowlad Deegaanka Soomaalida kuwas oo gudaha u galay Ethiopia sida uu BBC u sheegay gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

24/07/2022

Masar iyo Itoobiya iyo Saamayntooda Soomaaliya.
===========
Haddaadan jeclayn qoraalada dhaadheer wakhtiga beekhaanso.

Masar iyo Itoobiya midba si ayuu xaaladda Soomaaliya u arkaa. Dawladihii reer Maxamed Cali Baashaa ee Masar ka soo talinayey gaar ahaan xilligii Suldaankii la odhan jiray Khedeewe Ismaaciil, Itoobiyana uu ka talinayey Boqorkii la odhan jiray Yohannes Masaarida iyo Itoobiyaanku waxay dagaalo culus muddo ku dhex mareen deegaano badan oo ka tirsan Suudaan iyo Elatariya, oo ilaa Jabuuti iyo Saylac soo gaadhay. Masar xilligaa Suudaan iyo xeebaha badda Cas-ba saamayn weyn ayey ku lahayd.

Dagaalka labada dhinac dhex marayey wuxuu markaa ku qotomay cashuur badan oo ay Masaaridu ka dooneen badeecadaha Itoobiya ku socda, iyo damac galay dawladii Masar, maadaama ay Masaariduu waddada laga soo galo badda Cas saamayn ku lahaayeen.

Dagaalkaas labada dhinaca dhex maray oo kuwoodii ugu cuslaa dhaceen sanadihii 1875-76 waxaa lagu jabiyey Masaarida, waxaana halkaa ku soo af jarmay dagaalkii xilligaa labada dal dhexmaray. Loolanka labada dal halkaa iskuma taagin, bilowgii qarnigii 20aad mar kale labada dal waxaa ka dhex qarxay loolan kale oo markan ku saabsan qaybta dal waliba ka heli karo biyaha webiga Nile, hirdenka biyuhu wuxuu halkii ugu sareeyey gaadhay markay Itoobiya doontay in ay biyaha ka faa’iideysato, biyo xidheenka Afrika ugu weyna samaysato sanadkii 2011. Wixii intaa ka danbeeyey Masar waxay u aragtay in nolosha bulshada reer Masar khatar weyn la soo gudboonaatay.

Soomaaliya markasta waxay ahayd meel labada dalba ilo kala duwan ku eegaan, xilligii Khedeewe Ismaaciil Masaaridu waxay Soomaaliya ka soo gaadheen Saylac iyo Berbera, laakiin intii Ingiriiska iyo Faransiisku xeebaha soo kubaateeyeen saamayntii Masaaridu meesha waa ay ka baxday, Masar ayaa gacmaha Ingiriiska iyo Faransiinka gashay. Wixii intaa ka danbeysay xaaladdii geeska Afrika way isbeddeshay waxaana hoggaaminayey dhacdooyinka maamul iyo siyaasadaba dalalkii Faransiiska, Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Wixii lixdankii ka danbeeyey muuqaal kale ayuu yeeshay geeska Afrika, siyaasaddii Masar iyo Itoobiyana waxay noqotay mid iskaashata. Waxayna arrinta iskaashiga Masaarida iyo Itoobiya soo shaac baxday markii la samaynayey ururkii Midowga Afrika sanadkii 1963kii, Itoobiya oo dhulal badan lagu wareejiyey waxay soo jeedisay in xuduudaha Afrika sidii gumaysigu kaga tagay loodaayo.

Qodobkaa Soomaaliya way diiday , laakiin Masaaridu Xayle Salaase arrintaa way ku taageereen, Jamaal Cabdi Naasirna wuu la meel mariyey Itoobiya, Soomaaliya iyo Masarna khilaaf siyaasiya oo xoogweyn ayaa dhexmaray. Soomaaliya waxay Masar xilligaa ka filaysay in ay diido qodobkaa maadaama Masartii Jamaal Cabdimaasir ay ahayd mid ka soo horjeeda gumaysiga, sheegtana in ay u hiiliso bulshooyinka la dulmayo.

Isbeddeladu waa kuwo xawli ku socda, Itoobiya waxaa ka dhacay Inqilaab, waxaa xukunkii yimi Mingiste Xalayle Maryam, Soomaaliyana Siyaad Barre ayaa inqilaab ku qabsaday , Masarna Anwar Saadaat. Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhex qarxay Masar waxay is garab taagtay Soomaaliya, Soomaaliyana waxay u hiilisay Anwar Saadaat xilli dunida Carabtu go'doomisay, markuu Irsaa'iil heshiiska la saxeexday. Intaa wixii ka danbeeyey xidhiidhka Masar iyo Soomaaliya aad ayuu xoogaystay.

Soomaaliya iyo Itoobiya waxba isulama hadhin, dagaalkii tooska ahaa ee 1977kii ka sokow waxay labada dhinacba isku hubeeyeen mucaaradkii labada dhinac, Siyaad Barre iyo Mingiste waxay kala danbeeyeen shan bilood wax ka yar. Itoobiya markiiba lugaheeda ayey isku taagtay oo xukun ahaan way xasishay, laakiin Soomaaliya waxay dhex muquuratay dagaal sokeeye iyo dhibaato aan ilaa maanta xal loo hayn.

Masaaridu arrimaha Soomaaliya may danaynay wixii ka danbeeyey burburkii 1991, waxayse mar kaliya soo boodeen sidii Dhidar onkod kiciyey markay arkeen in ay aanay geeska afrika wax saamayna ah ku lahayn. Wasiirkii h**e ee arrimaha dibadda ee Masar Camar Muusa bilowgii markuu xilka qabtay 1991 sida uu ku sheegay xusuus qorkiisa wuxuu Soomaaliya u diray ergay uga soo warama xaaladda Soomaaliya, waxayse markiiba Masar ku mashquushay arrimaha Bariga dhexe, waxayna mar kale soo jeesteen oo culayska saareen Soomaaliya sanadkii 1997kii, dhammaadkii sanadkaa waxay shir isugu yeedheen laba garab oo Soomaaliya markaa aad ugu loolamayey, kooxda Soodare iyo kooxdii Salbalaadh, Cigaal isagu wuu diiday in uu shirkaa ka qayb galo, waxayse Masar shirkaa ku gashay iyaga oo aan xog badan ka hayn isbeddelada siyaasadeed ee Soomaaliya ka dhacay burburkii ka dib.

Shirkii Qaahirana wuxuu noqday mid fashilmay oo xaaladdii Soomaaliya uga sii daray, Itoobiyana u aragtay in Masar soo hunguraysay goob gaar iyada u noqotay, xilligaana Igad waxay Itoobiya u xilsaartay oo mas'uul looga dhigay xal u helida dhibaatada Soomaaliya, Itoobiyana waxay aad uga shaqaysay in shirka Qaahira fashilmo.

Wasiirku xigeen Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ee 1998kii Tekeda Alemu wuxuu wargeysa Al-Hayat 03.03.1998 ee London ka soo bixi jiray u sheegay in aanay marnaba ogolaan doonin in la dhaco dadaalka ay ka wadaan Soomaaliya, hadalkaasi oo toos ugu socday Masar , shirkii Qaahira-na ahaa mid sii qoyan. Arrimiihii ka dhashay shirka Qaahira waxaa ugu saamayn weynaa yagleelidii maamulka goboleedka Puntland, waxaana loo ololeeyey sidii awood muuqata oo aan ahayn''Somaliland'', Cali Mahadi Iyo Xuseen Caydiid loo samayn lahaa, sababtoo ah kooxdii Soodare may ahayn mid saamayn lamida kooxaha kale lahayd, adduunku wuxuu yaqaanay Caydiid iyo Cali Mahadi oo dagaaladda Muqisho ku caan baxay , iyo '' Somaliland(SNM)'' oo gooni isu taag ku dhawaaqday.

Shirkii Carta 2000, Jabuuti waxay ku bixisay dadaal dheerad ah si ay dalalka geeska iyo carabtaba uga hesho garab, si shirkaa loo qabto oo aanu u fashilmin, kulan ay ka soo qayb galeen madaxda Suudaan, Yaman, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa magaaladda Sanca lagu qabtay in yar ka hor qaban qaabadii shirka Carta. Haddana raggii ugu tunka weynaa siyaasadda Soomaaliya k**a soo qayb gelin sida Cabdilaahi Yuusuf iyo Cigaal, Itoobiya iyo Masarna waxay ka fiirsanayeen kor.

Shirkii Imbegaati lagu qabtay waxaa isaga saamayn weyn ku lahaa kooxdii Itoobiya xidhiidhka dhaw la lahayd, wixii intaa ka danbeeyey miidaanka siyaasadda Soomaaliya waxaa ku soo biiray kooxihii islaamiyiinta oo iyagu markasta ahaa unugyada hurda ee saamaynta gudaha ugu ballaadhan.

Dalalka Masar iyo Itoobiya maaha kuwo ku tartami kara garoonka siyaasadda iyo saamaynta Soomaaliya, Masarna maaha dal arrimaha Soomaaliya daneeya xilli kasta, markasta waxaa Soomaaliya ku awood badan Itoobiya, waxaase iyana lagama maarmaan ah in mid walba la siiyo humaagiisa iyo saamayntiisa siyaasadeed, in la tartantiiso suurta gal maaha, xaaladda Soomaaliya ku sugan tahayna maaha in Itoobiyana la fogeeyo Masarna la soo dhaweysto, isla markaana Masar la sharaysto, waxaase habboon in la adeegsado siyaasadda ''eber dhibaato'' marka la fiirinayo dalalka Somaaliya indhaha ku haya, mid walbana danheena lagu jimeeyo.

Masar waxba ugama baahna Soomaaliya xilligan, suurta galna maaha in ay Soomaalida u adeegsato Itoobiya, Itoobiyana way ogtahay in aanay Soomaaliya loolanka biyaha ee kala dhexeeya Masar waxba saamayn ah ku lahayn, waxaase jirta arrimo siyaasadeed oo Soomaaliya mawqif dhexdhexaad ah iska taagi karto.

2019 shir ka dhacay Qaahira oo Jaamacadda Carabtu isugu timi Soomaaliya iyo Jabuuti waxay ku tagaeereen Masar qodob ku saabsanaa arrinta webiga Nile.

Isla maalmahaa Wargeyska ka soo baxa dalka Itoobiya ee lagu magacaabo "The Reporter" ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay badeleen aragtidii h**e ee ay Masar ku tagaeereen, wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Itoobiya xilligaa Guido Andargachio waraysi uu siiyey wargeyskaas wuxuu ku sheegay in aanay Soomaaliya iyo Jabuuti taageersanayn mawqifka Jaamacadda Carabta ee Masar lagu taageerayey, oo ay ka noqdeen. Siyaasadahaa isbeddelayey madaxda Soomaalidu uma waramin bulshada Soomaaliyeed, laakiin xogta waxay ka soo baxaysay mar kasta dhinaca Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya wuxuu waraysigaas ku sheegay in ay la xidhiidheen Soomaaliya iyo Jabuuti una sheegeen in ay aaminsan yihiin in aanay arrinta Jaamacadda Carabta ka soo baxday xal u ahayn arrinta webiga Nile, hadalkaas oo ahaa hadal loogu tilmamaayo Soomaaliya iyo Jabuuti in ay taagan yihiin goob ceeryaamadu ku badan tahay marka lagu eego indhaha Itoobiya.

Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Itoobiya xilligaa Guido Andargachio wuxuu yidhi Soomaaliya iyo Jabuuti waxay ka qayb qaateen go'aanka lagu canbaaraynayo Itoobiya, wuxuu sheegay wasiirka Itoobiya in ay Soomaaliya iyo Jabuutiba Dhanbaalo u qoreen ay ugu tilmaamayaan in ay cadeeyaan mawqifkooda ku aadan go'aankii Jaamacadda Carabta ee ay qaybta ka ahaayeen, wuxuuna sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya in ay Soomaaliya iyo Itoobiya ka noqdeen mawqifkii ay ku taageereen go'aankii Jaamacadda Carabta, sheegeena in aanu go'aankii Jaamacadda Carabtu wax isu soo dhaweynayn.

Wasiirkii Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ee xilligaaAxmed Ciise Cawad ayaa isugana sheegay in ay arrintan dhexdhexaad ka noqdeen, waxay Soomaaliya soo saartay qoraal ay arrintaa ku cadeynayso. Waxaase muuqatay dhexdhexaadnimada xilligaasi in ay cadaadiska Itoobiya saartay ku timi, waxayse markasta u baahan tahay Soomaaliya in ay qaadato siyaasad taxadar leh oo xilligan ay culays saarto arrimaha midnimada gudaha, siyaasadda dibaddana la soo xasiliyo, xukuumadda Soomaaliya waxay u baahan tahay markasta in ay kaashado khubaro arrimahan ka taliya oo layska ilaaliyo go'aan aan caqli ku dhisnayn in lagu maamulo siyaasadaha dalalka Soomaaliya indhaha ku haya, kuwa dhow iyo kuwa fogba.

W/Q Adani Ibraahim

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hiilshacab Post posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hiilshacab Post:

Videos

Share