Hindisaha Kalmoon HK

Hindisaha Kalmoon HK Dhiirigalin�Qoraalo turjuman�Koritaanka afkeena �Aqoon iswaydaarsi & fikiro wadagid
soft skills

Waxa Ardaaga (Forum) Hindisaha Kalmoon HK usoo  qabsoomay caawa oo bishu tahay 15 September kulan loo dhamaa oo xogo bad...
15/09/2023

Waxa Ardaaga (Forum) Hindisaha Kalmoon HK usoo qabsoomay caawa oo bishu tahay 15 September kulan loo dhamaa oo xogo badan la isku waydaarsanayay xogahaas oo ku Aadanaa hawlaha looga Gol- leeyahay in laga hawlgalo

Sidoo kale waxa uu ahaa kulan xogabadan la isku waydaarsaday sidoo kale waxa la bayaaminayay sidii xubnaha cusubi ay ula jaanqaadi lahaayeen hawlha la isla meel dhigay waxa kulankaas hogaaminayay madaxda usarysa Ardaaga kalmoon

kulankaaso kusoo gabagaboobay si wacan oo wanaagsan la iskuna meel dhigay dhawr arimood oo aad umuhiim ah .

Waxa magaalada Hargeysa ka qabsoomay kulan ay iskugu yimaadeen hogaanka ururada magalaada Hargeysa ka jira qaarkood, Kul...
10/09/2023

Waxa magaalada Hargeysa ka qabsoomay kulan ay iskugu yimaadeen hogaanka ururada magalaada Hargeysa ka jira qaarkood,

Kulankaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Ardaaga (Forumka) Hindisaha Kalmoon HK iyo URURKA DHALLINYARADA EE CAFAARIIGSI.

Kaasi oo ay kaga wada hadlayeen ururadu siddii ay uwada shaqayn lahaayeen, una yeelan lahaayeen madal dhallinyaro si codkoodu meel dheer u gaadho.

Xalay oo ay taariikhdu ahyd 09/09/2023 oo ah habeen ay sabti soo galayso, waxa aanu forumka Hindisaha Kalmoon HK kusoo d...
09/09/2023

Xalay oo ay taariikhdu ahyd 09/09/2023 oo ah habeen ay sabti soo galayso, waxa aanu forumka Hindisaha Kalmoon HK kusoo dhawaynay xubno cusub oo ka mid noqondoona forumka,Kadib markii ay kusoo baxeen imtixaankii aannu ka qaadnay.

Waanu ku faraxsanahay in aad naga mid noqotaan, oo aad nala shaqaysaan bulshadiinana aad wax u qabataan.

Kusoo dhawaada Forumka
Hindisaha kalmoon ( HK ) oo aad ka noqon doontaan dhaqaajiyayaasha iyo hagayaasha forumka.
Hindisa Kalmoon ( HK )🙏👏

Alle ayaa mahadle😊😇

21/08/2023

Barashada hab maamulka maskaxdu waa barashada qaybta ugu wayn naftaada

AWOODA DHALINYARADA IYO DARYEELKA DEEGAANKA caawa halkan inoo balan ah bacdal makhribka insha allah!! 5june
05/06/2023

AWOODA DHALINYARADA IYO DARYEELKA DEEGAANKA

caawa halkan inoo balan ah bacdal makhribka insha allah!!

5june

Illaahay mahadi haka gaadhee waxa xalay noo qabsoomay wejigii koowaad ee ciidsiinta ubadkayar ee masaakiinta iyo agoomah...
16/04/2023

Illaahay mahadi haka gaadhee waxa xalay noo qabsoomay wejigii koowaad ee ciidsiinta ubadkayar ee masaakiinta iyo agoomaha.

Haddana waxa aanu u tafo xeydanaynaa wejigii labaad ee ciidsiinta ubadka agoomaha iyo masaakiinta, sidaasi oo ay tahay waxan qofkasta ka codsanlahaa inuu nagala qayb qaato waxii uu awoodana nagu biiriyo, si aynu uga farxino ubad aan haysan cid garab istaagta amaba maal ku garab taagan.

Iyada oo maalmihii ramadaan u dambeeyay lagu jiro waxii aad la baxdaana qiimo wayn leeyahay waxan qofkasta oo qoraalkan arka ka codsanayaa inuu gaadhsiiyo qofkasta oo uu la jecelyahay kheyr iyo wanaag iyo inuu wax la baxo.

Qofkastaana waxii uu awoodo haku diro saddexdan lamber kii uu awoodo:

Tell: 063 7956922

Tell: 0633780982

Som: 0657324751.



Jasaakallaahu kheyr

Bahda Hindisaha Kalmoon HK oo ,Hawlha khyriga ah ee ramadaanta ku dhex jiraWixii hadba taagtooda iyo tabartooda ah gudan...
31/03/2023

Bahda Hindisaha Kalmoon HK oo ,
Hawlha khyriga ah ee ramadaanta ku dhex jira
Wixii hadba taagtooda iyo tabartooda ah gudanaya iyo waxa ay bulshadooda kasoo urursheenba, kuna foogan hawlha kala duwan ee khyraadka bisha ramadaan ay wadato
Waxa aanu maanta booqanay laba qoys oo aad udanyar ah qoys agoon ah iyo qoys kale oo isna ay la tacaalayso hooyadaasi wiil dhimirka ka buka aadna u tabardaran runtii labada qoys wax saas u wayn lamaanu wadaagin hayeeshee waa quutul daruurigii uun waxaa rajyaynayaa in labada qoysba aynu isku kaashan doono wixii danbe .! Eebena wuxuu yidhi isku kaalmaysta wanaaga
Kuna Bartama wanaaga {وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَى وَلا تَعَاوَنُوا عَلَى الإثْمِ وَالْعُدْوَانِ..}

Eebe ha inaga yeelo bishan barakaysan kuwii wanaaga badsada iyo bilaha kalaba

FG: sawiradu maaha istusnimo iyo kaalaya na arkaay hayeeshee waa kalsooni xoojin aanu ku samaynayno dadkii social media aanu ka ururinay qofwalba taagtiisa maadaamo aanu qof walba gaarkiisa ula wadaagi Karin iyo dhiirigalin in wanaaga aanu faafino wixii tabartayada ah .!
Ramadaan Mubarak 🥰🙋‍♀️

Ilhyba mahadleh
Marlabaadna team kalmoon
Marsadexaadna qofkastoo hawshan nagula garabgalay eebe ha ka abaaliyo wanaag aakhiro iyo mid aduunba !.

Local Government Institute - LGIHindisaha Kalmoon HK gudoomiye Ikraam ShanboocAgaasime Iid muuse & Head of training: Muk...
19/03/2023

Local Government Institute - LGI

Hindisaha Kalmoon HK gudoomiye Ikraam Shanbooc
Agaasime Iid muuse & Head of training: Mukhtar Kaariye wuxu ahaa kulan isxogwaraysi iyo kala xog qaadasho daarnaa.

Hindisaha Kalmoon HK
08/03/2023

Hindisaha Kalmoon HK

Hindisaha Kalmoon HK waa u hiiliyaha afka hooyo sida kaaga muuqata magaca   waa kalmad xitaa suugaanyahanku aanu aad u i...
21/02/2023

Hindisaha Kalmoon HK waa u hiiliyaha afka hooyo sida kaaga muuqata magaca waa kalmad xitaa suugaanyahanku aanu aad u isticmaalin balse waxay ku guulaysteen in kalmadaas isticmaalkeedu aanu meelna kaga jirin adeegsiga kalmadaha soomaaligu ay ku dhiiradaan una isticmaalaan madal aqoonyahanku ku kala xog & xeelad waraystaan .!!

Kalmoon inteena taqaana way taqaanaa oo loo Sheegi maayo balse inta aan aqoon waa in aynu u faa’idaynaa kalmadan aan idinka dabs gayno hadaba Geedka yicibka ah waxa uu maraa 6 marxaladood marxalada 5aad ayaa la dhahaa .

Hadaba geedkaas sida aynu wada ognahay meesha uu ka baxo waligeed ma yeelato abaar sida aan taariikh h**e ka dhugtay waxa la iisheegay in soomaalidii h**e geedkani ugu jiray boos aad u wayn

Sababta aanu ugu halqabsanyna waa in kalmadihii macnaha lahaa ee cudoonaa culayskana ku fadhiyay inaanay dhiman balse bulshada la baro shaacana looga qaado

Hadaba madasha iyadoo waajibaadkeeda gudanysa ayaa ay madashan ugu magac dartay .!!

Sidoo kale maadaamoo midhahan yicibtu meeshay kabaxaan abaar aanay yeelan ayaa Madashan baxsan ee ugu heegantahay hawlha lagama maarmaanka ah bulshada khuseeya

waa madal uheelan kor uqaadista afka Hooyo
maalinta

Hindisaha Kalmoon HK UJEEDO MAGACAABIS!!
10/02/2023

Hindisaha Kalmoon HK
UJEEDO MAGACAABIS!!

29/01/2023

People are afraid to take action and create a better future for themselves because they’re too worried about what others will think of them. ⁣⁣⁣⁣⁣
⁣⁣⁣⁣⁣
Instead of learning how to REALLY make a difference in their lives, they work hard - as everybody does.⁣⁣⁣⁣⁣
⁣⁣⁣⁣⁣
The key to success isn’t working hard.⁣⁣⁣⁣⁣
⁣⁣⁣⁣⁣
The key to success is to be able to work smart.⁣⁣⁣⁣⁣
⁣⁣⁣⁣⁣
Now you’re probably asking: How can I learn to work smart?⁣⁣⁣⁣⁣
⁣⁣⁣⁣⁣
I highly recommend you to follow Hindisaha Kalmoon HK the best mentor on Facebook.⠀⁣⁣⁣⁣⁣
⠀⁣⁣⁣⁣⁣
The key to learning how to work smart and create your best future and mindset development skills 👌 👏
⁣⁣⁣⁣⁣

Hindisaha Kalmoon HK & Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka Berbera - BRC   oo agaasimay   barnaamijkaas kusaabsan horumarka dh...
02/01/2023

Hindisaha Kalmoon HK & Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka Berbera - BRC oo agaasimay barnaamijkaas kusaabsan horumarka dhalinyarada dhanka arimaha bulshada iyo qaybta laxaadka leh ee ay dhalinyaradu kaga suntantahay arimahaas ayaa ay ku falanqeeyeen kuna lafa gureen iskuna waydaarsadeen arimo door ah iyo wacyiga dhalinta oo lagu falanqeeyay arimo door ah , , , iyo

kulan kaasi oo ka dhacay

Rugta Kutubta




“ Waxaan Safar shaqo ku tegey Dalka maraykanka,Markaan nastay kadib ,waxaan aaday mid kamid ah Dukaamada lagu iibiyo ala...
02/10/2022

“ Waxaan Safar shaqo ku tegey Dalka maraykanka,Markaan nastay kadib ,waxaan aaday mid kamid ah Dukaamada lagu iibiyo alaabaha, anigoo sugaya in aan bixiyo lacagta alaabtii aan iibsaday, ayaa Dukaankii waxaa soo gashay gabar muslimad ah oo xijaaban, oo uu ka muuqdo daal oo siddata sanduuq culus, waxay u tagtay gabadhii xisaabiyaha ka ahayd dukaanka.

Gabadhii Muslimada ahayd aya tiri: Marwo shalay ayaan mishiinkan kaaga iibsaday $500 isaga iyo dhawr shay oo kale.

Gabadhii xisaabiyaha ahayd oo mashquulsan ayaa tiri: waan gartay ma waxaad doonaysaa in lagaa celiyo?
Gabadhii Muslimadda ahayd ayaa ugu jawaabtay: Maya, waxaan rabaa in aan lacagtiisa bixiyo!.

Gabadhii xisaabiyaha ahayd oo weli mashquulsan aya tiri: Ma fahmin!! Miyaanad ii sheegin in aad shalay iibsatay?

Gabadhii Muslimadda ahayd ayaa tiri: Marwo weli ima aad fahmin, shalay ayaa kaa iibsaday mishiinkan iyo alaabo kale waxaana ku bixiyay Credit Card-ka, markii aan guriga soo galay oo aan eegay Warqad bixinta (invoice) ayaa waxaan ogaaday in aadan ku xisaabin ama aadan ku darin qiimaha mishiinkan,waxaan filayaa inaad ilowdey.

Sidaas darteed waxaan isku dayey inaan la xiriiro dukaanka si aysan adiga dhibaato kaaga soo gaarin arrintaas awgeed, balse saacadihii shaqada ayaa dhammaaday.

Marka waxaan go'aansaday saaka in aan fasax shaqadaydii ka soo qaato oo aan kuu soo qaado mashiinka, si aad u diwaangeliso oo aan lacagta u bixiyo, mana isticmaalo wax aanan lacagtiisa bixin.

Gabadhii Dukaanku si lama filaan ah ayay u istaagtay, iyadoo aad u yaaban oo eegaysa gabadha muslimada ah, intay laaabta gelisey ayay dhunkatay iyadoo ilmaynaysa oo leh ma fahmin sida aad u go'aansatay in aad shaqadaada fasax kasoo qaadato adigoo ka baqaya in shaqada layga eryo waliba adigoo sida mashiinkan aadka u culus weliba adigoon wax Khalada ah ku lahayn, Ee marwo maxaad u sameysay waxaan oo dhan?!!!

Gabadhii muslimada ahayd ayaa ku jawaabtay Islaamka ayaa I faraya in aan ilaaliyo amaanada iyo in aan ka fogaado xaaranta waxay u sharaxday micnaha aaminaada iyo islaamka.

Anigu Waan taagnaa intay Sheekadan oo dhan ay dhex marayso,waayo arin isoo jiidatay ayaan la kulmay .

Kadib, Gabadhii Dukaanku waxay u tagtay maareeyaheedii oo xafiiskiisa fadhiya, waxayna u sheegtay waxa ay samaysay haweenaydan Muslimadda ah.

Daqiiqado kadib, maareeyihi wuxuu shaqaalihii ku soo ururiyay dukaanka wuxuuna ka hadlay hab-dhaqanka gabadha Muslimadda ah, wuxuuna u sharaxay sida ay wax u dhaceen iyo sida ay gabadhani tusaale ugu tahay wanaaga wuxuuna yiri:
waxay kudhaqantay wixi ay ka baratay diinteeda.

Kadib,qof kasta Gabadhii Muslimada ahayd wuxuu weydiiyey isagoo aad u xiiseeynaya diinta Islaamka waxayna ugu sharaxday si yaab leh oo ay ka muuqato kalsooni, khushuuc iyo daacadnimo,Weliba waxay ahayd Gabar wax gudbinta ku fiican.

Markii ay dhammaysay waxa uu maareeyihii Dunkaanku si adag ugu adkaystay in Mishiinka ay soo celisey ay hadiyada ahaan u qaadato, oo aanay wax lacag ah ka bixin,Lknse Gabadhii Muslimada ahyd ayaa si xushmad leh uga cudur daaratay inay ka aqbasho.

Waxayna sheegtay in ay doonayso abaal-marinta eebe ee aanay doonayn mashiinka,Waxayna tiri:

“ iga raali noqo ma doonayo in mashiinkan yar uu iga burburiyo abaal-marinta weyn ee Allah ,Kadib,intay lacagtii bixisay ayay iska baxday "

Waxa Qortay Khadiija Bin Qinah oo ka Shaqaysa TV-ga Aljazeera .

Hindisaha Kalmoon HK 🙋‍♀️

12/09/2022

Barnaamijka nabada iyo dhalinyarta oo ay soo agaasimeen bahda dhalinyarada

Hindisaha Kalmoon HK &
youth Development organisation

kaas oo ujeedadiisu ahyd sidii kor loogu qaadi lahaa dhalinyarada iyo habfikirkooga nabada sidii ay uga qayb qaadanlahaayeen .
Alhamdulilah waxa kasoo qaybgalay masuuliyiin saraakiil iyo dhalinyaro waxa halkaa aanu ku lafa gurnay in

NABADU TAHAY LAFDHABARTA NOLASHA 😊

INTA NABADI JIRTAA NINBA LABA NIN LEEGYAHAY

Hindisaha Kalmoon HK habeenkaas aynu halkaa is kugu nimaadno asxaabta qimaha iyo sharafta badan ee nagu xidhan habeenkaa...
04/09/2022

Hindisaha Kalmoon HK habeenkaas aynu halkaa is kugu nimaadno asxaabta qimaha iyo sharafta badan ee nagu xidhan habeenkaa madashan hala kala kiciyo waad karaamaysantihiin ❤🥰🙏

Habdhiska nolaleed waa hab fikirka maskaxeed ooo la cusboonaysiiyo Qodabadan hoose tixraacbay uyihiin;-1.kalahaada aroor...
03/08/2022

Habdhiska nolaleed waa hab fikirka maskaxeed ooo la cusboonaysiiyo

Qodabadan hoose tixraacbay uyihiin;-
1.kalahaada aroorta ugu badnaan inaad wakhti siiso naftaada 60daqiiqo ama ugu yaraan 40 minutes waa muhiim

2 . Ku xeer naftaada dadka kunool nolasha aad doonaysid

3 . Qof naxariis iyo bini aadanimo ka muuqato noqo

4. Akhri kitaabka quraanka , buug ama xikmado ugu yaraan 30 minutes

5.ka carar baqashada , samee waxa ku cabsi galinaya

Kudar akhriste adiguna caado muhiima ood ku dabaqday nolashaade

Hindisaha Kalmoon HK ❤🙋‍♀️

22/07/2022

Habfikirkaagu waa habnolaleedkaaga oo dhan
Qaabee oo qurxi Habfikirkaaga🥰

31/05/2022
Habfikirka dhalinyarada oo la mideeyo waxay ka qiimo badantahay muruqa dhalinyarada oo la dhiso saaxiibadayada nagu xidh...
30/05/2022

Habfikirka dhalinyarada oo la mideeyo waxay ka qiimo badantahay muruqa dhalinyarada oo la dhiso saaxiibadayada nagu xidhan ma nagu raacsantahay argtidan

Dhalin yaradu waa hubka loo baahdo marka cudud la muujinayo waayo waa mashiinka ama dhaqaajiyaha hawlkasta oo muhiim ah
Adigu akhriste ma nagu raacsantahy aragtidan 2aad

Hadaba dhalinyaradu waa muhiim in caqliyan la dhiso habfikirkooga , habdhaqankooga habmaamulkooga iyo wacyigooga si aan loogu dhaqaajisan waxyaalaha taban ama talaaboiyin qaldan loogu qabsan ama danaha gaarka ah loogu adeegsan .

Hadaba intaaso dhan marka laga imaado dhalinyaradu waa inay marwalba feejignaataa cilmiga iyo caqliguna hogaamiyaa balse aanay caadifada iyo cududoodu hogaamin

Hadaad nala fahanteeen qoraalkan yar wacyigaagu wuu sareeyaa balse hadii aanad nala fahmin bilaa calyk waxbadan korodhso

Sxpayaal nala share gareeya
Mahadsanidiin dhamaantiin

Yovenco- Youth Volunteers For Development & Environment Conservation 🙏💯

Hindisaha Kalmoon HK 🙋‍♀️






















Nagala qaybqaado gurmadka suuqa waaheen
04/04/2022

Nagala qaybqaado gurmadka suuqa waaheen







Albaabku🚪 Aad Ayuu Ugu Yaryahay Marka Loo Fiiriyo Baaxada Guriga🏠Qufulka( Sakatuurada) 🔒Aad ayey ugu yartahay Ayadane Al...
26/02/2022

Albaabku🚪 Aad Ayuu Ugu Yaryahay Marka Loo Fiiriyo Baaxada Guriga🏠

Qufulka( Sakatuurada) 🔒Aad ayey ugu yartahay Ayadane Albaaabka 🚪.

Intaas oo Dhan waxaa kawada Yar Furaha 🗝 Lakin Furuhu Wuxuu Furi Karaa Guriga Si Aad U Gasho😉.

Sidaa Darteed Inyar Oo Aad Fikirto Iyo Dhoolacadeyntu Ayaa Xalin Kara Dhibaatoyinkaga Oo Dhan😇😆

Hindisaha Kalmoon HK 🙋‍♀️♥

inamari na soo raac


😉🙋‍♀️

Oraahyada ku qoran basaboorada dowladaha:1- U.S.A: (dowladda Maraykanka ayaa ku ilaalinaysa meel walba oo aad joogto).2-...
24/02/2022

Oraahyada ku qoran basaboorada dowladaha:

1- U.S.A: (dowladda Maraykanka ayaa ku ilaalinaysa meel walba oo aad joogto).
2- CANADA : (Ciidankeena oo dhan ayaan u soo dhaqaajin kartaa, hadday wax gaaraan qof baasaboorkan wata).
3- FRANCE : (Si fiican u eega, waa muwaadin faransiis ah)
4- U.K : ( baasaboorkan qofka wata dartii ayey Boqortooyada ingiriisku u dagaalameysaa ilaa askariga u dambeeyaa naga dhinto).
5- QATAR : ( Baasaborkan dowladda ayaa leh, markay doonto ayey kaala wareegi kartaa ama baabi'in kartaa)
6- IRAQ : ( Qofkii baasaboorkan iska lumiya waxaa lagu ganaaxaya 500,000 oo diinaar!)
7- YEMEN : ( Haddii aad basaborkan iska Lumiso ganaax lacageed ayaa lagaa qaadi doonaa)
8- MOROOKO: ( Ogow basaborka dowladda ayaa iska leh, waad ku safri kartaa oo keliya)

Dowladaha reer galbeedka iyo kuwa carabta is bar-bardhig, Mid wuxuu rabaa inaad ku faanto basaborka aad wadato, adigoo kalsooni dareemaya, Midna waxaa ku qoran goodin, caga-jugleyn iyo ganaax.

Tolow baasaboorkeena soomaaliya maxaa ku qoran..

Wadankee odhaahda passport kiisa ugu qoran kusoo jiidatay adiga

JOIN US WE LOVE YOU:NA SOO RAAC WAANU KU JECELNAHAY🥰🌹
Hindisaha Kalmoon HK 🙋‍♀️♥

24/02/2022

Ma ogtahay Tukuhu in uu yahay shinbirta keliya ee ku dhiirata inay u dhawaato gorgorka. Tukuhu wuxuu fuulaa dhabarka gorgorka qoorta ayuuna ka qaniinaa.

Gorgorku isma dhibo tamar iyo wakhtina kuma bixiyo siduu isaga celin lahaa tukaha dulsaaran, balse waxa keliya uu sameeyo ayaa ah in uu baalashiisa kala bixiyo isla markaana uu hawada sare usii duulo isaga xawaare sare ku dhex jibaaxaya daruuraha. Isla markiiba tukaha naqaska ayaa qabta iskii ayuuna usoo dhacaa naftiisuna khatar ayay gashaa.

Si lamid ah uma baahnid inaad wakhtigaaga iyo tamartaadaba ku bixisid la muranka ama iska celinta dadka aan kula heerka ahayn. Aamusnaantaadu waxay dareensiinaysaa in aad joogtid heer aysan weli gaadhin iyagaana iskood usoo dhici doona.

Jooji la dagaalanka tukayaasha.

Share -sii faafi walaal

JOINED US
Hindisaha Kalmoon HK 🙋‍♀️♥

Waanu idin jecelnahay dhamaantiin 🥰

Horumarka hab fikirka iyo isku xidhnaanta Dhalinyarta waa hadafkayaga iyo himiladayada Hindisaha Kalmoon HK 🙋‍♀️
21/02/2022

Horumarka hab fikirka iyo isku xidhnaanta

Dhalinyarta waa hadafkayaga iyo himiladayada

Hindisaha Kalmoon HK 🙋‍♀️

Xadiis Nebigaﷺ la weriyey ayaa ahaa (لا تقوم الساعة حتي يكلم الرجل شراك نعله)Oo macnihiisu yahay (qiyaamuhu ma dhacaayo ...
18/02/2022

Xadiis Nebigaﷺ la weriyey ayaa ahaa
(لا تقوم الساعة حتي يكلم الرجل شراك نعله)
Oo macnihiisu yahay (qiyaamuhu ma dhacaayo ilaa uu qofku la hadlo oo la sheekeysto kabihiisa)

Aad ayaaan ula yaabi jiray sidee ayuu qofka ula sheekeysanayaa kabihiisa!

Hadda waxaa la soo saaray kabo beddeli doona usha ay indhoole-yaashu qaataan, kabahan waxay awood u leeyihiin in qofka aragga naafada ka ah ay u sheegaan meelaha khatarta ah ee uu ku kufi karo, waxay ku shaqeeyaan nidaam fogaan dareen ah, oo qofka uga digaya meelaha godadka , dhagaxyada iyo derbiyada ah.

Naxariis iyo Nabad gelyo korkiiisa ha ahaato'e Nabigeennu wuxuu ku hadli jiray oo dhan waxay ahaayeen waxyi....Waxyaabaha uu horay noogu sheegay ee mustaqbalka dhici doona qaarna waan aragnay kuwo kalena waa noo dhiman yihiin.

اللهم صل على محمد وآله وصحبه أجمعين.

Kusaliya xabiibkeenii ❤

Xigasho:- Wariye
Sharmaarke Suuley

Cajiib

Hindisaha Kalmoon HK 🙋‍♀️🙏❤

Address

Hargeisa

Telephone

+252654767382

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hindisaha Kalmoon HK posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share



You may also like