Buug Maal

Buug Maal This is the official page of Buug-Maal Media

06/02/2021

Boqorkii iyo saddexdii xaas || qiso cajiib ah || Dhiirigalin layaab leh

25/01/2021

Buug-Maal media

Leach (af English): Culaacul (af Soomaali).Culaacul: Nafley yar oo biyaha balliyada ku dhex nool oo dixiriga la bah ah, ...
20/01/2021

Leach (af English): Culaacul (af Soomaali).

Culaacul: Nafley yar oo biyaha balliyada ku dhex nool oo dixiriga la bah ah, oogo jilicsan iyo xubno leh, oo nuugta dhiigga nafleyda kale ee biyaha ku la nool iyo dadkaba.

Dulinkan ayaa ay raacii h**e ee Soomaalida (iyo raacii h**e ee dadkuba) u adeegsan jireen dhiigbixinta ama/iyo toobinta. Intii aanay aqoonta dawayntu baahin, dhaqaatiirta qalliinnadu, dulinkan bay dhiigga kaga soo sifayn jireen dadyowga dhaawacan.
Xigasho:Aar Aw fiqi

17/01/2021

1900 ayuu Albert Einstein ka baxay mac-had ku yaallay magaalada Zürich ee dalka Switzerland. inkasta oo uu ahaa ardaydii ugu horreysay xagga dhibcaha qalinjabinta haddana shaqo k**a helin mac-hadka taas oo ku keentay niyo jab & walbahaar. madaxda mac-hadku waxa ay u arkayeen nin garaad badan, fahmo sare, asii madax adag oo aan hoggaansamaynin.

laba sano markii uu baagamuuddo ahaa, shaqona ka waayay Zurich & deegaanada ku dhow marka laga reebo macalin si gaar ah ardayda wax ugu dhiga ayuu 1902 wargays kasoo bixi jirey magaalada u geeyay xayaysiiskan bal in uu shaqo ku helo " macallin aqoon durugsan u leh Xisaabta & Fiisigiska, awoodana in uu ardayda cashiro gaar ah guryaha ugu dhigo, diyaarna u ah in uu cashirradaa si bilaash ah ku billaabo si loo tijaabiyo. Macallin aqoon sare leh, ka baxay mac-hadka Zurich Polytechnic, caanna ku ah in uu cashirradiisa ku bixiyo si ammaano & hufnaan leh. Hasayeeshee kuma uusan guulaysan xayaysiintaa, waxaa soo codsaday laba cunug kaliya, mid walabana uu bixin jiray hal Franc!

Shaqo la'aantu yaysan ku niyo jabinin. Qayrkaa halkuu dagay dadaal gaari doontide.

Habeen wanaagsan.

08/01/2021

Charlie Chaplin || Xaraabaystihii Waynaa || Muxuu u aamusan yahay filimadiisa

07/01/2021

Ku beer ubadka hammi sare

Naajudiin Al ayuubi ayaa maalin maalmaha kamida inankiisii oo la odhan jiray Salaaxu diin Al ayuubi ahna ninkii furtay Qudus ayaa isaga oo yar oo laciyaaraya caruurtii da'diisa ahayd ayaa aabihiis u yeedhay isagoo yar xanaqsan markaas ayuu ku yidhi"kaalay waryaa,umaan guursan hooyada inaad caruurta la ciyaarto e;laakiin waxaan uguursaday hooyadaa inaad furato Qudus insha allah"markaas ayuu dhulka ku tuuray,ilayn waa aabo e waa uu ka naxay kolkaasuu ku yidhi"aabo maad xanuunsatay,kolkaasuu yidhi haa,kadib waxuu ku yidhi oo maxad u ooyi wayday,kolkaasuu yidhi nin laga doonayo inuu Qudus furto lama rabo inuu waxan yar yar ka ooyo.
Sidiibuu ku noqday salaaxudiin hamigiisa ugu sareeyaa inuu furto Qudus.

Todoba cilmi baadhisood oo ay muhiim tahay in la iska ogaadoDaraasada 1aad:Meere leh saddex qorraxood oo la ogaadey Meer...
28/12/2020

Todoba cilmi baadhisood oo ay muhiim tahay in la iska ogaado

Daraasada 1aad:

Meere leh saddex qorraxood oo la ogaadey
Meere leh saddex cadceedoood ayaa dhawaan lasoo helay .Waxaana lagu magacaabaa LTT44Ab .Waxa uu dhulka u jiraa fogaan dhan 22.5 sanad ileys (halkii sanad ileys waxa uu u dhigmaa 9.46 trillion km ama 5.88 trillion miles ) waxaana lagu ogaadey xog uu ururiyey satellite wax sahamiya oo ay Nasa leedahay oo layidhaahdo transiting exoplanet survey satellite (TESS). Meerahan waxa uu ku wareegaa hal mid oo ka tirsan saddexda qoraxood ee uu leeyahay ,taasoo uu ku wareego mudo shan maalmooda, waxaa la rumeysan yahay inuu meerahani uu saddex jeer ka weyn yahay dhulka isla markaana uu 8 jeer cuf ahaan ka culus yahay dhulka. halka uu heerkulkiisu yahay 160 digrii celcius ama 320 fahrenheit .Marka laga eego hawada dhulka aynu ku nool nahay waa uu dul heehaabayaa, 3 qoraxood yeelkeedee laba ayaa aad uga fog ayey tiri Jennifer winters oo daraasada wax ka qortey oo u warantey new scientist .

Daraasada 2aad:

Doobnimadu waxay ka daran tahay cuduro halisa
Daraasad cusub oo dadka ka nixisey ayaa sheegtey in kalinimada ama doobnimadu ay ka halisan tahay cuduro khatar ah sida buurnaanta. Bani’aadamka ayaa lagu sheegaa xayawaan bulshaawi ah balse waxay iminka arrintu u muuqataa iney intaaba kasii xag jirto oo ay la jirka dadku muhiim u tahay caafimaadkeena. Tirakoob cusub oo soo baxey ayaa sheegaya in kalinimadu ay keeni karto ixtimaal gaadhaya 50% uu qofku cimri degdego marka loo barbardhigo halista geerida ay keento buurnaanta oo ah 30%. Caafimaad ahaan waxaa la sheegayaa in hoormoonada qaar sida midka loo yaqaano oxytocin ama love hormone uu jidhku sii daayo marka uu qofku taabto qof.

Daraasada3aad:

Raggu waxay jecel yihiin in la ixtiraamo oo dunida magac ku yeeshaan,halka dumaarku ay jecelyihiin in la jeclaado oo raggu ku mashquulaan quruxdooda.
Cilmibaadhis nafsi ah oo laga qaadey dad aad u tiro badan ayaa lagu xaqiijiyey iney Raggu jecel yihiin in la ixtiraamo oo magac iyo maamuus ku yeeshaan dunida,halka dumarkuna aad uga helaan in la jeclaado oo raggu ku mashquulaan quruxdooda. Qoraaga Emerson Eggarichs ayaa buug uu qorey oo la yidhaahdo love & respect ayaa h**e loogu shaaciyey in dumarku jeceylka ugu baahan yihiin sida ay hawada ugu baahan yihiin halka ragguna ubaahan yihiin ixtiraam badan , laakiin daraasada buugan oo 400 nin lagu weydiiyey jacaylka iyo ixtiraamka mida ay doorbidaan waxay 74% tilmaameen inuu jacaylka uga qiimo badan yahay in la ixtiraamo oo bulshadu si weyn u karaameeyaan.
sidoo kale haween tiradaas oo kale ah oo iyaguna xog ururin dookhooda nololeed ah lagu sameeyey ayaa sheegay iney ixtiraamka ka doorbidaan iney helaan lamaane jecel . Waxa uu qoraaga buugu hoosta ka xariiqey in dumarku jacaylka u baahan yihiin sida ay qaadashada hawada ugu baahan yihiin , sidoo kalena daraasado lagu sameeyey gudaha wadanka mareykanka ayaa iftiimiyey in raggu aad u jecel yihiin magac weyn iyo lacag halka dumarku inta badan ku hamiyaan iney helaan nin aad u jecel oo keliya .

Daraasada 4aad:

Farqiga udhaxeeya ragga iyo dumarka ee dhinaca abuurka.
Cilmibaadhisyo badan oo la sameeyey ayaa lagu ogaadey faraqa u dhaxeeya ragga iyo dumarka ee dhinaca abuurka waxaana la ogaadey in maskaxda raggu ay ka culus tahay maskaxda dumarka, laakiin culeyskaa ay maskaxda raggu ka culus tahay ta dumarka maaha micnaheedu in raggu ka maskax badan yihiin dumarka . Gabadhu waxay ninka kaga awood badan tahay iney fasirto akhrido wax ka fahanto muuqaalka & xarakaadka indhaha iyo guud ahaan wajiga qofka , sidoo kale ragga ayey dumarku kaga awood badan yihiin iney dusha ka fahmaan inta badan dareenada qofka gudihiisa sida jaceylka naceybka khajilaada iyo baqdinta . Dumarku waxay ragga kaga fiican yihiin barashada & ku takhasusidda maadooyinka sayniska ah iyo weliba barashada luqadaha halka raggu kaga fiican yihiin maadada xisaabta. Gabadhu waxay kartaa iney si fudud uga cudurdaarato ama raaligelin ka bixiso gef ay qof ka gesho, marka ay raaligelinta bixineyso waxa ay iska ilaalisaa kibirka iyo isla weynida halka ninku inta badan isaga oo raaligelin bixinaya hadana aanu ka tegin kibirka iyo isla weynida . Waxa kale oo intaa dheer raggu ma jecla ka cudurdaarashada gefka uu gelo. Tirada dumarka jecel muusiga waxay ka badan yihiin ragga jecel muusiga . Gabadhu waxay hurdada habeenkii ka baraarugtaa in ka badan ninka , sidoo kale riyooyinka xu xun ayaa dumarka ku badan . 48% ka mida ragga ayaa khuuriya halka 22% ka mida dumarka ay khuuriyaan .

Daraasada 5aad

Isbedello Hab nololeedka oo yareyn kara khatarta asaasaqa.
Daraasad ayaa lagu sheegay sagaal qodob oo sababi kara asaasaqa, Cilmibaadhistan oo lagu soo bandhigey shirkii caalamiga ah ee ururka asaasaqa ee ka dhacay magaalada London .
Marka la gaadho 2050, 131 milyan oo qof ayaa laga yaabaa iney la noolaadaan asaasaqa guud ahaan dunida .
Sagaalka qodob ee ka qayb qaata khatarta asaasaqa :
• Maqalka oo la beelo da’da dhexe waxayna tahay khatartu 9%.
• Iyada oo aan la dhameystiran waxbarashada dugsiga sare 8%.
• Sigaar cabida 7%
• In aan goor h**e la raadin iska daaweynta walbahaarka 4%.
• Waxkaqabad la’aanta jidhka 3%.
• Go’doominta bulshada 2%.
• Dhiiga heerkiisu sareeyo 2%.
• Cayilka 1%.


Daraasada 6aad:

Maxay ka siman yihiin bani’aadamka iyo xayaawanada naasleyda?
Daraasad cusub oo la sameeyey ayaa muujisey in xayawaanka dhediga ee naasleyda ay ka cimri dheer tahay kan labka taas oo ay kala sinmeen dadka .
Waxaa cilmibaadhista oo lagu sameeyey 101 nooc oo xayawaanka naasleyda ah, waxaana la sheegay in 63 dhediga ay 60% ka cimri dheer yihiin labka taas oo ka dhigan celcelis ahaan ka cimri dheer yihiin 18.6%.
Bani’aadamka ayaa la sheegay in dhediga ay 7.8% ka cimri dheer yihiin labka sida lagu daabacey daraasad ay soo saareen proceeding of the national academy of sciences .

Daraasada 7aad:

Faa’idada ay leedahay in loo seexdo dhinaca midigta
Daraasad ay sameeyeen khubaro caafimaad ayaa lagu ogaadey faa’idooyinka ay lee dahay in dhinaca midigta loo seexdo waxaana ka mida:
• huradada loo seexdo dhinaca midigta waxay ka caafimaad badan tahay marka loo eego dhinaca bidixda oo loo seexdo.
• Qofka hurdada ayaa uu ka dhergaa marka uu u seexdo dhinaca midigta.
• Wadnuhu waxa uu sameeyaa foorar marka loo seexdo dhinaca bidix .
• Neefsiga qofka iyo hawo qaadashada ayaa si wanaagsan u dhacaya haddii loo seexdo dhinaca midigta.

Address

Hargeisa

Telephone

+252633033551

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Buug Maal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Buug Maal:

Videos

Share

Category