11/09/2021
Libaax afrika
Saciid bin Cabdul Casiis wuxuu ka soo xigtay Rabiica bin Yaziid,oo isna ka soo xigtay Cali Idriis al-Khawlaani, oo isna ka soo xigtay AbuuDarr (A.K.R.) oo sheegay inuu Rasuulkii Alle yiri: ” Alle kor ahaaye wuxuu yiri: ‘ Addoommadaydoow anigu waan ka xaaraantimeeyey nafteyda dulmiga, waxaana ka dhigay xaaraan dhexdiinna. Ee cidna yaan la dulim, Addoommadaydoow, dhammaantiin waa aad wada dhunsan tihiin mid aan hanuuniyo maahee ee hunuun i weydiista aan idin hanuuniyo’e.
Addoomadaydoow dhammaantiin waa aad wada baahan tihiin mid aan quudiyo maahee, ee quudi weydiista aan idiin quudiyo,e. Addoommadaydoow dhammaantiin waa aad wada arradan tihiin mid aan hu’ siiyo ma ahee ee hu’ i weydiista aan idin arad tiro’e. Addoommadaydoow, habeen iyo maalinba waa aad gefeysaan aniguna dambiyada oo dhan baan dhaafaa, ee dambi dhaaf i weydiista aan idiin dembi dhaafo’e. Addoommadaydoow, awood uma yeelan kartaan inaad dhib ii geystaan, sidoo kalena awood uma yeelan kartaan inaad waxtariyo wanaag ii gashaan.
Addoomadaydoow, haddii kiinni u horeeyey iyo kiinniiu dembeeyey iyo jin iyo insiigiinnuba aad yeelataan qofkiinna u taqwo iyo Alle ka cabsi badan qalbigiisa, waxay taasu mulkigayga ku kor dhinayso lama arko. Addoomadaydoow, haddii kiinnii u horeeyey iyo kiinna u dambeeyaba iyo jinikiinna iyo insigiinnuba aad yeelataan qofkiinna u faajirsan qalbigiisa waxay taasu mulkigayga ka dhimayso lama arko.
Addoommadaydoow, haddii kiinniiu horreeyey iyo kiinii u dambeeyey iyo insigiina iyo jinkiinnubba aad ban soo wada istaagtaan oo i baridaan oo aan ruux walba siiyo wixii uu iga baryey, wax ay taa iga naaqusinayso lama arko waa uun sida irbad bad ladhex geliyey oo laga soo bixiyey. Addoommadaydoow, anigu waxaan qof waliba u tixgelin camalkiisa oo qof waliba ka jaza siin. Marka qofkii abaalgud wanaagsan hela iyo kheyr waa inuu Alle uga mahad celiyaa taa, kii wax kale lagu abaalmariyaana yuusan ku eedin taa cid aan naftiisa aheyn. (Muslim)
Saciid ibn Cabdulcasiis wuxuu yiri: Abuu Idriis al-Khawlaani kolkuu xadiiskan sheegayo jilbaha ayuu dhulka dhigan jiray xurmo iyo qaddarin Alle (S.W.T.) awgii .