Eise Faisal

Eise Faisal interpreneur works graphic design digital marketing
such SEO, SEM, Social Media marketing,
Affiliate Marketing,

Weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xisbullah ay ka geysanayso waqooyiga dhulka ay Israa’iil ...
21/10/2024

Weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xisbullah ay ka geysanayso waqooyiga dhulka ay Israa’iil heysato, wuxuu ku qasbay Israa’iiliyiinta inaysan qoraxda arag, waxayna ku jiraan goobo gabaad ah iyo godod, sababtoo ah tam iyo saakay gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa ku socda gudaha Israa’iil seeriga ayaanna meel walba ka shidan.

Xuutiyiinta ayaa lagu warramayaa tobannaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn inay ku weerarreen Israa’iil, iyadoo kooxdu ...
20/10/2024

Xuutiyiinta ayaa lagu warramayaa tobannaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn inay ku weerarreen Israa’iil, iyadoo kooxdu ku dhawaaqday toddobaadkan inay guda galeen wajiga shanaad ee howlgalka ay ku taageerrayaan Qasa, iyagoo markan sheegay inay adeegsan doonaan hub cusub oo awood u leh inuu ballaariyo khasaaraha gaaraya Israa’iil.
Iman Jama

Siidhiga digniinta oo ka dYedhaya magaloyinka dhinaca waqooyi ee israil oo ay ku jirto Haifa, iyado israil duqaymo ka wa...
20/10/2024

Siidhiga digniinta oo ka d
Yedhaya magaloyinka dhinaca waqooyi ee israil oo ay ku jirto Haifa, iyado israil duqaymo ka wado casimada lubnan ee bairut

Inta badan magaalooyinka waqooyiga dhulka ay Israa’iil heysato oo ay ku jirto Haifa, waxaa ku socda weerar ballaaran oo ...
20/10/2024

Inta badan magaalooyinka waqooyiga dhulka ay Israa’iil heysato oo ay ku jirto Haifa, waxaa ku socda weerar ballaaran oo ay u muuqato inay ku qaadeen Xisbullah, xilli Israa’iil ay duqeymo ka wado Beirut.
Iman Jama

Shabakadda Kann news ee ku hadasha afka maamulka Israa’iil, ayaa goor dhow sheegtay in la dhammeystiray diyaarinta nidaa...
20/10/2024

Shabakadda Kann news ee ku hadasha afka maamulka Israa’iil, ayaa goor dhow sheegtay in la dhammeystiray diyaarinta nidaamka difaaca Mareykanka uu geeyay Israa’iil ee THAAD, waxaana la sheegay inuu u diyaarsan yahay inuu howlgallo.

Fiiro gaar ah;

Mid ka mid ah fadeexooyinka ugu weyn ee ay Israa’iil wajahday ayaa ah nidaamyadii difaaca ee ka hor dagaalka Qasa lagu sheegay mid ka mid ah ugu awoodd badan, balse ma awoodin inuu qabto diyaaradaha iyo gantaallada lagu weerarro gudaha Israa’iil.
Iman Jama

20/10/2024

Israa’iil ayaa koonfurta Beirut, ka geysanaysa duqeymo ay sheegtay inay ku beegsanayso bankiyada iyo xarumaha maaliyadda ee xiriirka la leh ururka Xisbullah.

Dagaal ka dhacay waqooyiga marinka Qasa ayaa lagu dilay taliyihii guutada 401-aad ee ciidanka Israa’iil , sarkaal kalena...
20/10/2024

Dagaal ka dhacay waqooyiga marinka Qasa ayaa lagu dilay taliyihii guutada 401-aad ee ciidanka Israa’iil , sarkaal kalena waa lagu dhaawacay , sida ay Al Jazeera ka soo xigatay warsaxaafadeed ay baahiyeen ciidanka Israa’iil.
قناة الجزيرة مباشر - Aljazeera Mubasher Channel
Iman Jama

Xamaas, ayaa si dhaqso ah uga falcelisay muuqaallada uu baahiyay afhayeenka ciidanka Israa’iil ee uu ka soo muuqday hogg...
19/10/2024

Xamaas, ayaa si dhaqso ah uga falcelisay muuqaallada uu baahiyay afhayeenka ciidanka Israa’iil ee uu ka soo muuqday hoggaamiyihii ururka, iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay lagu sheegay in ujeeddada muuqaallada ahayd mid lagu qarinayo fashilka ciidanka Israa’iil , warsaxaafadeedka ayaa intaa ku daray; “ Taliye Sinwar wuxuu caan ku noqday goobta dagaalka oo la arkay geesinamada uu ku diidday inay usoo dhawaadaan ciidanka cadowga— wuxuuna nolashiisa ku soo gabagabeeyay halgan iyo jihaad.”

19/10/2024

Dhaqdhaqaaqyada iska caabinta Ciraaq ayaa sheegtay weeerar diyaarad aan duuliyaha lahayn oo ka dhacay saacadihii h**e ee caawa magaalada Eilat ee koonfurta dhulka ay Israa’iil heysato, iyagoo sheegay inay beegsadeen bartilmaameedyo muhiim.
Iman Jama

Iran ayaa iska diidday eedeymaha uu usoo jeediyay Netanyahu ee la xiriira inay soo abaabushay Tehran weerarkii saakay ka...
19/10/2024

Iran ayaa iska diidday eedeymaha uu usoo jeediyay Netanyahu ee la xiriira inay soo abaabushay Tehran weerarkii saakay ka dhacay gurigiisa ku yaalla Tel Aviv oo lagu qarxiyay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn.

Hadal ka soo baxay ergada Iran ee Qaramada Midoobay , ayaa lagu sheegay ; “ Iran wax lug ah kuma leh weerarka ka dhacay guriga Netanyahu.”
Iman Jama

Netanyahu; “Wakiillada Iran ee isku dayay inay dilaan noloshayda iyo nolosha xaaskeyga maanta waxay sameeyeen qalad weyn...
19/10/2024

Netanyahu; “Wakiillada Iran ee isku dayay inay dilaan noloshayda iyo nolosha xaaskeyga maanta waxay sameeyeen qalad weyn." Iman Jama

Saamaynta ay gadhsisah diyaradii aan duliyaha lahayn ee xisbullah  ku dhufatay guriga raysalwasaraha cadowga israil ee B...
19/10/2024

Saamaynta ay gadhsisah diyaradii aan duliyaha lahayn ee xisbullah ku dhufatay guriga raysalwasaraha cadowga israil ee Binyamin Natanyahu

Shahiid Yaxye Sinwaar, labo mujaahid oo kaliya oo ilaaladiisa ah ayaa la socday. Markay shahiideenna isaga oo kaligiis a...
19/10/2024

Shahiid Yaxye Sinwaar, labo mujaahid oo kaliya oo ilaaladiisa ah ayaa la socday. Markay shahiideenna isaga oo kaligiis ah ayaa 10naan askari oo Yuhuud ah oo hubka ugu casrisan wata ay kudhici waayeen in Guriga gabaadkiisa ahaa ay ugu galaan

Wuu iska caabiyay labo bombo gacmeedna wuu ku tuuray, kadib gurigu ku jiray ayay waxay ku dhufteen gantaal missile ah, kadibna Taangi ayay ku duqeeyeen. markale ayay ku dhici waayeen inay gudaha ugu galaan Drone bayna u adeegsadeen oo gudaha u direen wana ta qaaday muuqaalka Taariikhiga ah isaga oo kursi ku fadhiya oo degnaani ka muuqato oo dhaawacan Ayuu wali wax iska caabinayay siday u muuqatay rasaastii ayaa ka dhamaaty wuxuu heli karay oo ah ul agtaalay ayuu Drone-ta ku tuuray. Ugu danbayna Sniper bay u adeegsaden oo toogtay, Raximahullah

Warkan meelkale k**a iman ee isla cadowgiisii Yahuudda ayaa sheegay

"Inta uu noolaa wuu Yuhuud wuu ceebeeyay, markii uu shahidayna wuu ka guulaystay. Ilaahay baa yahuud ka hadalsiiyay oo ka dhigay inay libinta Yaxya Sinwaar Qiraan"

Deg deg | Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd J. Austin lll aya yiri : Waxaan sii wadaynaa inaan siino Israel gargaarka l...
19/10/2024

Deg deg | Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd J. Austin lll aya yiri : Waxaan sii wadaynaa inaan siino Israel gargaarka lagama maarmaanka ah si ay u difaacdo xuduudaheeda iyo xukumadeeda قناة الجزيرة مباشر - Aljazeera Mubasher Channel

Xisbullah ayaa adeegsatay gantaallada uu Ruushka soo saaro ee S-8 si ay u weerarto saldhigga ciidanka badda Israa’iil ee...
19/10/2024

Xisbullah ayaa adeegsatay gantaallada uu Ruushka soo saaro ee S-8 si ay u weerarto saldhigga ciidanka badda Israa’iil ee Ras Naqoura, taa oo muujinaysa surtagalnimada inay jiraan saanad Ruush ah oo ay heysato Xisbullah, wallow gantaaladan la sheegay inay sidoo kale heystaan ciidanka Suuriya ee Ruushka uu taageerro, halkaa oo ah goobta ay hubka ka hesho Xisbullah.

Fiiro gaar ah;

Gantaallada S-8 ayaa lagu xiraa diyaaradaha dagaalka , si weerarrada lagu fuliyo. Waa hub ay diyaariyeen ciidamada cirka ee Soofiyeeti, walise wuxuu ku jira adeegga ciidanka cirka Ruushka , sidoo kale gantaalladan ayaa ka mid yahay hubka dibadda loo dhoofiyo ee Ruushka.

Iman Jama

03/05/2024

Arabs fun

Address


Telephone

+252633060004

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Eise Faisal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Eise Faisal:

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share