Khadar alfalaki

Khadar alfalaki description description

09/07/2024

This is Khadar Maxamed Ciidle website created by Khadar Maxamed Ciidle. Khadar Maxamed Ciidle falls in LOCAL BUSINESS line of business.... | Khadar Maxamed Ciidle

03/06/2024

Maanta waxaynu ka hadlaynaa dalka somaliland iyo marmalada uku jiro sanadkan 1444 ee hijriga .marka lagu fiiriyo xisaabta cilmiga falaga .
Sidaad ogtihiin dowlad iyo qofba makhluuqu waxay maraan maraaxil kala duwan sanad kastaana wuxu wataa waayihiisa .aduunyaduna waa sagaal sano oo laga bilaabo 1 ilaa 9 .oo kolba dibloosoo bilaabo .aduunyadu waa sagaal oo ma tobnowdo .ku aad isku fiicnaydeen sanadkii h**e ayaad sanadkan coloobaysaan.

Somaliliand sanadka najmiga ayku jirtaa waa najmiga 3aad .najmigani waa najmiga burburka iyo isnaca iyo tafaraaruqa .
Najmigan somaliland gashay sanadka waxan kula talinayaa inaanay wax dagaala qaadin ee difaaceega adkaysato .ilaa bisha Ramadan dhamaanayso ..

Sanadku dhanka dayaxa wuxu bilaabmaa shuwaal kol hadji lagaadho bisha shuwaal somaaliland wayka baxaysaa najmiga xun waxayna galaysaa barwaaqo iyo is fahan siyaasadeed .

Dalka reer somaaliland guul iyo horu Mar ayay galayaan.waxa masuuliyiinta labada dhinacba laga rabaa sabar .waayo ilaahii dadkan marxaladan adag mariyay ayaa marxalada wanaagsana soo wada waxaad arki doontaa dadkaa kacsan oo shaaha wada cabaya iskuna faraxsan .

Somaliland guul .dagaal maya .wabilaahi towfiiq.

17/09/2023

Waxka baro cilmiga falaga dhanka burjiyada .
Waa maxay cilmiga falagu ?
Waa maxay burji ama najmi ?
Waa maxay xisaabta cilmiga falagu ?
Quraanku se muxuu kayidhi cilmiga falaga ?
Quraanku muxuu kayidhi burjiga ?
Quraanku muxuu kayidhi xisaabta cilmigan lagu ogaado ama lagu Garto ?
Haduu ilaahay cilmi ku siiyo aad waxku ogaato ma dambibaa mise waxa kugu waa jiba inaad umahad naqdo ilaahay .oo aad dadka uga faaiidayso ?
Dadka aan islaamka hayni cilmiga falaga maxay u yiqaanaan ?
Dadka aan Muslimka hayni cilmigan maka faaiidaystaan ?
Diinta islaamku cilmigan in la Barto ma ogoshahay oo laga faaiidaysto ?
Waxa lagu ogaanayo xisaabi ma cilmil qaybaa ?
Ambiyada ama nabiyada cilmi falaga ilaahay ma Baray si dadka ay ugu hanuuniyaan jidka toosan ?
Waxaynu uga jawaabi doonaa su aalahaa mid mid .qoraaladeena dambe .
Cilmiga halaguu dhigee caqliga kaasho baa layidhi.
Lasoco qaybta 2aad.
Wabilaahi towfiiq.

12/09/2023

Maanta waxaynu kahadlaynaa sixirka iyo diinteenu halkay dhigtay
Marka la eego sharciga islaamka sixirka .
Marka h**e sixirka ilaahaybaa soodajiyay si uu
Ugu imtixaano makhluuqaad kiisa .

Sixirka markii ugu horaysay laba malag ayaa waday .waxana labada malag Ka gudoomay shayaadiinta .oo dadka baray oo aduunka kufaafinaya ILaa maanta .

Sixirka ama sixiroole ma noqdo ama mabaran Karo qof qalbigiisa iimaan Ku jiro EE waxa labaraa ama barta gaal aan iibaan lahayn .

Dadka islaamkii xataa mabarankaraan sixirka
EE diinteena waxa Ku Taal oo quraanka Ku yaal aayadaha sixirka fura oo hadii uu qofka lasixray
Akhristo uu sixirkaasi furmayo .

Qofkan sixirka samaynayaa amba sixirooluhu sixirka ma furi Karo EE wuu xidhi karaa .
Sixirka waxa fura ama lagu furaa sadex suuradood iyo aayad kamida quraankeena .
Xataa haduu qofku sadexdaa suuradood iyo aayadaa oo qoraalka jeebka Ku qaato wax soo gaadhayaa majiraan .

Hadaba qofka Ka shikisan sixir waxaan udiyaar Ajay inaan baro furista sixirka isaga haysta
Ama ehelkiisaba .
Waxaynu ladagaalami doonaa sixirka aduunyada kufaafay .
Waxaad igalasoo xidhiidhi kartaa qaybta miisayjka .
Lasoco qaybta labaad EE Ku saabsan sixirka iyo faalka iyo Isha ama caynu naaska .
Wabilaahi towfiiq .

12/09/2023

Waxkabaro cilmiga falaga dhanka burjiyada iyo dawa samaynta iyo siyaasada iyo magacyada ururada hadaad doonayso urur inaad furato waxa kaa caawinaya magaca ururka xisaabta cilmiga falaga .

Waxaad ogaanaysaa ururkan aad Ku dhawaaqday waxay isku noqonayaan Somaliland najmi ahaan .
Ma isku fiicanyihiin Mise way isku xunyihiin.

Magaca ururkaaga iyo magaca dalkaad utartamayso haday isku fiican yihiin waxaad helaysaa taageerayaal badan waxaanad Ku guulaysanaysaa sifudud .
Hadaad madaxwayne doonto iyo hadaad kursi kalaba doonto .

Haday magaca ururkaaga iyo magaca dalkaaga
Ay isku xunyihiin najmi ahaan ama burji ahaan
Waad guul daray sanaysaa .
Taageerana ma helaysid .

Maah maah ayaa yidhaa cilmiga halaguu dhigee caqliga kaa shabaa layidhi .
Guusha iyo guuldaradu waa laba jid oo makhluuqu Maro .
Jidkaad socoto inaad garataa aday kuufiicantahay .

Hadaad leedahay hami urur magaca waxa kaa caawinaya .
Laxidhiidh Tel 252654483694.
Wabillaahi towfiiq

12/09/2023

Waxka baro cilmiga falaga waa madasha Kala xulista xaasaska is Ku fiican burji ahaan .waa mustaqbalka rag iyo dumar BA waxaad dumarku waa laba mid aad Ku dagto iyo mid aad Ku gubato .

Raguna waa labadaa mid lagu d**o iyo mid habaar qaba .oo xila bilaala .

Markaa waxaan gabdhaha leeyahay raga idin guursanaya iska eega .inaad isku fiican tihiin iyo inkale .

Waxa Jira nin aad isku xuntihiin inaad guursato .meeshiina caruuri timaado .markaa xalku wuxu noqonayaa .inaad ninkaaga u guuriso gabadh nolasha idinla wadaagta oo idin hagaajisa oo isku kiin macaanaysa .

Waxaan gabdhaha uga digayaa in aan reerka laburburin uun EE xalka laqaato oo loo daneeyo caruurta .

Markaa waxaad iisoo waydiin kartaa hadaad guursato nin aydaan isku fiicnayn burji ahaan xalku muxuu noqonayaa .
Xalka waad helaysaa markasta waanad Ku guulaysanaysaa .in sha allaah .

Waxaan leeyahay ragana markaad guursanaysaan dumarka iska eega .
Dumarka waxa kamida mid hadii laguursado lagu dhinto oo dadkeenii h**e odhan jireen gaashaan gambi .
Dumarkuna waxay uyiqaanaan wakhtigan sodon guur Sato .

Waalidkana waxaan leeyahay caruurtiina umeeldaya oo burjiga u eega qof kastaa qofkiisii wuu helayaa .
Waxaanad igala soo xidhiidhaan lambarkan .
252654483694
Wabilaahi towfiiq.

12/09/2023

Waxkabaro cilmiga falaga .
Waa maxay cilmiga falagu ?

Cilmiga falagu waa cilmi ilaahay u soo dajiyay oo u siiyay Aadamaha markii ilaahay Aadamaha dhulka uga dhigay Khaliif ama wakiil .waxa uu ilaahay baray Aadem cilmigan si caruurtiisu uga dhaxasho cilmigan falaga .
Oo ay ugu intifaacaan oo ay aduun yada ku maamulaan oo ay ka faaiidaystaan dhanka nolosha iyo dhanka warshadaha ama waxsamaynta .

Cilmigani waa cilmi balaadhan oo Aadama ka kaba dhan walba oo ku saabsan noloshooda dhanka guurka dhalashada waxbarashada shaqada warshadaynta dawada iyo waxkasta oo warshadi soo saarto .ama ay samayso .

Waxkasta ama shaykasta oo aduunkan yaala cilmigani waa miftaaxiisa oo waa lagu furaa cilmiga aduunyada yaalaana isaguu ka bilaabmaa kuna dhamaadaa .

Cilmigani imisuu u qaybsamaa marka h**e ?

Cilmigani wuxu u qaybsamaa sadex qaybood .
1 cilmul asmaa .ama cilmiga magacyada shay kasta oo aduunyada yaala haday magacyada dadka tahay iyo haday magacyada ashaada tahayba .
Waa imisa magacyada aduunka yaalaa ama ka jiraa ?

Magacyada aduunka yaalaa waa ama ka jiraa waa sagaal magac .
Ma maqashay aduunyadu waa sagaal oo ma tobnowdo waa xaqiiq arinkaasi .
Markaad akhrido qoraalkan waxa tidhaahdaa rabi sidnii cilman .
Lasoco qaybaha dambe ee taxanahan .

15/07/2023

Waa madasha xulista lamaanaha is guur sanaya .ma isku haboonyihiin burji ahaan haday is guur sadaan ?
Ma isku qaaliban yihiin dhanka arsaaqda ?

Markaa soo dhawow hadaad guur meer tahay .si lagaaga caawiyo helista lamaanaha kugu haboon burji ahaan .oo hadana kuu qaaliban dhanka arsaaqda .
Wabilaahi towfiiq.

27/05/2023

Lamaanaha aduunka dagani way farabadanyihiin laakiin waxaa oo dhami waxay u qaybsamaan ama ay Ka kooban yihiin .
Sagaal lamaane ama sagaal qoys .oo kaliya qoys tobnaad kuma jiro .

Maanta waxaynu Ka hadlaynaa qoyska ugu fiican sagaalkaa qoys waa qoyska ilaahay aduunka ama dhulka khaliif uga dhigay .
Waa qoyskii ay ahaayeen xaawa iyo Aadam .

Qoyskan waxa layidhaa baytul firaash sacad wasa cuud .oo macnaheedu yahay qoyska raaxada guusha iyo liinaanta .
Somaalidu haday qoyskan ubataan roobkuba kamuu qaadeen .

Qoyskani waa qoyska noqda ama dhala madaxda ama madawayna yaasha .
Tusaal qoysakii madaxwaynayaashii soo maray dalka sida daahir riyaale axmed siiraanyo muuse biixi dhamaantood waa qoyskaa khaliif Ka a .
Wabilaahi towfiiq .lasoco qaybta qoyska labaad .

13/05/2023

Waa madasha xulista lamaanaha.
Maanta waxaynu Ka hadlaynaa qoyska looyiqaan .wad.i laakhayra fiihi .oo macnaheedu yahay wasmo aan khayr Ku hirin.

Qoyskani wuxu Ka mid yahay qoysaska ugu liita najmi ahaan dhanka dhaqaalaha .oo saamaynaya lamaanaha is qaba .

Hadaad guurdoon tahay ama calaf Doon waxaad soo qoraysaa magaca dadku kuu yiqaanaan EE aad leedahay .
Markaa waxa laguu sheegayaa magaca kuu haboon inaad lamaane noqotaan.ama qoys .
Lasoco wabilaahi towfiiq.lana xidhiidh 252654483694.

Address

Gebiley
SAKADACEELBARDAALE

Telephone

+252654483694

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Khadar alfalaki posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share