fure gomey

fure gomey Wararki oo sugan nogu imow👏👍

Garowe: December 17, 2024: Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa daahfurey Tababa...
17/12/2024

Garowe: December 17, 2024: Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa daahfurey Tababarka ku saabsan u qareemidda iyo Daadejinta maalmulka Maaliyadda Dowladaha Hoose ee Puntland, kaas oo ay ka soo qaybgaleen 36 Degmo.

Tababarkaan oo socon doonaa muddo 3 Beri ah yaa waxaa looga hadli doonaa Maamul Baahinta iyo Adeeg bixinta Dowladaha Hoose ee Puntland, u qareemidda Sanduuqa Horumarinta Degmooyinka.

Sidookale, waxaa looga hadli doonaa dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7 iyo Mideynta cashuuraha kala duwan ee Dowladdaha Hoose ee Puntland.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday Golaha Xukuumadda, Golaha Wakiillada iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland ee laga qabtay Doorashada hal Qof iyo hal Cod.🇸🇱🇸🇱🇸🇱

17/12/2024

Waxaa kastamka ganacsiga tuur dibi Cormer shaqo ku tagay iskuduwaha G.mudug Ee Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha & Maalgashiga Dowlada Puntland waxaa halka ku soo dhaweyey Maareye Ku Xigeenka Kastamka Tuur dibi Maareye Maxamed Ali👍👏💯

15/12/2024

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada DPL ayaa Garoowe ka furay shir looga hadlayey hanaanka shaqaalaha, maaliyadda iyo der dergalinta shaqada iyo isla xisaabtanka Dawladda.

Gaalkacyo: 06 December 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyas Osman Lugatoor, oo safar kusoo gaaray...
06/12/2024

Gaalkacyo: 06 December 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyas Osman Lugatoor, oo safar kusoo gaaray degmada Gaalkacyo, ayaa saaka kulan la qaatay oo warbixin ka dhegaystay Guddiga Aaska Qaran ee Allaah ha u naxariistee Madaxweyne Ku-xigeenkii h**e ee Dowladda Puntland Senator , oo maanta lagu aasayo Gaalkacyo.

Baarlamanka puntland oo ka doodaya tastuurka ay ku tumatay dowlada fadaralka ayadoo baal martay tasturkii hishiska lagu ...
05/12/2024

Baarlamanka puntland oo ka doodaya tastuurka ay ku tumatay dowlada fadaralka ayadoo baal martay tasturkii hishiska lagu ahaa 2012👏

22Kun oo Neef oo Isugu Jira Adhi iyo Geel ayaa caawa waxaa laga dhoofiyay Dekada magaalada Boosaso ee xarunta ganacsiga ...
04/12/2024

22Kun oo Neef oo Isugu Jira Adhi iyo Geel ayaa caawa waxaa laga dhoofiyay Dekada magaalada Boosaso ee xarunta ganacsiga Puntland .

Masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo ganacsato ayaana goob-joog ka ahaa dhoofka xoolahan waxaana sida oo kale kulan casho ah loogu sameeyay gudaha Markabkan xoolaha qaadayay.

GUDDIGA AASKA QARAN EE AHUN MADAXWEYNE KU-XIGEENKII H**E MAXAMED CALI YUUSUF (GAAGAAB) Garoowe : 04 December 2024 : Mada...
04/12/2024

GUDDIGA AASKA QARAN EE AHUN MADAXWEYNE KU-XIGEENKII H**E MAXAMED CALI YUUSUF (GAAGAAB)

Garoowe : 04 December 2024 : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa magacaabay Guddiga Aaska Qaran ee Allaah ha u naxariistee Madaxweyne Ku-xigeenkii h**e ee Dowladda Puntland Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), oo 06-da (December) Maalin Jimce ah , 2024 , Hab Aas Qaran ah loogu aasi doono Gaalkacyo (Insha’aallah).

XUBNAHA GUDDIGA LA MAGACAABAY:-

1. Fu’aad Abshir Adeer: wasiirka Waxbarshada iyo tacliinta sare ee Dowladda Puntland- (Guddoomiye).

2. Maxamed Cabdiwahaab Axmed: Wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha Diinta (Xubin).

3. Cabdi Faarax Juxa: Wasiirka Arrimaha Gudaha,federaalka iyo dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland (Xubin).

4. Cumar Cabdisamad Yuusuf: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha (Xubin).

5. Axmed Sheekha Faarax: Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka (Xubin).

6. Cabdifataax Maxamed Cabdinuur: Wasiir Dowlaha Madaxtooyada (Xubin).

7. Xildhibaan Yaasiin Jaamac Cumar (Xubin).

8. Xildhibaan Cabdiweli Yuusuf Warsame (indho-Ceel) (Xubin).

9. Xildhibaan Xareed Xasan Cali (Xubin).

10. Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan: Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland (Xubin).

11. Faysal sheekh Cali jifo-jabsade: Guddoomiyaha Gobolka Mudug (Xubin).

12. Maxamed Cabdirisaaq Warsame Daacad: Duqa Degmada Gaalkacyo (Xubin)

 : Alle ha u naxariistee, Madaxweyne ku xigeenkii h**e ee Puntland haatana ahaa senetar ka tirsan Aqalka sare ee Baarlam...
03/12/2024

: Alle ha u naxariistee, Madaxweyne ku xigeenkii h**e ee Puntland haatana ahaa senetar ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Yuusuf(Gaagaab) ayaa maanta ku geeriyooday dalka Turkiga.

fure gomey 🇸🇱

Waxaa maalintii 2aad si habsami leh uga socda caasimadda dawladda Puntland ee Garoowe shir weynaha 6aad ee deegaanka iyo...
03/12/2024

Waxaa maalintii 2aad si habsami leh uga socda caasimadda dawladda Puntland ee Garoowe shir weynaha 6aad ee deegaanka iyo isbeddelka Cimilada.

Shirkan ayaa ah mid muhiim u ah dalka iyo deegaanka, iyada oo ay ka qaybgelayaan goleyaasha dawladda, hay'adaha caalamiga, khuburo ku takhasustay arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada, sidoo kale waxaa qayb ka ah NGO-yada kala duwan ee gudaha dalka ka jira, wasaaraddana kala shaqeeya arrimaha deegaanka.

Waaxyaha ugu miisaanka culus ee gorfaynta shirku ku aaddanayd waxaa ka mid ahaa joojinta xaalufinta dhirta, ugaadha iyo ka hortagga isbeddellada cimilo iyo la jaanqaadidda isbeddelka dabeecadeed ee bulshada.

Shirka ayaa maanta waxaa uu u badanyahay dood cilmiyeedyo arrimahaas lagu xoojinayo.
🇸🇱👏

WASIIRKA QORSHEYNTA OO KULAN LA QAATAY KHUBARADA SARE EE PUNTLANDGaroowe: 02-Dec-2024: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, H...
03/12/2024

WASIIRKA QORSHEYNTA OO KULAN LA QAATAY KHUBARADA SARE EE PUNTLAND

Garoowe: 02-Dec-2024: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dawladda Puntland Mudane Daa'uud Maxamed Cumar ayaa kulan la tashi ah la qaatay qaar kamida khuburada sare ee Puntland.

Kulanka waxaa looga wada-hadlay sidii khubaradu talo iyo tusaale ugu biirin-lahaayeen diyaarinta Qorshaha 4-aad ee Horumarinta Puntland (Puntland Development Pland4) oo dhawaan Wasaaradda Qorsheyntu daah-furtay.

Kulanka oo ay Wasiirka kala qaybgaleen Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Maxamed Xasan Ibraahim iyo saraakiil Wasaaradda katirsan waxaa goob-jooga ahaa khubarada kala ah:

1. Dr. Ali Abdullahi Warsame
2. ⁠Prof. Mohamed Said Samatar
3. ⁠Drs Hodan Said Isse
4. ⁠Dr. Ahmed Hassan Mohamed
5. ⁠Dr. Bashiir Sh. Mohamed
6. ⁠Dr. Abdinasir Jamal Warsame
7. ⁠Dr. Abdi Mohamed Dahir
8. ⁠Dr. Jama Warsame
9. ⁠Dr. Abdikarin Abdi Buux

Madaxda Wasaaradda Qorsheynta waxaa ka go'an tayeynta diyaarinta qorshaha horumarinta Puntland, waxayna fursad siinayaan cid walba cilmi, caqli iyo taloba ku dari karta horu-socodka hayaankeena dawladnimo.🇸🇱👍

 :- Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada dowladda Jubbaland ayaa digniin adag u dirtay shirkadaha diyaaradaha ka how...
02/12/2024

:- Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada dowladda Jubbaland ayaa digniin adag u dirtay shirkadaha diyaaradaha ka howlgala Soomaaliya.

02/12/2024

Dib u habaynta wadada u dhaxaysa iyo oo hayada waddoyin dib u dayactir ku samaysay🇸🇱

 : Puntland oo dib looga celiyey lacag dhan 3milyan oo doolar oo lagu taageerayey Waxbarshada degmooyinka Gaalkacyo iyo ...
02/12/2024

: Puntland oo dib looga celiyey lacag dhan 3milyan oo doolar oo lagu taageerayey Waxbarshada degmooyinka Gaalkacyo iyo Galdogob

Lacagtaasi oo ka mid ahayd mashruuca JRP(jointa resilience Program oo ay ku bahoobeen hay'adaha UN-ka ee UNCEF, WFP iyo FOA, kaasi oo loo qorsheeyay dhismayaasha iyo dayactirka iskoolada iyo daabacadda bugaagta ardayda wax lagu baro ee manhajka Puntland.

Lacagtaan ayaa dib ugu noqonaysa deeq bixiyaasha ka dib markii fulinta mashruucaas uu hor istaagay wasiirka wasaaradda Waxbarashada Puntland Fu'aad Abshir Adeer. Sidoo kale Puntland ayaa waayidoonta qoonadeeda wajiga 2aad mashruuca JRP, madaama ay fulinwayday mashruuca Wajigiisa 1aad

Shirweynaha 6aad ee degaanka iyo isbeddelka cimilada ayaa saaka ka furmay caasimadda dawladda Puntland, shirkan oo mudda...
02/12/2024

Shirweynaha 6aad ee degaanka iyo isbeddelka cimilada ayaa saaka ka furmay caasimadda dawladda Puntland, shirkan oo muddadii ugu danbaysey si sannadle ah u dhacayey ayaa waxaa soo qabanqaabisa Wasaaradda Degaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada.

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Mudane Ilyaas Xuseen Lugatoor oo uu weheliyo Wasiirka Wasaaradda Degaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa si wadajir ah u daahfuray shir weynaha 6aad ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Sidoo kale, waxaa shirka qayb ka ah Madaxweynayaal h**e, Golayaasha kala duwan ee dawladda oo ay ka mid yihiin Golaha Wasiiradda, Xildhibaannada, Garsoorka, Ururrada Rayidka, Hay'adaha Caalamiga ah, Khabiirro ku xeeldheer arrimaha degaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Shirweynaha ayaa labadii sanoba mar walba lagu soo bandhigayaa warbixino aqooneed ku saabsan degaanka, daaqaha, xoolaha iyo isbeddellada cimilo ee dalkeennu la daalaadhacayo, sannad walbana waxaa lagu dejiyaa siyaasadda lagaga hawlgelayo fiditaanka nabaadguurka iyo arrimaha caqabadaha ku ah degaanka.

Muwaaddin ballanteennu waa ilaalinfa degaanka iyo ku xidhnaanta wacyigelinnada ku aaddan ilaalinta degaanka iyo isbeddelka cimilada ee ay qabato Wasaarada Degaanka, Daaqa iyo Isbeddellada Cimilada ee

Address

Guureeye
Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when fure gomey posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share