Kalbayr City Clup K.C.C

Kalbayr City Clup K.C.C Kalabayr City Clup K.C.C Force���

Kooxda Kalabayr City Clup K.C.C ee Herka Afraad Zero D;Oo kadhisan magalada kalabyr ee katirsan gobolka Nugaal, Oo Casim...
17/07/2022

Kooxda Kalabayr City Clup K.C.C ee Herka Afraad Zero D;
Oo kadhisan magalada kalabyr ee katirsan gobolka Nugaal, Oo Casimada garowe kajidha dhinaca koonfureed 64km ayaa ayamihii udanbaysay kulamo kudhelaysay magalada garowe.
Kullanki kowad Italian4:3kalabayr
Kullankii labad Roma3:4kalabayr.

Kooxda waxay kutalabsanaysaa Horumar Ballaran oo dhanka sports ah.
Guulo kuwan kawaaweyn aya idin rajayn dhalinyaro.

K.C.C Force💪💪

02/12/2020
02/12/2020

MADAXWEYNE FARMAAJO OO U MAGACAABAY DANJIRE YUUSUF-GARAAD ERGAYGA GAARKA AH EE GEESKA AFRIKA, BADDA CAS IYO GACANKA CADMEED

Muqdisho, Nofeembar 30, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Danjire Yuusuf-Garaad Cumar in uu noqdo Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Madaxweynaha ayaa u xilsaaray Danjire Yuusuf in uu sii ambaqaado doorka dalkeennu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku saleysan wax-wada qabsi, daris-wanaag, iskaashi iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

“Waa muhiim in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn doorka dalkeennu uu ku leeyahay Gobolka, arrinkaas oo sanadihii la soo dhaafay aan ka gaarnay guul weyn oo waxtar u ah xasilloonuda iyo horumarka mandiqadda.”

Madaxweyne Farmaajo oo tilmaamay xeeldheerida diblumaasiyadeed ee Danjire Yuusuf-Garaad oo soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjirihii h**e ee Qaramada Midoobey ee New York ayaa u rajeeyay in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isaga oo kula dardaarmay in uu sii joogteeyo daacadnimadii iyo hufnaantii lagu yaqaannay inuu ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi
Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: [email protected]
Twitter:
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Youtube:https://www.youtube.com/c/XafiiskaWarfaafinta/featured
Instagram: https://www.instagram.com/villa.somalia/

Address

Garowe

Telephone

+252907579712

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kalbayr City Clup K.C.C posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Kalbayr City Clup K.C.C:

Share