Mustafe Abdisalan Ahmed

Mustafe Abdisalan Ahmed Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mustafe Abdisalan Ahmed, Media/News Company, Garowe.

18/09/2024

Garoowe ,ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire, oo kasoo laabtay safar uu ugu maqnaa qaarada Europe.

Soo dhoweynta waxaa ka qeybgalay Gudoomiyihii h**e Baarlamanka Puntland Cabdirashid Yusuf Jibriil Cawl, Maamulka gobolka Nugaal,kan degmada ,Xildhibaano, Wasiiro iyo saraakiil Ciidan.

Garoowe ,ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire, oo ka...
18/09/2024

Garoowe ,ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire, oo kasoo laabtay safar uu ugu maqnaa qaarada Europe.

Soo dhoweynta waxaa ka qeybgalay Gudoomiyihii h**e Baarlamanka Puntland Cabdirashid Yusuf Jibriil Cawl, Maamulka gobolka Nugaal,kan degmada ,Xildhibaano, Wasiiro iyo saraakiil Ciidan.

Alhamdulilah.Waxaan ka qalinjabiyey jaamacada SAHAL UNIVERSITY KULIYADDA LEADERSHIP AND MANAGEMENT. Marka koowaad waxaa ...
23/08/2024

Alhamdulilah.
Waxaan ka qalinjabiyey jaamacada SAHAL UNIVERSITY KULIYADDA LEADERSHIP AND MANAGEMENT. Marka koowaad waxaa mahad o dhami usugnaatay Alle Swc. Marka 2aad waxaan u mahad celinaya waalid kay o aan là aantood waxba i suuroobeen. Waxaan leeyahay alle haydinka raali noqdo. Marka 3aad waxaan umahad celinaya ardaydii aanu soo wada soconay hayaankan waxbarsho. waxaan umahad celinaya saaxiibada iyo faamilga sida quruxda badan igu so hambalye yey. waxan u mahad celinayaa macalimintaydii iso baray aqoon aan noloshayda ku kaafiyi doono insha allah.

23/08/2024.

Innaa lillaahi wa Innaa ilayhi raajicuun,Alle Ha’ u Naxariisto Raysal Wasaarihii h**e eeFalastin ahaana Hoggaaniyihii ga...
31/07/2024

Innaa lillaahi wa Innaa ilayhi raajicuun,

Alle Ha’ u Naxariisto Raysal Wasaarihii h**e ee
Falastin ahaana Hoggaaniyihii garabka siyaasadda ee ururka Xamaas Ismaacil Haniya ayaa lagu dilay magaalada Tehran ee dalka liraan, Ismaaciil Haniya ayaa geeriyooday kadib marki la duqeeyay goobtii u ka deganaa Tehraan, iyadoo la sheegay in u halkaasi u joogey ka gayb-galka caleemo saarka madaxweynaha cusub ee liraan.


Aamiin Aamiin Aamiin.

‎إنا لله وإنا إليه راجعون الله يرحمه
Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo aad dunida ka joogtaan waxaan idiin ku hambalyaynayaa xuska qiimaha badan ee 26-ka J...
26/06/2024

Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo aad dunida ka joogtaan waxaan idiin ku hambalyaynayaa xuska qiimaha badan ee 26-ka Juun oo ku aaddan 64-guurada ka soo wareegtay xorriyadda gobollada Waqooyi ee Somalia,🇸🇴
Hambalyo, sannadkan kiisa Alle ha ina ku gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo.

Eid Mubaarak dhammaan ummada muslimka ah,
09/04/2024

Eid Mubaarak dhammaan ummada muslimka ah,

Ramadaan Mubaarak,🌙dhammaan umadda muslimiinta ah, meelkasta oo aad ka joogtaan caalamka waxaan idin leyahay Ramadaan Ka...
10/03/2024

Ramadaan Mubaarak,🌙dhammaan umadda muslimiinta ah, meelkasta oo aad ka joogtaan caalamka waxaan idin leyahay Ramadaan Kariim.
Waxaan Alle ka baryayaa in uu inaga wada aqbalo cibaadada iyo acmaasha suubban ee bisha ramadaan.

 : Musharax guddoomiyaha golaha wakiillada Dowladda Puntland Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril                   ...
02/01/2024

: Musharax guddoomiyaha golaha wakiillada Dowladda Puntland Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril

"HOWLKAR LA TIJAABIYEY".

Madaxweynihii h**e ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo Heshiiska damaca guracan ee Itoob...
01/01/2024

Madaxweynihii h**e ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo

Heshiiska damaca guracan ee Itoobiya ku dooonayso dhul iyo bad ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu muujiyey dareenka xooggan ee shacabka Soomaaliyeed, waana mid mudan in aan la dhayalsan khatarta ka dhalankarta haddii lagu soo xadgudbo madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

Heshiiskan waxa uu baal marsan yahay shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah iyo kan midwoga afrika, waxa uuna dhaawac ku yahay wadajirka iyo xasilloonida dalalka gobolka, sidaas awgeed waxaan caddaynaynaa in cid kasta oo ku lug leh ay ka galeyso taariikhda baal madoow, qaadanaysana masuuliyadda cawaaqib xumida ka dhalan karta.

Dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqaynaa in ay ka waantowdo damacaan gurracan oo wiiqaya heshiisyadii is-dhexgalka bulsho iyo iskaashiga heer gobol, kaas oo ay aas-aas u ahayd ilaalinta madaxbannaanida iyo dowladnimada shucuubta gobolka, si waafaqsan xeerarka gaarka u ah dal kasta iyo shuruucda caalamiga ah.

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in ay degdeg ugu istaagaan gudashada waajibaadkooda qaran ee ku aaddan xadgudubka ka dhanka madax-bannaanida iyo gobanimada dalkeenna, anigoo xasuusinaya guushii aynu ka gaarnay kiiskii dacwadda Badda ee nagala dhexeeyey Kenya uu saldhig u ahaa qaraarkii dhaxal-reeb ee uu soo saaray Baarlamaankii 8-aad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh waxaa waajib ku ah ilaalinta midnimada dhuleed, badeed iyo umadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana la dhawrayaa go’aammada masiiriga ah iyo tallaabooyinka qaran ee u qalma jiilasheenna danbe.

Dadka Soomaaliyeed, shacab iyo masuuliyiinba waxaan ugu baaqayaa in aynu u midowno qadiyaddan halista ah, innagoo meel iska dhigayna kala fikir duwanaanshaha iyo khilaafkasta oo dhexdeenna ah. Una midowno ilaalita badeenna, dhulkeenna iyo ummaddeenna.

Raiisal wasaarihii h**e ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo cambaareeyey Heshiis ku Sheegga Do...
01/01/2024

Raiisal wasaarihii h**e ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo cambaareeyey Heshiis ku Sheegga Dowladda Etoopiya Iyo Maamulka Somaliland.

Waxaan si xooggan u cambaareynayaa heshiiska ku sheegga ay Addis Ababa ku gaareen ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ah xadgudub weyn oo lagula kacay Qarannimada Soomaaliya.

Itoobiya iyo Soomaaliya waa labo dal oo daris ah, oo kala mudan is-xaqdhowr iyo wax-wada-qabsi ku dhisan isixtiraam qarannimada dal walba, waana wax aan la aqbali karin in Addis Ababa ay maanta ku tallaabsato qaadashada qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.

Hadii aan nahay madax iyo shacabba, waa in aan u midownaa kahor tagga tallaabadan ay Itoobiya isuga dayayso qabsashada qeyb ka mid ah biyaheena, sidoo kalana lagu tir tirayo mabaadii’dii lagu aasaasay ururka Midowga Afrika, gaar ahaan Qodobka 4aad, faqraddiisa B.

Marna ma aqbali doonno ficilka noocan oo kale ah ee mugdiga galinaya jiritaankeenna, waxaana ugu baaqayaa Dowladda Itoobiya in ay ka laabato arrintan oo ay ilaaliso nabadda, xasiloonida iyo darisnimada.

Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaan u soo jeedinaya in ay arrintan deg deg uga bixiyaan jawaab u qalanta, ayna u diyaar garooban wixii fal-celin mideysan ah oo loo baahan karo. Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta midnimada, Dhulka iyo badda Soomaaliya.

01/01/2024

Waxqabadka Musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril

Suldaanka Guud ee Beelaha Harti Suldaan Siciid  Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Ayaa maanta u gudbiyey Guddiga Ansi...
25/12/2023

Suldaanka Guud ee Beelaha Harti Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Ayaa maanta u gudbiyey Guddiga Ansixinta iyo khilaafadka Golaha Wakiilada DPL Liiska Xildhibaanada ku metelaya Beesha Warsangali.

01/08/2023
Hambalyo Munaasabadda 1-da Luuliyo.
01/07/2023

Hambalyo Munaasabadda 1-da Luuliyo.

Address

Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mustafe Abdisalan Ahmed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share