Noble Academie

Noble Academie Media agency talks about events and real information
(3)

Kacaankii barakaysnaaa Manta wa xuskaagi farxadi gadashaaa suushay Calamo yar yar oo la isku dulmana yimiSharaf baday oo...
21/10/2020

Kacaankii barakaysnaaa
Manta wa xuskaagi farxadi gadashaaa suushay
Calamo yar yar oo la isku dulmana yimi
Sharaf baday oo gabdhaahaas farxadooda aad haysay manta adoon baa ku ciyaarta
Shisheye hosta kagalnay oo qabkeeni dun

Jaaale Maxamed siyaad barre ifka laguguma dulmin akhrina cadab laguma tuso

30sano dabada dab lama shidin
Kuwas waxbartay ee abaal gashtay bana ku caya
Kuwad ugurman jirtay ban manta tugsana oo nagu digta
Kala qoqobanay jale

Alayarxamuk

Mayor xigenka garawe ciid mubarik sido kale Kala soco halkan
31/07/2020

Mayor xigenka garawe ciid mubarik sido kale
Kala soco halkan

Waxaan ugu hambalyaynayaa dhaman umada musliminta shacabwaynaha somaliyed iyo bulshada waynta kusugan casumada puntland ee garawe
Fadliga malina barakaysan ee ciida carafa
Waxan rabi uga baryaya fadligeda iyo barwaqadeedaba nasiyo

Deputy mayor of Garowe city- the capital city of puntiland state of Somalia

Mohamed Ali Hamari

Wax qabkad ka dawlada hoose ee Garawe Waxa ugu wayn ayaa ah in Ganjelada lala baxoLa ilaalin shurcda Mamoyinka la laayo ...
01/06/2020

Wax qabkad ka dawlada hoose ee Garawe
Waxa ugu wayn ayaa ah in Ganjelada lala baxo
La ilaalin shurcda
Mamoyinka la laayo
Bilicdi magalada iyo dhirayntii ay lunto
Mamul xumo bahsan iyo wax ka qabasho lan
Hormarki oo gadal maray
Iyo hanaqki oo hargardamo

Page ka si fican halo Boqdo Waxa iska leh Axmad Karash Xaquba wa kaca xaq hadu yahayeXagala dacaab arkaa wa xisab li h**...
19/05/2020

Page ka si fican halo Boqdo
Waxa iska leh Axmad Karash

Xaquba wa kaca xaq hadu yahaye
Xagala dacaab arkaa wa xisab li h**ee
Xagalaha yaaan laga laban wac badan bay xayakalah daqdaye
Xuman h**ey qabtaye iyo xaluf h**eete
Ka xigso odaygda xuman ba lo malegi e
Isgan xisabtamine xaq ba haya mante

Shalay isga xagalaha kalabtay xigalki kolku dadku qaday ee
Iskama xijine ka xijiya xaja raged un weeeye

11/03/2020

Nin aan geel lahayn lama amanayn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay  kal-fadhiga labaad ee Baarlamaan...
07/03/2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Munaasabada furitaanka Kal-Fadhiga labaad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa kasoo qaybagalay Madaxweyne ku xigeenka labaad Xubno katirsan labada gole ee Dowlada Xildhibaano iyo masuuliyiin kasocda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo munaasabadan ka hadlay ayaa ku dheeraaday waxyaabaha ay xooga saartay Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay ugu weyn yihiin amaanka iyo Hormarka.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhaqaalaha la kobciyay iyadoo Wasaarada iyo hay'adaha kala duwan ee dakhligu ay xooga saareen sidii loo midayn lahaa dakhliga guud taas oo guulo la taaban karo laga gaaray isagoo xusay in ay qayb ka tahay hanaanka lagu hufayo nidaamka maaliyada Jubbaland.

sidoo kale waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Arimaha amaanka hormar badan laga sameeyay iyadoo Ciidamada iyo Hay'adaha amaanku ay wadaan dadaal adag oo lagu xorayno deegaanada maqan taasna shacabku ay door muuqda ku leeyahiin.

Dhinaca kale waxaa Madaxweynahu uu sheegay in daadajinta maamulka oo marar badan uu hakad ku yimid hada si dhab ah loo guda galayo gaar ahaan golayaasha deegaanka si shacabku ay usoo doortaan dadka matalaya.

Arimaha dhulka ayuu Madaxweynahu sheegay in hay'ad gaar ah loo sameeyay taas oo xal ka gaarta muranada dhulka sidoo kalana bixisa ruqsadaha lahaanshaha dhulka oo nidaamka iyo xeerarka caalamiga ah waafaqsan.

Madaxweynaha oo ka hadlayay dagaalka Al-Shabaab ayaa sheegay in shacabka iyo Dowlada Jubbaland ay ka guulaysan doonan kooxaha Argagixisada ah loona diyaar garoobayo howlgalo Al-Shabaab lagaga saarayo dhamaan deegaanada ay wali ku harsan yihiin iyadoo sidoo kale la isku farayo dhamaan deegaanada xorta ah Ciidamada Jubbaland ee howlagaladaas fulin lahaana ay diyaar yihiin.

Arimaha Gobolka Gedo ayuu Madaxweynahu sheegay in duulaan cad ay kusoo qaaday Dowlada Federaalka ah deegaano nabdoon oo Al-Shabaab laga saaray 10 sano kahor isagoo xusay in boqolaal shacab ah ay halkaas ku barakaceen sidoo kalana ay Dowlada Federaalka ah burburisay maamulkii halkaas ka jiray.

Madaxweynahu wuxuu u sheegay Dowlada Federaalka ah inay Ciidamadeeda si shuruud la'aan ah ugala baxdo Gobolka isagoo intaas raaciyay in Ciidamada halkaas la geeyay ay joojiyaan dhibaatada ay dadka shacabka ah ku hayaan.

Madaxweynahu wuxuu ugu baaqay hay'adaha gargaarka inay kaalmo deg deg ah lasoo gaaran dadka shacabka ah ee deegaanada daawo ee Gobolka Gedo ku barakacay.

Arimaha Doorashooyinka iyo dhamaystirka Dastuurka ayuu Madaxweynahu sheegay in aanay waxba ka soconaynin hadii aanay go'aan ku lahaanin Dowlada Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah iyo dhinacyada ku lugta leh isagoo sidoo kale sheegay in Barnaamijka Deyn cafinta oo mudo soo socday ay diyaar u tahay Jubbaland sidii guul looga gaari lahaa lakiin loo baahan yahay in Dowladaha deeqda ku bixiya Soomaaliya ay ka fiirsadaan waxyaabaha loo adeegsado lacagaha ay Soomaalida siiyaan oo dib loogu burburiyo hanaankii Federaalka ahaa ee dalka dib u dhiskiisa waxbadan ka taray.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu ugu baaqay Dowladaha shisheeye inay faraha kala baxaan Arimaha gudaha Soomaaliya si gaar ahna Dowlada Qadar ayuu sheegay inay joojiso lacagaha ay ku bixinayso burburinta Dowladnimada Soomaaliya isagoo sidoo kale Dowlada Turkiga ugu baaqay inay dib u eegto dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan Ciidamadii ay soo tababareen oo si khaldan loo adeegsanayo.

Waxaa Madaxweynahu uu sidoo kale Dowlada Itoobiya uu ugu baaqay inay xakamayso Sarakiisheeda ku lugta leh dhibaatada gudaha ee Soomaaliya isago sheegay in Dowladaha AMISOM ay ku koobnaadan masuuliyada ay dalka u joogaan oo kaliyah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa kale o uu ka hadlay heshiisyada dibadaha ay kusoo galaan Madaxda Dowlada iyadoo aan lagala tashan dhinacyada ay saamaynayso waxaa uu xusay Madaxweynahu in heshiisyadaas aan waxba ka jirin oo la burin doono.

Dhinaca kale waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Dimuqraadiyadii dalku ay dhaafi ladahay rajiimka Eretariya waxaana uu is weydiiyay nooca dimuqraadiyad ee aan ka baran karo Eretariya.

DHAMAAAAAAD.

06/03/2020

Hanaqad media waxay bilabi doonta hayanka safarka nabda
Si adan uga harin fadlan like dheh page oo so falie garre
Mahadsanid
Hanaqad media inc

Lakulakna madaxwayne qorqor Ayaa ah dhamaystrka dhidibada loogu tagayo mamulka galmudug inuu kahanaqado bartamaha somali...
04/03/2020

Lakulakna madaxwayne qorqor
Ayaa ah dhamaystrka dhidibada loogu tagayo mamulka galmudug inuu kahanaqado bartamaha somaliya

Somali oo heshisha waa mid ay utahay astan nabad
Somalia ha nolaato hana jirto

04/03/2020

Soomaaliya waxaa loo fasaxayaa dhammaan sharaa'iga caalamku inay maalgashadaan, hadii ay tahay kuwa Gaadiidka soo saara iyo hadii ay tahay noocyada kale ee shirkadaha adduunka.

Tan ayaa ka dambaysay kadib guusha Dawladda Federalka Soomaaliya ay ka gaadhay qorshihii dayn cafinta.

Dhanka kale Alshabaab waxay sii socotaa Janaale, Muqdishona waxay gashay bishii saddexaad ee aan deero ku hirdiyin deero kale; taasoo ka dhigan Qaraxyadii iyo Dilalkii qorshaysnaa ee la'la soo safray, waxaa lagaga raystay dedaalka la geliyey sugida amniga iyo dhismaha sirdoonka.

Maaha markii u h**eysay ee shacabka Caasimadu dareemaan koboca Amniga hase ahaatee waxaa ka h**eysay in ka badan 6, bilood oo sannadkii tagay 2019 in aan shacabku wax Qarax ah arag marka laga reebo 28-12-2019, Qaraxii kolkay Caasimada geli kari waayeen ay la eegteen ciidankii ku sugnaa Ex-control iyo shacabkii Soomaaliyeed ee dariiqa marayey.

Sannadkan 2020, waxaa aad loogu hawlan yahay in toos loo wada boqoolin doono Alshabaab.

Xigasho Abdirizaq terra

02/03/2020

Say walhi aad bay u yaqanan heshaa marka la qadayo lkn marki afka lagu hadlayo aad bay ugu adagtahay

29/02/2020

Waxaa Qoray Gacal.

7 Qodob oo eey ku kala duwanyihiin dagaalkii Damuljadiid eey ku qaaday Ahlu Sunna 2015 iyo Dagaalakan maanta dhamaaday.

1. Dagaalkii Damuljadiid iyo Ahlu Sunna, 90% dadka degaanka waxeey la jireen Ahlu Sunna, laakin hada 90% waxeey taageersanyihiin dowlada Galmudug iyo federaalka.

2. Damuljadiid waxeey ahaayeen urur diimeed wahaabiyo, oo la dagaalay urur diimeedka Ahlu Sunna, laakin dowlada hadda ee Nabad iyo Nolol maahan urur diimeed, waa dowlad dastuur ku socota, oo aan ku lug laheen arimo diimeed iyo caqiido.

3. Dagaalkii Damuljadiid iyo Ahlu sunna qasaraaha dhimasahda iyo barakaca aad ayuu u badnaa, natiijadiisana fashil ayuu ahaa laakin dagaalkan hada waa qasaaro yaryahay waana ka natiijo fiicanyahay.

4. Dagaalkii Damuljadiid waxuu kala qeeybiyay dhamaan qeeybaha Galmudug Cabudwaaq, Xeraale, Guriceeel ilaa Galkacyo laakin dagaalkaan Dowlada Nabad iyo Nolol waa mid dadkii isku keenay oo mideeyay.

5. Dagaalka Damuljadiid ujeedkiisa waxuu ahaa in kuraas xildhibaanimo iyo xilal loo raadiyo 10 wiil oo Damuljadiid ah, laakin hada waa mid dagaanka hormarkiisa lagu doonaayo oo la rabo in nidaam iyo dakado loogu dhiso.

6. Damuljadiid waxeey ciidanka militariga Soomaaliya ka daabuleen Xamar iyo gobolada dalka, si eey u laayaan dad aan waxba galabsan laakin Dowlada Nabad iyo Nolol waxeey qarameeysay, qalabeesay oo mushaaraadka u biloowday ciidanka dagaanka ee 21aad oo hada hogaanka u haaya Galmudug.

7. Madaxweyne Farmaajo iyo PM Kheyre waxeey isku arkaan dad ka mid ah dadka Galmudug iyagoo ku dhax lugeeyay degaanada Galmudug, laakin urur diimeedka Damuljadiid madaxdooda marna ma jecleen xataa la joogida dadka Galmudug iskaba daa in eey nidaam u smaeeyaan oo noloshooda hormariyaan.

29/02/2020

Waxan bilabayna bahinta
Farimaha nabada iyo is dhexgalka
Fadlan si aad ula janqado like dheh page
Hanaqad media inc si aadan uga harin
Mahadsanidin

Bilowga wac walpa waxay ku bilowdeen si ayar ah hormarkuna kuma imaan si toos ah ee hadba heer buu ahaa Higsigu de waa w...
28/02/2020

Bilowga wac walpa waxay ku bilowdeen si ayar ah hormarkuna kuma imaan si toos ah ee hadba heer buu ahaa
Higsigu de waa waxa kala Saara hormarka iyo halburka qofka ku jira

24/02/2020

Waxan si xushmad leh idinka codsan aynan inaad like garaysaa page media ha sido kale soo flow garaysan

Ganacsigu wa isha iyo hormarka bulshada iyo ayaha iyo iftinka magalda sido kale waa Kobaca iyo hormarka wadanka Wan ifti...
22/02/2020

Ganacsigu wa isha iyo hormarka bulshada iyo ayaha iyo iftinka magalda sido kale waa
Kobaca iyo hormarka wadanka
Wan iftiinshaha iyo bilaha shakhsiga ganacsamaya
Wa isku tirsanan wa tacab wana tiro
Iyo tabar

Hadi canshuurtu badato waxa is tagaya isu socodka iyo dhaqdhqqaqa
Waxa sidoo kale xumaa ya hananka bulshada

Dawaladu hadaysan shacabka ushaqayn
Shacabkana u nixin waxaa lasoo gudbonanaya
Xaladahas shacabka iyadana masul ka ah

Didmoyimka badan dulmi un ba ka Dhsha

Libaxa bari marku yimaday xerka wac ka ansixiyay puntiland hormar bay gartay Wan u hambalyaynyna abdirihman libaxa gobol...
21/02/2020

Libaxa bari marku yimaday xerka wac ka ansixiyay puntiland hormar bay gartay
Wan u hambalyaynyna abdirihman libaxa gobolka

19/02/2020

Qabiilada ay kasoo kala jeedaan, Agaasimeyaasha iyo Saraakiisha uu Xalay Magacaabay Madaxweynaha Puntland oo ku sugan Dalka Jabuuti ee Ciidanka Badda Puntland (PMPF).

Agaasimaha Ciidamada Badda (Cismaan Maxamuud).

Agaasime xigeenka Ciidamada Badda (Cali Saleebaan).

Talyaha Hawlgalinta Ciidanka Badda (Cumar Maxamuud).

Talyaha Ciidanka Badda ee Lugta (Cumar Maxanuud).

Talyaha Ciidanka Qaybta Badda (Ciise Maxamuud).

Talyaha Ciidamada Badda ee Kumaandooska (Cali Jibraahiil).

Magacabisti madaxwaynaha

16/02/2020

Booqashada madaxwayne farmajo
Wa kinini caloosha kacsan lagu dawaynayo
Lagana dawayno xanuunka gaaska ah ee ay qabto

Dawee madaxwayne halaygu lagu dawooba

13/02/2020

Baashinta wararkaygu waxay ku samaysa tahay
Xaqiiqo war hufan tifo tiran lehna
Raad raac lagu kmo

Sanadkii 2017 Madaxweynaha somalia Maxamed Farmajo ayaa goor Galab ah tagay wasaarada Gaashaandhigga si uu qiimeyn ugu s...
12/02/2020

Sanadkii 2017 Madaxweynaha somalia Maxamed Farmajo ayaa goor Galab ah tagay wasaarada Gaashaandhigga si uu qiimeyn ugu sameeyay nidaamka ciidan ee dalku leeyahay si guluf colaadeed loogu qaado Alshabaab, nasiib darro Madaxweynuhu wuxuu waayay hal Askari oo leh Gal-Xogeed, isla sanadkaas dowlada Mareykanka waxay joojisay Dhammaan kaalmadii ay ciidankeenna siin jirtay, Musuqmaasuq baahay oo muddo soo jiray dartiis.

2 Sano ka dib maanta,

- Askari kasta oo Soomaaliyeed wuxuu leeyahay Gal-Xoggeed dhameystiran

- Wuxuu qaataa mushaar aan marnaba hakad ka galin

- Waxaa loo Labbo jibaaray Mushaarkii oo ay udheertahay xaq iyo xuquuq kale oo dheeri ah

- Mareykankii wuxuu maanta soo fasaxay dhammaan dhaqaalihii, saadkii iyo saanadii Ciidanka

2 Sano ka dib, Galabta wuxuu Madaxweynuhu kormeer hubin ah ku sameeyay sida ay u fushay Awaamiirtii uu bixiyay, iyada oo uu garab taagan yahay Mataankiisa Xasan Cali Kheyre oo xafiiskiisu waqti badan galiyay dib u habeynta Ciidamada qalabka Sida, gaar ahaan xafiiska Amniga oo ay Madax ka tahay Samiira oo ah Gabar Howlkar ah oo uu Raisalwasaaruhu u xushay in howshaas ka soo dhalaasho, shaqo taariikhdu xusi doontana ka qabatay,

Aniga waxaa si gaar ah ii cajab galiyay in Taliyayaasha galabta fadhiyay miiska Saraakiisha Madaxweynuhu kormeeray ay dhammantood ahaayeen wada Dhalinyaro madax ka ah Hoggaanada Ciidamada
Xigasho .

12/02/2020

Bilicda barxada garawe

Waxaan maanta ku soo dhaweeyay magaalada muqdisho Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO Audrey Azoulay iyo wafdi ay hogaami...
12/02/2020

Waxaan maanta ku soo dhaweeyay magaalada muqdisho Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO Audrey Azoulay iyo wafdi ay hogaamineysay oo booqasho shaqo ku yimid dalka.
Waxaan wada saxiixannay heshiis iskaashi ee dhinacyada horumarinta waxbarashada ayadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada iyo xagga dhaqanka iyo goobaha taariikhiga ah.

Waxaan kulan wadajir ah la qaadannay Ra’iisul wasaaraha JFS oo bogaadiyey heshiiska, islamarkaasna uga mahadceliyey booqashadeeda oo ah tii ugu h**eysay ee uu agaasime guud ee UNESCO ku yimaado dalka Somalia.

Sidas waxa bartisa kuqoray
Wasirka waxbarashada somaliya
Mud. Godax barre

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceed kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaar...
12/02/2020

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceed kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Canada Mudane Justin Trudeau, waxayna ka wada hadleen sidii Soomaaliya iyo Canada ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan oo waxtar u leh labada dal.

Canada waxay martigelisay Soomaali badan oo haatan kaalin mug leh ka qaata horumarka labada dal, waxaana uga mahadcelinaynaa fursadaha nololeed iyo waxbarasho ee ay la garab istaageen markii ay dalkaas tageen.

Bahda hanaqad media waxay hambalayo iyo bogadin udiraysa labada wasir 1. Hasan shire abgal 2. Abdisamad Gallan Iyo dhama...
12/02/2020

Bahda hanaqad media waxay hambalayo iyo bogadin udiraysa labada wasir
1. Hasan shire abgal
2. Abdisamad Gallan

Iyo dhaman gudiga lawada hawsha ay shacabwaynaha uhayn
Waxan leenahay puntiland hayb ma ahe waa hanti qof walba halkisa uu heegan uga jiro hagardamoyinka inu ka ilaaliyo
Hormar wacan

12/02/2020

Bilowga jawiga is dhex galka iyo nabada casumada muqdisho

Puntland ayaa sheegtay in aysan marna aqbali doonin sharciga Badroolka Soomaalya oo dhawaan madaxwaynuhu saxiixay kaasi ...
11/02/2020

Puntland ayaa sheegtay in aysan marna aqbali doonin sharciga Badroolka Soomaalya oo dhawaan madaxwaynuhu saxiixay kaasi oo ay sheegtay in uu khilaafsan yahay dastuurka dalka.

Puntland ayaa shirkadaha Caalamiga ah iyo daneeyaasha soo saarista badroolka Soomaaliya ugu baaqday in ay ka fogaadaan heshiiyo ku salaysan sharciga cusub ee Madaxwaynuhu saxiixay Waxaana ay ugu digtay in ay u soo hanqal taagan Badroolka Ceegaaga dhulkeeda iyadoo aan sifo sharci ah loo soomarin.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta ku kulma...
11/02/2020

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta ku kulmay magaalada Addis Ababa.

Ilo lagu kalsoon yahay oo ay la hadashay idaacadda VOA ayaa noo xaqiijiyey inay labada hoggaamiye ku kulmeen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Ilaa hadda ma cadda qodobada ay ka wada hadleen. Waxaa wararku ay sheegayaan in kulankoodu uu qaatay 40 daqiiqo ilaa hal saac.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa la sheegay inuu ahaa mid labadooda keliya ay wada qaateen oo aysan la joogin wasiirrada iyo xubnaha kale ee wafdigooda.

Waa markii ugu horraysay ee ay kulmaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, iyadoo dhowr jeer ay wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay dib u dhaceen.

Sidan waxa yiri bare Adan oo ku sugan casumada puntiland .Intaydaan isku hardin shahaadada maxaad adeegyo u fulisaan ard...
11/02/2020

Sidan waxa yiri bare Adan oo ku sugan casumada puntiland .

Intaydaan isku hardin shahaadada maxaad adeegyo u fulisaan ardayda.

1. Ardaygu maalinka uu iska diiwaan galinayo dugsiga sare waxaa laga qaadaa lacag lagu magacaabo diiwaan gelin.

2. Bil kasta oo dhamaata waxaa laga soo saaraa fasalka uu dhiganayo iyadoo lawaydiinayo lacagtii bisha ahayd, iyadoo aan loo tixgalinayn amaba aan la waydiinayn inay jiraan caqabado ka daahiyay lacagtii.

3. Marka la soo gaaro xilliga imtixaanka waxaa laga qaadaa ardayga lacag la yiraahdo EXAM FEE iyadoo laga iibiyo waraaqaha iyo khadda uu imtixaanka ku galayo, haddii uusan bixin waxaa loo diidaa imtixaanka.

4. Dugsiyada qaybtood ardaygu haduu khalad akhlaaqeed galo waxaa lagu ganaaxaa lacag ama wax lacag ku qiimaysan.

5. Haddii ay jiraan buugaag manhaj ah ardaygu waa laga iibiyaa. Dhamaan agabyada kale sida qalinka, buugga iyo dharka iyagaa soo iibsada.

6. Ardaygii oo kharashkaas soo galiyay ilaa maalintii ugu horraysay maalinka uu qalin jabiyo xafladda qalin jabinta waxaa loogu qabtaa lacag uu jeebkiisa kala baxay, waxaana laga iibiyaa Shahaadada.

Iskusoo wada duuduuboo dhamaan baahiyahaas ama qaybtood wasaaraduhu ma daboolaan, haddana in ardaygii intaas oo kharash ah soo galay in la siyaasadeeyo oo aan la isku mashquulin in adeegyadaas la daboolo runtii waa arrin aad u murugo badan oo mugdi galinaysa rajada ah in wadankaan lasii joogo, waayo haddii ay waxbarashadii lagu dhabarjabayay aysan guul kusoo dhamaanayn cidina ku dhiirran mayso inay buug qaadato.

Waxaan kula talinayaa in aan la is fiirsan ee la eego ardayga waxbaranaya ee aroor kasta jarmaadaya duhur kastana dhalandhoolaya.

Warbixintan Waxaa qoray Wasiir Dowlaha Maaliyadda ee Dowlada Puntland horayna u ahaa Agaasimaha Guud h**e  ee Wasaaradda...
11/02/2020

Warbixintan Waxaa qoray Wasiir Dowlaha Maaliyadda ee Dowlada Puntland horayna u ahaa Agaasimaha Guud h**e ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Mohamed Abdulqaadir Cismaan.

Waxuu yiri"

Nimaan kuu furi doonin yuusan kuu rarin.

Sadax sano ayuu wasiir ahaa goodax, imtixaankii iyo deeqaha waxbarashada waa suuq madow maahan wax qarsoon arintaas ( ugu yaraan baar imtixaankii iyo deeqdii waxbarasho 2019 )

Iskuulada inta badan waxay ku jiraan gacanta alshabaab ama dalado ka awood badan Goodax mana galaan imtixaankiisa fashilan. Ma jiro hal school oo gacantiisa ku jira.halka Puntland ugu yaraan 1,000 school oo dowli ah( Public) oo si buuxda ugu jira gacanta dowladda waxay leeyihiin siyaasad,manhaj iyo imtixaan tayeesan oo midaysan.

Puntland waxay miisaanyaida Waxbarashada uqoondaysay 8% dakhliga Dowladda ma helno 1$ oo ku wajahan arimaha bulshada iyo amniga dhanka DFS.

Sidoo kale, Waxaan leenahay jaamacaddo tayo iyo khibrad wanaagsan leh kuna filan ardayda kasoo baxday Dugsiyada Sare.

Puntland oo tiir dhaxaad ka ah dowladda Federalka Soomaaliya la dhaho nidaamkeeda waxbarasho ma aqoonsanin waana SHAHAADO SUUR !! macnaheedu waa dagaal qaawan oo lagu hayo nidaamka Federaaliga ah iyo tastuurka qaranka.

Soo burburi imtixaankaaga iyo systemka waxbarasho ee waqti, kharash aan qiyaas lahayn lagaliyey oo ah midka ugu wanaagsan Soomaaliya sida ku cad warbixinada hayadaha qiimeeya waxbarashada Soomaaliya marna suurtagal noqon meeso hana ku riyoon goodaxow. Dalku waa Federaal talo wadaag ah. No Unitry system !!

Xigasho Wasiir Dowladaha Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Puntland Mohamed Abdulqaadir Cismaan.

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo ku xigeenkiisa Cali Ciid ayaa shir gudoomiyay shirka gol...
11/02/2020

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo ku xigeenkiisa Cali Ciid ayaa shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada maamul goboleedka Galmudug, shirka ayaa looga hadlay xaalada ay mareyso Galmudug iyo tilaabooyinka loo baahanyahay in horay loo qaado sida Arimaha Amniga iyo adeegyada kale ee loo baahanyahay in lagu hormariyo maamulka Galmudug.

Shiinaha ayaa ku dhawaaqay maanta, Talaadada, in viruska Coruna uu ilaa iyo hadda dilay ugu yaraan 1011 qof,waxaana uu d...
11/02/2020

Shiinaha ayaa ku dhawaaqay maanta, Talaadada, in viruska Coruna uu ilaa iyo hadda dilay ugu yaraan 1011 qof,waxaana uu diiwaan galiyay dhimashada 103 qof 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Warbixinta maalinlaha ah ee dhimashada iyo dhaawacyada, mas'uuliyiinta caafimaadka ee Hubei - oo ah halka uu fayrasku markii ugu horreysay ka soo muuqday , dabayaaqadii Disembar - ayaa sheegay in fayraska uu dilay 103 qof uuna qaaday 2,097 kale 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Tirooyinkaas ka dib, tirada dadka la nool HIV ee Shiinaha waxay gaarayaan ugu yaraan 42.2 kun, sida ay muujinayaan tirakoobka la soo saaray, illaa iyo hadda, laba dhimasho oo keliya ayaa laga diiwaan-geliyay fayraskaas, mid wuxuu ku yaal Hong Kong midka kalena Filibiin.

Sannadihii 2002 iyo 2003, cudurka daran ee neef-mareenka (SARS), oo ay iska leedahay Coronavirus-ka cusub, ayaa leh isku-mid ah fayras, kaas oo ay ku dhinteen 774 qof adduunka oo dhan.

Puntland ayaa saaka oo Talaado ah taariikhduna tahay 11.2.2020 waxay  qisaastay laba  xukmane oo lagu helay Kiiskii Caa’...
11/02/2020

Puntland ayaa saaka oo Talaado ah taariikhduna tahay 11.2.2020 waxay qisaastay laba xukmane oo lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas.

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa lagu qisaasay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso halka Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame laga reebay.

11/02/2020

Like Gareeya sido kale flow dhaha si Aad u heshaan media qaybihisa kala duwan

11/02/2020

Aroos romantic ah

10/02/2020

Plz flow and like the page
Waxan halkan idinka codsanayaaa inad like and flow so tirahdan media agency cusub

Address

Garowe

Telephone

+256726613974

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Noble Academie posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Noble Academie:

Videos

Share