
08/09/2022
Madaxweyne Deni ayaa shalay Agaasimihiisii Madaxtooyada u gacan qaaday.
Maxamed Abdirashiid oo ah ninka idin muuqda waa Agaasimaha Madaxtooyada Puntland, muran muddo socday ayaa kala dhexeeyay madaxweyne Deni, wuxuu Maxamed dalka ku soo laabtay Talaadadii doraad aheyd waxaana la sheegay in Siciid Deni uu ku haysto isaga iyo ku xigeenkiisa Abdiwali Timcadde in ay la shaqeeyeen Madaxweynihii h**e ee Somalia Farmaajo, oo xogo sir ah ay gudbiyeen.
Dad shalay kuna sugnaa Madaxtooyada ayaa sheegay inay arkayeen Madaxweyne Deni oo u gacan qaadaya Agaasimaha kuna dhuftay Taleefan IPhone12 Pro Max, daqar gaaray Maxamed Abdirashiid ayaa lagu soo daaweeyay shalay galab goob caafimaad oo gaar ah iyadoo isla xalay Madaxtooyada Garoowe looga yeeray oo uu qeyb ka ahaa booqashadii maamulka Save The Childreen.
Mohamed Abdi