Abdullahi Quluxiye

Abdullahi Quluxiye Graphic Designer / Digital creator
Nature photography 📸
Dalmar / Dalxiisa 🏝️

unstoppable Mind 🧠
17/10/2023

unstoppable Mind 🧠

24/09/2023

Magaalada ugu Nadaafadda iyo Amniga badan Soomaaliya Garowe.

SHAAH MACAAN!Shaaha lagu kariyaa dhadhan gaar ah buu leeyahay, kana wanaagsan wax kasta.Maxaad ka xasuusataa?
13/08/2023

SHAAH MACAAN!

Shaaha lagu kariyaa dhadhan gaar ah buu leeyahay, kana wanaagsan wax kasta.

Maxaad ka xasuusataa?

15/07/2023

Mareero 🌊

Maldives of Somalia Mareero 🌊⛰️📸 Abdullahi Quluxiye
12/07/2023

Maldives of Somalia Mareero 🌊⛰️

📸 Abdullahi Quluxiye

09/07/2023

Geelu xoolo kuma jiro 🐪

05/07/2023

Hal ama labo maahmaah oo Geelu leeyahay ma garanaysaa ?

03/07/2023

Dooxada "Woow" Ee Gobalka Nugaal 💚

06/06/2023

Ma sheegi kartaa waxa nirgaha haruubka caanaha loogu siinayo ?

29/05/2023

Baadiye Iyo Barwaaqo 🐪🎬

📍Dharoor ( Meeladeen ) Bari Puntland

Ciid mubaarak dhammaan ummada Soomaali weyn
22/04/2023

Ciid mubaarak dhammaan ummada Soomaali weyn

Anonymous Hackers Adduunka maanta waxa la isku adeegsadaa oo la isku weerara waa tuugada casriga ah ama ( Hackers ) ku w...
27/02/2023

Anonymous Hackers

Adduunka maanta waxa la isku adeegsadaa oo la isku weerara waa tuugada casriga ah ama ( Hackers ) ku waa oo awood u leh in ay xogta,Macluumaadka iyo waliba xisaabaha dhaqaale(Bank accounts) in ay helaan.

Dalka Sweden koox hackers ah oo ka carooday gubitaanka Kitaabka Eebe ee Qur'aanka kariimka ee lagu hor gubay safaardda dalka Turky ee sweden, ayaa jabsaday xogta shirkada diyaaradahe ee marka la soo gaabiyo magaceeda loo yaqaan ( SAS) taas oo ah shirkada kowaad ee dalalka Sweden, Norway iyo Denmark.

Xogta ay jabsadeen oo ay banaana keenen waxaa ka mid ah dhammaan xogta shaqaalaha shirkada (Privacy) oo xitaa ay ka mid tahay Bank accounts shaqaalaha taas oo wel wel ku abuurtay dhammaan shaqaalaha iyo macaamiisha shirkada.

Hadaba Hackers magacooda loo yaqaano Sudan Anonymous ayaa sheegtay weerarkan ayaga oo cadeeyay in ay falcelin ka tahay gubitaanka Kitaabka Eebe, waxayna sidoo kale ku goodiyeen in ay weeraro kale oo dhanka internet-ka ah ka geysan doonan dalka Sweden.

2023 War been abuur ah (Fake News) iyo saxaafadda Soomaalida!! Wararka been abuurka ah waa been marin habaabin ah oo loo...
15/02/2023

2023 War been abuur ah (Fake News) iyo saxaafadda Soomaalida!!

Wararka been abuurka ah waa been marin habaabin ah oo loo soo bandhigo qaab war ahaan ah.

Wararka been abuurka ah waxay inta badan leeyihiin ujeeddooyin kuwaas oo lagu dhaawacayo sumcadda qofka ama cidda, ama ka samaynta lacag, In kasta oo wararka beenta ah la faafin jiray taariikhdii inta war jiray, Haddana ereyga "war been abuur ah" ayaa markii ugu horreysay la isticmaalay 1890-meeyadii.

Si kastaba ha ahaatee, ereygu ma laha qeexid go'an, waxaana si ballaaran loogu dabaqay nooc kasta oo macluumaad been ah. Waxa kale oo isticmaala dadka caanka ah si ay u helaan buun buunin kasta oo iyaga u wanaagsan.

War-faafintu waxay ku lug leedahay faafinta warar been abuur ah oo leh ujeedooyin gaar ah.
Mararka qaarkoodna ay abuuraan oo faafiyaan wariyaal caan ah, gaar ahaan xilliyada doorashada, Colaadda iyo hadba xaaladaha markaas taagan.

Hadaba so qaadashada Qoraal (Post) aan xigasho laheyn iyo macluumaad khaldan, Waa waxa saxaafadeenna ka dhigay mid aad u liidata, Kuwaas oo iyaguna kaga faa'ideystay bulsho u nugul in war been abuur ah la dhex mariyo.

W.Q Abdullaahi Abdullahi Quluxiye

kacdoonka laas-caano wuu guuleysan inshaa'Allaahu.
01/01/2023

kacdoonka laas-caano wuu guuleysan inshaa'Allaahu.

Ma rabtaa in xasuustaadu wanaagsanaato raac talooyinkaan Hoose : 1 Akhri Qur’aanka  maalin walba hal bog xitaa ha noqote...
01/01/2023

Ma rabtaa in xasuustaadu wanaagsanaato raac talooyinkaan Hoose :

1 Akhri Qur’aanka maalin walba hal bog xitaa ha noqote.
2 iska yaree wel welka sababto ah mar walba aad wel wesho waxaa maskaxdaadu so deyneysaa dheecaano sababa ilowshaha badan.
3 Naso si maskaxdu u sameyso kabasho.
4 hurdo kugu filan seexo, Xilliga habeenka ah.
5 iska jooji caadooyinka xun sida ( Balwada, Dhafarka.. Iwm)
6 sameey jimicsi jir ahaaned, Waxa kaga filan kaliya inaa socoto dhawr daqiiqo.

‎ولد الهدى فالكائنات ضياءه، وفم الزمان تبسما وثناء، الروح والملك الملائك حوله، للدين والدنيا به بشراءه، عليك أفضل الصلاة...
25/11/2022

‎ولد الهدى فالكائنات ضياءه، وفم الزمان تبسما وثناء، الروح والملك الملائك حوله، للدين والدنيا به بشراءه، عليك أفضل الصلاة وأتم التسليم، 🕋💙
‎يا حبيبي يا رسول الله☝❤

Jumca wanaagsan saaxiibayaal

World Cup 2022 Yaa taageeraysaa sanadkaan ? Aniga waxaan wataa Germany ( mannschaft ) 🇩🇪أفضل نسخة لكأس العالم في قطر 🇶🇦🔥...
20/11/2022

World Cup 2022 Yaa taageeraysaa sanadkaan ? Aniga waxaan wataa Germany ( mannschaft ) 🇩🇪

أفضل نسخة لكأس العالم في قطر 🇶🇦🔥

#قطر🇶🇦

caalimkii cilmiga xisaabaadka ( Italian mathematician ) ee Italay girolamo cardano, Waxa uu ahaa nin isku howla saadaali...
04/11/2022

caalimkii cilmiga xisaabaadka ( Italian mathematician ) ee Italay girolamo cardano, Waxa uu ahaa nin isku howla saadaalinta waxa soo socda.

xitaa heer waxa uu gaaray uu sadaaliyo maalinka uu dhimanayo taaiikhdeeda 21 Sep 1576, Markii la gaaray maalinkaas ayuu is arkay isaga oo caafimaad qaba, si uu u rumeeyo sadaashiisa waxa uu dilay naftiisa oo haligay!!

Baro Gobolada iyo degmooyinka Puntland, Gobolka Nugaal   1. Garowe Caasimada PL                2. Eyl3. Dangorayo 4. God...
25/10/2022

Baro Gobolada iyo degmooyinka Puntland,

Gobolka Nugaal
1. Garowe Caasimada PL
2. Eyl
3. Dangorayo
4. Godob jiraan
5. Buurtinle

Gobolka Mudug
1. Galkacayo
2. Galdogob
3. Xarfo
4. Towfiiq
5. Jariiban
6. Bursaalax
7. Saaxo

Gobolka Bari
1. Bosaaso
2. Carmo
3. Ufayn
4. Xaafuun
5. Iskushuban
6. Qandala
7. Balidhidin

Gobolka Karkaar
1. Qardho
2. Ba**er beyla
3. Rako
4. Shaxda
5. Waaciye
6. Dhudhub
7. Xunbays

Gobolka Gardafuu
1. Caluula
2. Baargaal
3. Bareeda
4. Murcanyo
5. Gunbax

Gobolka Haylaan
1. Dhahar
2. Buraan
3. Ceelaayo
4. Xingalool

Gobolka Sanaag
1. Cerigaabo
2. Badhan
3. Laasqoray
4. Fiqifuliye
5. Yube

Gobolka Sool
1. Laascanood
2. Taleex
3. Boocame
4. Xudun
5. Kalabeyr
6. Dharkeengeenyo

Gobolka Ceyn
1. Buuhoodle
2. Horufadhi
3. Widhwidh
4. Ceegaag

Haddii aad ka mid tahay dadka marka ay salaada ku jiraan faatixada boobsiiska ku akhriya, isku day qof aad la sheekeysan...
23/09/2022

Haddii aad ka mid tahay dadka marka ay salaada ku jiraan faatixada boobsiiska ku akhriya, isku day qof aad la sheekeysanaysid in aad sidaas oo kale oo boobsiiska ah ula hadasho!! waa ku dhibsanayaa qofkaasi sooma ahan ?

Bal ka waran adiga oo rabbigaa hor taagan haddii aad sidaas ula hadashid marka aad suurada faataxida akhrinaysid.

قال الله تعالي "وَقُرْءَانًا فَرَقْنَٰهُ لِتَقْرَأَهُۥ عَلَى ٱلنَّاسِ عَلَىٰ مُكْثٍۢ وَنَزَّلْنَٰهُ تَنزِيلًا "

Digaaga madow ee Indonesia waa nooca ugu la yaabka badan uguna qaalisan dunida, Waxaa la yiraahdaa "Lamborghini chicken"...
22/09/2022

Digaaga madow ee Indonesia waa nooca ugu la yaabka badan uguna qaalisan dunida, Waxaa la yiraahdaa "Lamborghini chicken", halkii xabo ukunteeda qiimaheedu wuxuu gaarayaa ilaa 2500$ waana mid ka dhadhan macaan ukumaha kale.

Digaagan wax kasta oo ku saabsan waa madow, Baalasheeda, Carabkeeda, Cidiyaheeda, xitaa hilibkeedu waa madow, Ukunteeda iyo lafaheeda sidoo kale waa madow, laakiin dhiigeedu waa casaan madow xigeen ah ah.

Allihii abuuray ayaa ceeb oo dhan ka nasahan.

weli ma aragtay mase maqashay digaagan cajiibka?

Eebe weyne abaaraha ha inaga saaro Waxaa lagu jiraa guud ahaan Dalka xilli adag oo ay jirto mid ka mid ah abaarihii ugu ...
21/09/2022

Eebe weyne abaaraha ha inaga saaro

Waxaa lagu jiraa guud ahaan Dalka xilli adag oo ay jirto mid ka mid ah abaarihii ugu baaxada iyo khasaaraha badnaa ee soo mara Dalkeenna, Hay’addaha ku shaqada leh arrimaha cimilada iyo saadaasha hawada waxay inoo sheegen in xitaa xilli roobaadka soo socda aan lagu tashaneyn xaddi roob oo badan !

Laakiin waxa ka hoos baxday in Raxmada Eebe ay tahay mid aan laga quusan si walba oo Ibnu Aadamku Allahooda u caasiyeenna hadana Eebe waa u naxariista.

اللهم أنت الله لا إله إلا أنت
أنت الغني ونحن الفقراء
أنزل علينا الغيث ولا تجعلنا من القانطين
اللهم أغثنا اللهم أغثنا اللهم أغثنا

Junior writer who writes about Social issues, Economics, Media, Politics, Culture, and Sports.
17/09/2022

Junior writer who writes about Social issues, Economics, Media, Politics, Culture, and Sports.

Talooyin aad u qiimo Badan.1- Ku bilow maalintaada Salaadda subax iyo ducooyinka aroorta si aad u hesho horumar iyo badb...
11/09/2022

Talooyin aad u qiimo Badan.

1- Ku bilow maalintaada Salaadda subax iyo ducooyinka aroorta si aad u hesho horumar iyo badbaado.

2- Wad Istiqfaarta waxay tirtirtaa dunuubtee

3- Ha joojin ducada waa xadhiga badbaadadee

4- Xusuusnow waxaad tidhaahdo Malaa'ig baa qoraysee.

5. Niyaddaada wanaaji xataa hadday meel xun kaala daganayso.

6- Faraha waxa ay ku qurxoon yihiin in lagu tasbiixsado.

7- Haddii uu kugu bato welwelka iyo fakarku waxaad tiraahdaa "Allaah mooyee Illaah kale ma jiro"

8- Ku gado lacagtaada ducada danyarta iyo jaceylka masaakiinta.

9- Sujuud khusuuc leh oo aad ku dheeraato ayaa kaaga fiican daaraha quruxsan ee dunida.

10- Ka fakar intaadan odhan, waxaa jirta odhaah meel xun kaa tuurtee.

11- Iska ilaali habaarka kan dulman iyo illinta kaan waxba awoodin.

12- Intaadan wargeysyada akhriyin akhri Kitaabka Alle.

13- Sabab u noqo toosnaanta reerkaaga.

14- Naftaada Daacada Alle ku sandullee, naftu xumaantay amartaaye

15- Dhunko calaacalaha labadii ku dhalay aad liibaantide, hadii ay kuu nool yihiin

16- Dharkaaga duugoobay, masaakiinta waa u cuseyb ee ku sadaqeyso.

17- Ha cadhoon, noloshu intaad filayso way ka gaabantahaye.

18- Waxaa kula jira kan ugu awood badan uguna deeqtoon waa Allaah kor ahaaye.

19- Albaabka akhlaaqdaada Alle yeysan kaa xidhin macsidaadu.

20- Wax aad dhibta u kaalmaysato waxaa ugu fiican Salaadda.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan.

Talooyinkii: Sheekh Caa'id Alqarni.

AFAR SANO MIYAA DAL SODDON SANO BUR BURSANAA WAX LOOGA QABAN KARAA ?Weydiintaas oo ah tan u badan ay madaxda Soomaaliyee...
29/08/2022

AFAR SANO MIYAA DAL SODDON SANO BUR BURSANAA WAX LOOGA QABAN KARAA ?

Weydiintaas oo ah tan u badan ay madaxda Soomaaliyeed iyo guulwadayaashu ka dhuuntan, hadaba maanta warcelinteeda aan idin siiyo

Afar sano oo Thomas Sankara oo ahaa captain ciidan oo da'yar uu madaxwene ka ahaa dalka Burkina Faso muxuu qabtay ?

Wuxuu dhisay 350 lskuul, Wadooyin iyo khadadka tareennadu maraan si uu iskugu xiro dadkiisa miyi iyo magaalo isagoo aan kaalmo shisheeye helin .

Wuxuu 60% kordhiyay akhriska iyo qoraalka, Wuxuu mamnuucay guurka qasabka ah, Dumarka wuxuu siiyay xuquuq u gaar ah oo ay kamid tahay inu u magacaabay xilal sar sare.

Dadka masaakiinta ah wuxuu siiyay dhul ay dagaan, Mushaarkiisa iyo kan wasiirada ayuu yareeyay 40%
Wuxuu cuduro ka talaalay inkabadan 2.5 Milyan oo caruur ah.

10 Milyan oo geed ayuu talaalay oo noqday mashruucii ugu horeeyay oo noociisa ah oo Africa kaqabsooma.

Wuxuuna dalka ka saaray Gumeysigii Faransiiska iyo hay’adda Lacagta Aduunka ee IMF oo lacago inta ay siiyaan dalalka dhaqaale ahaan liita kor ka gumeysta iyagoo fuliya danaha reer Galbeedka.

Wuxuu madaxweyne ka ahaa Burkina Faso 1983 ilaa 1987, isagoo 37jir ah ayaa la dilay 1987 xilli uu shir guddoominayay.

Inta aan la dilin asbuuc ka hor wuxuu yiri : " waalaga yaaba in la dilo halgamayaasha lakiinse afkaartooda lama dili karo "

Muhiimaddu waa in la helo dad dhisan oo diyaarsan ☝️

Sidee u rabtaa dadkaan iney ku daayan oo arrimahaaga faraha kala baxaan ? Adigoo og in ay ilaa hadda raadinayaan lafihii...
28/08/2022

Sidee u rabtaa dadkaan iney ku daayan oo arrimahaaga faraha kala baxaan ? Adigoo og in ay ilaa hadda raadinayaan lafihii xeywaanadii kumanaan qarni ka hor dabar go’ay ( Diinasoor 🦖)

26/08/2022

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ( من أصبح منكم آمناً في سربه ، معافى في جسده ، عنده قوت يومه ، فكأنما حيزت له الدنيا بأسرها )

Nebi Maxamed NNKH waxaa laga wariyay : ”Qofkii waagu u baryo isaga, reerkiisa iyo magaaladiisa oo nabad qaba, Jirkiisa oo caafimaad qaba iyo Quutkii oo maalinkaas cuni lahaana heysta waxaa la siiyay qofkaas nimcadii aduunka taalay oo dhan "

Al-xamdulillaah calaa kulli xaal
jumca Wanaagsan

SOCIAL MEDIA ADDICTIONSocial Media-ha waxa uu ugu wanaagsanyahayMarka uu san saameyn maskaxeed ( Social Media addiction ...
21/08/2022

SOCIAL MEDIA ADDICTION

Social Media-ha waxa uu ugu wanaagsanyahay

Marka uu san saameyn maskaxeed ( Social Media addiction ) kugu yeelan inta aad rabtana ka maqnaan karto, Qof cirdigiisa iyo diintiisana aadan ugu gafin, Fakarkaaga xorta ah aad ku soo gudbin karto adiga oo aan kala jecleyn dadka waxa ay kaaga fal celin doonan.

Wakhtigaan la joogo marka aad halkaan u so gasho ina ku kaftanto, Asxaab kula xiriirto, iskagana baxdo adiga oo aysan wax saameyn ahi kugu yeelan boqolaalka qof ee midba mabda’a iyo qaddiyada goonida ah aaminsanyahay waa marka aad ugu nasiibka badantahay!

" Nolashaada dhis adiga oo aamusan,Ugu danbeyn waxay ku nixi doonaan dhawaaqa guushaada "
20/08/2022

" Nolashaada dhis adiga oo aamusan,Ugu danbeyn waxay ku nixi doonaan dhawaaqa guushaada "

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdullahi Quluxiye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdullahi Quluxiye:

Videos

Share


Other Digital creator in Garowe

Show All