Ruman Media

Ruman Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ruman Media, News & Media Website, Garowe Puntland, Garowe.

Ruman Media waa warbaahin madaxbanaan taas oo aad ka daalancan karto wararka dunida iyo kuwa soomaalida iyada warbixinadeeda kuso bandhigaysa hannaanka maqal,muuq iyo qoraalba.

World's Richest People by Each Continent 💰 1. 🇺🇸 Elon Musk $454.1B / North America 2. 🇫🇷 Bernard Arnault $167.8B/ Europe...
23/01/2025

World's Richest People by Each Continent 💰

1. 🇺🇸 Elon Musk $454.1B / North America
2. 🇫🇷 Bernard Arnault $167.8B/ Europe
3. 🇮🇳 Mukesh Ambani $94.9B/ Asia
4. 🇧🇷 Eduardo Saverin $33.3B/ South America
5. 🇦🇺 Gina Rinehart $30B/ Australia
6. 🇳🇬 Aliko Dangote $11.6B/ Africa

Forbes As of January,2025

Source: Slick Island

Pacific palisades in Los Angeles is severly devastated! Life is frickle and what matters is how things end!God punishmen...
10/01/2025

Pacific palisades in Los Angeles is severly devastated!

Life is frickle and what matters is how things end!

God punishment will prevail for those who committed and supported the crimes against humanity, the polestinian mass killings will have always severe backlashs!

God knows!!!

10/11/2024
November, 5 2024American election newsThe evil 's robot will be the winner!!! No positions here for ladies except fire a...
04/11/2024

November, 5 2024
American election news

The evil 's robot will be the winner!!!
No positions here for ladies except fire and furious man #

29/09/2024

Xalka ummada soomaliyeed marka aad doonayso waa in aad taqaana dariiqo loo maro iyo cidda ay tahay in aad latashato adiga weliba u tala saaranaya Alle weyn.

Soomaliya xalkeeda yaanan dibada laga raadin waa haddii uu jiro caqli iyo garasho toolmoon.

29/09/2024

Wararka Deg-degga ah- Bariga dhexe!

Iiraan waxay ballan qaaday inay ka jawaabi doonto dilka jeneral ka tirsan Ilaalada Kacaanka ee Lubnaan.

Dilkii Israel ay ku dishay ku xigeenka taliyaha Ilaalada Kacaanka Iiraan ee magaalada Beyruut waa "dambi naxdin leh" oo aan jawaab la’aan lagu dhaafi doonin, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Araqchi.

Brigadier General Abbas Nilforoushan ayaa lagu dilay weeraradii Israel ay Jimcihii ku qaaday caasimadda Lubnaan, Beyruut, kuwaas oo sidoo kale lagu dilay Hassan Nasrallah, hoggaamiyaha kooxda Hezbollah ee xiriirka la leh Iiraan.

"Dambigan naxdinta leh ee taliska Zionist ee gardarrada ku dhaqma jawaab la’aan laguma dhaafi doono, waxaana sidoo kale qalabka diblomaasiyadeed uu adeegsan doonaa dhammaan awoodaha siyaasadeed, diblomaasiyadeed, sharci iyo caalami ah si loo daba galo dembiilayaasha iyo taageerayaashooda," ayuu yiri Araqchi, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Axaddii h**e, afhayeenka Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ee xiriirka la leh Iiraan ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Israel iyada oo Tehran ay taageero siineyso kadib dilkii Nasrallah, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda Iiraan.

"Waxaan diyaar u nahay inaan qaadno talaabo kasta si aan u caawino xoogagga iska caabinta," ayuu yiri Qalibaf.
Wuxuu sidoo kale uga digay Maraykanka.

"Mareykanku wuxuu ku lug leeyahay dhammaan dambiyadan ... waana inuu aqbalaa cawaaqibka ka dhalanaya," ayuu yiri.

Source: Middle East

29/09/2024

Wararka Deg-degga ah: Bariga dhexe!

Weerarrada xooggan ee Israel ayaa laga yaabaa inay qasab ka dhigaan illaa hal milyan oo qof inay ka qaxaan qaybo ka mid ah Lubnaan, taas oo laga yaabo inay noqoto masiibadii qaxa ee ugu xumeyd ee abid ka dhacda taariikhda waddankan yar, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha xil-gaarsiinta ee Lubnaan Najib Mikati.

Hal milyan oo qof waxay ka dhigan yihiin qiyaastii lix meelood meel dadka ku nool Lubnaan.

"Waxay noqon kartaa qaxii ugu weynaa ee laga yaabo inuu ka dhaco... Lubnaan," ayuu yiri Mikati.

Tan iyo maalintii Isniinta, Israel waxay fulisay weerarro isdaba joog ah oo ka dhacay bariga iyo koonfurta Lubnaan iyo qaybo ka mid ah caasimadda, Beyruut.

Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan waxay ku qiyaastay in boqolaal qof la dilay iyo kumanaana la dhaawacay.

Horraantii toddobaadkan, madaxa qaxootiga ee Qaramada Midoobay Filippo Grandi ayaa sheegay in "in ka badan 200,000 qof ay gudaha Lubnaan ku barakaceen" iyo in ka badan 50,000 ay u qaxeen dalka deriska la ah ee Suuriya.

Source: Middle East

29/09/2024

Deg-deg- Wararka Bariga dhexe!

Tirada dhimashada ee Gaza ayaa kor u kacday 41,595- Wasaaradda Caafimaadka-Gaza

Weerarka Israel ee Gaza tan iyo weeraradii xamaas ee bishii Oktoobar 7 ayaa dilay 41,595 Falastiiniyiin ah, oo badankood yihiin haween iyo carruur, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee dhulka ay maamusho Hamas.

Ugu yaraan sagaal dhimasho ayaa dhacday 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, sida ay ku sheegtay bayaan ay soo saartay wasaaraddu, iyadoo intaas ku dartay in 96,251 qof la dhaawacay tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay.

Wasaaraddu kalama saarin dadka rayidka ah iyo dagaalyahannada, laakiin Qaramada Midoobay iyo hay’adaha bani’aadannimada ee kala duwan waxay tixgeliyaan tirada dadka waxyeellada soo gaartay mid lagu kalsoonaan karo.

Qiyaastii kala bar dadka ku nool Gaza oo dhan oo ah 2.3 milyan waa carruur, waxaana Qaramada Midoobay sheegtay in intooda badan dadka la dilay ay yihiin haween iyo carruur. Israel waxay weerarkan ku qaaday Gaza kadib markii kooxda Hamas ay weerarro argagixiso ku qaadeen koonfurta Israel taas oo dishay ku dhawaad 1,200 qof.

Source: Middle East

Deg-Deg- Wararka Bariga Dhexe!Ciidamada Israel waxay sheegeen inay dileen sarkaal kale oo Hezbollah ah. Militariga Israe...
29/09/2024

Deg-Deg- Wararka Bariga Dhexe!
Ciidamada Israel waxay sheegeen inay dileen sarkaal kale oo Hezbollah ah. Militariga Israel waxay sheegeen in Nabil Kaouk, ku xigeenka madaxa Golaha Dhexe ee Hezbollah, lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Beyruut. Tani waxay daba socotaa dilkii hoggaamiyihii muddada dheer ee kooxdaas, Hassan Nasrallah, maalintii Jimcaha.

Source: Middle East

27/09/2024

Dagaalki Israel ay doonaysay caawa ayuu si dhab u bilowday!
Nin walba taagtiis iyo tabartiis ha talaabsado weeye xaalka bariga dhexe caawa!

XB vs Israel new devastating war keep up waken for doomsday night!

Middle East will be the hell heaven for ALL

Israel says if you need peace kindly start war!

No one knows who is the winner except Almighty Allah

20/09/2024

Dagaalka Israel kawado bariga dhexe waa bilowga dhamaadka Israel!

Wararka aan ka helayno wakalada wararka ee caalamka ayaa dhammmantood tibaaxaya in hadda dunida kusii siqeyso dagaalki 3aad ee laga cabsida qabay!

14/08/2024

WARARKA DUNIDA
AAD HURUDAY@ August 14, 2024

Ukraine, Aug 14 (RUMAN MEDIA)- Ukraine ayaa xaqiijisay in ay wali horumar ka samaynayso gelitaanka guduha dal- weynaha Ruushka.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa bayaan uu warbaahinta siiyay ku sheegay in maxaabiis Ruushka looga qabtay, si loo xoojiyo " gorgortanka labadda dhan" Laakinse, In sidaas layiraahdo waxay arrimaha ku sii xumaynsaysaa hoggaamiyeyaasha millatariga Ruushka kuwaas oo u muuqda in ay dhayalsi ku jiraan.

Source: Daily Maverick

24/06/2024

Machadka Farsamada Gacanta ee Garowe wuxu bixinayaa koorsooyin muddo koo kooban soconaya kuwaas oo lagu baranayo xirfadaha kale duwan sida xirfadda:
1. Korontada (electricity skill).
2.Tuubistaha( plumping skills).
3. Xirfada solanka (Beauty Solan skill).
4. Harqaanka ama dawaarka(tailoring skill).

Haddaba, ciddii doonayso in ay ka faa'iidaysato fursadahaan, wuxuu qoraalka ka socdaa xarunta Mac'hadka Farsamada Gacanta ee Garowe ee horay ugaar!

"Baro xirfad aad baraartide"

Sidee uga faa'idaysankarnaa maalmaha aduunka ugu qiimaha badan ee nagu soo aadan:1.xuska Alle oo labadiyo ( التكبير والت...
12/06/2024

Sidee uga faa'idaysankarnaa maalmaha aduunka ugu qiimaha badan ee nagu soo aadan:
1.xuska Alle oo labadiyo ( التكبير والتسبيح والتحميد والتهليل)
2. Soonka maalmahaas 9 bari ah oo lagu dadaalo qofkii awooda.
3. Akhrinta Qur'aanka oo labadiyo.
4. Sadaqada iyo wax bixinta oo lagu dadaalo.
5. Baarinimada waalidka iyo sama falkooda oo la badiyo.
6. Salaadaha sunaha ah oo qofku badiyo gaar ahaan salaat- laylka iyo duxada.
7. Towbadkeena iyo in Allaah loo laabto danbiyadana laga toobadkeeno.
8. Quudinta dadka baahan iyo masaakiinta oo lagu dadaalo.
9. Qaraabo xiriirinta in muhimada weyn lasiiyo.
10. Maalinta carafo oo soonkeeda sigaar ah loogu dadaalo.
11. Ducada iyo Alla bariga oo la daa'imo.
12. Ka farxinta qoys iyo ciyaalka maalmaha ciidka.
13. Udxiyada iyo maalmaha ciidka oo xoolo la qalo Alle loogu dhawaado.

Iyo dhamaan Albaabada khayr ee faraha badan baan kaga faa'idaysan karnaa maalmaha 10ka ah ee qiimaha badan.
Alle hana waafajiyo acmaasha khayrka ah.

Shiekh Xasan Cabdullahi Shiekh Xasan

Waxan aad ubogaadinayaa tallaabada ay qaaday xukuumada Soomaaliya ee uu hormuudka kayahay Ra'isul Wasaare Xamse Cabdi Be...
05/04/2024

Waxan aad ubogaadinayaa tallaabada ay qaaday xukuumada Soomaaliya ee uu hormuudka kayahay Ra'isul Wasaare Xamse Cabdi Berre, taas oo jiridda u siibaysa galaangalka guracan iyo faragelinta qaawan ay xukuumada Ethiopia ku hayso gobonimada iyo madaxbanaanida dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, waxan ka codsanaya Madaxweyne Hassan Sheikh in uu dib ujaleeco halku-dhigiisii doorashada, "Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah!" Qowlkaas ficil buu rabaa!!!?

Waxan kaloo baaq udiraya dadka qabyaaladdu madax-martay oo aan kala aqoon xaqqa iyo baadilka, qaranimada dalkaaga iyo quursiga cadowga in aan dhammaanteen u qunno dhowrista wixii naga dhaxeeya, Insha Allaha wixii naga dhiman waan dhamaysan doona.

Guul iyo Gobonimo

Ku dhaado dalka hooyo meel kalane ha u dhaafin!

Address

Garowe Puntland
Garowe
00252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ruman Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ruman Media:

Videos

Share