NUXUR MEDIA

NUXUR MEDIA Save trees now, they will save you in future

06/07/2023

قال الله تعالى في كتابه العزيز وهو أصدق القائلين .
( وَٱتَّقُواْ فِتْنَةً لَّا تُصِيبَنَّ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنكُمْ خَآصَّةً ۖ وَٱعْلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ ) (الأنفال - 25) .
Waxaan ku baaqayaa in gabi ahaanba la baajiyo fasaadkaan loogu magac daray CAWEYSKA CAASIMADDA. Caasimaddu uma baahna ficil Alle ka caraysiinaya ee waxay u baahantahay in laga fakaro horumarkeeda, nabaddeeda iyo wax walba oo dan Adduun iyo mid Aakhiro ugu jidho .

Qabsoomidda arrinkaan loogu yeeray ( CAWEYSKA) waxa ka dhalan kara caro Alle, badalkeeduna wuxuu dib ugu soo laabanaya dadka iyo dalka isagoo huwan caro alle .

Kulamada noocaan ah waxay xambaarsan yihiin in qol weyne layskugu keeno barbaar dhalin yaro ah oo rag iyo hablo leh, deedna loo qaado heeso kicinaya dareenka Alle ku abuuray, ayna is dhex boodaan oo mid mid gacmaha isku Qabsadan .

Maxaa laga filan karaa oo aan ahayn caro Alle!

Waxaan sidoo kale ugu baaqaya ruux walba oo ka shaqaynaya qabsoomidda arrinkaan in uu Alle uga cabsado dalka iyo dadkana uusan fasaad u horuseedin.

Walaalayaal waxaan ka digayaa caro Alle oo aan ku koobnaan doonin cidda samaysa oo qura. Haddii roobkii noo da’ay xoolihiina noo dhaleen oo aan barwaaqo helnay yaynaan ku gudin inaan Alle ku caasinno oo aan la nimaadno ficillo aanan cawaaqibtoodu wanaagsanyn .

Waxaa qoray qormadan
Xildhibaan h**e
✍️Cabdiqani Abshir Surato

02/07/2023

Address

Garoowe
Garoowe

Telephone

+252905907439

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when NUXUR MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share



You may also like